OPINION

Qosolka Macaaradku Ma Dhabbaa?

Aad baan uga xumahay in madaxdii macaaradku shuruud la’aan ku horfadhiistaan ina Riyaaloo dayaxiisu dhacay.

Su’aal ma’ iyadoo Ilaahay ina Riyaale mudadaynu ixtiraamayney inaga dhameeyey ayaad ula hadlaysaan, sidii wax dhaafsan Gudoomiye UDUB?

Waxay ahayd inay u hadlaan waa mucaaradka e’ waxay dadweynuhu doonayaan oo ah in dulmiga iyo dilka la’ caadeystey la’ joojiyo

Waxay ahayd in lays weydiiyo dilkii u danbeeyey ee inamadii la’ toogtey iyagoo bawaagtii dusha ku sita, iyo dhiigga shacabka ee la’ xalaashaday mudadii Daahir magaca loo lamaaneeyey

Waxay ahayd in la’ weydiiyo ina Riyaale inantii lagu toogtey badhtamaha Hargeysa ee ninkii diley la’ yidhi xadhiga ma’geyo, kii gaadhiga wadeyna la’ qafaashay oo lagala maqanyahay gogoshiisii iyo gurigiisii

Waxay ahayd in la’ weydiiyo xadhigii Abshir iyo hudheelada loo weerarayo sidii ay arga-gixso ku jirto iyadoo lagu socdo qof aan waxba geesan lagu kibir qoo-qayo.

Waxay ahayd in lays weydiiyo ciidamadan lagu sheegayo faras magaalaha caasimadda ujeedada ka danbaysa

Waxay ahayd inay kala hadlaan ina Riyaale qaabkii looga heshiin lahaa sidii Dawlad doorashada dar-dar gelisa loo samayn lahaa

Waxay ahayd inay u sheegaan in ina Riyaale aanu ku haysanayn kuna  xukumi doonin sidii lagu qadderinayey isna ku qarda-jeexayey

Waaxay ahayd inay ka koraan khiyaamada, beer-laxawsiga balan-darada, iyo Billaahida beenta ah

Waxay ahayd inay yidhaahdaan cayda iyo hanjebaadaad caadaysatey hasii macaansan wixii lagagu dhawrayey kaa dhamaade e’

Waxay ahayd inay u sheegaan inuu ka waantoobo ina Riyaale hadaladay mas’uuliyiinta Dawladdu warbaahinta u marinayaan iyagoo ceshiimeynaya qabaa’ilka laga uriyo macaarad u janjeedhka

Waxay ahayd inay xasuusiyaan in wixii nabad-gelyada gaadha ina Riyaale ka mas’uul noqon doono

Waxay ahayd in aanay yeelin balanta isniinta 18-ka bisha dib loogu riixay, hadayba ogolaadeen is arag danbena, waxay ahayd inay u qaddimaan in aanay kula kulmi doonin maalintaa sidii madaxweyne.

Waxay ahayd inay dadweynaha sugaya runta ugu soo gudbiyaan oo ka waramaan waxay kala kulmeen kooxdii looga wer-wersanaa Somaliland

Waxay ahayd inay doorsiiyaan ina Riyaale, Cawil iyo Bullaale kuu door bido inuun ku nwehelinayo kulanka, illeen sadx sadex baad ahaydeene

Waxay ahayd inaydaan iskala qoslin nimaan qadaf iyo qallooc mooyee aan lahayn wax lagula qosol-qaybsado.

Waxay ahayd inaydaan sinaba uga yeelin ina Riyaale inuu doorasho idinkula galo isagoo gacanta ku haysta wasaaradaha Daakhiliga, Maaliyadda, Warfaafinta, iyo isagaa iska lumiyey waqtiga e’ Wasaaradda Difaaca.

Waxad yeeshaan haku arkina madaxtooyada isagoo Daahir isu qaba Madaxweynihii hore ee somaliland.  Waxad diidaan Warmihii dhiigga lahaa ee Guurti ku-sheeggu Somaliland ku wanjaaftay.  Waxa diidaan bi’i waaya e’ wixii quudhsi leh een qadderin marin.

Hanoolaato Somaliland Riyaale dabadii, ammaano Alla.
Axmed Xaji Yuusuf Ducaale.


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra