![]() |
| Xafladii Xuska 18ka May Ee Toronto Halkan ka daawo sawirada |
Dadku Waa Islaam Aan Loo Doorin Karin, Dusha Waxaa U Sudhan Callan Aan Dagayn Aan Dagayn Aan Degay Calaan Dagayn Iyo Xuskii 18ka May Ee Toronto Xalay
Toronto, Canada - Waxaa habeenkii Axadii si weyn looga dabbaal degay xuskii sanadguurada 17 aad ee Somaliland oo ay ka soo qayb galeen dadweyne gaadhayay illa 1500 oo qof. Waxay ahayd xaflad si qurux badan loo soo agaasimay hawsheedana ay isku soo duba rideen ururka Horumarinta Somaliland ( SDO) iyo ururka haweenka Somaliland Ee Toronto oo loo yaqaan Somaliland Women Association.
Dadweynihii ka soo qayb galay xuska sanad guurada17 aad ee dib ula soo noqoshada qaranimada Somaliland ayaa dadweynihii ka soo qayb galay isugu jireen haween iyo ragba oo ahaa da’ yar, da’ dhexe iyo da’da cuslaatay intaba. Waxaanay dadweynuhu xafladaas isku waydaarsanayeen salaamo iyo hambaliyooyin iyaga oo qoorta ku wada sita calanka Somaliland midna sare u lulaya, wajiyadoodana ay muuqatay farxad iyo xamasadi. Waxaa khudbad soo dhawayn ah xafladaa ka jeediyay gudoomiyaha ururka SDO Md Maxamed Ismaciil Beergeel oo md Jim Karaygiannis na ( xubin baarlamanka canada ka tirsan) ku soo dhawaeeyay mikrafoonkana. Waxaa isna khudbad ku saabsan tariikhdii Somaliland horumarka ay gaadhay halka ka jeediyay Oday Ducaale Maxamed Xirsi ugu dambayna waxaa khudbadaha soo gunaanaday Hodan Wadaadyare oo khudbad ku saabsan dhainyarada halkaa ku soo gabgabaysay.
Xaflada xuska 18ka May, waxaa loogu soo bandhigay heeso cusub oo markii u horaysaba xaflada ay kaga wada heeseen hobalada Tusmo oo kala ah fannaanka weyn ee reer Norway Maxamed Adan Cali ( Himilo ) iyo fannaanad asal ahaan ka soo jeeda dalka Norway ee Taanya. Himilo iyo Taanya ayaa si heer sare ah aan mar qudha u kala joojin heeso cusub iyo qaar horeba oo aad loo wada jeclaystay. Waxaa lama ilaawaan ahayd Anwar sheekh oo halkaa ka qaaday hees cusub oo aad loo wada xiiseeyay. Waxaa si wada jir ah loogu wada heesayay heesta caanka ah ee ah Somaliland dalkayga oo mar kasta dib loo codsanayay. Waxaana ugu dambayn dabaal degi iyo damaashaadkii la soo gabagabeeyay 3:30 subaxnimo.
Somaliland.org
