OPINION

Dhibaatada qaxoontinimada iyo hijrada wadanada shisheeya(gabay cusub

Dhibaatada qaxoontinimada iyo hijrada wadanada shisheeya(gabay cusub dalkan dumay dadkiisi dib ayaa usoo celin)

 

Umadeena iyo umado kale oo badan waxaa ku dhacay dhibaatooyin fara badan kuwaas oo lasoo koobi kareeyn balse waxaa ugu daran marka ay quruun qaxdo ee ay u tagto quruun ayna isgayin dameerahodu oo qoloba qolada kale layaabto!

Aduunyada waxa ugu xun qaxoontinimada iyo dagaalka sokeeye. qaxoontinimadu bulshada waxay ku keenta dhibaatoyin aan lasoo kobin kareeyn taas oo keenta khilaaf ka dhex dhaca bulshada iyo kala tag laga yaabo aanu qofku dib ugu soo noqon dalkiisi iyo bur bur qoys qaxoontigu waa sida nin reerkiisi oo caafimad qaba ka tagey dabadeed uu gurigii qabsaday dab halkaasna ay ku geeriyootay hooyadii markii usoo laabtay waxa uu kusoo labtay mashaqo .

Mashaqadii kadib ninkii mashaqo kale ayaa ku dhacday oo caruurtiisi ayaa la qaybiyey qaar loogeyey habar yara hood iyo abtiyaal shood iyo qaar loo geeyey edooyinkod iyo adeeradood madaaba ay hooyadii geeriyootay caruurtaasi ma is af garan doonta ? taasi waa sahaalo bal ka warama inaka xaaladeena waxaay dadkeenu yidhaahdan reerka ay ujoogan dhawar wadan caruurtoodu waay ugu jirtaa horta arsaaqada Rabi ayaa bixiya meel kastana way taala laakinse nololshu ma lacag uun baa marka ay hooyadii iyo aabihii ubad kiisi ka tagaan farxad way ka tag tay qoysku marka ay wada hajiraana farxad way ka tag tay qoyskaa. dadkii yurub iyo amerika yimid maanta nololsha aanu ku nool nahay Rabi ayaa og. waxaan hadaba usheegayaa dadkayga walalayaal deeqda Rabi ayaa hayee dalkeena aamina waan ogahay maanta wadankeena inay dhibaato kajirto shaqo la`aan iyo dawladnimo xumo dalka ina nacsiinaysaa ,

Balse waxad ogaata malinta aad ka tagto dalkaaga Rabi ayaa og sida aad usoo noqon waydin kaa arkaaya dhibaatada falastiinata haysata iyo dhibta soo celisay yuhuuda oo waliba caalamka haysata inakuna waxaynu kanahay majirto yurub iyo ameerika wixii kale ee aan odhan lahaa gabaygan aay xanbaarsan .

 

 

Dalkan dumay dadkiisi

Dalalkaa shisheeyey danigooda

Galiyeen doolar doog

Kabaxa iyo dahab la iska

Qaata daafa u buuxan

Duul baa duulay oo

Tagey ama doonyo

Raacayba dalalka shisheeya

Dooxiyo damaam iyo dalastaa

La sheegaba dablin iyo

Dhankeedi duni dayday

Goodo Daayin aanu

Siino daal kiyo

Dhibaatada dusha aad

Ka aragtaa dar Ilaah

Usamrayoo ducadoodu ay

Tahay Dayin oow

Raxmaan oow dalkii

Hooyo nagu celi.

Duul baan duulin

Oo tagin dibadaha

Shisheeyaha dalka

Hooyo aaminay Dayin

Keen Ilaahen duunyadii

U dhiibo darihii yagleelsho

Damaashad ku nool

Oo dareen koodu

Nool yahay waa duul

Dalkoodii dagey oo

Ku nool oo damir

Koodu nool yahay

Daruuf xaajo badan

Iyo dantu kala

Horayse diintena wacan

Iyo dad nimaduna waa

Sade ruuxii dibad

Uhajira daadamay oo

Lumay duulka soo

Qul –qulayoow dalkan

Dumay dadkiisi adigoo

Dadkaa iyo duulka u

Haystoo diirkaga leeyin

Dadka leeto kugu

Noqon dibaduhu dhib

Badanaa dalka hooyo

Wacnaa malintad ka durug

Tay dibnahaagu qosol dayn

Dalka hooyo wacanaa

Duq hadad ahaan

Jirtay dabka huraya

Damiyoo dadku ay

Dhageystaan malintaad ka durugtad

Duli aad noqonisaa dar

Biyada fadhiisto dumurkuna

U taliyaan dad kuwaad

Korinisee Dayinkeen Ilaahen

Dahrigaa ka uuma

Dad kaleeto kugu

Noqon adigoon dareemeyn

Danbi wuxuu ka joga

Duqii waayo jiray

Oo dumarkiyo caruurtaas

Danbigay sameeyan dushaa

Adiga weeyan Dayin

Dhaafimaayana danbigana

Waxaa dhigay dalka hooyo

Dabarogay sheekhaw dadkena

Duunyada u waashee

Distoor Eebe diide

Daacadnimo ka leexde

Diriraw aduunyadu dakil

Kooda ay gashey dulmigaan

Sameynaa duufano noqday

Oo dalkii hooyadeen helay

Dayin lagama quuste

Diriraw dadkaagi dalkan

Dumay dadkiisi ducee

Oo Quran akhri

Adigaa duruustiyo diinta

Wacan iyo ducadiyo

Quraankaba Rabi kugu deeqo

Darajada ku siiyee

Marku waagu dadan

Yahay ilaa daakiradiyo

Duhur kiyo habeenkii

Ducadiyo Quraan akhri

Dulmigiyo dhibaatada dalka

Hooyadeen helay Dayin

Inuu ka qaado dadku

Uu hagaago daruur caafimad

Dado dur durkiyo barwaaqadu

Dalka ay ku hooran

Ducee oo hadana akhri

Digrigiyo Quraan kaba

Dalkan dumay dadkiisi

Duulkii ka haajiray

Dadaamay ee lumay

Dib inay u laabtan iyagoo

Dadkeen iyo diinteen ku

Suganoo duulka leeto

Nagu noqon ducee oo

Hadana akhri digrigiyo

Quraankaba aad dayin

Eebu deeq diisa wasican

Darajada ku siiye Afrikaba

Dhamaanteed waa duul

Islaamiyo dad Ilaahey

Uunto duni lagu ciqaabe

Inuu Dayin eebu

Deeqdisa siiyo dulmigana

Ka qaado kuwa daaliminta

Ah dalqalada warabaha

Dadka uu ka joojiyo

Ducee oo hadana digrigiyo

Quraankaba ruux kastoo

Ladaalimo inuu Dayin

Daafaco daraf kiis istagana.

Daayin waxaan ka bar

Yayaa dalka oo hagaago

Dabayl caafimad hela.

Dayin waxaan ka bar

Yayaa dalka oo hagaago

Duulkii ka haajiray

Daadamay ee lumay

Dawladiisu soo gurto

 

 

 

Nasir x.ciise(ina geeljire)

Cardiff uk

nasir_issa@hotmail.co.uk


TOP

179 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE