Shabaab Soomaali
Shabaab Soomaali
A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com
Q. II
Weriye Guutaale ayaa dib u soo gocday halyeynimodii Aadam Soomaali: dhaqankii, hormuudnimadii, iyo falaadkii suubanaa ee ku soo caanbaxay. Waxa uu ka hadlay sida Soomaaligu aan uu u ahayn colyahan ku naalloon jiray daadinta dhiigga dadyowga aan waxba ka galabsan; iyo in aan uu weligiiba birmad u noqon si dad loo gumaysto; bal se si taas ka duwan haddii uu jebiyo nacabkiisa—ha ka oggolaado ama ha ka diido ee—Kelmadda Ilaahay na faro ama baro ba, faraha ayuu ka qaadi jiray; xoolahooda na ma duudsiin jirin, dhibaatooyin kale na uma aan u geysan jirin; mooyaane: in ay ballanqaadaan in ayan dib dambeeto hub kala hor imaanayn Soomaaliga Gobta ah. Waxa kale ee uu ka hadlay sida Shabaab Soomaali u rumaysnaa in xammaalka furdo, marka laga hadlayo turuqyo, sida aan ay u jirin ba cid rarka kaga dulqaad badanan kartay; hawsha dagaalku se in ay ahayd wax aan u baahnayn dherer iyo laxaad uun; iyo in uu jiri karay fulay misana kaa qalab, shiish, tababar, gaadiid, iyo guutooyin ba badnaan karay ba; hayeeshee, kaas oo haddana, si fool-ka-fool ahayd na, aan adiga kaaga hor imaan kareyn. Waxa kale uu xusay, isla Habeenkii Nacabtooyoda, geeridiisii ilbiriqsiyo jaw kahor, in Shabaab Soomaali yiri:
“Dayuus jooga Texas ayaa galuus uu riixo kugu dili karaya xataa adigoo iska joogay Dhusamareeb. Tanka iyo tayoda qofka Muslimka ah se waxa ay ku jiraan, wadaneha, rabitaanka shahaadoda, iyo iimaan sugan. Waa hayeynimo gude ku daaban ee maahan buurnaan iyo tookh dibadyaal ah. Ha ka yaabin: Hub wanaagsan, dadnimo wanaagsan kuuma yeelo! Kuwaa se moodaya, liideha Woyane in ay dowladnimo kula-meel-gaarayaan.”
“Shabaab isaga oo dhacay, misana waa ninkaa weli halgankii, si mintid ahayd, weliba si dardar lahayd, ugu sii dhabaradaygayay,” Karwal ayaa abwaankii ku yiri. Si qiiro lahayd ayuu u sii dabadhigay, “Si doonta ay halistii geeridu ugu soo dhowaatay, ma jirin wax halgankiisii loodin karay. Isagii oo sakaraad ahaa ayuu hubka weli cadowgii ugu gubayay sitaahoo uu ku harsanaa xoog weli wax sii caabbin karayay ba—.”
Weriyehii ayaa la soo booday, “Shabaabka, geesinnimodaas oo kale nacabka kala hor tegay, si quursi lahayd na boqollaalka kaga dilay, miyaa dhintay? Miyaa laga adkaaday? Kaalintii uu halganka ku lahaa ayuun ba dhammaatay; ma dhiman ee xag Alle ayay weli ka nool yihiin. Xataa waa kuwo weli ku noolaan laabta iska daa’ dadkoodii ee—laabtii gaalada se ku ahaan argagax joogto ah—caddaanka iyo madowga ba! Hohey, ma ragga ugu halyeysan ayaa se gedda aarka maalinle durba ugu hor dhiman? Hohey, illayn Soomaali ayaa ba jiray se, kaas oo iskaga noolaan karaya ba boqol sano, nolol doofaarnimo?”
Maxaysatadii Tigreega iyo Koobbi Amxaaro ee teetsanaa goobtii geerida, waa habeenkii ugu nacabtooyada weynaa, habeenkii uu Shabaabku ka dilay boqollaalka; ugu dambenytii, walow halistii ay gumac kala haleelen, waa wiilka isaga oo jirjirka u yaallay misana sii halgamayay, illaayo uu ka nuuxsi gabayay. Maxay haddaba ku sammeeyeen meydkiisii? Waa ay jarjareen, madaxii na ka goosteen. Waxa ay meeshii ka qaateen madaxiisii, ee ma ahayn magaciisii; ogow se in ay meeshii kaga baqdeen meydadkii gaaladoodii oo waddooyinka u wada xoornaa sidii ayax geedohii sun loogu daray. Geeltoosiyehu, meyd-ku-nooleha, miyuu lahaa se wadane uu fuurarkiisa kaga soo guran karay Minqaadkii Geerida? Haddee ma jiray fulay galuus uga soo riixi karay goof ku yaallay Texas, USA—qarin na karay najaastoodii dhex hoobsanayd bacaddadii Xamar-Cadde? Tigreegii soo duulay, kuwoodii shabaabku raamsaday, jeer ay ahaato ba, iya na, guryahoodii ayaa laga wada tebi doonaa.
Abwaankii ayaa ku faanay, “Guushu ma ahan in aad ka sabatabbaxdid Raqdii Dagaalka, sharafku na waa wax ku xiran gaashaanqaadnimo iyo weerarcelin; qaniimaddu na waa magac lagu hantiyo geerida qaarkeed: dirirtu na waa dhalan u baahan buruudshiil halyeynimo: ma ahan wax lagu heli karayo cadaadis nacabtooyo.”
Sanad kadib, Habeenkii Nacabtooyo, kolkii aan dib u akhristay qoraalladii taariikheed ee wariye Guutaale Warsame, iyo maansooyinkii abwaan Karwal Abeyle, alleylelee, waxa aan maanta garwaaqsaday in Shabaab Soomaali, xag Allaah iyo xaggii gaalada ba kaga ganac iyo karaamo ba weynaa—dabadhilifyoda. Maxaa yeelay gunnadii lagu siiyay baadigoobkiisii: balaqyodii la quudiyay eeyahii Mareykanka, xataa haddii diiq joogto ah looga dhigi lahaa noloshooda oo idil, miyuu qiimahoodu weligii u dhigmi lahaa ba, sida u Guutaale xisaabta ku qiyaasay: “halkii gantaal ee loo huray Aadam dartiis!” Waxa kale oo aan ka bartay in taarikhdu weligeed ba horey ba u soo sharfin kha’inka ummaddiisa; laakiin se in ay jiilal dambe gaarsiin: heybaddii halyeyodoodii hore. Iyo, iska daa’ rubad ka go’day ee, sida gaalka Mareykanku kaga baroordiiqo kabta ka go’da shabaabkiisa;—misana aan uu jeer na uga caloolxumaan geerida Soomaaliya ku dhex rifenaysa shabaabkii Woyaneha. Calal Uus, garhayeha, waxa ba qaddar dhaaanta kuunto Tigreega—waa se haddii xaarka ba laga dhaqo. Uf! Kaas, nacad baa ku taal!
Isla markii aan labadii qoraal ba ka bogtay, wixii ugu horreeyay oo ay dhegtaydu maqasho waxa ay ahayd hees igaga soo baaheysay aqalka qolo aan reer Waaberi beri’ wada ahaan jirnay:
Ahaan mayso dunidan sida aad u moodiyoo
Anna urugo iyo ciil ku idleysan maayo’e,
Waxa iman ayaankii.
Alle aan ka sugayee
Alle aan ka sugayee…!
Waa DHITO. Waa DHIGAAL. Waa sheeko inoo wada taal!
DHAMMAAD
.

wayeel@operamail.com

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde