Wasiirrada Riyaale oo sheegay in Akademiyada iyo Komishanku sii wadaan dhexdhexaadinta iyo Shirqoolka fashilmay
Hargeysa (Somaliland.org) - Xukuumadda wakhtigeedu gabaabsiga yahay ee Madaxweyne Riyaale ayaa sheegtay in Komishanka Doorashooyinka iyo Akadeemiyada Nabaddu ay sii wadaan dhexdhexaadinta labada xisbi ee mucaaridka ah iyo Xukuumadda, dhakhsona ay rajeynayaan inay wadahadal fool-ka-fool ah ay isku soo horfadhiistaan.
Xubno ka tirsan Guddi wasiirro ah oo Madaxweyne Riyaale u xilsaaray inay u metelaan dhexdhexaadinta uu wadey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa shir jaraa’id oo ay galabta ku qabteen xarunta Madaxtooyada, waxay sheegeen in guddoomiyaha Golaha Wakiilladu uu ku guuldarraystay in uu wadahadal isku soo horfadhiisiyo Xukuumadda iyo labada xisbi ee mucaaridka ah, isla markaana uu Guddoomiyuhu ka baxay dhexdhexaadintaas 09 May. Waxayna beeniyeen in Madaxweyne Riyaale uu diidey inuu horfadhiisto Guddoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah, iyaga oo sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cirro aanay dib u arkin sidii uu uga baxay dhexdhexaadinta, Madaxweynahana aanu la kulmin.
Wasiirrada Shirka jaraa’id qabtay oo kala ahaa: Wasiirka Maaliyadda, Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo Guddoomiye u ah Guddida Madaxweyne Riyaale u xilsaartay dhexdhexaadinta, Wasiirka Waxbarashada Xasan X. Maxamuud (Gadhweyne), Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha, Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin), Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cabdi Xasan Buuni iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB, Maxamed Ismaaciil Bullaale, waxay dhammaantood jawaabo ka bixiyeen Warbixintii Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ka jeediyey fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada, taas oo uu kaga warramay dhexdhexaadintii uu isku xilqaamay inuu isugu soo dhoweeyo mawqifyada kala durugsan ee Xukuumadda iyo labada xisbi ee mucaaridka ah, kaas oo ka dhashay go’aankii Golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyey Madaxweynaha, waxayna sheegeen inuu la yaab ku noqday hadalka Guddoomiyuhu, maadaama aanay jirin ayay yidhaahdeen wadahadal la isku soo horfadhiistay oo dhexmaray guddidooda iyo madaxda labada xisbi ee mucaaridka ah.
Mr. Cabdi Xasan Buuni oo shirkaa jaraa’id ka hadlayey ayaa sheegay in ay maanta ka heleen Komishanka Doorashooyinka warqad ay ku soo wargelinayaan in Akadeemiyadu gogol u fidinayso xukuumadda iyo labada xisbi ee mucaaridka ah, madashaasna lagaga wada hadli doono khilaafaadka jira. Waxa kale oo uu xusay in Komishanka oo ay ka maqan yihiin labadii xubnood ee ay soo xuleen labada xisbi ee mucaaridka ahi, haatan labada xisbi mid ka mid ahi uu soo buuxiyey xubintiisii, xubinta kalena dhakhso arrinteeda loo dhamayn doono, loona soo buuxin doono.
Wasiirku ma sheegin xisbiga soo buuxiyey xubintiisa Komishanka, iyada oo uu dhowaan iscasiley Guddoomiyekuxigeenka Komishanka, Mr. Xirsi Cali X. Xasan oo uu xisbiga KULMIYE soo xulay, halka Axmed Maxamed X. Daahir oo uu soo xulay xisbiga UCID ay shaqada ka joojiyeen xubnaha kale ee Komishanka, isla markaana ay dalbadeen in laga soo beddelo, iyaga oo sheegay in aanay wada shaqayn karin.
Shirqoolka Fashilmay:
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo u kala dabqaadayey labada xisbi ee mucaaridka ah iyo xukuumadda muddo laba toddobaad ah ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka baxay dhexdhexaadintaas, kadib markii sida uu sheegay Madaxweyne Riyaale uu ka diidey inuu soo horfadhiisiyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo, iyada oo isla markaana ay jirtey in xukuumaddu ka cagajiiddey qodobbo uu ku dhexdhexaadiyey labada dhinac oo uu soo bandhigay, kadib markii uu mawqifyadooda oo qoraal ah ka helay. Waxa kale oo soo baxay intii Guddoomiyuhu ku jirey dhexdhexaadinta, dedaal kale oo ay ka barbar bilowday Akadeemiyada Nabadda iyo horumarinta Somaliland, kaas oo la sheegay in Madaxtooyadu dhaqdhaqaajisay, kadib markii Madaxweyne Riyaale uu ka biya-diidey dhexdhexaadintii uu wadey Guddoomiyaha Wakiilladu.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa isaguna warbixintiisa maanta ku soo qaaday dhexdhexaadintaa Akademiyadu ka barbar bilowday, waxana uu sheegay inuu ogaadey in Akadeemiyadu ay ballan ay isugu keenayso Madaxweyne Riyaale iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE samaysay, iyada oo aan lala socodsiin, taas oo uu calaamad su’aal geliyey faa’iido iyo khasaare waxa ay u yeelatay hawshii uu wadey.
Akadeemiyada Nabadda oo ka jawaabeysey warar saxaafaddu qortay oo ku saabsan in Madaxweyne Riyaale ka codsaday inay u soo ballamiyaan Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ayaa beenisey in Madaxweyne Riyaale u dirtay inay ballan uga soo sameeyaan xisbiyada mucaaridka ah, gaar ahaan Kulmiye. Hase yeeshee, Akadeemiyadu waxay qirtay inay dedaal dhexdhexaadin ah bilowday, ka hor wakhtiga Xukuumaddu sheegtay in Guddoomiyaha Wakiilladu ka baxay dhexdhexaadinta, 09 May. Waxayna qoraalkooda ku sheegeen in 06 iyo 07 May ay la kulmeen Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo, ayna ka wadahadleen xaaladda taagan iyo caqabadaha horyaalla diiwaangelinta iyo doorashooyinka, kadibna ay u tageen Madaxweyne Riyaale, isla markaana ay ka soo qabteen ballan, taas oo ay sheegeen in Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ka cudurdaartay.
Hase yeeshee, wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Xasan Macalin oo shirkaa jaraa’id ka hadlayey iyo Madaxweyne Riyaale oo BBCdu waraysatay ayaa labaduba sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ay u soo jeediyeen in cid kale hawsha la gasho iyo in cid uga fara-dhuudhuuban uu u daayo arrinta. Waxana uu Madaxweyne Riyaale qiray in Akadeemiyadu ay u soo ballamisay Axmed Siilaanyo, balse, kulankaasi aanu qabsoomin.
Waxa kale oo uu qiray in uu hore u arkay Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo uu isu keenay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, isla markaana uu doonayey in Akadeemiyaduna ay gaar ugu keento Axmed Siilaanyo, balse, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo uu ku adkaystay in labada xisbi ay isku mawqif yihiin, isku marna uu arko.
Akadeemiyada Nabadda ayaa hore uga qaybqaadatay dhexdhexaadin ay hoggaaminayeen labada Abwaan ee caanka ah ee reer Somaliland, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), taas oo uu Madaxweyne Riyaale ka baxay wixii lagu heshiiyey ama guddida dhexdhexaadintu ay ku kala xukuntay Golaha Wakiillada iyo Madaxweyne Riyaale oo khilaaf adagi ka dhextaagnaa. Hase yeeshee, Akadeemiyadu ay ka muquuratay inay sheegto in Madaxweyne Riyaale uu ka baxay heshiiskii, halka labada Abwaan oo guddida horkacayey ay ku dhawaaqeen arrintaas.
Sidaa darteed, dedaalkan cusub ee ay Akadeemiyadu isku soo dhextuurtay xaaladda iyada oo ay socoto waanwaan ayaa muujinaysa laba arrimood oo kala ah: In akadeemiyadu ay tahay fure uu isticmaalo Madaxweyne Riyaale oo uu u adeegsado kala daadinta mucaaridka iyo ta labaad oo ah dan dhaqaale, waxaana la sheegayaa in Akadeemiyada oo la fulinaysa hay’adda Inter Peace mashruuca Deeqbixiyayaashu ku caawinayaan doorashooyinka iyo diiwaangelintu ay doonayeen inay ka saxeexaan Madaxweyne Riyaale iyo xisbiyada mucaaridka ah wax ay dunida maqashiiyaan oo la isku afgartay mabda’a ahaan si ay uga hortagaan go’aankii Deeqbixiyayaashu ku laaleen lacagtii ay ugu talagaleen diiwaangelinta codbixiyayaasha, taas oo ay isku deyayeen inay ka hordegaan go’aankaas.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

Dhexdhexaadinta Akadeemiyada Nabadda la garay, hase yeeshee Komishanka Doorashooyinka ee imika ay ku kaliyaysteen xubnihii laga soo magacaabay madaxtooyada, isla markaana isu bahaystay inay xilkii ka qaadaan labada xubnood ee xisbiyada mucaaridku soo magacaabeen, ma geli karaan dhexdhexaadin?
Marka hore Komishankan waa mid hawlgab ah mushkiladana isaga ayaa badideeda abuuray. Isaga aya u baahan in dhexdhexaadin laga galo. Komishankan xulashadiisii hore ayaa khaladku ka dhacay. Waa Komishan 5 kamid ahi UDUB tahay oo Riyaale jeebka ugu jira.
Riyaale iyo wasiiradiisuna dadka ayay ruwaayad u dhigayaan, in badan baa loogu baaqay wada tashi iyo dhexdhexaadin. Lama maqal dhexdhexaadin qudha oo wixii ka soo baxay ay oofiyeen. Ballanqaadyada ay jebiyeen tiro ma leh.
Iyaga oo Mudane Cirro dhabarka u jeediyay, ayay sidii caadada u ahayd dadka been u sheegayaan. Laakiin shicibku maaha caruur iyo wax ma garato. Lix sanno ku dhawaad baa la idiin dulqaadanay jeebabkana buuxsateen, imika se wakhtigiinii dhamaa. Muwaadiiniinta kama xigtaan xilalka aad ku dheggantihiin.
Xisbiyada mucaaridka ah iyo golaha wakiilada waxaan leeyahay, iska ilooba akadeemiyaddan iyo urur kasta oo Riyaale idiinla yimaaddo, soo xula qof xukunka dalka loo dhiibo inta doorasho xalaal ahi dhacayso.
Shicibyahow lacagtaadii ayaa jeebka laga buuxsadaye, laga bilaabo maalinta Khamiista ah ee bishu tahay 15, cashuur dambe ha iska siin Riyaale iyo waraabayaashiisa. Maalintaa wixii ka dambeeya wixii aad Riyaale iyo boqolkiisa wasiir iska siisaan waa xaaraan.
Riyaale dembiyo hore wuu galay intii uu ahaa madaxweynaha la soo doortay. Ha yeeshee wixii ka dambeeya maalinta Khamiista ah Riyaale dembiga uu qaranka ka galaa wuxuu noqonayaa mid aad u culus, ciqaabtiisuna ka wayntahay ta qofka muwaadinka ah lagu qaado, sababta oo ah ma jirto xil uu ummadda u hayo oo awood u siinaya inuu cidna xidho, cidna dilo, lacagta ummaddana ku tagri falo. Riyaalow taas ogow oo is dhowr nooma tihid madaxweyne e!!!