OPINION

Waa Rafashadii U Danbeysey Ee Hala’ Dul Qaato

Dadka jecel daneeya walaalnimada wanaagga wada-joogga wada-jirka wax-qabadka iyo Waddanka Somaliland waxay wer-wer badan ka qabaan weedhaha qaawan, wararka weecsan, waajibka qaadhay, weydaynta dhaqaale, waxaad rabto-falkaa wasiirada, wakiillo-madasood ka qooqa madaxweynaha iyo an idhaahdo weerarka askariga ee waaberyaba joogta.

 

Waxsaanan dan iyo muraadtoonna uga lahayn way ii caddahay waxay ku danbayn doonto murti carbeed baa tidhaahdaa (AS’AL AL-MUJARRIB WALAA TAS’AL AL-DABBIIB) waxay leedahay murtidu WEYDDII WAAYA-ARKAHA WAXBA HA WEYDIIN DHAKHTARKA!

 

Micne weyn bay xambaarsantahay murtidu dadkuna liqmaayaan noocay u taallo ama u dhawaaqayso laakiin hadaan si dhow kuu xasuusiyo xooggii iyo aqoontii iyo qalabkii wixii la’ odhanjirey Xoogga -dalka xaguu ku danbeeyey? Meeyey akhristow Siyaad Barrahay ku xeernaayeen?

 

Waxa laweydiinaya waaya-arkaha ka dabbaasha waxay nolosha iyo nin xumi kugu falaan.

Waxase liite ah la’ joogaha iyo la’ dirtaha laanma-gooyaha leelee-linta Ummadda lib ka dhiganaya.

 

Wixii lasoo maray wax ku qaadanwaayaha weedhaha hurgumo afuufaya.

Wuxuu shalay quutay saaka garan-waayaha, waxa ka hooseeya wax ka sugaha saboolka aqoonta graad xumaha gugiisu batay een geed iyo guri eraygiisa lagu negaan.

 

Kumishan u dar-daar werinta,

Adeer waad edeb darantahay ee fadhiiso! warbaahintu waxay ka soo werisey madaxeynihii oo ku sugan madasha wakiilada iyo magac u yaalka guurtida,waxakaloo lasoo weriyey waad saqiiri doontaan oo iyana ku wajahan wakiilada.Waxase ayaan darro ahayd gudoomiyihii wakiilada oo ka gil-gilan waayey weedhaha aan madasha qaban, ee xil-dhibaanadiisii uu u dhaafiyey ninkuu isagu ku soo casumey inuu khudbad distooriya ka jeediyo aqalka.Wadhiyeey Wadhi, Wadhiyey Wadhi godatey.

 

Waxa ka horaysey oo dhacday 9kii April 2008 qardda-jeex iyo qaylo dheer oo ka baxaysey gurugii Guurtida lahaan jirtey waagay jirtey hadeer iima muuqdaane’ waxayna ahayd, fadhiiso baastar-yahow baastarku dhalay waa arbacadii ka horaysey mudo kordhtii khamiistu ku-dhawaaqday 10kii April 2008.

 

Waxa warku tilmaamay waxa weedhaa golaha kaga dhawaaqayey wiil dheer oo Dabeero isku hallaynta hooyadood daba nuugga si khalddan u fahmey. Waxa iyana xigtey bastoolad aqalkaa magacii ba’ay gudihiisa uu haab-haabtay, la’bixid lama sheeggine gudoomiye ku-xigeenka 2aad Saciid tima-weyne, inkastoo la’ sheegay inuu xaraf rag qadeynaya isla bastooladdii ula soo baxay Gudoomiye 2aad Saciid tima-weyne.

 

Miyaan laga shakiyi karin inay Majeerteenya lug weyn ku leedahay siday iyaduba sheegatay? oon la’ odhan karin inamadaa gacan shisheeye ayaa dabada ka wadda. Midse ha’ la’ ogaado, mudo kordhinta magac u yaalku ka dhawaajey ma’ jiri doonto. Mudo xaaraan ah oon sinaba uga suura gelayn dadka reer Somaliland laguma dhaqmi doono?

UCID iyo Kulmiyena waxan uga fadhinaa inay dadka hogaamiyaan labac-labacna laga feydo.

 

Waxan filayaa kolkaan dhan kasta ka eegay inay tahay rafashadii u danbeysey illeen maaha macquul in waxanoo kale dhego maqlaan oo ka maqlaan madaweyne iyo wiil karraaniyahoo dhebi lisanaya iyo an idhaahdo mas’uul sheegte madal la’ yiqiin oo magaciis iyo maqalkiiba ba’ay.

 

Waxan ku talinayaa wixii rafashadaa inaga soo gaadha haday finiin tahay iyo haday siigo iyo boodh tahayba ha’ loo dulqaato iyadoo lagu ilaawayo Somaliladn.

 

Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo kooxda lumisayna an idhahdo nabadda in badan baa nagu laasateen xagga shacabkaanay ka noolayd ee idinku teello umaydaan dhigan.

Waxad ogaataan NABADDA WAAN JECELAHAY GEED WALBANA WAANU U FDHIISANAYNAA, TAAS MICNEHEEDU MAAHA WAXII KA DANBEEYA 15 MAY 2008 MADAXWEYNE AYAAD SII AHAANAYSAA ILAA MAY 2009 IYO MUDO AAN LA’ AQOON

 

NABDDA WAANU JECELAHAY MR MADAXWEYNE TAAS MICNEHEEDU MAAHA WAANU CAABUDNAA NABADDA, RUNTU WAXA WEEYE WALLE MA’ CAABUDNO WAX ALLE KA SOKEEYA E’ WAXAANU GARANAYNAA OO DHAWRAYNAA WAXAYDAAN FAHMAYN OO QADERINAYN.

 

Somaliland hanoolaato ha jirto abidkeed insha-Allaah, ammaano Alla.

Axmed Xaaji Yuusuf Ducaale,London,UK.


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra