Halkey Ku Sal-leyihin Maqaladda Diridhaba Ee U Ka Qoro Madaxweynaha Jabuti
Waxaan halkan su’aal ku weydiinayaa ninka da’da yar ee Maxamed Cabdi Diridhaba, walaal beryahan waxaad adeegsatay in aad maqaal ku soo qorto shabakada wararka ee Hadhawanaagnews adiga oo aad u dhaleeceeya Madaxweynaha dalka Djibouti ee Ismail Omer Geele, dhab ahaan waa nin dal madaxweyne ka ah, waana la yaqaan dalkiisa iyo dakiisaba taa ku dheeraan mayo.
Laakiin adiga waa lagu yaqaan inta Hargeysa kugula noolayd, waxaa tahay wiil gaarsaday intii ka danbeysay sannadadii 1993kii wixii ka danbeeyey. wakhtigaas oo aad waxbarashadaada aasaasiga ah aad ka bilawday magaalada Hargeysa, ma lihid aqoon saxaafadeed mid waayo aragnimo oo wiil yar ayaa tahay, hadaba waxaan aad ula yaabay in aad moodo ilbaxnimo ama aqoon wacyigii aad ku barbaartay ee Hargeysa ka jiray wakhtigii ay bilaabmeen wargeysyada Hargeysa ka soo baxa oo ahaa dhab ahaan mid ka indho la’aa xirfada saxaafada, iyada oo dadku ay u baahnaayeen in la helo saxaafad madax banaan ayaa waxaa ka faa’iidaystay xiisihii loo hayey xoriyada saxaafada dad aan xirfad u lahayn mihnada saxaafada, qof kasta oo la socday wacyigaas wuu ka war qabaa dadkii saxaafada ka shaqayn jiray ee bilaabay aqoontooda iyo halkii ay ka soo jeedeen. Hadaba walaal waxaan ku leeyahay dunada kama iibsamayso wixii Hargeysa joornaalada la iskugu qori jirey ee ahaa iska cay hebel, ku jiqsii iyo reerihii dagaalka inta ay soo galeen (isaaqa) ee maamuli kari waayay jabhadoodii (SNM) ee markii beelihii kale ee Somaliland ay maamul wada dhisteen ay ku danbeysay in uu reerba reerka kale dacaayadeeyo ee maanta laga wada dharagsan yahay halka ay marayso. Dadyawga dunidu walaal waxa ay wax ku kala qaataan:
1. Waa in qofku soo gudbiyo aqoontiisa oo ku salaysan cilmi uu bartay, oo la garanaayo cilmigaasi ka uu yahay
2. Waayo-arragnimadiisa shaqo oo uu qofku ka qoro xusuusqor intii uu shaqaynayey sida buugaagtii ay qoreen (Maxamed Saciid Gees iyo Ambassador Cawil Cali Ducaale)
3. Dhacdooyin dhacay intii uu noolaa oo uu ka sheekeeyo dadkuna uu garayaayo intii wakhtigaa la noolayd oo loo qiro.
Hadaba adigu walaal maqaaladaadu intaa midna kuma salaysna oo Ismail Omer Geele lamaad soo shaqayn, taariikho dhacayna kama sheekaynaysid, hadaba walaal waxaan la yaabay adiga iyo shabakadda Hadhwanaag ee qorta maqaalkan, bal su’aalahan iiga jawaaba.
Ma waxaad u qaadateen in dadku wax iska akhristaan iyaga oo aan qiimayn ama aan dayin halka ay ku salaysan yihiin waxa la qoray?
Ma waxaad u jeedaan in aad Somaliland iyo Djibouti isku dirtaan oo dadka reer Djibouti u tustaan in fikirkaa laga haysto iyaga iyo madaxweynahooda?
Waxaanu idinka sugaynaa jawaabta
Keyse A. Amare
E-mail: keyseamare7@hotmail.com
