Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Isniin, 12 May

 

Somaliland, Transdniestria, Abkhazia, Waqooyiga Qubrus iyo Taiwan midkee buuxiyay shuruuddihii maamul-wanaaga?

By Jason Cooper

Brussels (Tiraspol Times/Ogaal)- Shirka Baarlamaanka Midawga Yurub ee toddobaadkan ayaa lagu wadaa in lagaga hadlo arrimaha dimuquraadiyadeed iyo maamul-wanaag ee la xidhiidha dalalka aan aqoonsiga haysan ee madaxbanaanida haysta. Isla markaana waxa shirkaas oo ka dhacaya magaalada Brussels, taageerooyin ka geysanaya axsaabta xulufada shaqaalaha iyo dimuquraadiyiinta Yurub.

Wakiillo heer sare ah oo ka kala socda dalalka aqoonsi-raadiska ah sida; Transdniestria, Abkhazia, Somaliland, Waqooyiga Qubrus iyo Taiwan, ayaa la rajaynayaa inay shirkan baarlamaanka Yurub ka soo qaybgalaan. Ka dib markii shir ka dhacay magaalada London lagu soo bandhigay qarannimada dalka Transdniestria Arbacadii la soo dhaafay, ayaa madaxa baarlamaanka dalkaasi uu haatan ku sii jeedaa magaalada Brussels, halkaasoo la filayo inuu ku celiyo baahida loo qabo in dalka Transdniestria la siiyo aqoonsiga diblomaasiyadeed ee caalamku ugu aqoonsanayaan inuu yahay dal madaxbanaan. Afhayeenk baarlamaanka dalkaas Yevgeny Shevchuk, oo 39 jir, oo sidoo kale ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ugu balaadhan ee Transdniestria, ayaa la rajaynayaa inuu ka qaybqaato shirkaas maalinta Khamiista ka dhacaya Caasimada Biljimka ee Brussels, ee xarunta Midawga Yurub.

Shirkan lagu wado inuu Khamiista qabsoomo, ayaa la sheegay inay baarlamaanka Midawga Yurub si gaar ah ugu asteeyeen in lagaga doodo masiirka ummaddaha caalamka ee aan la aaqoonsanayn qarannimadooda. Isla markaana axsaabta bahawday ee dimuquraadiyiinta Yurub, oo ah isbahaysiga saddexaad ee ugu balaadhan Yurub magacoodana loo soo gaabiyo ALDE, ayaa sidoo kale qadiyaddaas ka caawiya Ururka Dawladdaha aan la aqoonsanayn ee UNPO. Warku wuxuu intaa ku daray in rajada laga qabo wadahadallada lagu faaqidayo dalalka aqoonsi-raadiska ah, ay tahay mid ku xidhnaanaysa arrimaha dimuquraadiyadeed iyo maamul-wanaag ee ka jira ama lagaga dhaqmo dalalkaas aan aqoonsiga haysan. Kulanka shirkan baarlamaanka Yurub wada yeelanayaan, waxa la sheegay inay soo abaabuleen, isla markaana ka dambeeyeen Jasiiradda Taiwan, oo ka mid ah dalalka aan ilaa hadda aqoonsiga haysan. Waxaana la sheegay inay ka soo qaybgalayaan khubaro caalamiya oo ka socota dalka ololaha ugu balaadhan ku jira ee Transdniestria, balse waxa iyaguna wehelin doona wakiillo ka kala socda qaar ka mid ah dalalka aan la aqoonsanayn, oo lagu sheegay inay ka mid yihiin Somaliland, Taiwan, Waqooyiga Qubrus iyo Abkhazia.

Si kastaba ha ahaatee, waxa la sheegay in toddobaadkan kulanka ay baarlamaanka Yurub ku yeelanayaan Brussels arrimaha aadka loogu eegi doonaa aanay ahayn oo keliya qadiyadda Transdniestria, balse aad loogaga hadli doono baahida loo qabo horumarinta caalamiga ah ee dalalka aan la aqoonsanayn. Inkasta oo caalamka oo dhan ay ka kala imanayaan ka qaybgalayaashu, hadana muuqaalka guud ee madashaasi waa mid loo arkayo in dhamaan dalalkani ay yihiin kuwo la yimi waxyaabihii aasaaska u ahaa qarannimada buuxda ee qawaaniinta caalamiga ah ku qeexnaa, hase ahaatee, aan aqoonsi buuxa u helin arrimo la xidhiidha khilaafaadyo siyaasadeed oo aan la xalinin awgood. Sidaa daraadeed, iyada oo loo eegayo badiba arrimaha ugu muhiimsan ee soo wajahaya dalalka dunida cusub, ayaa shirkan fadhigiisa saddexaad lagaga hadli doonaa ahmiyadda arrinta dimuquraadiyadda iyo maamul-wanaaga ee lagaga dhaqmayo dalalka aqoonsi-raadiska ah, iyo weliba carqaladdaha ka horimanaya ee diidaya in la joogteeyo hanaankan.

Wadani

Inantii Heestay waxay tidhi,

dadka laba jar-daaqa ah,

jir-jiroole siduu yahay

hadba jeeni kuu dhiga

ee aan dhanaba jirin

iyo wixii la jaaddaba Jaliilkaan ka magan-galay.

Imika kuwaa heestu sheegtay ee hor iyo daba diidka ahi, waa duulka dalkeena iyo dadkiisa dhakafaarka ku riday. Waagii beryaba waxaad arkaysaa koox dhinac u dulaamaysa. Anniguse waxaan u fahmaa, halkanaanu door-bidnay iyo waanu soo diga roganaydooda halkanaanu qaad jirine maxaad quud huraysaan.

Gulufka Xukuumadda, Dib u gurashada Cirro iyo Gebogabada Waan-waanta khilaafaadka siyaasadeed

Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa la sheegay inuu dib uga gurtay waan-waantii uu ka dhex waday Xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo Xisbiyada Mucaaradka oo isku maan-dhaafsan muddo kordhinta Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo wakhtigu kaga egyahay 15-ka bishan May iyo wakhtiga la qabanayo doorashooyinka, isla markaana waxa la sheegay in Guddoomiye Cabdiraxmaan sidaa ku wargeliyay Xisbiyada Mucaaridka ah, maantana la filayo inuu Golaha Wakiillada u soo gudbiyo sababaha keenay bur-burka waan-waantii uu ku jiray toddobaadyadii ugu dambeeyay.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada arrintani khusayso, hase ahaatee, warar aanu ka soo xiganay illo kala duwan, ayaa tibaaxay in Guddoomiye Cirro waji-gabax kala kulmay dhinaca Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa. Akaademiga nabada iyo horumarka oo isku dayay inay arrintan qayb ka qaataan ayaan ku guulaysan inay toos u soo wada-galaan dhex-dhexaadinta, ka dib markii farsamo ahaan Xisbiga Kulmiye u soo jeediyay inay ka dhursugaan, ama taageeraan hawsha uu ku jiro Gudoomiye Ciro ee aan laga dhinac furin wada hadalo kale. Sidoo kale, warar aanu ka soo xiganay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa tibaaxaya in hawsha dhexdhexaadinta mucaaradka iyo xukuumadda ay la wareegi doonaan Gudiga Doorashooyinka Qaranka, oo la sheegay in xubintii iska casilay ee xisbiga Kulmiye-na la soo magacaabay, halka xubintii kale ee xisbiga Ucid-na laga horgaynayo baarlamaanka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Rayaale, ayaa sida la sheegay Gudiyo u qaybiyay Xukuumadiisa. Ka sokow Gudiga u matalayay la xaajoodka dhinacayada siyaasada iyo gudiga qaban-qaabada xuska 18-ka May oo labadaba si rasmi ah loo shaaciyay, waxa la sheegay in Xukuumadu u qaybisay Guddi tabaabulshaha iyo ka hortagida talaabo kasta oo 15-ka May ka dib ka suuro-geli karta Mucaaradka. Warku waxa uu intaa ku daray in Gudiyadani ay maalmahan ugu dambeeyay ay shirar is-daba jooga ahaa ka lahaayeen arrimahan muranku ka taaganyahay iyo sidii ay u fur-furi lahaayeen labada Xisbi oo aragti ahaan illaa hada meel uga soo wada jeeda Muda-kordhinta Guurtida, kulamadaasina xalay ayaa la sheegay inay si wayn u sii kordheen.

Kama yeeli doono cid kasta khalkhal iyo fawd”Burco (Ogaal)- Shir uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Togdheer, ayaa baaq laga soo saaray lagusoo jeediyay in la adkeeyo ilaalinta nabadgelyada gobolka.

Shirkan, oo la sheegay inay ka soo qaybgaleen xubno ka tirsan guddiga nabadgelyada gobolka, iyo cuqaal ayaa lagu faaqiday arrimaha la xidhiidha amaanka iyo nabadgelyada gobolka Togdheer. “Hadii aanu nahay cuqaasha gobolka togdheer, ka dib markii aanu shir isugu nimi, ayna nagu weheliyeen maamulka gobolka, iyo xubno ka tirsan gudiga nabadgelyada, waxaanu isla-garanay, kana soo saaray baaqan. ‘Anagoo ka duulayna xaalada nabadgelyada gobolka, waxaanu isla-garanay in cid kasta oo wax u dhimaysa nabadgelyada gobolka ama ka shaqaysa sidii ay u burburin lahayd, waxna ugu dhimi lahayd nabadgelyada in aanaan ka yeeli doonin khal-khal iyo fawdo, isla markaana aanu meel uga soo wada jeesan doono oo aanu gacan wax kaga qaban doono.” Ayay soo jeediyeen cuqaasha Togdheer ee kulankan ka qaybgashay. Waxaana cuqaasha kulankan ka qaybgalay tiradooda lagu sheegay inka badan (70) caaqil, oo ka mid ah cuqaasha gobolka Togdheer.

Wararkii u dambeeyay ee Muqdisho

Muqdisho (Ogaal/Press TV)- Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ee Somalia, ayaa la sheegay inay dileen lix qof oo rayid ah, isla markaana ay xidhxidheen tiro kale.

Sida lagu baahiyay Website-ka laga leeyahay dalka Iran ee Press TV, Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa hawlgallo ay ka fuliyeen Degmada Towfiiq ee waqooyiga Muqdisho, waxay ku dileen 6 nin oo rayid ah, halka ay ku xidhxidheen 85 qof oo ay ku jiraan 20 Dumar ahi. Hase ahaatee, waxa la sheegay in markii dambe la sii daayay dumarkaas.

Dilkan ayaa waxa uu sababay walaac wayn oo la soo dersay dadka eheladoodii gacanta ugu jirto Ciidamada Itoobiyaanka ah iyo kuwa Cabdilaahi Yuusuf.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

Cuqaal Reer Togdheer ah


TOP

ANNOUNCEMENTS »

Conf. Call by S/land American Council

27 July 08 @ 1pm ET- Keynote Speaker; Vice President Ahmed Yusuf Yassin

102 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Ha la sameeyo wixii rag yeeli jiray.

Mohamed Hussein Roble

Diridhabe & Maqaalkisi “Maxad Ka Taqaana Xaaska Madaxweynaha (Huda Barkhad)

Xabiib Adan Cabdi

Faysal Cali waraabe ma shirka beesha Bariga Burco ku qabsanayso Garadag uun baa muuqday

Abdihakin hersi

Madaxda UDUB & UCID oo ku fashilmay…

Maxamed Haaruun

Doorashada musharrixiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee Kulmiye siday u dhici doontaa?

Ahmedweli.

Who Is Ismail Mumin Aar?

Haybe Omar

Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye & halka uu maraayo

Adan Yuusuf Cilmi

Jawaab: Kulmiye waa inuu Shirkiisa ku qabsado Hargaysa.

Cali Maxamuud Case (London)

Maamulka Saaxil maxay isu hortaageen dhismaha dugsiga

Mohamed osman

Ayaxa Ku Habsaday Somaliland!!!

Axmed Xasan Cali(like)

Reer Kulmiyow, ma runtaynu qarxinaa mise beenbaynu ku rafanaa

Maxamud Nour (Xariif)

The cloak-and-daggers boys Inc. of Somaliland

Sagal Say Wallahi

The Unjust Transfer of the Ambulance of Erigavo Hospital

Sanaag Development Organization

Goormuu Noqday Ciidankii Qaranka Somaliland

Shueib A. Gaboose

Kulmiye waa inuu shirkiisa ku qabsado HARGAYSA

Engr. Omar Yousuf.

Arrinku Riig Ka Qoto Dheer

Axmed Ismaciil

Dahabshiil Ducaysane

Farid Cadani, Hargeysa

Unguided talking head

Mahdi Gabose.

Talo Xumada Siyaasada Beesha Maxamed Case Waxay

Saleebaan Ahmed Daauud

Dood Muranka Miisanka Maansada

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

Tartankii Musharaxiinta Kulmiye oo bilaabmay

Yusuf Daahir Geelle

Labakaclaynta Siyaasadda Xisbiga Kulmiye

Jamaal Cabdilaahi

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher:

Hambalyo Aroos