Wadihii Gaadhigii Lagu Dhex Dilay Hani Xasan Shillin Oo Maxkamad Milateri La Saaray Iyo Askari Lagu Xidhay ‘Haatuf Baad U Warantaa’

Hanna Hassan Jama
Hani Xasan Jaamac - Gabadhii lagu ciidanku ku toogtay Hargeysa

Hargeysa, May 8, 2008 (Haatuf) – Cabdi-Casiis Aadan Habane oo ahaa wadaha gaadhigii lagu dhex toogtay Alla ha u naxariistee Hani Xasan Jaamac magaalada Hargeysa markay taariikhdu ahayd 26/4/2008 ayaa Salaasadii dorraad la saaray Maxkamad milateri, iyada oo ilaa hadda aanay bileysku soo qaban gacan-ku-dhiiglihii dilkaasi geystay oo la sheegay inuu ka tirsan yahay ururka Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka.

Falkan naxdinta leh ee ay ku qudh-baxday gabadh labaatan jir ah oon waxba galabsan, waxa uu ka dhacay waddo ku dhaw Beerta Xorriyadda ee Hargeysa goor ay saacaddu ahayd 11:20 habeenimo, iyadoo ay marxuumaddu xilligaa ka timid xaflad aroos ah kuna socotay gurigoodii markii uu si lama filaan ah askari ka tirsan ciidanka Qaranku xabad rasaas ah ku soo ridday gaadhi uu waday Cabdi-Casiis Aadan oo ay Hani saarnayd.
Xabadda rasaasta ah ee lagu ridday gaadhiga ayaa intay soo jiidhay daaqadda dhinaca bidix ee shidhkii gaadhiga dabadeed ku dhacday Hani. Hase yeeshee taliyaha Bileyska Somaliland Saqadhi Dubad ayaa iyada oo aan baadhitaanba lagu sameynin falkii dhacay ku eedeeyay darawalkii gaadhiga inuu xoog ku soo jiidhay ciidamo waddada ilaalinayay.

Haddaba inkastoo aanu Cabdi-Casiis ka tirsaneyn ciidamada oo uu yahay nin shicib ah, haddana waxa maalintii dorraad la horgeeyay Maxkamad milateri oo fadhi ku yeelatay dabaqa sare ee saldhigga dhexe ee Bileyska Hargeysa.

Nin Xeer-ilaaliye ka ah Maxkamaddaa ayaa waxa uu Cabdi-Casiis u sheegay inuu yahay eedaysanaha koowaad ee dilkii Hani Xasan, waxaanu ku eedeeyay inuu jiidhay 3 hurimood oo ciidan ah oo jidka ku jiray. Hase yeeshee Cabdi-Casiis waxa uu eedahaasi kaga jawaabay in aanu ogeyn xero ciidan oo ku dhex taala magaalada, isla markaana aanu maqal wax bandoo ah oo lagu soo rogay magaalada, ciidan uu jiidhayna aanu jirin.
Cabdi-Casiis waxa kale oo uu Maxkamadda u sheegay in uu yahay dhibanihii la toogtay ee isagu Bileyska u ashkatooday.

Cabdi-Casiis ayaa hore u sheegay in aanu wax ciidamo ah ku arag waddada balse ay niman aanu arkeyn isaga oo caadi u wata gaadhiga ay dhinac ka soo toogteen isla markaana uu aaminsan yahay in falkani ahaa shirqool abaabulan oo lagu dilayey.
Taliska Ciidamada Qaranka ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin arrintan, laakiin waxa jira askari aad loo hadal hayo oo la isku raacsan yahay inuu yahay gacan-ku-dhiiglihii isagu toogtay Hani Xasan.

Hase yeeshee Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa isagu ku adkeysanayey in askariga la tuhunsan yahay inuu dilka geystay iyo baadhitaanka kiiskaba loo daayo milateriga taas oo ka horimanaysa sharciga, Somaliland-na ka dhigaysa dal lagu maamulo xukun milateri oo sooc ah.

Taliyaha Ciidanka Qaranka, Nuux Taani waxa uu meel fagaare ah ka sheegay in qof ciidan ah oo waajibkiisa gudanayay aan loo xidhi karayn qof shicib ah.

Ilo xog-ogaal ah oo kala duwan ayaa Haatuf u sheegay in sababta dhabta ah ee uu Nuux Taani uga warwareegayey inuu askariga farta lagu fiiqayo horkeeno sharciga ay la xidhiidho askariga oo ka soo jeeda beesha Madaxweynaha.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Taani ayaa xidhay nin sarkaal ciidan ah oo magaciisa la yidhaahdo Cabdirisaaq Siciid Bullaale kadib markii lagu eedeeyay in uu ku taliyay in askarigii la tuhunsanaa inuu geystay dilkii Hani Xasan la horkeeno cadaaladda.

Sarkaalkan oo ka mid ah hoggaanada ciidanka, isla markaana laftarkiisu ka soo jeeda beesha Riyaale, ayaa waxa kale oo lagu soo eedeeyay inuu warar siiyey wargeyska Haatuf. Hase yeeshee Tifaftiraha wargeyska ayaa beeniyay inay arrintaasi jirto, waxaanu yidhi: “Ma jiro haba yaraatee wax xidhiidh ah oo dhexmaray Cabdi-Risaaq Bullaale iyo Haatuf ama warar uu askarigaasi siiyey wargeyskan”.

Masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa culays ku saaray Cabdi-Casiis Aadan Habane inuu dib uga noqdo fasiraadii uu ka bixiyey falka ee uu ku sheegay inuu ahaa shirqool isaga lagu dilayey.

Masuuliyiintani waxay Cabdi-Casiis kula gorgortamayaan in haddii uu ka tanaasulo eedda ah in la shirqoolayey xabsiga laga sii deyn doono.

Dhinaca kale qoyskii iyo reerkii ay ka dhalatay marxuumadda la dilay iyo hooyadeedii dhashayba waxay qoraallo ay hay’adaha sharciga u gudbiyeen ku caddeeyeen in aanay wax dambi ah u haysan.

Cabdi-Casiis Aadan Habane.


TOP

ANNOUNCEMENTS »

Conf. Call by S/land American Council

27 July 08 @ 1pm ET- Keynote Speaker; Vice President Ahmed Yusuf Yassin

102 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Ha la sameeyo wixii rag yeeli jiray.

Mohamed Hussein Roble

Diridhabe & Maqaalkisi “Maxad Ka Taqaana Xaaska Madaxweynaha (Huda Barkhad)

Xabiib Adan Cabdi

Faysal Cali waraabe ma shirka beesha Bariga Burco ku qabsanayso Garadag uun baa muuqday

Abdihakin hersi

Madaxda UDUB & UCID oo ku fashilmay…

Maxamed Haaruun

Doorashada musharrixiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee Kulmiye siday u dhici doontaa?

Ahmedweli.

Who Is Ismail Mumin Aar?

Haybe Omar

Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye & halka uu maraayo

Adan Yuusuf Cilmi

Jawaab: Kulmiye waa inuu Shirkiisa ku qabsado Hargaysa.

Cali Maxamuud Case (London)

Maamulka Saaxil maxay isu hortaageen dhismaha dugsiga

Mohamed osman

Ayaxa Ku Habsaday Somaliland!!!

Axmed Xasan Cali(like)

Reer Kulmiyow, ma runtaynu qarxinaa mise beenbaynu ku rafanaa

Maxamud Nour (Xariif)

The cloak-and-daggers boys Inc. of Somaliland

Sagal Say Wallahi

The Unjust Transfer of the Ambulance of Erigavo Hospital

Sanaag Development Organization

Goormuu Noqday Ciidankii Qaranka Somaliland

Shueib A. Gaboose

Kulmiye waa inuu shirkiisa ku qabsado HARGAYSA

Engr. Omar Yousuf.

Arrinku Riig Ka Qoto Dheer

Axmed Ismaciil

Dahabshiil Ducaysane

Farid Cadani, Hargeysa

Unguided talking head

Mahdi Gabose.

Talo Xumada Siyaasada Beesha Maxamed Case Waxay

Saleebaan Ahmed Daauud

Dood Muranka Miisanka Maansada

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

Tartankii Musharaxiinta Kulmiye oo bilaabmay

Yusuf Daahir Geelle

Labakaclaynta Siyaasadda Xisbiga Kulmiye

Jamaal Cabdilaahi

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher:

Hambalyo Aroos