Xisbiga KULMIYE oo caddeeyey in Heshiiskii ay la gaadheen Xukuumadda Riyaale uu yahay heshiis qabyo ah oo aan rasmi ahayn

Hargeysa (Somaliland.org) – Xisbiga mucaaridka ugu weyn ee KULMIYE ayaa caddeeyey in heshiiskii hoggaamiyayaasha saddexda xisbi ka gaadheen khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan aanu weli rasmi ahayn, waxyaabo badan oo laga sugayo mudane Daahir Riyaalena ay qabyo ka yihiin.

Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE, mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir Faarax oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in qoraalkii xambaarsanaa 8da qodob ee lagu heshiiyey ee ay wadajirka u soo saareen wakiillada saddexda xisbi, kadib kulankii ugu dambeeyey wadahadaladii Madaxtooyada uga socdey hoggaamiyayaasha saddexda xisbi Axaddii aynu soo dhaafnay, kaas oo uu dhinaca KULMIYE u saxeexay isaga oo ah Guddoomiyekuxigeenka 2aad, uu ahaa war-murtiyeed ay ugu talagaleen saxaafadda, balse aanu ahayn heshiiskii rasmiga ahaa ee laga filayey ama lagu gaadhey wadahadalkaas. Waxana uu sheegay in heshiiska rasmiga ahi uu dambeeyo, isla markaana uu soo bixi doono marka la dhammaystiro arrimaha ka qabyada ah oo badidoodu ku xidhan Madaxweynaha ku-meel-gaadhka ah, mudane Daahir Riyaale Kaahin, ayna madal ku wadasaxeexaan Guddoomiyayaasha Saddexda xisbi Qaran.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir oo shirjaa jaraa’id faahfaahin kaga bixiyey heshiiskaas, waxa uu ka warramay heerarkii uu wadahadalku soo maray iyo sida uu ku yimi heshiisku, kaas oo uu sheegay inuu ku yimi isu tanaasul. Waxana uu sheegay in hadalkii wadajirka ahaa ee ay soo saareen uu ahaa nuxurka arrimihii lagu heshiiyey. Laakiin, ayuu yidhi, “Faahfaahinta iyo heshiiska inta ka dhimmani intuba way dambeeyeen”.

“Markaa runtii waxaan doonayaa inaan u caddeeyo, dadka sida khaladka ah u fahmeyna aanu ka dhaadhicino, qodobadan waa lagu heshiiyey ee laakiin, heshiiskii oo dhan oo la kala saxeexday maaha,” ayuu raaciyey mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir.

Mudane Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in arrinta khilaafka weyni ka taagnaa ee keentay wadahadalku ay ahayd muddada xilka Madaxweynenimada oo ka dhammaatay mudane Daahir Riyaale 15kii May, isla markaana Guurtidu ugu kordhisey si sharci darro ah, taas oo uu sheegay in xisbiyada mucaaridka ahi ay mawqif adag iska taageen, xukuumadda iyo xisbigeeduna ay ku adkaysteen inay sharci tahay mudda-kordhintaasi. Waxana uu sheegay in markii labada dhinac mid waliba mawqifkiisa ku adkaystay, looga gudbey in la isweydiiyey wax xalku noqonayo, taasoo uu sheegay inay noqotay in doorasho degdeg ahi dhacdo, si xaaladdan looga gudbo.

Waxa uu sheegay in sidaas darteed, laga wadahadlay sidii doorasho u dhici lahayd, caqabaddana looga horqaadi lahaa. Waxana uu xusay in heshiiska laga gaadhey doorashadu uu yimi markii la isla qaatay in doorashada Madaxtooyada la soo hormariyo, meeshana laga saaro doorashada Dowladaha Hoose, si wakhti ku filan loogu helo diiwaangelinta.

Waxa uu intaas ku daray in doorashada wakhtigeeda uu cayimayo Komishanka Doorashooyinka oo uu sharcigu siiyey, isla markaana loo daayey Komishanku inuu soo cayimo, balse, waxa lagu heshiiyey ayuu yidhi, in doorashadaasi ka soo hormarto muddadii Guurtidu qabtay oo ah 6 April 2009.

“Markaa Time Line-ka ama jadwalka sida doorashadu u qabsoomi karayso, Komishankaa xilkaa la saaray, iyagii baa laga sugayaa inay soo dhammeeyaan. Inay dhakhso u soo dhammeeyaan oo ay heshiiskan ka mid noqontona waan rajeynaynaa,” ayuu yidhi.

Qodobada Qabyada ah:

“Waxa jirey arrimo aan halkan (heshiiska 8da qodob) ku qornayn, balse lagu heshiiyey,” ayuu yidhi, mudane Cabdiraxmaan.

Waxaana ka mid ah sida uu sheegay arrimahaas in caqabadda sharci laga horqaado diiwaangelinta, wax ka beddelna lagu sameeyo xeerka Diiwaangelinta codbixiyayaasha, taas oo uu sheegay in qodobada la faafiyey ee heshiiska laftiisa ay ku jirto ama lagu xusay in la laalo qodobada xeerka ee aan la jaanqaadi karayn doorashada Madaxtooyada, taasna waxa uu sheegay in lagu heshiiyey in Madaxweyne Riyaale uu golayaasha u gudbiyo, sida ugu dhakhsaha badanna loo ansixiyo wax-ka-beddelkiisa. Waxana uu sheegay in aanay taasi weli fulin. Isaga oo xusay in Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawinaya doorashooyinka laftoodu ay ku adkaysteen in qodobadaas caqabadda ku ah doorashada oo laga saaro xeerka Diiwaangelinta mooyaane aanay bixinayn dhaqaalihii ay ugu talagaleen diiwaangelinta.

Waxa kale oo ka mid ah heshiiska in dammaanad sharci loo sameeyo wakhtiga doorashada loo cayimay, si Golaha Guurtidu aanu mar dambe u kordhin wakhti kale oo dheeraad ah, isaga oo sheegay in qoraalka ay ku faafiyeen qodobada lagu heshiiyey ay ku jirto in haddii xaalad dabiici ahi timaaddo oo doorashada dib u dhigi kara, Komishanka iyo Saddexda xisbi ay ka wadahadlayaan waxa laga yeelayo, Guurtiduna ay sidaa lagu heshiiyey ku ansixinayso.

“Taas Guurtidu in aanay wax dambe kordhinna Dammaanad baa looga baahan yahay oo inay qodobkaa soo ogolaadaan oo heshiiskan lagu lifaaqo baa loo baahan yahay,” ayuu yidhi mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir.

“Taana waxa loo xilsaaray Madaxweynaha oo isagu Guurtida ka soo dhammaynaya oo keenaya. Taasina way maqan tahay,” ayuu raaciyey mudane Cabdiraxmaan.

Waxa kale oo uu sheegay in arrimaha lagu heshiiyey ee ku jira heshiiskii ay faafiyeen ay ka mid tahay in xisbiyada iyo xukuumaddu yeeshaan isku xidhnaan, isla markaana guddida farsamo ee saddexda xisbi ay noqdaan guddi joogto ah oo ka shaqaysa kalsooni abuurista xisbiyada iyo xukuumadda. Waxana uu sheegay in taas macnaheedu uu yahay in lagu xallilo cabashada xisbiyada mucaaridka ah ee ah in hantida iyo awoodda dowladda lagula dagaalamo mucaaridka gaar ahaan, xisbiga KULMIYE, isaga oo tusaale u soo qaatay sida xisbigooda loogula dagaalamo warbaahinta qaranka iyo inay isku milmeen xukuumadda iyo xisbiga UDUB, culayskoodana ay saaraan xisbiga KULMIYE.

“Taa waa nalooga garaabay, Guddina waa loo saaray. Guddidaa Sagaalka ahi (Guddida Farsamo ee saddexda xisbi), wax wada jir ah bay ka soo saaraysaa, si awoodda iyo hantida qaranka aan loogu isticmaalin xisbiyada mucaaridka ah, waxayna ka keenaysaa wax lagu xakameeyo ama lagu joojiyo,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

“Waxaanuna jecelahay in guddidaasi si dhakhso ah u fadhiisato, waxna ka keento arrintaas,” ayuu raaciyey mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir.

Ugu dambayntaa mudane Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in heshiiskaas oo nuxurkiisa la faafiyey, weli ay ka dhiman yihiin arrimahaa qabyada ah ee looga baahan yahay golayaasha iyo guddida la saaray.

“Marka intaasi soo dhammaadaan ee lagu lifaaqo heshiiskii oo dhan ayaa waxa saxeexaya saddexda guddoomiye,” ayuu yidhi.

“Waxaan anigu saxeexay haddaan ahay Cabdiraxmaan Cabdilqaaddir wuxuu ahaa warsaxaafadeed ay saddexda xisbi soo wada saareen ee heshiiskii waxa saxeexi doona saddexda guddoomiye, markaas ayaa heshiiskii oo dhami ka soo bixi doonaa,” ayuu raaciyey.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdilqaaddir waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE uu qaatay mawqif wanaagsan oo tanaasul u ah danta qaranka.

“Waxaan shacbiga Somaliland u sheegayaa in aanu jirin wax annaga nagu baaqsani ma jiraan, waxaa laga sugayo Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu haddii ay soo dhammaadaan heshiiskaasi wuu dhammaanayaa,” ayuu yidhi.

Muhiimadda Saxeexa:

Mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir waxa uu sheegay in marka madal lagu wada saxeexo heshiiska tallaabada ugu horraysa ee la qaadayaa ay tahay in Deeqbixiyayaasha loo tago, loona geeyo heshiiska oo saxeexan, si markaa ay u sii daayaan kaalmadii ay ugu talagaleen maalgelinta doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha, taas oo la xayiray kadib markii Guurtidu carqaladaysay heshiis saddexda xisbi iyo Komishanku ka gaadheen wakhtiyaynta diiwaangelinta iyo doorashooyinka.

Mudane Cabdiraxmaan, waxa uu xusay weftiga saddexda xisbi iyo Komishanka ee tegaya Nairobi, kaas oo uu sheegay inay dib u dhaceen, lagama maarmaanna ay tahay inay haystaan heshiiska oo saxeexan.

Weftiga Komishanka iyo saddexda xisbi ayaa la sheegay inay dib ugu dhaceen 13ka bishan June.

Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada ayaa galay fasaxoodii caadiga ahaa intii wadahadaladuu socdeen hoggaamiyayaasha saddexda xisbi, iyada oo ay ku xidhan yihiin qodobo ka mid ah heshiiska.

Mudane Riyaale oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa mar la weydiiyey arrinta xeerarkaa waxa uu sheegay in uu awood u leeyahay inuu isugu yeedho golaha fadhi aan caadi ahayn.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org.


TOP
Abdirizaq Dubad

Abdirizaq Dubad

Abdirizaq Dubad has blogged 1123 posts.