![]() |
| Xafladii Xuska 18ka May, iyo Arday Somaliland ee India wax ka barata Halkan ka daawo Sawirada |
Xuska maalinta sanad guurada 17aad ee Jamhuuriyada Somaliland 18 May 2008 ayaa lagu Qabtay Dalka India ee gobolka Karnataka Magaalada Mysore, xafladaas oo si heer sare ah ay u so agaasimeen ururka ardayda Somaliland ee wax ka barata Magaalada Mysore (University Of Mysore) Somaliland Students Association- Mysore.
Xafladaas oo ay ka so qaybgaleen marti sharaf ka kala socday waddamo aad u tiro badan oo wax ka barta Jaamacada Mysore, waxa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha dhamaanba ururada ardayda ajaanibka ah ee wax ka barta Jamacada Mysore (The President Of Federation Of International Students Association).
Abdulah M. A. ayaa hadal kooban ka jeediyay xafladaa iyo waliba marti sharaf kale oo badan halkaas oo ay aad ugu bogeeen waxqabadaka iyo horumarka ay Somaliland gaadhay.
Qaban Qaabiyayaasha Xafladu waa:
Maxamed Kayd Habane
Ismacil C/lahi Xusen
Khalil Maxamud Aw Cali ( Cige)
Maxamed Xuseen Cabdi
Musatafe Maxamud Barkhadle
Axmed Awnuur Cisman
C/casis Xuseen Cabdi
Mukhtar Maxamud Barkhadle
Sicid Cabdi Xasan (Bukhari)
Mukhtar Maxamed Caabi
