OPINION

Qardoofooyinka iyo Hungada Madaxweyne Daahir Rayaale

Sidaynu ka warqabno 29kii April 2008, wuxuu Madaxweyne Daahir Rayaale Kahin ka jeediyey qudbad aad u dheer, badhtanka labada Gole ee Guurtida iyo wakiilada oo is huwan, waxana Goobjoog ka ahaa inta badan Golahiisa wasiirada iyo marti sharaf kale, taasi oo micnaheedu yahay in intii badnayd haldoorkii siyaasada dalka goobta ka soo xaadireen, bal si ay u dhegaystaan khubdabada ‘tebiska ahayd’ ee Madaxweynu kala soo hangagaarayo Madaxtooyada. Khudbadan oo runtii u rogtay Golayaaashii qaarkood la soo doortay qaar la mid Golihii dhexe ee XHKS, xiligii Faqash, kadib mar eryadii ka soo burqanayey Madaxweyna oon nuxur iyo nashaato toona lahayn ay sacab la dabo jimicsadeen, iyadoo ay weliba shirgudoonga goleyaashu si buuxda u ogaaldeen inaan Faanka, Hanjabaadan, buun buunita waxaan sakaaro ka biirsan iyo erayda ka madhan dhaqan ka iyo muuska madaxeed, ee saacado badan oo umada loo shaqaynlahaa ka qaatay, inaan wax suaal ah laga waydiin Karin.

Madaxweyna Somaliland oo hada muddo lix sano ah ahaa Madaxweyne, waxaad moodaa inaanu ilaa hada Barran, habdhaqanka madweynenimo. Waxaana marar badan aad ka maqlaysaa erayo ama hadalo gefweyn ku ah xilka uu hayo, in badan ayaa tuhun ka qabtay inuu ku cusubyahay maslaxa siyaasadeed, oo uu wax barrandoono halkay qaarkale ka lahaayee Cirridkaan arko ilko kama soo jeedaan, taasi oo aad moodo in ay rumoobayso, marka la arko Madaxweynhii oo weli u dhaqmaya sidii uu joogo Mafrishyada qaada.

Kudbadii ugu 29 April, wuxuu madaxweynu Xildhibaan ka gilgishay is hortaaga suaalo la’aanta ku yidhi ‘ adeer waa adeb darantee fadhiiso..Bilaa edeb baad tahee Aamus’,eryadan oo dhaqan soomaaliyeed iska daa qof weyn iyo xildhibaane aan caruurta edeb darada samaynaysa loo quudhin, kasii darane nin huwan sharaftii umada Somaliland oo dhan mid u codeeyey iyo mid aan u codaynba inay afkiisa ka soo yeedho waa mid af ka weyn. Isla qudbadaasi maruu la hadlayey Mucaaridka wuxuu yidhi ‘ninkii sharciga u hogaansami waayaa wuu saqiiri doonaa,’ Taasi oo u muuqata hanjabaad, muujinaysa inuu u soo micyo lisanayo inuu jeelasha dhigo rag miisaan ku leh dalka, siduu horeba u falay, deerona aanay deero u hirdiyin.

Ereyadan iyo qaar kale oo la mid ah ama ka sii daran ayuu tiro aan xad lahayn Madaxweynu ku saydh shaydhay dad badan oo ka mid ah umadii soo dooratay, tusaale ahaan mar uu ka hadlay idaacada BBC da wuxuu yidhi ‘ WAA BEENAALE SULDAAN MAXAMED SULDAAN C/QAADIR’ oo ka mid ah salaadiinta ugu facaweyn sulaadiinta Somaliland, markale isagoo ka cadhaysay runtii uu ku halday Abwaan gaariye wuxuu yidhi ‘haduu soo kaxaystay kii la gabgabyi jiray’ isagoo u jeeda Abwaan Hadraawi oo gudigii dhexdhexaadinta ee uu ku wacad furay,hormood ka ahaa, siyaasiyiinka iyaga Hadalkoodaba reeb.

Intii aanay kala quusan weriyeyaasha ayaa weriye suaal waydiiyey wuxuu ugu jawaabay madaxweynuhu ‘ Jaahil Baad tahay’ .

Madaweynu maruu lahadlayey qurba jooga isagoo raba in laga qaybqaato kaalmada Sool iyo Sanaag bari wuxuu yidhi ‘ kaalmada wax ka soo ururiya, XINKABA WAA URURISAANE’, markale wuu ku yidhi Qubjooga reer yurub wuxuu ku tilmaamay inay qaataan QARAAMAAD, isagoo ay madaxiisa ka guuxaysay, koox haween ah, oo xaflad xaaskiisa ugu samayey London isaguna ka qayb galay.oo laga yaabo inay u badnaayeen dumaka ‘single mums’ loo yaqaano.

Waxase marag madoon ah in intaa uu sheegayba ay isaga ku cadyihiin waayo:

· Hadii uu madaxweynu waa madaxweynee Edeb udhasay,Meeday sharaftii xildhibaanka iyo tii madaxtinimadu lahayd ee isaga laga rabay,? Makuu madhasha ilyartu is qabatay xildhibaanka ku leeyahay ‘adeer waa adeb darantee fadhiiso..Bilaa edeb baad tahee’

· Hadii Suldaan Maxamed Beeneele noqday, Daahir Riyaale Ma Run buu ka sheegay, Wershadihii Berbera,Dawladii tirada Yarayd, Lacagtii Burco laga bedelayey, Idaacada Hargeysa, Dhamaan heshiishyada shirkada debedalala galo, heshiiska total ka dhexeeya iyo qaar kaloo badan!!!.

· Wax badan ayuu Madaxweynu ku tilmaamay dad ka aqoon badan Jaahil, runtuse waxay tahay in isagu Jaahil ka yahay Cilmiga Diininga ah iyo Ka maadiga ahba.

· Xinku miyaanu ahayn madaxweyne kaad Maxmed Aar Safiirka ugu macowday,Cismaan hindina u buunbuunisid adiga xisbigaaga udub.eed aad hada la dawakhday markii mucaaradkii is raacay,

· Qaraamaad bay qaataan qurbo jooga Yurub, tiro aad badan oo reer Somaliland ah oo jooga Yurub ayaa dhidid kood maala, balse Madaxweyna xagee ayey asal ahaan ka timid lacagta aad ku iibsatay Guryaha ku yaal Qaahira iyo Imaaraadka, badhna aad Caruurtaada Manchester(U.K) Jaamacada ugu soo dirtay? miyaanay ahayn Cashuurta dhaamaan xoogsatada reer Somaliland debed iyo gudoba oo ay ku jiraan kuwa Yurub ee qaraamaadka ku sheegtay ee maal gelinta ku sameeyey dalka ha ahaato Guryo, Huteelo, wershado iwm, maraad cashuurta masaakiinta Somaliland laga soo ururiyey fasamaysato anagu aanu ogolaanoba qaraamaadkee , adugu maxaad tahay?hadaanu ku nidhaa tuug baad tahay sow abaalkaa maaha.

· Madaxweynu isagoo waxaasoo xadgudub ah gesta ayaa hadana cidii afka juuq ka tidhaa Jeelasha u taxaabaa sida hada ku dhacday ABSHIR XASSAN.

Gebo gebadii Madaxweyne Daahir Rayaale Wuxuu Ceeb ku yahay sharaftii umadii dooratay markuu ku hadlaayo waxyaabaas iyo qaar kale oo la mid ah, taasi oo muujinaysa liidnimada umadda doorkoodii noqday.

Maxamed Cali
London, UK


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra