OPINION

Dhawaqa Dhallinta Awdal: Dhacayeey Aabo i Qabo

 

Waa ayaanba ayaan, imikana ubadkii Awdlabaa u badheedhay inay tahriibaan, oo naftooda biimeeyaan. Waxay doorteen in halkii ay ku dayacnaan lahaayeen dhulkoooda hooyo ay ku dhintaan badaha waaweyn dhexdooda, oo maydkoodana qariyaan. Labo iyo Labaatan (22) dhalinyaro reer Awdal ah ayaa ku qudh waayay xeebaha Liibiya iyo Yurub u dhexeeya, waana tiradii ugu badnayd guud ahaanba dadka ka tega somaliland ee lasoo weriyo. Waa dhacdho foolxun kana tarjumaysa rajo la’aanta ka taagan xukummadda haatan ka talisa dalka Somaliland.

 

Maxuu yahay mustaqbalka iyo rajada taalla Somaliland:

Marka masuuliyiintii sare ee dalku iyagu carruurahooda u diranayaan qurbaha, iyaguna ka dabi tegi doonaan marka talada lagala wareego?;

Marka inta lacagta haysata uuni gali karaan jaamacado heli karaana shaqooyin?.

Marka DanYare dulmanyahay, Danbuuranena daacayo kibir iyo dhereg?.

Marka la sheeganayo dawladnimo iyo diimuqraadi, hadana qofkii diida maamulku yahay maxbuus ku xidhan gurigiisa, ama jeelba ku jira, oo kaliya isku furi kara uun inuu tahriibo, oo dalka uga tego dawladda dalka?.

 

Waxa lasoo weriyay in qaar ka mid ah dhalinyaradaasi tahriibaysay oo haystay telefoonada gacmuhu ay ehelkooda la hadlayeen markii ugu danbaysay ee ay doonidu sii degaysay. Waa dhacdo laga muraaro dilaaco, lehna murugo aad u weyn.

 

Ilaahbaa qaddaray, Ilaahayna marbuu kala xisaabin doonaa Ummaddiisa, oo kuwuu saaray masuulka dawladnimo ee ubadkooda baday ayaan darradan, uu kala xisaabtami doonaa:

 

Dhallintii Awdalbaa

Dhawaaqdoo waxay tidhi

Dawladaan dhisnay miyay

Dhego noo yeelan wayday?

Ma dhuuxiyo cuniyhiyo

Laf dhabartay na gooyeen?

Ma dhaqaalihii dhulkeenaan

Dhif iyo ka laanahay dheef?

Ma cilmigaan dhiganiyo

Dhudhun baan shaqo ku weynay?

 

Ifku waa dhib iyo dhereg

Isku dheraran Ayaamuhu

Dharaariba tahay cayne

Saakana maxaa dhacay?

Soow naftu dhoofa may odhan

Dhaqaaqoo tahriiboo

Orod is dhiga dhammaantiin

Mawjadahaa dhaadheeriyo

Hirar dhirbaaxo dhaclayn

Dhul aanan aqoonin soow

Dhabarka saara may odhan

 

Dhulku wuu madawyahay

Baddu way dhanaantahay

Doontiina way dheeliyaysaaye

Dhacayeey Aabo i qabo

Dhakhso Hooyo ii gurmo

Dhintayeey Awdal i aaso

Hadday noo dhammaatayna

Male dhawrto weeyiye

Ka dhigtaay tusaaloo

Dhoodhoobta baaqiga hadhay

Gunnimo lama dhawaystee

Dhawrsadaay Gobanimo

Ha dhacdiidinee dhaqaaqaay

Dhaqaaq Awdaleey Dhaqaaq

 

 

Cabdiqani Yuusuf Caateeye

 

hiildan@yahoo.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


TOP

182 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE