OPINION

Madaxweyne Riyaalow Ha Dar-jiidhin Dastuurka: Prof. Yuusuf Goodir

Haddii Ilaahay idmo saqda dhexe ee May 15, 2008 reer Somaliland waxay isku waafaqsan yihiin in ay ku egtahay shantii sanno ee la doortay madaxwayne Rayaale. Maxaa ku xiga? Maxaa dhici doona? Maxaynu ka odhon karaa? Ilaahay baa og; wanaag baynu rajaynaynaa; xaqeenii (shacabka) ayeynu doonaynaa. Erayadaas koobani waxay jawaabo u yihiin su’aalaha ina gubaya. Doorasha-ddii Rayaale madaxwaynaha ku noqday waxay xaradhay in laga guuray hab beeleedkii laysku soo dooran jiray. Waxaa loo haystay in ay sii tarminayso in qof waliba codkiisa keligii ku hadlo. Taas imika mad madow ayaa soo galay. 

Aan ku noqdee May 16da yaa xaq u leh in uu hogaamiyo dalka? Yaase go’aankaas gaadhaya? Maskaxdeena waxa ku soo deg-degaya in madaxwaynuhuba kursiga iska sii fadhiyo, gudoomiyaha xisbiga Kulimiye, gudoomiyaha xisbiga Ucid, gudoomiyaha golaha wakiiladda, gudoomiyaha golaha guurtida amaba in taliyaha ciidamaddu hore u soo talaabsado (xukun mulateri). Selinka!

Maanka aadamigu inkasta oo uu awood badan yahay hadana waxay ma huraan ka dhigtaa in uu hareerihiisa eego, xataa kuwa aadka u isticmaala xisaabta iyo caqliyaddu way ku mergadaan tilmaanta sugan. Tusaale ahaan, nin ka mid ahaa ragii dunida ugu xisaab yahan sanaa ayaa ku guul daraystay aragtidii uu ka haystay tirade laba oo aynu ku fahmi karo laba shilin, laba dhagax, laba riyaad iwm. Aadamigu marka uu dhulka arimaha yaal ka caal waayo, xidiguhuu eegaa, shimbiraha iyo dhirta geeduhu ka hawreen ee neecawdu ruxayso ayuu talo saartaa, waxay ku tusaysaa garasho xadidan. Haddii lugtu gudcur kugu qabsato tooshku waa aalad aan baahideeda khilaaf ku jirin, dariiqa ayuu ku tusaa, qodaxda ayaad kaga baydhaa, bahalahana waa u digniin; intaas oo dhami waxay taageeraysaa noloshaada. Alla haw raxariistee hees uu curiyey Ibrahim Saleeban Muxummed (Ibrahim Gadhle) oo uu qaadi jiray Maxamed Moge ayey ku jirtay

Marbaa dayax soo baxaayoo * Abeesadda duuban iyo

Daluunta ka weecataa inkasta oo ay heestu duur xul ahayd oo ay dulmiga tilmaamaysay hadana iftiinka ayuu la beegsaday. Waxaan uga socdaa in haddii qof u baahday toosh uu habeen ku jid maro, baahida umadeedna ay ka mudan tahay in ay hesho wixii ay nolosha ku iftiin san lahayd. Habka dawladnimadda ee umaduhu wax ku iftiinsadaan waa balanta u dhaxaysa ee lagu xardho daskuurka. Waa halka laga yidhi nina sharciga kama wayna. 

Marka aan dhab u abaaro su’aalaha aynu iska waydiinay mawduucan: dooda su’aalahaas waxaa dhexyaal in guurtidu wakhtigii u kordhisay madaxwaynaha. Su’aashu waxa weeye kordhintaasi dastuuri ma tahay? Laba meelood ayey jawaabtu ku xidhan tahay waa ta hore e Guurtidu xaq ma u leedahay in ay kordhiso xiliga madaxweynuhu wadanka sii hogaaminayo? Ta labaadna maxay u cuskanayaan? Waxay u cuskadeen qodobka 83aad ee dastuurka Somaliland qaybtiisa 5 aad .

Qodobkaasi wuxuu xaq u siinayaa Guurtida in ay kordhin karaan xiliga madaxwaynaha halkii doorasho ka dhici lahayd sababta doorashaddu u dhici waydayna tahay nabad gelyo daro. Sida qofkasta oo xogogaal u ah Somaliland u muuqata waxba iskama bedelin nabadgelyadda Somaliland tan iyo doorashaddii madaxwaynuhu ku soo baxay, dawladaha hoose lagu doortay iyo weliba golaha wakiiladda. Aragtida Guurtida ee nabad gelyadda wadanka ku wajahani waa xaalad abuur. Doorashadda waa la dayacay, mana jirin qorshe ka soo bilaabmay xiligii uu kursiga ku fadhiistay madaxwaynuhu. Sidaas daraadeed, madaxwaynuhu isagaa xilkiisii gudan waayey, halkii lagala xisaabtami lahaa ayaa guulo loogu sii daray. 

Markaa, madaxwaynuhu sharciyan uma haysto in uu sii fadhiyo kursiga laga xukumo Somaliland laga bilaabo May 16da . Sidoo kale madaxda xisbiyadda mucaaridka ahi iyana sharciyaddu siin mayso in ay kursiga ku fadhiistaan. Taliyaha ciidamaduna waxaan filayaa isna in uu mudo ina sugayo. Xaaladan hadda taagan waxaa lagu xidhiidhin karaa qodobka 86aad. Haddii taasi dhacdo waxay tahay in uu talada la wareego gudoomiyaha guurtidu, turxaan baase taal oo xiligoodii hore wuu dhamaaday, sidii ay ahaydna looma soo dooran. Dastuurka kuma arag meel madax waynuhu ugu kordhinayo xiliga ay sii hayaan taladda. Cidda qudha ee sharciyan u haysata in ay sii fadhiyaan maamuska qaran waa golaha wakiiladda iyo saddexda xisbi.  

Mar haddii ay cadaatay in aanu kordhiskaasi waafaqsanayn dastuurka; mar haddii ay cadaatay in aanay Guurtidu u danaynayn qaranka Somaliland; mar haddii ay cadaatay in gebi ahaanba la bur-buriyey qaybtii dhexe ee calaamadda calankeena tilmaantana u ahayd qaranimadeena? Waxaan ku horaysiinayaa talo aan u jeedinayo madaxwaynaha, Taasi waxay isugu ururaysaa in aad yeeshid wixii nin rag ahi yeeli jiray.

Run ahaantii waayo adag ayaa ku horyaal, waayahaasina wuxuu qaabaynayaa noloshaada inta kuu hadhay iyo aakhiradaadaba iyo weliba umad aad u taag daran oo hoos joogtay xukunkaaga muddo totoba sanadood ah, xalkeedii nololeedna durugsan yahay inta aadamigu qooraansan karo. Aniguna uma arko in go’aanka kula gudbooni yahay mid meel fog laga dooni karo. Talada wadanka ku wareeji 17 xubnood oo sidan ka kooban: golaha wakiiladdu ha soo dirsaddo 3 xubnood, saddexda xisbina ha soo dirsadeen mid iyo laba xubnood, culimo u diin, salaadiin, dhaqan yaqaan mid waliba ha soo dirsado laba xubnood waxaa raacaya xubin ka timaada Akadamiyadda Nabadda iyo xubin madaxbanaan oo aqoon yahan ah. Gudigaasi waxay magacaabayaan madaxwayne xilka haya muddo lix bilood –ilaa sanad ah soona dhisa dawlad ku meel gaadh ah oo wadanka gaadhsiisa doorasho xor iyo xalaalba ah. Dawladaasi waxay hoos tegaysaa gudigaas oo sii jiraya ilaa xilka wadanka lagu wareejiyo madaxweyne la soo doorto.

Waxaan sidaa ugu talinayaa sababahan soo socda:

1.      Meel mar bay noqon wayday in doorashaddii shan iyo toban sano loo balan

       sanaa ku dhacdo sidii la rabay (doorasho diiwaan gashan).

2.      Mar haddii aad dhibaatooyinkii qaranimo ee aad dhaxashay xal u way day mudo

       totoba sanadood ah oo shan ka mid ah loogu talo galay in aanad hamran, suuro    

      gal ma aha in sanad kale wax ku qabsoomaan.

3.      Inkasta oo doorashooyinkeenii ugu wanaagsanaayeen dunida saddexaad, gaar

      ahaa, xayndaabka aynu ka tirsanahay, weli way fog tahay in doorashaddu                      noqoto mid xaq iyo xorba ah inta nin tartamayaa hagayo.

Madaxwaynow wixii intaas loo dhaafaa waa keligii talisnimo, waxay horseedaa dhiig iyo dhibaato; waxay sii kordhinaysaa dhibaatadii umadeed ee dawladihii isaga danbeeyey Somaliland taaduna ka mid ahayd ay xalili kari waayeen. Ta umadaba ka kaalayoo keligii talisnimadda dantaadu kuma jirto! Waayo? Waayadeed dee? Adba waayeheed doon!

Marka dib loo eego taariikhda dunida xilibaa jiray duruufihii uu huwanaa daraadeed saaciday keligii taliyaha: boqoraa jiray, nin dadka fekerkiisa iyo doonistiisuba ka horaysaa jiray; labaduba waxay ku taabeen xukunka, umad tasowday baa jirtay- waa mid taladii ka habowday. Taariikhda madow ee keligii taliyuhu waxay aad u muuqatay qarniyaddii soke ee ina dhaafay  Fircon, Napoleon Bona Parte, Adolf Hitler, Joseph Stalin, Signor Mussolini, Marcoss, Idi Amin Dada, iyo ninka xiliga hadimadiisu soo dhawaatay ee Pol pot iwm. Inta ina soo gaadhay Siyaad Barre ku jooji. Nina muu mahadin. Nimankaasi wax bay higsanayeen, tilmaan sugan baana jirtay oo intooda badani suurtagal ka dhigaysay in himiladoodu ilaa xad meel marto, waa kalka anynu ka nidhaahno haddii hunguri ku qaado talaa lagu daraa. Tusaale ahaan, ninka Napoleon la odhon jiray oo Faransiis ahaa keligii talisnimadiisana rabay in uu gaadhsiiyo dunidoo dhan, waa ninkii qabsaday dhul ka mid ah Ruushka, Yurubna isku duba ritay ayaa maalin ku soo baxay bustaan aad u qurux badan, wuxuu doonayey in uu ku nasto isagoo ay weheliyaan ciidamo. Inan yar oo beerta lagaga tegay ayaa ku yidhi geli maysid! Napoleon ayaa ku yidhi waayo? Wuxu yidhi, sayidkaygii beerta lahaa ayaa i faray in aanan cid u ogolaan! Hogaamiyihii rabay in uu dunida qabsado talaa ku cataatay! Wuxuu go’aan saday in uu qaato amarka inanka yar! Beri danbe ayaa yarkii loo sheegay in ninkii uu celiyey ahaa ninkii Yurub ruxay! Yarkii laga sugayey in uu yaabo ayaa yidhi – sow nin daran baan ahay! Sideebay taasi ku dhacday waa jawaabtii uu bixiyey e’? Wuxuu yidhi, ninkii Yurub oo dhami joojin kari wayday ayaan anigu dib u celiyey!

Madaxwayne Rayaalow, nimankaas sababaa jiray u sahlay in toodu meel marto: Mid waan soo sheegay oo waa umad tasowday. Waxaa dheer, qaarkood dimuqraadiyaddaba way ka horeeyeen. Ta muhiimka ahina taladu gacantooda ayey ku jirtay. Maanta hanaankii keligii talisnimadda  waa laga guuray,. Xiligii dagaalka qaboobi socday ayay ku ekayd sidii laysu abaansan jiray, wixii sii jiraana waddo ayey haystaan, meel Alle ku simoba. Hogaamiyayaashii ugu cuslaa xiligaas qaarkood tiirar baa la qabadsiiyey sidii Sadam Hussein, keligii talisnimaddu ma aha dan u madeed.

 

Waxaan kugula talinayaa markale in aad sidaa ku wareejisid taladda dalka, runtii taas baa geesinimo ah, dadka maskaxdoodu madhan tahay ayaa weheshadda erayo aanay lafa guri karin, “meeshu waa Afrika oo xukun layskama dhiibo.” Yaanay taasi ku hodin.

 

Haddaad intaas iga diido ha ku dhaqmin khudbaddii aad baarlamaanka ka horjeedisay bishii Abriil 28dii ee sanadkan. Waa eraygii waa la saqiirayaa! Inkasta oo eraygani aanu ahayn mid af madexeed ka soo baxa hadana anigu waxaan u jeedaa nuxurka uu huwanaa. Tusaale ahaan, marka madaxwayne sharci lagu doortay ciidamo hoos tagaa dhibaato ka timaado dood baa furun. Ugu horayn askarigu xaq uma laha in uu si cadowtinimo ah u dhaqmo. Mar labaadka waxaa u furan in uu yareeyo dhibaatada xataa haddii ay waxyeelo ka soo gaadhayso dhinaca kale. Tusaale ahaan, shilkii dhawaan ay ku dhimatay Hana Jama waxaa u furayd askariga in uu taayiradda ka toogto baabuurka. Mar haddii aan baabuurka rasaas laga soo ridin doodi kama fura cida khaladka leh, xataa haddii gaadhigu joogsan waayey. Markaynu soo duuduubno khaladka koowaad waxaa leh askariga, ugu danbayn tana laba qodob ayey ku soo ururaysaa, waa ta hore’e keenista magaaladda ciidankii dalka cadawga debediisa ka difaaci lahaa. Iyo ta labaad oo ah in askarigan la siiyey tababar ku aadan sida rayidka loo la dhaqmo.

 

 Haddii Illaahay how naxariistee Hana dhacdadu sidaas ugu dhici lahayd May15da ka dib iswaydiintu waxay ka bilaabmaysaa soo dirista ciidanka iyo cidda igmatay.

Rayaalow waxaa shan sano ku sugayey raggii guushu kaa jamatay ee tirada yar kuugu haniyeeyey kursiga aad shanta sano ku dangiigtay. Tirada yar ee hadalku daba joogay Xisbiga Kulmiye wuu ka samray. May ahayn markii ugu horaysaye taliyihii ugu wakhtiga dheeraa SNM. markii xiligu ka dhamaaday khudbad buu ka jeediyey Bali gubadle, badkii umaddu ku sugaysay ayuu dhigay, ismanuu sharixin. Isagoo qudha may ahayne dhawr nin oo hogaanka SNM. uga horeeyey ayaa sidaas oo kale xilka loo kala wareejiyey. Gobtu intaas way ka badnayde maalintii Maarij 1993kii uu Ina Cigaal ku guulaystay doorashaddii ka dhacday degmadaadii raggii la tartamayey way ka biyo diideen. Nasiib wanaagse C/raxmaan Axmed Cali wuxuu garowsaday hadal lay sheegay in uu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi “ waar Baligubadle shan cod baad igaga heshay oo waan kuu tahniyadeeyey, ma maanta oo sagaal iyo sagaaashan lagaaga helay ayaad ka hadlaysaa; C/raxmaan gobonimadduu ka raacay. SNM oo qudha may ahayne xataa Cigaal baa is qaad qaatay oo maalintii la yidhi codkii wakiiladda ayaa doonaya in lagu aamusiiyo (impeachment) odaygu muu darjiidhine farsamo reer magaal ayuu keenay. Madaxwayne Rayaalow waxaan ku leeyahay magac iyo masiibaba maalin bay baxaane gobanimaddu yaanay Isaaq oo qudha noqon!

 

 

Mucaaradku waa in ay yeeshaan hanaan qaabaysan oo ay ku muujinayaan doonistooda. Waa in aanay dhicin arin murugsan oo wax yeelaysa nabadda kana bilaabanta dudadooda. Haddii tusaale ahaan, ay u ciirsadaan mudaharaaddo waa in ay noqdaan qaar abaabulan, taas oo macneheedu yahay ka digtooni khasaare naf iyo maalba ku lumo. Waxa lagu hanan karaa abaabulis isha lagu haynayo boobis ka dhacda goobaha ganacsiga, in la jejebiyo hantida qaran iyo ta gaarba.  Waa in ay taageerayaashooda dhacsiiyaan ujeedada runta ah ee loo soo baxay in aanay ahayn wax bee lee ay wax badsi tahay.

 

Maadaama aynu umad muslim ah nahay belaayo iyo wanaag toona uma xambaarin karo bilaha aduunyada wakhtigeedu ku qotomo. Taariikh ahaanse haddii aynu eegno bisha May waxaynu kala kulanay wanaag, Ilaahayna waxaynu ka rajaynaynaa in uu inoo barakeeyo wakhtiga dhamaantii. May 27dii 1988kii waxay ahayd maalintii ay geesiyiintii SNM isu daruureen magaaladda Burco, cudud mulaterina ku rumeeyeen in ay jebiyaan faqashtii arxan daridda iyo dulmiga ku horjoogtay shacbiyaddii Somaliland.

 

May 31dii  waa maalintii ay geesiyiintii SNM rumeeyeen in aan weerarkoodi magaaladda Burco ahayn is miidaamis ka dib markii ay eryadeen taliyihii qaybtii 26aad , Mr. Hiliblihii Hargeisa, Morgan. May 18dii waa maalintii lagu dhawaaqay qarankan iyo calankan aynu hoosjoogno. Dabcan maalmo kale way jireen.

 

Waxaan filayaa in uu ahaa ninkii hindisay hanaankii bulsheed (socialism) ee Karl Marks oo isagoo ka hadlaya isbedelka inuu yidhi, “there is a decades when nothing happens, and days when decades happen.” Tobaneeyo tobnaad oo sanadood baa jira oo aanay waxba dhicin, iyadoo ay jiraan maalmo ay tobaneeyo tobnaad dhacaan. Waxaan rajaynayaa in May 18da ay ugu dabaal degno geedi socodka qaranimadda oo aynu sii anba qaadno.

 Shacab waynowna xuquuqdaada baro waxaa sidaa kuu sheegay abwaankii waynaa ee Barkhadcas:

Adhigaa ka hakada * halkuu ka didoo

Hareer mara intuu  * Hubsadee

Dadow kala Hubi * Halkii kuu danoo

Ayaanu Hadalkaagu *Hub kugu noqon

Hawraarsan:

 

Waxa qoray: Hormoodkii hore ee Kuliyadda Ganacsiga ee Jamacadda Burco

                                 Yuusuf Goodir Mohamed

 

 


TOP

182 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE