KULMIYE oo qaddiyadda Somaliland gaadhsiiyay shirwayne caalami ah (daawo sawirrada)
![]() |
| Dr. Mohamed A. Omar and the President of Senegal, Abdullaye Wade Halkan ka daawo Sawirada |
Xisbiga Kulmiye ayaa bilaabay olole xooggan oo uu Somaliland ugu baadigoobayo saaxiibo caalami ah oo ka caawiya dhisidda dimuqraadiyadda, horumarinta bulshada iyo xasilinta aqoonsi siyaasadeed, wakhti ay xukuumada hanan kari la’dahay saaxiibadii shisheeye ee dalku hore u lahaa.
Shirwayne caalami ah oo lagu gorfaynayay dhibaatooyinka siyaasadeed ee adduunka hadda ka taagan oo dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Belfast ee woqooyiga Ireland oo ay ka qaybqaateen wufuud ka socotay 28 dal ayaa lagu casuumay hogaamiyayaal ka tirsan 7 wadan oo Afrikaan ah oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Shirwaynhan oo socday muddo seddex maalmood ah ayaa mudane Axmed Siilaanyo oo hawlo qaran awgeed u tagi kari waayay, uu u wakiishay Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar.
Hadal uu ka jeediyay shirwaynaha Dr.Maxamed Cabdillahi Cumar wuxuu si balaadhan uga warbixiyay arrimaha siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo qalalaasaha ka aloosan mandaqadda. Wuxuuna si gaar ah u taabtay xaaladda Soomaliland ee hadda iyo baahida loo qabo in la helo gargaar caalami ah o wax ka tari kara kobcinta dimoqradiayda, nolashad dadka iyo xal u helidda arinta aqoonsiga. Waxaa kaloo uu shirwaynaha uga waramay halganka dheer ee qaran-dhiska ah ee shacabka Soomaliland soo maray ilaa 18 May 1991, iyo siday uga go’an tahay inay ku biiraan bulshada caalamka xorta ah.
Intuu uu shirwaynuhu socday, waxaa u suuragashay mudane Maxamed Cabdillahi inuu si gooni gooni ah ula kulmo qaar ka mid ah madaxdii ka soo qaybgashay shirwaynaha, wuxuuna kale hadlay maslaxadda iyo danaha shacabka Soomaliland. Waxaana ka mid aha masuuliyiintii uu la kulmay madaxwaynaha dalka Senegal mudane Abullaye Wade, hogaamiyaha mucaaradka ee Simbabwe, Morgan Tsvangarai, oo la filayo inuu ku guulaysan doono talada dalkaasi bisha soo socota, iyo Marwo Rosie Odinga oo ka socotay Xisbiga Raila Odinga oo ah Ra’iisal- wasaaraha cusub ee Kiiniya.
Waxaa kalo mudane Maxamed Cabdillahi uu kulamo gaar ah oo lagaga wadahadlay iskaashi dhexmara xisbiyada dimuqraadiga ah ee Yurub iyo Afrika la yeeshay hogaamiyayaal xisbiyo oo ay ka mid ahaayeen, afhayeenka arrimaha dibadda ee xisbigaVVD ee dalka Holland, Hans Van Baalen, Hogaamiyii hore ee xisbiga D66 ee dalka Holland, Boris Dittrich, Guddoomiyaha Xisbiga Civic United Front ee dalka Tanzaania, Dr. Ibrahim Haruna Lipumba, Lord Alderdice oo ka tirsan aqalka odayaasha Ingiriiska iyo David Ford oo ah hogaamiyaha Xisbiga Alliance Party ee Woqooyiga Ireland.
Intii uu joogashay madasha shirwaynah waxaa mudane Maxamed Cabdillahi uu guddoomay casuumado la xidhiidha shirar kale oo caalami ah loo fiday Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye mudane Axmed Siilaanyo.





TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday