Abshir dulmiga ku dhacay nin kasta wey sugeysaa
Xadhiga Abshir saxardiid waa la mid kii wariyeyaasha Haatuf iyo madaxda qaran, Maxaa looga aamusey isaga, aargudasho in loo adeegsado awooda xafiisyada dawladda ma oggolin, xad gudubka lagula kacay abshir waa mid muwaadin walba lagula kacay, maadaama ay cadaalad darro tahay.
Waxgaradka, saxaafadda iyo intii cadaaladda jecelba yaan laga aamusin xadhiga Abshir baan ku baaqeyaa.
Berito qof kastow adigana wey ku haysataa, hadii aad cadaaladda difaaci weydo. Caafimaadka shakhsi kasta, horumarka iyo maamul wanaaga waxa asal u ah cadaaladda.
Cadaaladu waa shay waraabiya kalsoonida bulshada, horumarka, is aaminka, aakhirada qof kastana waxa baabiisa ama saacidda cadaaladda iyo cadaalad daridda sida u ugu kala dhaqmi jirey. Waxa aan jecelahay in aan ummadda reer Somaliland weydiiyo su’aasha ah, Muxuu ku xidhanyahay Abshir Saxardiid oo ahaan jirey shaqaalaha madaxtooyadda ka dibna ka ruqseystey.
Su’aashaas jawaabteedu waxa ay ku dareensiineysaa cadaalad darada iyo ku takrifalida awooda xafiiska dawladda ee taala Somaliland. Abshir waxa u markhaati u furey wargeyska Haatuf oo soo bandhigey cadeymo muujinaaya hantida kala duwan ee qoyska madaxtooyadu ku takrifaleen Abshirna uu ka markhaati kacey. Sida diinta islaamku inoo fartey ilaalinta cadaalada, kuna qoran dastuurkeena in aan muwaadin iska xidhnaan karin maxkamad la’aan muddo ka badan 48 sacadood. Haddaba, kuwa xidhey Abshir ma’aha kuwo nidaamka wadanka u adeegeya, islaamnimo iyo cadaaladna wax ka garaneya, waa niman kuwa amrey u haysta dukaan ay leeyihiin oo dawladnimada qof iska leeyahay siduu doonona ka yeeli karo.
Waxa is weydiin le. Muxuu Abshir maxkamad la’aan ugu xidhanyahay? Maxaa loo keeni waayey Maxakamad? Arrintaas nin kasta wey u taalaa, hadii maanta la idiin tusey in xadhiga Abshir yahay Aargudasho. Kuwa amrey iyo kuwa fuliyey waa arrin hadaanu nool nahay anaan ka hadhi doonin. Waxa haboon in lagu cambaareeyo madaxtooyada iyo hay’adaha cadaaladaba in ay dembi ka galeen muwaadinkaas, kaas oo la mid ah mid muwaadin walba laga galey, madaama aanu sharci ahayn. isla markaasna ay ku xadgudbeen dastuurka.
Waxaan ugu baaqeyaa dhamman dadka reer Somaliland ee cadaaladda fahamsan qiimaha ay leedahay iyo saxaafadaba in aan laga aamusin xadhiga Abshir oo loo arko mid la mid ah kii wariyeyaasha Haatuf iyo hogaamiyeyaashii qaran. Waa in lagu qeyliyaa in maxkamad la’aan aanu qofna xidhnaan karin. waa in la cadeeyaa in awooda dawlada aan lagu kala aar gudan karin, waa in laga mudaharaadaa.
Amina Hagi Mohamoud
amina_991@hotmail.com
dambiga loo haysto abshir

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Cali Kayse Kabadhe
Ibrahim S. Yusuf-Bulay
Shueib A.Yousuf
Abdi Mohamed Ali
Abdiaziz A Musa
Abdiaziz A Musa
Musa Adan (Muse Qodaal)
Sayid Maxamed Yuusuf
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
Ahmedweli Sh. Omer
Mohamed A. Awale
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur