Maxaa inno Gaar ah Ee Laynagu Gartaa

DALJIRE

 

 

Maxaa inno Gaar ah Ee Laynagu Gartaa 

 

By A. GeeljireDubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan. 

 Dubbe:Faaataxa. Waar dhallinteenii badda ku qaraqantay faataxada u mara. Oo ehelkoodii iyo umaddeenoo dhan in Ilaahay samir iyo iimaan inaga siiyooyo iyagana jannadii geeyo aamiin dhaha. Aaamiin. Ta kale anigu madaxdii dalkoo xataa tacsi diraysa ma hayo ee ma haysaan idinku? Gaar ahaan xukuumaddii dadkaba inuu xil ka saran yahay sheeganaysay iyo hoggaamiyaheedii ma haysaan? Xataa afhayeenkii xanta suuqa ka jawaabi jiray oo arrintan wax ka soo yidhi ma hayaan?

Doolaal:Waar arrinta aamiintaa iyo ducada uun ku daa meesha geeri xun baa taallee.

Dubbe:Ilaahow reer Djibouti iyagana ka qabooji colaadda anagana ha na soo gaadhsiin.Aaaamiin. waar aamiin dhaha dee illayn dadka reer Djibouti waa dadkeeniiye. haddaynaan u gurmanayn oo ciidamo u dirayn ma ducada ayaynaan u badin karayn?

Doolaal: Waar nagala tag.Hadday walaalaheen yihiin maxay noo ictiraafi waayeen; saw kuwii xafiiskii yaraana naga xidhay maaha? 

Dubbe:Bal waxaad ku hadlayso eeg? sawtaa odhan jirteen waa walaalaheen iyo”jaarkaaga ma dooran kartid ee Ilaahaybaa kuu dooraa.” iyo nac nac caynkaas ah? ma markaa musuqii aydin ku sallaxanayseen suura geli waayay ayaa iminka waxaa dhuraysaan oo baaq yar oo ciyi waa ka beryay ah ka soo daba tuurausaan xisbiyada. iminkadadan qudheeda xoolahan aydin xaddaan ee carabka u xidheen sawdinka dekedooda ka dhoofiya maaha? Horta wershadahii laydhka ee ay inna siiyeen ma iskaraab ahaan baa u dhoofiseen? xafiiska aad leedahay way xidheenna ma xafiis buu ahaa? nin baa meesha ku lug goyseen oo u dirteen oo tidhaahdeen kirada iyo jaadkaba ka bixiya eh. Waar reer Djibouti waa dadkayagii waa naftayadii wax kale haddanaan taraynna afkaanu ka taageeraynnaa. “adcaful iimaan.” Weligood haddaanay na ictiraafayn anaga waa umaddayadii. Ina Cali Waraabena muxuu kula colloobay? Ma Madaxtooyinkii baa isaga ekaaday?

 Doolaal:Dee anaguba ma diidanin laakiin sutida ayuumbay inoo qabteen. waar khayr bay iska noqonne maxaad ku qoonsatay Madaxweynahu hadduu baaq soo saaray? 

Dubbe:Madaxweynahu waa kee? ma Madaxweyne ayaynu leenahay iminka? 

Doolaal:Oo maxaa helay keennii? wallee waan laydiin taag helin. sawdinkii lahaa waynu heshiinnay maaha ma haddaa dafiraadba keenteen? 

Dubbe:Maya. maya. qalad ha fahmin. macnahu waxa weeye; waa inaad Distoorka ilaalisaa meesha oo waxaan ku qornayn aanad la iman. 

Doolaal:Maxaan ku qornayn distoorka? maxaase inoo keenay Distoor ma inagaa hadal haynayba? 

Dubbe:Eg. Distoorka waxa ku qoran Madaxweynaha waa la soo dooranayaa. markaa waqtigii la doortay mar hadduu dhamaaday Madaxweyne looguma yeedhi karo. waa in loogu yeedhaa Hoggaamiyaha xukuumadda ku meel-gaadhka ah ama hogaamiyaha xukuumadda. haddii afkii suuqa lagu hadlayana Hogaamiyaha waraabe-u-taagga ah. 

Doolaal:Bal waxaad ku hadlayso eeg. waar kursigani dadkuu ka dhexeeyaa waa kursi qaran ee afxumada ka daaya. waar wixii u kordhaana wuu idiin kordhay wixii ka dhinmaana wuu idinka dinmay ee miyaydaan intaa garanayn? 

Dubbe:Waar kursi iyo caliyo layne, kaasi kursina maaha ee waa gambadh intuu Ina rayaale ku fadhiyo eh, miyaanu caynay anagu? hogaamiye baabaanu ku leenahay ee ma cay baa? waa ku sidee? waa in Golaha wakiiladu xeer ka soo saaraan arrintaa oo loogu yeedhaa Hoggaamiyaha. haye. warbaahinta oo dhanna waxaan ka codsanayaa Dubbe ahaan hadday i maqlayaan inay soo qaoraan Hoggaamiyaha xukuumadda ku-meel-gaadhka ah. 

Doolaal:Waar iska daayoo waxaan ku weydiyay. maxaa ugu qanci weydeen sida Guurtidu wax u qortay?

Dubbe:Oo ma wax lagu qancaa bay sameeyeen? mise cid bay wax iskaga tirinayaan? mise dhan ay wax u wadaan baynu garanaynaaba?

Doolaal:Maxaad u jeeddaa?

Dubbe:Waxaan u jeedaa guurtidi waxay noqotay qawlaysato. dee afkeenu waa isu ammaane. Saleebaan markaanu u tagnay wuxuu nagu yidhi. “waar haddaa doorasho doonaysaan waxan aydin ku meeraysanaysaan iska daaya oo ninka impeachment ku sameeya angaa idinla qabanaynee haddii kale hadalka iska daaya.” Xaji Cabdi gobolkii Gaaroodi buu raadinyaa saacaddan laga bilaabo wixii Ina Rayaale wado nin maqlaya maaha.

Doolaal:Oo markaa maxaa yeelaysaan?

Dubbe:Waxaanu yeelaynaa. bahalka daayeerka la yidhaahdo ayaa marka ay koox labood ahi weerar ku soo qaaddo cooflaha ayuu Heeliyada ugu dhow ee ilmo yar haysata ka dhuftaa oo hoosta gashadaa. markaa dagaalkii halkaas ayuu ku joogsaa. iminka haddii aydin heshiiskan burburisaan nabaddii aydin sida daayeerkaa hoosta gashan jirteen markaa wax qastaan cid dambe oo idinkaga hoogaysaa ma jirto ee xeeladahiinna diyaarsada. magacaygana Dhallin Ileeye lama yidhaa. saad-dambe(sahan-dambe) ayaad garanna maan odhan dee. may fahamtay?

Doolaal:Alif. alif. alif. waar xaggay ku maqnayd beryahaan islaantii jinka ahayd? xaggay ka timi maanta? 

Dubbe:Tuma? waar miyaanay dulmar ahayn? waar waxan aan waxba isku falayni ma Dulmar buu jin ku sheegayaa?

Doolaal:’aar adeerow iminkaad noo fadhiisin ood nagaga hadline inna dhaafi. ‘aar soo ururiya graabada hayna dhaaftee

Dubbe:Eeyaahe Dulmar. Ee bal warran? Xaggaad beryahan ku maqnayd?

Dulmar: Hooyo waa nabade bal idinku iska warrama? Anigu xanuun xun oo aan leeyahay oo kolba igu soo noqnoqda ayaa afgembe ii riday oo halkaan bishii hore ku dhacay mdaxa kor uma qaadin. maantaa ii socod ah. socodna maahee waan soo luuday oo waxaan is idhi bal duni wax ka nool. Riyihiina intii aan jiifay daaq la’aan iyo garaabo la’aan bay ku dhaceen oo caddayskiina kama hello. waataanu cunaha noo dhaafin inaan laga soo dhiijin.

Dubbe;ee waadaigan iska ladan ee xoogga ahe. Riyahana maantaba waad u qaadi oo way iska dhiiqiye. maxaad xaal addun war ka haysaa? Dulmar: waxaan hayaa; itii aan jiifayba haddana wax walba waan la socday oo tii aan habar yarka u ahaa ayaa intaa ii warramaysay. iminkana hooyo wixii oo dhan inaan dib idiinku celiyo dooni maayee, waxaan halkan ku soo dhaafay laba qolo sarajoogga ku sheekaysanaya oo leh “wada halka iyo heshiisku waa wax inoo gaar ah oo laynu yaqaan.”
Dubbe:Hayee. oo maxaad tidhi markaa?Dulmar: waxaan idhi tolow waxyaabaha laynagu yaqaan ma taas oo keliya ayay ka garanyaan?
Dubbe:Oo ma qaar kalaa jira anagaaban garanayne.Haa. waxaan xasuustay gudinta iyo hangoolka.Dulmar: Hoognay. awoowgay Hayaanow. Maxaa hangoolkii soo dhigay? goormaa la tuuray?
Dubbe:Adigaaba cilmi hayee bal soo daa oo noo sheeg kuwa kalena.Dulmar: waxaynu nahay:

Dadka guurtidoodu ay ka kooban tahay odayaashii dalka u cuslaa ee haddana aanay dhex noqon karin.

Dadka Booliskoodu laayo iyana laaya booliska ee aan midna ka kale loo soo qaban.

Dadka aan maxakamadahoodu caddaalad aqoon ee haddana subax walba ku sii kallaha ee kiisas cusub la taga.

Dadka Madaxweynahoodu aanu kala saari karin laba beelood oo beer isku qabsaday (Caadda) ee haddana todoba gobol iyo sodomeeyo degmo oo qabyaalad ku fadhiya u sii qaybiya.

Dadka xisbi iyo beel mid ay yihiin aan la kala aqoon.

Dadka hadhsada oo cadceedda ka hoos gala dayaaraddii lagu laayay iyagoo dhegeysanayaa kudhabadda kii (shakhsiyado. maaha beelo) soo iibiyay iyo kii u adeegayay nidaamkii laynayay ee Siyaad Barre ee weliba sacabka u tuma een isweydiin “waar dayaaraddani maxay ahayd ninkayne sacabka u tumaynaase muxuu ahaa?”

Dadka meel ula baxay magac ah “beerta xorriyadda” ee haddana askartoodu ku layso isla goobtaa iyagoo xorriyadda socodka u diiddan aan loona soo qaban.

Dadka dalkoodu leeyahay ama ay ka socdaan saddex lacagood oo dalal shisheeye iyo mid afraad oo wadani ah(S/L sh. Giimabaar,Riyaal ama Bir iyo Maraykan) ee aan dan ka lahayn.

Dadka dalkoodu leeyahay banki dhexe oo lacagtiisa kugu diida oo yidhaahda “ma qaadanno ee Maraykan ma haysaa?” Bangiga lacagtiisa jebiya qiimaheeda ee hoos u dhiga.

Dadka inta la xidho la odhanayo “caddee inaanad dembiile ahayn.” halkii inuu dembiile yahay la caddayn lahaa haddii kale aan la xidheen.

Dadka keliya ee wakiilada ay soo doorteen Madaxweynahoodu intuu u tago ku yidhaahdo “waa edeb darantihiin” ee aan ka cadhoonayn.

Dadka aanu dalkoodu xisbaab xidh miisaanaiyadeedba lahayn oo aanu Xisaabiyahooda Guud sida loo xidhaba aqoon oo dabadaas uun ka furantay.

Dadka doortay Madaxweyne e haddana cid aan isaga ahayni xukunto.

Dadka dalkoodu leeyahay laba xisbi oo muxaafad ah oo aan haddana mid xukuumadda ku jirin ee markhaatiga uun diyaar ula yahay iyo mid mucaarada.

Dadka yar iyo weyn naanays leh ee haddana geed keliya oo ku cusub magac u bixin kari waayay ee yidhi “Garanwaa”

Dadka dalkoodu xeebta u dheer leeyahay ee haddana qoys keli ah loo oggol yahay inuu ka kalluumaysto.

Dadka xeerkooda ay ka mid tahay “la jiifiyaana bannaan”.

Dadka ku dhaqma “fiqi tolkii kama janno tago.”

Dadka aan dalkoodu idaacad qaran lahayn ee haddana sanad walba miisaaniyadda lagu soo daro mid la iibanayo marna loo sheego in la tijaabinayo haddana iska suga uun.

Dadka Dalkoodu aanu lahayn aqal gubta wax ay ku baqtiiyaan.

Dadka gobol dalkooda ka mid ah uu nin keli ahi markuu doono intuu gooyo dawlad kale ku dari karo markuu doonana soo celin karo.

Dadka aan aqoon ciidankooda tiradiisa laakiin yaqaan baloodhada taliyaha ciidanku leeyahay oo ka badan kuwa ciidanku leeyahay.

Dadka ciidankoodu yihiin geesiyaal aan ka soo waaban inay meydka askariga ka dhinta dhakhtarka beebeeyo kagala soo baxaan dadna ku laayaan si ay meedkaa u aasaan.

 

Waa innooo toddobaadka dambe haddii Eebbe yidhaahdo

A. Geeljire


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra