Shir lagu taageerayey UDUB oo buuq hadheeyey
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo ka tirsan Salaadiinta Beesha Isaxaaq [H/yoonis], ayaa shir uu shalay ugu qabtay waxgarad iyo odayaal ka tirsan beesha uu ka soo jeedo beer ku taala cidhifka bari ee magaalada Hargeysa, ayaa buuq iyo sawaxan ka dhashay, kadib markii waswaas ka galay ujeedada shirka xubno ka tirsan dadkii kulankaa ka soo qaybgalay, oo iyagu u arkayey mid taageero beesha loogaga doonayey xisbiga UDUB.Shirkan oo ololaha qabsoomiddiisa uu hormood ka ahaa Suldaan Xiiray, ayaa ka hor intii aannu si rasmi ah u furmi shirku waxa madashii shirka hadheeyey buuq iyo sawaxan ay la oogsadeen xubno ka tirsan dadkii kulankaa isugu yimi oo iyagu ku doodayey in ujeedadii shirka loo bedelay olole UDUB-baysan, sidaas darteedna aanay ogolayn in magaca beesha cid gaar ah lagu shaabadeeyo.
Waxaana shirkaa laga horjoogsaday siyaasiyiin iyo waxgarad iyagu ka tirsan xisbiga KULMIYE oo badhkoodu xubno ka yihiin, waxaana markii uu damiwaayey sawaxankoodu madashii kulanka la soo dhoobay askar boolis ah oo laga soo qaaday Saldhiga xaafadda New Hargeysa, kuwaas oo markii ay goobta yimaaddeen ka horjoogsaday goobtii shirka loogu talogalay xubnihii cabashada waday, iyagoo qaar ka mid ahna khasab uga kaxeeyey madasha, kadibna meelihii albaabada ahaa ee goobta shirka loo soo marayey xidhay, iyagoon u ogolaanayn inay halkaa galaan cid aan shirka taageersanayn, waxaanay boolisku xitaa dadka goobta shirka ku jiray ka horistaagayeen inay tagaan oo ay hadhsadaan dhirta ku taala xayndaabka beerta shirku ka socday.
Xubnaha shirkan soo abaabulay oo uu ka mid ahaa Suldaan Xiiray hormoodka ka ahaa, ayaa iyagu qudbadihii ay madashaaa ka jeediyeen waxay bud-dhig uga dhigayeen ilaalinta iyo adkaynta nabadgelyada iyo sidoo kale ku dhaqanka sharciga, balse erayada ay u isticmaalayeen hadalada qodobada ujeedooyinka ay sheegeen in shirku ku saabsan yahay, waxay ahaayeen kuwo dariiq u ahaa oo loo soo marayey taageero toos ah oo hal dhinac ah, gaar ahaan xisbiga UDUB iyo xukuumadda Madaxweyne Rayaale.
Jiif-caaqal Cabdi Yuusuf Bulbul oo ka mid ahaa xubnihii kulankaa ka hadlay ayaa isagu si toos ah u weeraray Guddoomiyayaasha labada xisbi mucaarad oo uu sheegay in aanay waxba ka jirin hadalkoodii ay ku sheegeen in 15-ka May wixii ka dambeeya aanay ogolayn Madaxweynenimada Rayaale, isla markaana ay beel ahaan raalligelin ka bixinayaan hadaladaas. Isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Maalin dhawayd dhawaaqyo tilmaamaya 15-ka May ayaa baxay, hadalkaasi mid aan munaasib ahayn ayuu ahaa cidda uu ka soo baxayna waa la garanayaa, haddii sharciga lagu eekaanwaayo doorasho ma jirayso ee ka haya ayaa noo hayana. 15-ka May waxba kama dambeeyaan waa been mid soconaysana maaha, waxaannu odhan lahayn waddada bari bay ka soo galeen ragga caynkaa u hadlayaa, annagaa raalligelin ka bixinayna ee yey u noqonin.”
Taageerida xisbiga UDUB ee shirka oo inta badan afka laga dhawrayey, balse duurxulkeedu badnaa, ayaa waxa si cad daboolka uga qaaday in shirku uu yahay mid xisbiga UDUB loo qabtay oo lagaga hadlayo danihiisa Mujaahid Shabac Koosaar oo ka mid ahaa dadkii kulankaa ka hadlay, waxaannu yidhi; “Marka ay tahay shirka qaran ama reernimo nin loo diidi karo ama laga xakamayn karaa ma jiro, laakiin marka ay tahay dano waxaan anigu isleeyahay meeshan xisbi baa lagaga hadlayaa la yidhaa UDUB iyo xalkiisa, ragga ka soo horjeedow ha ka xumaanina ee dadkiinii idinkuna keensada.”
Xigasho: Jamhuuriya

TACSI »
TACSI: Amran Haybe - Xaaska Xaji Xasan Axmed Geedi (Xasan Humbus)