Miidaanka Khudbadda Madaxweyne Riyaale: Faallo by: Barkhad Daahir Ismaaciil
Hadal kasta oo uu masuul hogaamiye ahi jeedinayo, waa inuu noqdo mid miisaan ahaan dheelitiran, islamarkaana ay ka muuqato dhowrsanaan muujinaysa Mansab ahaan xilka uu hayo. Waa inuu noqdo mid xambaarsan qorshaha iyo wax-ka-qabashada awoodeed ee dhammaan tabashada guud ee bulshada uu hogaamiyo. Hasa yeeshee, marka laga hadlayo Khudbad waqtiyeed muddaysan oo si gaar ah waajib uga dhigaysa soo bandhigida qorsheyaashiisa siyaasaddeed ama waxqabad ee wadankiisa, waxa haboon inay noqoto mid tabashooyinka markaa taagan ee bulshadiisa dejisa, waxna ka qabata, isla markaana bedelkeeda ka dhigta kuwo la dhacsan ficilka uu muujiyay, higsigoodune yahay rajo kasoo-kabasho. Marka la eego Khudbad-sannadeedkii Madaxweyne Somaliland ee uu 29/04/08 u jeediyay Munayaasha labada Gole ee Baarlamaanku, waxay ku soo beegantay xili duruuf iyo siyaasad ahaanba adag. Xaddi ahaan waxay ka koobnayd inka badan 30 bog. Hase yeeshee, nuxur ahaan waxay xambaarsanayd shan qobob, kuwaasoo kala ahaa;
In laga guuro siyaasad beel ku dhisan, loona guuro dowlad Dastuur iyo kala dambayn Xeer ku dhisan; Baadi-doonista iyo raadinta Aqoonsiga; fidinta iyo gaadhsiinta Maamulka goob kasta oo ka jirta Xuduuddaha Dastuuriga ah ee Qaranka; Horumarinta hab-dhaqan dhaqaale iyo awood daadajinta Maamulka Xukuumadda; iyo Taabo-gelinta Garsoorka iyo Cadaaladda, si loo helo garsoor tayo leh oo dhowra Xuquuqda iyo Xoriyaadka muwaadinka.
Madaxweynuhu shantaa qodob ee uu Khudbaddiisa ku saleeyay wuxuu uga hadlay si guud-mar ah. Balse, duluc ahaan waxay ahayd mid arrimo badan xambaarsanayd, kuwaas oo ay ka mid ahayd u jawaabida Hogaamiyeyasha Mucaaradka iyo xubnaha Komishanka, mawqifkiisa ku saabsan wada-tashi laga yeesho muranka ka dhashay muddo-kordhintiisa halka sanno iyo duur-xul siyaasaddeed oo inta badan ku wajahnaa Golaha Wakiillada. Marka laga tago filiqtanka meelaha qaarkood ee Khudbaddii Madaxweynuhu, sharci ahaan waa qodob Dastuuri ah oo waajib kaga dhiganay inuu sannadkiiba hal mar Mudaneyaasha Baarlamaanka u jeediyo siyaasadda guud ee dalka. Inkasta oo ay ahayd qodob Distoori ah oo uu sannadkan gutay, haddana waxa jira kal-dhaaf badan oo qodobkaasi tirsaday sannaddihii u dambeeyey. Sida laga ogyahay, hadal uu Madaxweyne Rayaale u jeediyo Mudaneyaasha Baarlamaanka waxa u dambeeyay 29 November 2005, taas oo ku beegan doorashadii Golaha Wakiillada ka dib, fadhigii ugu horeeyay ee uu yeesho. Ma jirin cudur-daar uu ka bixiyay busaaradsiga iyo ka baaqashada waajibaad ee qodobkaas, kaas oo Faqraddiisa afraad dhigayso; “Khudbadda Qaranka waxa jeedinaya Madaxweynaha Kal-fadhiga [ Golaha Wakiillada] u horeeya ee sannad walba, waxayna ka warbixinaysaa; Siyaasadda, Barnaamijyada dowladda, Dhaqaalaha, xaaladda lacageed iyo xaaladda Nabadgelyada.”
Madaxweyne Rayaale kama hadal heerka xaaladda Lacageed ee dalka, taas oo loo baahnaa sida qodobkaa ku cad inay qayb ka noqoto Khudbaddiisa.
Wuxuu sidoo kale kaga hadlay Khudbaddiisa, wada-shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada oo ka mid ahayd waxyaabaha loo dheg taagayay inuu ka hadlo, taas oo muddobada cakirnayd. Wuxuuna balanqaaday in xukuumaddiisu ay albaab cusub u furi doonto wada-shaqaynta Wakiillada. “..Xukuumadduna waxay ballan qaadaysaa in ay kalsooni idinkula shaqeyn doonto, madasha wadatashiguna waxay markasta noqonaysaa ku dhaqanka Dastuurka iyo Shuruucda ka farcanta, waxa innaga reeban in wakhti aan iskaga lumino tallo khilaafsan sharciga Dalka oo ku dhammaata Mugdi. Xukuumaddu, waxay ballan-qaadaysaa in albaab cusub ay u furto wada shaqeynta Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada oo muddo mugdi ku jiray.”
Tani waa mid horeba loogu baahnaa, laakiin maxay kaga duwan tahay balanqaad noocan oo kale ahaa oo uu fagaaraha Beerta Xorriyadda ka jeediyay May, 18, 2007, taas oo uu ku sheegay inay xukuumaddiisu si niyad sami ah ay xidhiidh wagaansan oo wada-shaqayneed ula yeelan doonto Golaha Wakiillada. Waqtigaas oo ay aloosnaayeen muranadii ka dhashay, kadib markii Xukuumadu diiday wax ka-bedel koobnaa oo Golaha Wakiilladu ku sameeyay Miisaaniyaddii 2007, kadibna uu dib ugu soo celiyay, waxaanu Madaxweyne Rayaale balanqaadkiisaa hore ku yidhi; “Waxaan si niyad-sami ah u soo jeedinayaa in aannu waqti dambe innagaga lumin khilaaf, balse aan u wada shaqayno si waddannimo leh oo xilkasnimo leh oo ka tarjumaya xilka aynu wadaagno ee ina saaran….Xukuumad ahaan waxaannu ballanqaadaynaa in markastaba si qaddarin leh aannu idiinla shaqayn doono, waxaanan rajaynayaa in idinna sidaas oo kale u wada shaqayn doono Insha Allaah.”
Madaxweyne Rayaale wuxuu qaybtii hordhaca ee Khudbaddiisa kusoo qaaday mahad-celin uu u jeediyay xubnihii hore ee Komiishanka Doorashooyinka, kuwaas oo uu ku tilmaamay in la’aantood aynu dhaxli lahayn fidmo iyo burbur cusub, sida dalal Afrikaan ahba ka dhacda. “…. waxa kale oo aan u mahadcelinayaa xubnihii Guddiga diiwaan gelinta, xubnihii Komishanka Qaranka, Ciidamada Qaranka iyo Garsoorka oo la’aantood aynu dhaxli lahayn fidmo iyo burbur cusub sida dalal Afrikaan ah ka dhacda,” ayuu yidhi.
Mid qarsoon maaha inay qabteen hawl lama ilaabaan ku ah quluubta shacbiga iyo taariikhda Somaliland. Waxaan la dafiri karin inay jeexeen jidka farsamo ee isha Dimoqraadiyada dalka, isla markaana ay xaliyeen hawlo adag oo ay ku amaanan yihiin. Waa xaqiiq inay mudan yihiin mahad-celin loo jeediyo, balse miisaan ahaan miyaanay ka haboonayn inuu raali-gelin ka bixiyo falkii foosha xumaa ee loogu fool-dhaqay, 05/02/2007, markii si jujuub ahayd looga wareejiyay hawshii iyo guud ahaan Xafiiska Guddida Doorashooyinka, isla markaana qaarkood Suuqa lagaga dejiyay Baabuurtii ay wateen iyagoo ku fadhiyay mudo kordhin Golaha Wakiiladu u sameeyay iyo taageerada Axsaabta mucaaradka ah. Laakiin, Madaxweynuhu wuxuu taas bedelkeeda canaan u jeediyay xubnahaa Komiishanka Doorashooyinka ee Cusub, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo aan fahamsanayn Xeerarka tilmaamaya qaabka ay u marayaan xil-gudashadooda, waxaanu si canaan leh ugu soo jeediyay; “Komiishanka Doorashooyinka Qaranka anoo marar badan oo hore idiin sheegay, waxaan idin leeyahay si mug leh u barta Xeerarka tilmaamaya xil-gudashadiina oo kala ah Xeerka Doorashada Dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada Xeer Lam, 20/2001 & Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha ee Xeer Lam, 37/2007, la idiinkama fadhiyo in aad la timaadaan aaraa iyo talooyin aan Xeerarka ku aroorin, ka baaqsashada aad ka baaqsataan waajibaadka ku cad labadaa Xeer, waxay idin geyeysiin doonaan xil gudasho la’aan. Waxana waajib idinku ah in aad u raacdaan Xeerarkaas siday u kala horreeyaan, ogaadana in aad tihiin Hay’ad Xeer fullineed ee aydaan aheyn Hay’ad Xeer Dejineed.”
Marka la eego dhadhanka canaanta iyo soo-jeedinta is-huwan ee uu Madaxweyne Rayaale u jeediyay xubnaha Guddida Doorashada, waxay u muuqataa mid ka madhan siiqada hogaamiye taladiisa haya dal Dimoqraadiya, laguna soo doortay. Tani waxay laf jab ku tahay Guddida Doorashooyinka oo mansab ahaan ka madax banaan waaxyaha Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka, isla markaana xilkoodu yahay u garsoorida Jilayaasha Saaxadda Siyaasadda Somaliland.
Madaxweynuhu wuxuu saluug ka muujiyay wada-tashi lagu xaliyo khilaafaadka waqtigan ka aloosan dal, taas oo ay ku baaqeen Hogaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Somaliland. “Waxaan Shacbiga Somaliland leeyahay iyo dhammaan Hay’daha dawliga ah oo ay goleyaasha Qaranku hormood ka yihiin, waxa waajib muqaddas ah innagu ah ku dhaqanka, Dastuurka iyo Xeerarka ka farcamay, taas uun baa ah ta aan ku gaadhayno himilladeena aan taabo gelinayno. Waxa nagga reeban innagoo arkayna Xeerarkii oo ay cad yihiin meesha aan u marayno xil-gudashadeena in aan maalin kastiba warbaahinta aan ka sii dayno; ‘Waa Wareey, hala tashadooy, ha la isku yimaadooy, iyadoo la iska indha tirayo Shuruucda aan dhiganay oo waajib ka dhigaya in aan ku dhaqanno.”
Marka hoos loogu daadego doorka Sharci ahaan uu Dastuurku ka qabo wada-tashiga khilaafka siyaasaddeed ee yimaada, waxa cadaynaya qodobka 9aad, Faqraddiisa koowaad, taasoo dhigaysa; “Nidaamka Siyaasaddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa saldhig u ah; Nabad, talo-wadaag, Dimoqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.” Hase yeeshee, wuxu muujiyay in ay gar tahay in laga wada tashado wixii aan sharciga ku qornayn, balse aanay suurto gal ahayn in sharciga meel la iska dhigo, dabadeedna wada tashi la galo.
Waxay u egtahay mid uu u qiil samaynayo Muddo-kordhintiisa halka sano ah ee muranka dhalisay ee Golaha Guurtidu 10/04/2007 u sameeyay. Hoos ugu muu degin qodobbada ay yihiin iyo cida iska indhotiraysa toona. Balse, marka aynu ka soo qaadano inuu u meel dayayo Muddo-kordhintiisa, waa mid habka ay u imanayso uu qeexay qodobka 83aad, faqradda 5aad ee Distoorku, kaasoo dhigaya; “Haddii ay suurtoobi waydo duruufo la xidhiidha Nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweyne iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, marka ay muddadii xilkoodu dhamaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo [Golaha Guurtidu] tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo, doorashaduna ku qabsoomi karto.”
Qaab sharciyeed ugama garnaqayno sababta keentay waqtigan, balse waxa aan shaki ku jirin in waxyaabaha Somaliland ay dunida kaga iib-gayso Aqoonsigeeda ay kow ka tahay Nabadgelyada ka jirtaa.
Kelmeddaha ka-kan ee uu Madaxweynuhu kusoo qaaday Khudbaddiisa waxa ka mid ahayd, jawaab uu u jeediyay Hogaamiyeyaasha Mucaaradka dalka, taasoo uu ku soo qaaday in wixii sida uu sheegay diida ku dhaqanka Shuruucda dalku uu siqiiri doono, waxanu yidhi; “ Qaylo taagan maanta ma jirto oo idin dhaafsiisan idinka, si xalaal ah isugu diyaariya in aad tartanka uga qaybgashaan oo aad kasbataan kalsoonida shacbiga idinkoon, qalalaase galin, markastina waxaan idin xasuusinayaa in uu Sharcigu yahay ka ugu sarreeya ee dalkan lagu maamuli doono, qofka diida inuu ku dhaqmo shuruucda dalka u taala, wuu siqiiri doonaa, Ummadda dhexdeedana maqaam kuma yeelan doono. Kursigan Ummadda Hogaankeeda cidduu u hunguri ka hayo, waxa looga baahan yahay, in uu yeesho dhawrsanaan, dulqaad ixtiraamidda shuruucda iyo inuu odhaahdiisa ka baajo erayo naxli iyo turxaan shacbiga ku noqda oo ay ka naxaan, ilaahay ha idin garansiiyo talladaas.”
Madaxweynuhu ma faahfaahin kuwa ay yihiin qodobadda hanjabaada keenay ee ay diidmadooda ku siqiirayaan Hogaamiyeyaasha Mucaaradku.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale kaga hadlay qodobkii Maamul-fidinta gaadhista Xuduuddaha dalka, wuxuuna sheegay inuu qaraar ku gaadhay in Miisaaniyad-sannadkeedkan uu door shilis ka siiyo. Sidaa aawadeedna, wuxuu ka codsaday Mudaneyaasha Golaha Wakiilladu inay ku taageeraan, si ay suurtogal u noqoto sida uu sheegay in bulshada ku nool gobolka Sool iyo Sanaag Bari ay gobollada kale ee dalka ugala sinmaan dhinaca adeegyada aasaasiga ah. Wuxuu xusay in aan bulshada ku dhaqan Sool iyo Sanaag Bari aanay Xukuumaddiisu gaadhsiin wax buuran, oo la sheegi karo. Waxay ahayd inuu faahfaahin ka bixiyo xaddiga lacageed ee kasoo xerooday iyo halka ay martay Dhaqaale-ururintii xooganayd ee loogu magacdaray; ‘Dib-u-dhiska iyo Taakulaynta Sool iyo Sanaag Bari’ iyo weliba dulsaar Cashuurreedkii 2%, boqolkiiba labada loogu daray wax-ka-qabashada baahiyaha ka jira degaankaas. ” Guddi Dhaqaale ahaan xogaha aanu haynaa waxay muujinayaan; in lacagtaas [2% korordhsiimada Cashuurta iyo Dhaqaalaha la ururiyay] aanu Shilin ka gaadhin Degaamadaas,” sidaa waxa yidhi Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari, oo ka mid ah Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada, mar uu bishii hore ka hadlayay shir-jaraa’id oo Guddidoodu kaga hadashay xaaladda guud ee dalka.
Sidaa aawadeed, waxa haboonayd in Madaxweynuhu isaga oo ka duulaya dhaliisha arrinta gobolkaas la xidhiidha ee loo jeediyay, in uu soo bandhigo sida ay wax ugu qabsoomeen iyo guud ahaan inta ay le’eg tahay lacagta ay u hayaan wax-ka-qabashada degaamadaas.
Marka la eego codsiga Madaxweynaha ee Mudaneyaasha Wakiillada uu ugu jeediyay inay ku taageeraan meel-marinta qaybta Miisaaniyadda laga siinayo degmooyinkaas, ma tahay mid ay si fudud u liqi karaan, maadaama la ogaa sidii uu ka yeelay wax-ka-bedelkii koobnaa ee ay ku sameeyeen Miisaaniyaddii 2007.? Taas oo sii xoojisay heerka wada-shaqayn la’aaneed ee Wakiillada iyo Xukuumadda, isla markaana ay weliba sharci ahaan xilkooda tahay ka doodista iyo wax-ka bedelka Miisaaniyaddu.
Wuxuu sidoo kale kusoo qaaday qodobka Maamul-fidinta 6 gobol iyo 16 degmo oo uu magacaabay March, 22, 2008. Taas oo uu sheegay inuu u cuskaday Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo degmooyinka, waajibaadka xukuumad ahaan ka saaran Maamul daadejinta, codsiyo sida uu sheegay uga yimid bulshada degaamadaas iyo weliba gaadhiska Xuduuddaha dalka. Madaxweynuhu wuxuu ka codsaday bulshooyinka ku dhaqay degaamada cusub ee uu magacaabay inay ku dedaalaan sidii ay u taabo-gelin lahayeen maamuladooda gobollada iyo degmooyinka.
Taas bedelkeeda, waxay ahayd Mudaneyaasha Baarlamaanka ee uu la hadlayay inuu ka codsado sidii sharci ahaan loo meel marin lahaa, maadama ay xukuumaddiisu u xil-saaran tahay taabo-gelin degaamada cusub, halka Goleyaasha Sharci-dejintana xil ka saaran yahay xalaalayntooda. Waxaana taas iftiiminaya qodobka 109, faqraddiisa 3aad ee Dastuurka oo leh; ” Wax-ka-bedelka tirada gobollada iyo degmooyink ama Xuduuddahooda, iyada oo sababaysan waxa soo jeedinaya golaha Xukuumada, waxaana ogolaanaya Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida.”
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu qaybtii siyaasaddiisa horumarinta Dhaqaalaha kusoo daray, heshiis ay xukuumaddiisu 2007 dhoofinta ganacsiga dhoofka Xoolaha ugu xidhay nin Sucuudi ah oo lagu magacaabo Saleeban Siciid Al-jaabiri. Inkasta oo heshiiskaasi ahaa mid si weyn looga qayliyay, haddana Madaxweyne Rayaale wuxuu ku tilmaamay inuu ka mid ahaa dedaal xukuumaddiisu u gashay sidii Suuq ganacsi loogu heli lahaa Xoolaha. “Xukuumadu iyada oo xooga saaraysa sidii suuq loogu heli lahaa xoolaheena waxa ay heshiis ganacsi la gashay ganacsadaha weyn ee Al Jaabiri, isaga oo ka sameeyay dalka Maxjaro lagu xannaaneeyo xoolaha, si meesha looga saaro marmarsiyihii Caafimaad darro ee lagu joojiyay xoolaheena, waxaanu iibsanayaa 2,000,000 (Laba Milyan oo Neef) Sanadkiiba.”
Heshiiskani kootada loogu xidhay Xoolaha ganacsade Al-jaabiri, wuxuu sii xoojiyay keenista Shidaalka dalka oo horeba si Monopoly ah ugu xidhnaa Shirkadda TOTAL.
Haddaba, muxuu sharcigu ka qabaa Mabaadi’da Suuqa xorta ah iyo kan Kootada ah. Waxa cadaynaya qodobka 11aad, faqraddihiisa 1aad iyo 2aad, kuwaasoo leh; “Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soosaarka, kor-u-qaadida heerka nolosha, abuurida goobo shaqo iyo guud ahaan horumarinta Dhaqaalaha dalka, dowladu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee Dhaqaalaha, oo ku salaysan Mabaadi’da Suuqa Xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed, hantida wadareedd, hantida Qaranka iyo maalgelinta Shisheeyaha. Iyada oo la dhowrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato, ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban; kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan, si aanay u balaadhan farqiga dhaqaale ee u dhexeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa dowladda Jamhuuriyadda Somaliland xaqiijinaysaa in; adeegyada bulsho iy fursadaha dhaqaale si caddaalad iyo sinaan ah loo qaybiyo.”
Hehiishkaas iyo ka Sahaminta iyo Macluumaadka Batroolka dalka ay xukuumaddu kula gashay Shirkadda TGS/NOPEC, oo durba hawlgashay, weli lama hor gaynin Golaha Wakiillada oo sharci ahaan ansixinaya heshiisyada dowliga ah. Kaasoo uu qeexayo qobobka 53aad, faqraddihiisa 2aad iyo 3aad, oo jidaynaya; “..Golaha Wakiilladu waxa kale oo awood u leeyahay; ka doodista, wax-ka-sheegista, celinta oo sababaysan iyo ansixinta Barnaamijyada xukuumadda. Golaha Wakiilladu wuxuu ansixinayaa heshiisyada dowliga ah ee ay ka mid yihiin; kuwo siyaasaddeed, dhaqaale iyo Nabadgelyo ama kuwo keenaya culays maaliyeed oo cusub, oo aan kusoo arroorin Miisaaniyadda, ama keenaya soosaarid ama wax-ka-bedel Qaanuun.”
Madaxweynuhu hadalkiisa kuma darin goorta uu Golaha horgayn doono heshiisyada, si ay u waafajiyaan sharciga dalka.
Marka la isku soo Ururiyana, waxaad moodaa in aanay miisaan ahaan iyo nuxur ahaanba u dhawayn, Warbixin muddo dhaaftay, dhawr sano jir ah oo looga fadhiyay Hogaamiye dhawraya qodobada dastuurka uu ku cel-celiyay in la ilaaliyo.




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday