Boorama: Booqashada Xaabsade, Tuhunka USP iyo Dareennada ku Xeeran
Waxyar ka hor intii aanay Xaabsade iyo xubnaha weheliyaa ka ambabixin magaalada Boorama oo ay saxaafaddu isku dayday inay wax ka weydiiyaan ujeeddada socdaalkooda ayaanay suurtogalin, balse mid ka mid ah xubnaha reer Awdal ee martiqaaday, ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in socdaalka waftiga barigu uu la xidhiidho sidii wax uga korodhsan lahaayeen horumarka ay gaadheen adeegyada bulshada ee Awdal, maadaama dib-u-dhac weyn ku yimi Gobolka Sool oo ah deegaanka salka u ah waftiga Xaabsade si warbixin iyo xogo uga helaan ama ugaga dayan lahaayeen.
Haseyeeshee, marka la eego waftigan iyo wakhtiga uu ku soo beegmay ayay dad badani u sawirteen inuu yahay mid dib loogu soo noolaynayo ururkii isu-boodada iyo is-gaashaan buuraysiga ee USP oo aasaasmay sannadkii 1960, waxana arrimahaa sii badhitaaray xubnaha reer Awdal ee waftiga casuumay oo ay ka dhex muuqdeen rag ama siyaasiyiin ka mid ah xubnihii xilligaa aasaasay ururka USP oo ujeeddadiisu ahayd isgaashaan-buuraysi looga gol-lahaa beelaha dhexe ee Somaliland oo xilligaa isku arkayay inaanay jirin cid kale oo kula tartami karta hoggaaminta.
Waxa kale oo loo badinayaa inuu tuhunka xiligan ee dib u soo cusboonaysiinta keeni karo, maadama uu hadda dalka madaxweyne ka yahay Daahir Rayaale oo reer Awdal ah, isla markaana u arka inay gobolada dhexe intooda badani xukuumadiisa mucaarid ku yihiin, waxa kaliya ee uu isaga joojin karaana yahay inuu saaxiibkii Xaabsade oo u arko siyaasi ay hadda aad isugu dhow yihiin, Gobolka Soolna ku soo celiyay Somaliland ay markale dib u wadaagi karaan ururkii USP si uu doorashada cod uu ku guulaysto uga helo labada deegaan ee darifyada.
Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda ujeeddada dhabta ah ee ay salka ku haysay booqashada iyo kulamada badan ee uu Boorama muddada intaa le’eg u joogay siyaasiga Xaabsade.

TACSI »
TACSI: Amran Haybe - Xaaska Xaji Xasan Axmed Geedi (Xasan Humbus)