Kase Waayeel Wuxuu Waa Qabaal Waana Kabataane: Wew Love America
(Kase Waayeel Wuxuu Waa Qabaal Waana Kabataane)
“We Love America.”
By A. Geeljire
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Dubbe:Waar wada dee sheekada maxaa la aamusteen markaan soo galay?
Doolaal:Waxaanu la aamusnay, waannu idin yar xamannay oo waxaannu nidhi. “waar nimankii is xiijinayay ee lahaa waxba ictiraafi mayno sawkan intii guurtida uun aqblay. Maxay naga waalayeen haddaa?
Dubbe:Horta idinla yaabi maayo oo dad badan oo war moog ah ayaa sidiinaa u hadla. Qaar cadhaysan oo anaga ah oo ka xanaaqayna waa jiraan illayn sidiinna anagu been ma iibinno eh. Qudhaydu in lagu giijiyo Rayaale waan jeclaa. Laakiin waxaydin ilaabaysaan inay siyaasaddu tahay wixii suura gal ah. marna “nabadda nabadda” ayaydin wada odhanaysaan markaanu nabadda dhawrana waa nagu caayaysaan. Xaggaanu idiin raacnaa idinka?
Doolaal:Dee haaye marka hore inaydin nala garataan bay ahayd.
Dubbe:Waar heedhee. Horta weli Arbaca-turub ma ciyaartay oo mid badaw ah oo saaxiibkaa ahi kolba baashe fas ah aad soo dhigtay ma jaray? Horta anaga Rayaale iyo Guurtida waxa nagaga daran Ina Cali Waraabe oo aanu ka ilbixi weynay. Waxa allaale wax lugtayada iyo tiisa isku xidhay garan mayno. Mar walba waxaanu is odhanaynaa waar malaa sidii hore wuu dhaamaa. Garab gorayo ayuu nagu dilay. Ta kale ee aydaan idinkuu fahmayni waxa weeye……
Doolaal:Maxaanaan fahamayn? Waar wax walba waanu fahmaynaa ee idinkaan fahmayn.
Dubbe: Waar bal isug dee aan hadalka dhammeeyee. Waxaydaan fahmayn xisaabta siyaasadda. Xisaabta siyaasadda laba laba u gee(2+2=5) waa shan ee ma aha afar.
Doolaal:Siday u tahay dee? Ma haddaad xisaab aan dunida lagu aqoon noola timi?
Dubbe:Horta malaa waad illawyday ee anagu markii hore waanagii oggolayn illaa December inuu sii joogo. Taasi waa sideed bilood oo dheeraad ah. Guurtiduna afar bilood bay ku dartay markii dambena 11 bilood baanu isla oggolaanay markaa marka mawqifkayagii hore iyo kan dambe 2 bilood u dhexeeyaan anaga way nala noqon weyday in dadkaanu xorayntooda tobonka sanadood kaymaha ugu jirnay ee saddex sanadood oo qax iyo dagaal kulul ah soo maray ee 18 sannadoodna yab-yab iyo kacaa-kuf ahaa inaanu laba bilood oo Ina Rayaale bursado ku kala daadino. Waa sidee caqligiinnu? Labada waxaad na tidhaadaa sidee u aaminaysaan Guurtida iyo Sheekh Axmed Nuuxii saxeexiisa dafiri jiray, Xaaji Cabdi oo ay qaalin awr loo laabayo iyo xeerka oo Madaxweynaha loo laabaa ay isugu mid yihiin, ninkii sida yara ahaa ee baastooladda sitay ee Siciid la lahaa iyo yam yamtan iyo qadaadweyntan hoos yaacaysa?
Doolaal:Aan kuba weydiinee maxaa ku aaminaysaan?
Dubbe:Waa su’aaal wanaagsan. Aamini mayno oo adba waad ogtahay inaanay ahayn niman aanu angu aamini karno eh waa naga afeef.
Doolaal:iminka markaa ma halkaasaa ku soo gunaanadeen arrinkii?
Dubbe:Maya. Qaybtaas waqtiga ayaanu halkaa ku dhammaynay laakiin arrihii xukuumaddu way noo hadhsan yihiin.
Doolaal:Maxaa idiinu hadhsan?
Dubbe:waxa noogu hadhsan. Illayn meesha xukuumaddii la doortay waatii dhacday ee waqtigeedii dhamaaday. Awoodda dalkana inay xaaraan ku sii wada haysato maaha oo cidi uma dooran hadda eh. Markaa haddaanu u oggolaanay inuu Ina Rayaale sii joogo oo Wasiiradiisii sii joogaan Waa in ugu horrayn magaca Xukuumadda loo bixiyaa;Xukuumadda ku meel gaadhka ah, waa in awoodaha qaranka iyo hantida qaranka ee xidhiidhka iyo saamaynta la leh doorashooyinka waa in dhex loo ahaadaa oo la wada maamulaa ama cid dhex ah oo hab dhex ah oo banyaal ah ku maamusha loo dhiibaa. Sida Dekedda, Warbaahinta Qaranka, Bangiga Dhexe,Ilaha Dhaqaalaha, waa in fasax aanu u helno in nala siiyo macluumaadka aanu uga baahanno wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumadda, inaanay xukuumaddu wax heshiis ah oo caalimaya oo aanay Golaha Wakiilada u soo ban dhigin aanay saxeexin, arrintii Adhiga oo dib looga noqdo,Guddida Nabadgelyada oo la kala dareeriyo, arrimaha wixii qaranka saameyn weyn ku leh laga wada tashado xukuumadda ku meel gaadhka ah,Golayaasha iyo Axsaabta Qaranka. IWM.
Doolaal:Waar waxaasi idinka socon maayaan ee maxaa kalee haysaan?
Dubbe: Haddaa ma waxa idinka soconaya kolba afar oday oo Ilaa Afweyne la adeegsanayay oo TVga la keeno oo yidhaahda “Reer Burco Hargeysa ha nooga baxaan?” Ma waxaasaa xukuumad iyo Qaran ku sheeganaysaan? Ma waxaasaa ummad ku hogaaminaysaan? Ina Rayaale qaarna wuxuu soo farayaa “haddii aanu Rayaale kursiga fadhiyin Isaaqow waynu isku qabsanaynaa isaga ayaynu ku kala nabad galnay.” Marna Isaaqa ayuu isku diriyaa oo odhanayaa qaarkood TVgayga soo fadhiista oo kuwa kale ka caaya oo magaalada nooga baxa.
Doolaal: Halkaad haddana isku qaadday? Waar dee dadku iyagaa Tvga iska yimi oo fikirkooda ku hadlayay ee maanagaa keenay?
Dubbe:Waar dhegeysta. Meesha haddii Qaranimo la doonayona sidii qaran ha loo maamulo. Anagu waxaanu leenahay waar Isaaq magaalooyin iska saari kari maayee yaan walaalnimada ummadda reer Somaliland ee guud la dilin. Haddaynu nidhaa reer Burco Hargeysa ha ka baxaan maxaynu reer Sool iyo Sanaag ugu yeedhaynaa?
Haddii Daahir Rayaale uu Boorame siyaasiinta mucaaradka ee reer Awdal iyo cid walba leh u diido oo yidhaahdo shiida ama ama makarfoonada ka xidha ama soo mustaafuriya muxuu isagu isku hallaynayaa? Waar UDUBay waddadaa hayna maraninna.
Doolaal:Waar dalka waa loo siman yahay ee waxaad aad sheegayso maanaan maqal.
Dubbe: adigu weligaaba wax maad maqal. Miyaad maqashay haddaa nin UDUB ah ee ay gaalka reer Maraykan ku kulmeen huteel Addis Ababa ah?
Doolaal:Maya? Muxuu ahaa?
Dubbe:Aniga isagaa iiga sheekeeyey wixii dhex maray. Sidaynay u dhacday:
Wuxuu yidhi. “anigoo kursi iska fadhiya ayuumbuu gaal dusha ka soo degey isoo ag fadhiistay. Mid xunoo Ingriisada aad u yaqaanay oo ila socdayna markaas ayuumbuu kacay oo yidhi waxbaan debedda ka soo qabsanayaa.”
“Gaalkii: Hi! How you doin’? (is ka warran)
Aniga: We are in peace Sir. How are you? ( waar waa nabade adigu iska warran)
Gaalkii:I’m fine. Thanks.
Aniga: How is the women and children? (Xaaskii iyo carruurtiina ka warran)
Gaalkii: What women and children? (gabadhee iyo carrurtee?)
Aniga: Your women Sir. (dee xaaskii)
Gaalkii:Do you know her? (Oo miyaad is taqaaneen xaaskayga?)
Aniga: No sir. In my country we ask the women and the children. (maya ee anagu waanu is weydiina markaanu is bariidinayno)
Gaalkii: Oh! I understand. Sorry, I do not have a wife. Where are you from?(waan gartay. Xaas ma lihiye waddankee baad ka timi?)
Aniga: Somaland Republic Sir. (Jamhuuriyadda Somaliland)
Gaalkii:You don’t have to call me Sir. You can call me John. What is yours? (magacaygu waa John. Isagaad iigu yeedhi kartaa kaaguna waa maxay?)
Aniga:Bullaale is my name. my other name is Big Ears.(magacaygu waa Bullaale. Naanaystayduna waa Ina Dhegeyaweyne.)
John: Oh! Big Ears? You mean like Elephant? (Dhegaweyne. Sida maroodiga?)
Bullaale:kkkkkkk yes.
John: Where is Somaliland ?
Bullale: Here. The stone you throw will hit it. ( waa halkan dhow. Dhagaxa aad tuurtaa wuu gaadhayaa)
John: do we have to throw an stone to know where Somaliland is? (ma dhagax aynu tuurno aynu ku garannaynaa meesha Somaliland tahay?
Bullaale:No. that is Somali Expression. I mean it is very close. We are neighbors with ethiopia. (ma dee waa odhaah somaaliyeed. Waxaan u jeeday way dhawdahay. Dalkan ayaanu jaar nahay.)
John:Do mean you are from Somalia? (ma waxaad u jeeddaa Somalia)
Bullaale:No. don’t say that. We are independent. We have our government.(maya dal jira oo xor ah ayaanu nahay.) waar kii lahaa ingriisi baan aqaan halkuu ka dhacay. Halkanuu ictraafkii ka dhow yahay maanta eh. Wallaahi malaa kan Jandei Frazer baa habar yar u ah waakan sideedii foodda buuran lehe. Indha buluugle.
John: Oh. What kind of government do you have? (dawlad noocee ah ayaa leedihiin)
Bullaale: Same like America. We have president. We have congress, two house, one normal men when old men. We have american system. We Love America. No terrerist in our country. You see than in our Costititution) (waxaanu leenahay nidaamka Maraykanka oo kale. Maraykanka waanu jecellay. Dalkayaga argagixiso ma joogto. Distoorka ayay noogu qoran tahay)………..
Halkaas ayay ka sii socon doontaa qoraalka dambe. Haddii eebbe idmo.
A. Geeljire




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday