“Guul Ana Geesi Lahayn & Gar Aan Guurti Lahyn Ba Waa Laga Ducaystaa
Sedexddii sano ee ugu dambeyey waxaa dalka iyo ummadda Somaliland u dabranayd oo la hinqan waday turunturroyin iyo dhibaatooyin is daba jog ah oo Madaxweynaha Riyaale iyo xukuumadiisu aay aabo u yihiin. Wxaa nasib darro ah in ay Golihii Guurtidu ee loo egmaday inay khilaafka iyo dhibaatooyinka dalka si dhexdhexaad ah u galaan, ay si badheedh ah oo aan gabasho lahayn dhan iska raaceen oo dalka aayihiisii danahooda gaar ahaaneed ka door bideen.
Madaxweynaha Riyaale iyo Golaha Guurtidu waxayiska dhagatireen oo iska illaaween, inay ku yimaadeen oo wax ku noqdeen Distuur iyo Xeer ummadda u yaal, , oo aanay xoog iyo ciidan lagu cagojugleeyo xukunka ku haysan. Marka ay Madaxweynihii iyo Guurtidu isku kaashadeen in ay Distuurka iyo Xeerkii aqoon darro iyo badheedh mid kasta ha noqotee, khilaaf, dagaal, turxaan, dil, dac, dhibaato iyo guul darro kasta oo ummadda la soo dersa iyaga ay ka masuul ahcid kalena kulama galgalan karaan.
Waxaanu Madaxweyne Riyaale ilaa manta garan in culyska iyo dhibaatadu Markey heer gaadho aanu isaga iyo Guurtidu midna waxba ka qaban Karin. Hadallada iyo ficilka Madaxweyne Dahir Riyaale iyo xukuumadiisu ay xalka uga dhiganyaan dhibaatoyyinka dalka ka aloosan, waxay ummadda u horseedayaan iska horimaad iyo burbur aan laga soo kaban Karin iyo caalamka oo Somaliland iska illaawa.
Madaxweyne Riyaale manta ummaddakuma qancin karo inuu dalka aqoonsi u doonayo, isla markaana Diastoorkii dalka ku dhaqmi mayo oo sidaan rabo mooyane si kale la yeeli mayo. Xasilooni darrada iyo xaala abuurka ka abuurmay Hargaysa ee la kowsaday ciidamada hubaysan ee jidadka la dhigayiyado aan baahi nabadgelyo jirin, waa arrin aanay xukuumadda Riyaale ka fekarin ama loogu talo galay ammaan darro loo adeegsado in aan Doorasho Dalka ka Dhicin si uu xukunka u haysto inta uu doonaayo. Waxanay u dhawdahay sida dambe, laakiinwaxaan la isweyddiin ma suurta galaysaa.
Dulqaadka iyo daganaashu heer buu leeyahay aan la dhaafi Karin una baahan in laga ilaaliyo in laysla gaadhin.
Madaxweyne Dahir Riyaale wuxuu khudbad u soo jeediyey kulanakii 2 Gole. Ummadda waxba umuu qarin. Wuxuu yidhi “ I dhegaysta, wax su’aal ahna la I weydiin mayo” Waa hadal cad oo nin rag ihina garanaayo doqon aan loo sheegayn. Waxa Madaxweynuhu akhriyey khubad aan meersina ka duwanayn khudbadihii uu M S Barre u soo jeedin jiray golihii XKHS. Waxaa heerka madaxda ummadda u aha lagu qiimmeeyaa sida uu marxaladaha adage e lasoo dersa xal macquul ah uga helo. Madaxweyne Riyaale halkii manta laga filaayeyinuu marxaladan dalka marayo ka qadarin lahaa ee soo jeedin lahaa talooyin iyo fekrado caafimaad qaba, oo xal u horseedi kara , ayuu dabkii uu hore u shidey gaas ku sii daray.
Nuxurkii khudbada wuxuu daboolka ka qaaday oo inoo tilmaamay:
- Inuu aad uga werwersan yahay wuxuu aayihiisu noqon doono haddii doorasho laga helo.
- In uu aqoonsi Caalami ah oo Soamliland heshaa aanu isaga qiime ugu fadhiyin ee Kursigu ku sii fara adaygo ilaa inta la gaadho.Inuu u badheedho inuu laalo Datuurkii Dalka hab xisbiyeedkii oo lagu dhaqmo
- In aanu qiimeyn halista iyo dhibaatooyinka iman kara go’aamada uu sida fudud isaga gaadhayo ee aayaha ummadda sameeynaya
- In aanu warba u hayn waxyaalaha iyo danaha ay ummaddu xeerinayso ee ugu dulqaadanayaan aragtida iyo sawirka ay xukuumadda ka arkaan
- In aanu la socon heerka ay kala joogaan Golaha Guurtida iyo Dadweynuhu
- Inuu Guddiga Doorshooyinka curyaamiyo si aan doorasho u dhicin ama uu ka fekarayo siduu Taliyaha Booliska ama Duub Casta ugu amri lahaa in Xafiiska Gudiga la soo xidho iyagana Mandheerra loogu drio garsoorihii caanka ahaa, si aan doorashba u dhicin
- Inuu maskaxda ku hayo sidii uu Madaxda Mucaaradka xadhigooda u kala horeysiin lahaa
- In ciidaanka Duub Casta uu u adeegsado sidii ciidankii 77 cabbudhin iyo cagajuglayn, isla markaasna ay toogan karaan ciddii amarka Benddooda qaadan wayda, si loo abuuro xaalad nabadgalyo darro ah oo cimri dherer laga dhigto. Falakii ugu horeeyayna waa loo soo joogay
- Wasiirradii uu Madaxweyne Riyaale u wakiishay wada hadalkii dhexdhexaadinta Gudoomiyaha Golaha Wakiilada wuxuu tusaale fiican u ahaa in aanu Madaxweynuhu nabad, heshiis iyo wada hadal diyaar u ahayn
Markay halkaa xaaladu marayso waxaa xalka lagu gaadhi karaa iyado la adeegsado aqoonta iyo caqliga caafimaad qaba Ilahayna lala kaashado. Mindi mindi ku tag waa aan kala tango. Haddii aayaha unmmadda daacad laga dhinacaydu ka wada yihiin waa hubaal in xalkii la heli doono. Haddii dhinacuun isla weynaadu oo wax is bido, dantii ummaddu ayaa lagu khammaarayaa, waaxse xilkoodii gabaya waxgaradkii iyo guurtidii ummadda oo dhinac ah ama wax ka sii yihiin.
Markaa maaha maalintii nin dan gaar ah lihi talin jiray. Maaha maalintii nin dartii ama koox dartood xaqa iyo runta loogaga gabban jiray. Maaha maalintii nin jeceleysi iyo nin necaybsi danta guud loogagafoolgabxi jiray. Xaaladu ma taagna Ina Riyaale, Silaanyo iyo Ina Cali waraabe, waxay joogtaa ma jirnaa mise ma jirno.
Waxaan anigu fekrrad ahaan ugu soo jeedinayaa waxgaradka reer Somaliland, Madaxweynaha, Golayaasha, Xisbiyada, Guddiga Doorashooyinka, una arkaa in xal lagu gaadhi karo xaaladda dalka ka taagan:
· Si aanay fursaddan qaaliga ihi innoga lumen, in labada doorasho la qabto taariikhdii Gudida Doorashooyinku cayimeen oo aan dib looga dhigin
· In Madaxweynaha iyo Mucaaridka midna aanu tiisa mindi ku goosan ee ay qaddariyaan xaaladda dhabta ah oo gartaan in arrintu ka culustahay loollan iyo ficiltan siyaasadeed
· In xilka Madaxweynuhu ku ekaado maalinta Doorashadu dhacdo nin kastaa ha ku guulaystee
· Mudada u dhexxaysa 15/05/08 iyo maalinta Doorashada, dalku maamul la’aan mayo, se ha laga wada tashado oo wax la isla oggol yahay meel ha isla dhigo, si kalsooni daradu meesha ug baxdo.
· Haddii Dastuurkii lagu merggaday oo uu shaqayn waayey, caqliga iyo aqoonto lagu heshiyo ayaa Dastuur inoo ah
Suleman Cumar Ku-joog
London/UK

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde