OPINION

Muxuu Daahir Rayaale Kaga Qayb Geli doonaa Kulanka Uu Kula Ballansanyahay Xisbiyada Mucaaradka, Maalinta Isniinta, Taariikhduna Tahay 19/5/2008

Lugtii Geeniga dhaaftaa way jabtaa. Wax waliba waxay leeyihiin xad go’an. Shantii sano (5) ee Daahir Rayaale  Xilka Madaxweyne nimada loogu dhaarshey ayaa ku ekayd maalintii taariikhdu ahayd 15/5/2008.

Daahir Rayaale wuxu gabbaadsadey oo dugsi ka dhigtay Mudda u kordhintii sannadka ee Golaha Guurtidu ugu kordhisey. Muddo kordhintaasu waxay ahayd  ABAAL-GUD  uu kulaha Guurtida ka dib markii si aan Distoorka iyo Shuruucda Dalka u yaalla u waafaqsanayn ugu kordhiyey Guurtida muddada, taas oo iyaguna si farxad leh suulka ugu wada  saxeexdeen.

Tabaha iyo xeeladaha uu Daahir Rayaale adeegsado ayaa had iyo jeer lagu yaqaan in uu wax walba oo mad madow ku jiro ku beego waqtiyo cidhiidhi ah, oo aan munaasab ku ahayn in lagaga baaraan dego, lagagana wada hadlo  ammuuraha markaas xalka loo raadinayo. Taas waxaa u daliil ah tii ugu dambeysey  iyo kulankii isaga iyo Xisbiyada Mucaaradka ee uu ku beegay maalintii xilku kaga ekaa. Waxay ahayd mid uu ugu tala galay in uu ku qaboojiyo  xiisadaha  siyaasadeed ee ka aloosmi doona maalintaas iyada ah ee xilku kaga egyahay.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, Kulankaas ayaa u jeedadiisa ugu weyni ahay WAQTI LUMIS laga lumiyo Xisbiyada Mucaaradka iyo Shicibka S/Land oo beryahan dambeba madaxa kor u wada qaaday, si xoog lehna ugu feejignaa qaranimadooda iyo masiirka dalkoodu  in aanu noqon hal bacaad lagu lisay.

Waqti lumiskaas aan kor ku xusay, waxaa kaloo barbar socdey in Xukuumaddu Beelaha Somaliland qaar ka midh ah ka dhex waddey kulano iyo sidii ay kalsooni uga heli lahayd,  iyadoo ka duulaysa inay ka daboosho  baahiyo fara badan oo horjoogayaasha  beelahaasu iyagu dan moodayaan (Waa la doogi e yaan la dacaroon). Baahiyahaas loo bahala cunayo ayaa waxay yihiin wadiiqooyinka loo sii maro marka qaran jira la bur-burinayo

15 kii May 2008, waxay noqotay Maalin lagu illaawey Qado Sharaf iyo qasarka madaxtooyada oo Daahir Rayaale iyo Xisbiyada Mucaaradku isku weydaarsadeen kaftan , isu duur xul, qosol ilka qaawis aan dhaafsiisnayn  iyo tijaabadii Daahir Rayaale uu ka lahaa kulankaas oo sidii isagu  doonayey ugu hirgashay.

18 may 2008, oo iyaduna ahayd maalin la sugayey in Shicibka Somaliland meel kastuu joogaba  ku muujiyo dareeno aad u xasaasi ah, lagagana soo horjeedo hab dhaqanka Xukuumadda Somaliland iyo in muddadii Madaxweyne nimadu isa soo afjartay  ayaa iyaduna meeshii ka baxday, iyadoo shicibkaas lagu indha sarcaadinayo ama maanka lagaga xadayo  in khilaafyadii  siyaasadeed ee dalka ka aloosnaa wada jir lagu soo afjari doono.

Waxaan ku soo geba-gebaynayaa. Su’aashayduna tahay, mar haddii Guurti aan  iyaguba sharci ku joogni aanay muddada  Madaxweynaha u kordhin Karin,  duruuf loogu kordhiyaana aanay jirin, Mar haddii Xisbiyada Mucaaradku aanay u aqoonsanayn Daahir Rayaale  Madaxweyne Somaliland wixii ka dambeeyey 15ka May 2008ka, Muxuu Daahir Rayaale Kaga Qayb Geli doonaa Kulanka Uu Kula Ballansanyahay  Xisbiyada Mucaaradka, Maalinta Isniinta, Taariikhduna Tahay  19/5/2008 (Ma Guddoomiye Xisbi Mise Madaxweyne Qaran)?

Su’aashaas Jawaabteeda waxaa laga sugayaa Xisbiyada Mucaaradka. Jawaabtu waa in aanay noqon mid lala sugu gogosha lagu wada hadlayo, ee waa inay ahaataa mid si dhakhso ah shaaca looga qaado. (Xalaal dharaar baa la qashaa)

 Saadaalinta waxa  ka soo dhex bixi doona  iyo afkaarta laga qabo kulanka  Daahir Rayaale iyo Xisbiyada Mucaaradka ee 19/5/2008 ka.

 

Wax garad fara badan oo ka kooban Aqoonyahanno,  Siyaasiyiin  iyo Shicib weynaba, kana kooban Mucaarad iyo qaar dhex dhexaad ahaba  ayaa maanta si fiira qoto dheer leh dhegta ugu taagaya, ishana ugu haya wada hadalada u wada socda Xukuumaddda iyo Mucaaradka ee ay ku soo afjarayaan khilaafdka siyaasadeed, isla markaasna  qiimayn ku samaynaya  natiijoonka ka soo bixi doona wada hadalkaas lagu soo gunaanadayo maalinta 19/5/2008 ka.

Wax garadkan qiimaynta isu diyaar garaynaya ayaa dareensan in Xisbiyada Mucaaradku meelo fara badan ku  soo  fashilmeen, isla markaasna ,haba yaraatee aanay jirin Ficil ay ku hirgeliyaan baaqyadooda taxanaha ah ee siyaasadeed, taasna ay keentay in xukuumaddu ku tun jilaycsato, micnaheeduna tahay, maxaan dhaaxaba Waraabow uuuu  kaa maqlayey. 

Qiimayantaas ayaa loo arkaa inay noqon doonto mid Xisbiyada Mucaaradku ku guulaystaan, kuna kasbadaan taageero buxda iyo durbaanadii taageerayaasha  oo intii hore ka sii dhawaaq roonaada AMA Fashilaad aan ka duwanayn kuwii hore, siina wiiqda taageeradii loo hayey. Fursadan ayaa loo arkaa mid haddii aanay Xisbiyada Mucaaradku ka faa’iidaysan, awood  siyaasadeed iyo ku dhac midaysanna  ka yeelan sumcadooda iyo karaamadooda  hoos u dhig karta .  Xukuumadda  ayaa iyadu baallaha la sii kala baxaysa,  isla markaasna UDUBADA dhulka ku sii adkayn doonta, waa  hadddii qorshihii  ay ugu tala gashay  inay kaga qayb gasho wada hadalada ku dhamaadaan sidii ay majaraha ugu jeexday. Bar-barkay ka baxdaa Waa bakayla qaleen.

 Isku soo wada xoori: Maanta haddii Xisbiyada Mucaara  

Qore: Ahmed Shire (Baandheeye), Hargeysa

Yufle1@hotmail.com


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra