Doorka Warbaahinta Somaliland & Xiligan Xasaasiga ah
Warbaahinta Somaliland waxay iskugu biyo shubatay in ay faafiyaan ismari waaga ka dhex aloosan madax Somaliland, Muxaafid & Mucaaridba, ee ku wajahan talada dalka xilgan mudadii Madaxweynimadda Dahir Riyaale soo afjarmayso.
Warbaahintu waxay lumisay fursad balaadhan oo ay ku hanan lahaayeen waciyi galinta shacabaka Somaliland, iyaga oo si xushmad, dhaqn-wanaag iyo farshaxnimo leh u faaqidaaya una tilmaamaya halka sartu ka qudhuntay.
Warbaahinta Somaliland, oo ay maamulaan dhalinyarro ay kooban tahay aqoonta, farsamada iyo khibrada suxufiyanimadoodu, waxay u soo hoysay dalka Somaliland guulo fara badan kala noocnooca ha, laakiin markay arrintu gasho meel cidhiidhi ah, waxaad moodaa in ay ka baaqdeen doorkoodii.
Tusaale:-
Maanta Somaliland waxa soo foodsartay xil xasaasiyada siyaasaddu meelxun ay gaadhay oo inagu cusub. Xoogaga ama hay’adaha qaranka/bulshada ee isku haya arrimaha talada dalka waxa ka mid ah:
Golaha Fulinta ee Xukuumadda; Golaha Wakiilada
Golaha Guurtida Xisbiyada Mucaarid ka ah
Xisbul Xaakimka Maxkamada Sare
Bankiga Dhexe Odika Guud
Ciidan Booliska Ciidanka Qaranka
Ururada Bulshada Salaadiinta iyo Cuqaasha
Nuxurka laysku hayaa waa talada dalka Somaliland , laakiin keebaa qaldan, kiibaa sax ah?
Shacabkii reer Somaliland oo aan lahayn ururo bulsheed u dooda, ama soo bandhiga dhigga ra’yiga, qaybahood kala duwan, waxa mar kaliya ku wada habsaday abaar ba’an, sicir barar jahawareer siyaasadeed, fadqalalooyin dhimsho iyo dhaawacba keenay, hagid la’aan iyo maqnaashaha xortul qowl.
Dalka oo aan loo ogolayn idaacadu madax banana, dadweynuhu waxay ku khasban yihiin in ay warka ka helaan Idaacadda Dawladda iyo TVka Dawladda oo laga hago madaxtooyada dalka. Waxa kale oo jira TV madaxbanaan. Dhamaantoodu waxay ku xadidan yihiin caasimad dalka ee Hargeysa.
Wax intaas soo raaca, in shacabka reer Somaliland iyo dadka Somalidu guud ahaan ay wararka dalalkood ka helaan BBC Somali Service, London , iyo VOAda Marykanka. Kuwaaso fuliya danaha siyaasiga ah ee dalalkooda.
Jaraa’idka, Idaacadaha, TVyada iyo Mareegaha Internetkuba waxa aad loo saluugayaa doorka ay ka qaataan wax-u-sheegga quman ee dadweynaheenna. Si toos iyo si dadbanba, waxay ugu gudbin lahaayeen halku qaladku ka jiro.
Waxay abuuri lahayeen fursad ay ku muujiyaan fikradaha kooxaha is haya, keebaa sax, keebaa qaldan; waxayna raacin karaan sida lagaga bixi karo. Tusaale, codsi waraysiyo taftiran oo ay ku warsadaan hogaamiyayaasha ha’adaha aan kor ku soo sheegay. Waxay dadweynaha u sheegi karayeen kuwa ka baaqsada ama ka warwareega in lis-horfadiisto oo wax layska waydiiyo arrimaha taagan iyo marka horeba maxay arrimuhu halkan u soo gaadheen.
Waxay si qoto dheer u hubin lahaayeen madaxda wax cad lagu hayo iyo kuwa daacada ah. Waxay meesha ka saari lahayeen ku-tid ku-teen ta iyo malawaalka.
Waxay qaadi kari lahayeen mowqifka dadwenuhu u badan yahay, iyaga oo adeegsanaaya aqoontooda suxufinimo.
Waxay furilahaayeen markhaatiga cidda qaldan iyo waxa uu ku qaldan yahay iyo waxa looga baahan yahay ee waajib ku ah.
Mareegaha Internetka ee Somaliland wali xil isgamay saarin gudashada waajibaadka qaranka kamnay waantoobaan qoraalada cayda, qabiilka, gobolaysiga, bartiyaqaanimadu, shaqsi weerarka, aflagaadooyinka xambaarsan.
Mar marka qaarkood waxay u muuqdaan kuwa isku fiirsanaaya oo uu tartan ka dhexeeyo lumiyeyna dhexdhexaadinimadii suxufiyinimadu. Tusaale; waxaad argaysaa gorkasta maqaallo xagjir ah oo lagu caayayo shakhsiyaad siyaasadda ku jir. Waa wax laga xishoodo lagana yaqyaqsoodu qoraalada ay ku soo daabacaan websiteska. Waxayna taas horsed u noqonaysaa marin habooga dhinta yar yar oo u arkaaya in noloshu suxufgu sedan tahay.
Kahdyaan baa laga joogaa arrimahaas u adeegaya kala qaqobida reer Somaliland , oo dhawaan uun ka soo baxay dagaallo fara badan oo is-daba jog ah.
Warbaahintu waa in ay horseedaan jawiga cusub ee dimquraadiyada ee Somaliland higsanayso.
Shacabka reer Somaliland waxay u baahan yihiin in ay helaan warbaahin madax banana iyo ururo bulsheed kala duwan oo u adeegga danaha kala duwan ee bulshada. Tusaale, Ururada Ardayda, Ururada shaqaalaha, Ururada ganacsatada, ururada macalimiinta, Naadiyada ciyaaraha, kuwa gaadiidka shacabka, uruada caruurta, uraurda bini’aadinimada iwm.
Ururadaasi waa in ay ka shaqeeyaan danaha xubnahooda, waajahaanna wixii soo baxa ama soo kordha ee khuseeya xubnahooda. Tusaale, dhawaan waxa Hargeysa ciadamadu ku toogteen oo dileen dad riyad ah qaar kalena way dhaawceen. Arrinkaas oo kale, waa in la helaa ururo u hadla oo ka midho dhaliya sababta loo dilay, si ayna u dhicin mar labaad.
Marnaba warbaahintu waa in ayna taageerin wixii xad-gudub ku ah nidaamka hab-dhaqanka Islaamnimada, Somalinimada, dimquraadiyada iyo nabadgalyada.
Dalka waa in laga ilaaliyaa shakhsi jeclaysi
Dalka waa in loo hogaansamaa rabitaanka shacabka Somaliland
Siyaasiyiinta waa in aan loo ogolaan hamdooda madaxnimo ee baalmarsan qawaaniinta dalka u yaala.
Warbaahintuna waa in ay la timaadaa wax intan ka tayo badan.
Maxamed Yoonis Cawaale,
London/UK

TACSI »
TACSI: Amran Haybe - Xaaska Xaji Xasan Axmed Geedi (Xasan Humbus)