Somaliland Waxay Maanta Raadinaysaa Fursaddii Ay Lumisay 48 Sanno ka Hor
Somaliland waxay ka mid ahayd wadamadii uu muddada dheer haystey ama gumaysanayey dalka ingiriisku, halgan dheer ayay somaliland u soo gashay sidii ay xorriyadda uga qaadan lahayd dalka ingiriiska.ee ay u noqon lahayd dal madax bannaan oo xor ah. 26-kii juun 196-kii ayay somaliland madax bannaanideeda ka qaadatay dalka ingiriiska xilligaasoo somaliya inteeda kale uu gumaysanayey Talyaanigi, markii ay somaliland madax bannaanideeda qaadatay waxa aqoonsaday oo ay ka mid noqotay beesha caalamka. nasiib-darro somaliland xorriyadda waxay haysatey oo keliya maalmo yar waxayna si yar oo bilaa shuruud ah ula midawdey dalkii la odhan jirey Somaliya. ka dib markii ay shacabka reer somaliland ay teneg u tumeen kuwii xilligaa hoggaaminayey. marka ay laba dowladood midoobayaan ama ay laba urur midoobayaan waxay galaan heshiis mana ay jiriin wax heshiis ah oo ay somaliland la gashay somaalidii ay la midawdey. shacabka reer somalilandna waxa qaaday jibo iyo riyadii gabowdey ee ahayd somaali weyn, markii la midoobay isla markiiba shacabka reer somaliland waxay la kulmeen waxaanay filanayn farta ayay dhexda ka qaniineen. dowladdii la soo dhisaynaya waxa isku koobay oo isku filaysiiyey kuwii aynu martida u ahayn ee aynu la midowney, waxana dadkii reer somaliland lagu abaal-mariyey dil, cabudhin, xasuuq baahsan, jidh-dil. dhac, burbur, kufsi, IWM xorriyaddii iyo aqoonsigii somaliland ka heshay beesha caalamka waxau baabaday markii aynu la midowney somaliya. fursaddiina halkaa ayay ku burburtay waana ta aynu ilaa maanta raaninayno. hadaba markii ay shacabka somaliland u adkaysan kari-waayeen tacadiyadii iyo dulmigii ay kala kulmeen dadkii ay moodayeen walaalahood ayaa keentay in shacabka reer somaliland mar labaad hiqadaan oo galaan halgan ay kula soo noqonayaan xorriyadooda. shacabka oo ay hoggaaminayaan xoogaggii ururkii SNM ayaa dagaal qadhaadh la galay taliskii naxariista darnaa ee muddada 21 sannadood ah ku amar ku taaglaynayey xukunka dalkii la odhan jirey somaliya,aakhirkina mar labaad ayay somaliland la soo noqotay xorriyadeedii ka luntay, 1991-kii ayaa magalaada Burco lagaga dhawaaqay in ay somaliland tahay dalka ka madax bannaan Somaliya inteeda kale. hadaba ilaa 1991-kii ilaa maanta oo aynu ku jirno 2008 oo loo dabaal degayo sanad guuradii sideed iyo tobnaad ee ka soo wareegtey markii ay somaliland madax bannaanideeda la soo noqotay intaaba somaliland waxay dedaal ugu jirtey sidii ay beesha caalamka uga heli-lahayd aqoonsi caalami ah si ay uga mid noqoto bulshada caalamka oo somaliland maanta godoon ka tahay. xukuumadda maanta jirta ee uu hoggaamiyo madaxweyne Rayaale ayaa safaro badan oo ay dibedda ugu baxday waxay beesha caalamka ka dhaadhisay in somaliland ay tahay dalka madax bannaan oo xor ah oo dimuqraadiya balse beesha caalamku dheg inoo ma dhigin waxaynu qabsanay doorashooyin u dhacay hab xor iyo xalaal ah waxaynu ka gudubney habkii beelaha inaga oo u diga roganey habka asxaabta badan. inaga oo aan beesha caalamka taageero ga helin ayaynu qabsanay wax badan oo ay ka mid tahay dhisma haykalka dowladnimo ee aynu maanta haysano, waxaynu dhisanay goleyaal sharci dejineed inaga oo waxaa soo dhan qabsanay ayay hadana beesha caalamku ina kala masuugtey in ay ina siiso waxa aynu xaqa u leenahay oo ah aqoonsi iyo taageero dhaqaale. nasiib-darrose beesha caalamku waxay waqigeedii iyo dhaqaalihiiba ku lumisay dalka ay dhibaatooyinku aafeeyeen ee Somaliya oo ah dal aan jirin, shiara badan ayay beesha caalamku u qabatay oo waxba ka soo bixi-waayeen dhaqaale faro-badan ayay siisay oo ay waxba ku qabsan waayeen, waxase beesha caalamku garan weydey in ay wax u qabtaan oo taageeraan dalka iskii wa u qabsaday ee lagu dilaamo mucjiso ka soo baxday geeska afrika. hadaba waxa beesha caalamka la gudboon in aanay waqti danbe iskaga lumin dal aan jirin ee ay u soo jeestaan somaliland. shacabka reer somaliland ha ogaadaan in ay fursad qaaliya maalin iska lumiyeen oo ceel-dheer ku rideen, maanta waxa ku waajib ah in ay wax walba u samraan.
C/laahi Axmed Caarshe, Freelance Journaliste
daauus70@hotmail.com




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday