OPINION
Somalialnd Ha Loo Sameeyo Dawladda Ku Meel-Gaadh ah
- Maanta waa 16/05/2008, Somaliland waxay ku waa bariisatay mudadii xilka loo dhaariyey Riyaale oo dhamaatay. Mr Riyaale ma aha, sharciyan Madaxweynaha Somaliland, laakiin waa muwaadin reer Somaliland oo Madaxweynihii 3aad ka ahaan jiray dalka muddo laga soo bilaabo markii uu geeriyooday Alle ha u naxariistee M Ibrahim Cigal.
- Saacadaas laga bilaabo, Xukuumaddu waa Ku-meel-gaadh, waxayna jiri doontaa inta wadahadalku socodo Kulmiye, UCID iyo UDUB, madam uu xiligeedii dhamaday. Xukuumaddu ma sameyn karto arrimo aan laysla ogeyn.
- Maanta Somaliland waxay gashaa taariikh cusub oo loo baahan yahay in ay bedesho habkii hore ee dalka loo maamulaayey. Sababtaa awgeed, Asaxaabta Qaranka, Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida iyo Wax-garadka Somaliland waxa ku waajib ah in ay dalka
- Mar haddii wada hadaladii, u dhexeeyey Xukuumadda iyo Mucaaridka, laysku mariwaayey. Golaha Wakiilada Somaliland waxa la gudboon in ay doorkooda ka qaataan talada dalka maadaam ay yihiin golaha kaliye ee sharciga ku fadhiya.
- Golaha Wakiiladu waa in ay wax-ka-bedel ku sameeyaan xeerka Diiwaan Galinta oo caqabad ku aha doorashooyinka Somaliland .
- Gudida Doorashooyinka waa in dib u habayn lagu sameeyaa si ay u gutaan waajibaadkooda qabashada doorashooyinka.
- Wadamada daneeya Somaliland oo cadaadis laxaad leh saaray Xukuumadda iyo Go’aanka Deeq Bixiyayaashu ku joojiyeen maalin galintii Diiwaangalinta codbixiyayaasha waxa kaliftay in Xukuumaddu wax ka bedesho hab-dhaqankeedii ku wajahanaa iska caabinta Mucaaridka oo ku adkeysanayey in ayna ictiraafi doonin Madaxweyne Riyaale marka la gaadho 15/05/2008. Dhinac UDUB wax ka hor yimid xaqiiqo ah in aduunkii ka soo horjeestay. Markaas ayey bilaabeen in ay xidhiidh wada xaajood ah la sameeyaan Mucaaridka
- Mucaaradku waxa la gudboon in ay is la meel dhigaan qorshe mideysan oo mudaysan oo muujinaaya mowqifkooda iyo siday xal u arkaan in lagu gaadhi karo.
- Mucaaridku ha ka fiirsadaan talaabooyinka Xukuumadda Ku-meel gaadhka ah.
- Shacabku waxa uu ku qiimaynayaan hogaamiyayaasha siyaasadda sida ay u maareeyaan muskuladdan dalka ku habsatay.
- Hogaamiye kastaa waxa uu ku jiraa imtixaan ay shacabku saxayaan. Hogaamiye kastaana waxa uu manta u dhexeeyaa in uu hantiyo magaca iyo maamuus oo uu ku guulaysto ama uu ku guuldaraysto xal u raadinta xaaladan cakiran ee dalku galay.
- Kulmie iyo UCID iyo UDUB sharciyadda wadanka ha ilaaliyaan hana u hogaansamaan danaha dalka iyo dadka reer Somaliland . Shacabka reer Somaliland , mar haddii uu samir kaga gudbay xukunkii Riyaale, waxay xaq u leeyihiin in ay helaan jawi cusub oo u hagga nolol iyo cadaalad.
- Hogaamiyayaasha Golayaasha Qaranka, Asaxaabta Qaranka iyo Wax-garadka Somaliland ha ogaadaan in ummadda reer Somaliland ay diiradda ku hayaan siday u dhaqmaan. Halkaasna lagu kala bixi doono kasbashada codka shacb weynaha reer Somaliland .
Maxamed Yoonis Cawaale, London, UK
Myonisawale@yahoo.com

TACSI »
TACSI: Amran Haybe - Xaaska Xaji Xasan Axmed Geedi (Xasan Humbus)