Odayaal Caan Ah Oo Ka Tirsan Degaanka Hargeysa Oo Xukuumadda Uga Digay Inay Sii Wado Dilalka Iyo Xadhiga Sharci-Darada Ah

“Wixii Ka Dambeeya 15 May Rayaale Wuxuu Noqonayaa Muwaadin Caadiya, Guurtidana Iskuma Kordhin Karto, Cidna uma kordhin karto, iyagana looma Kodhin karo” Maxamuud Dhool-Dahable

“Dadku haka fiirsadaan cidda ay u caleemo-saarayaan Madaxtnimada dalka” Maxamed Cabdi Arabey

Hargeysa, May 9, 2008 (Haatuf) – Maxamuud Dhool-dahable iyo Maxamed Cabdi Arabey oo labaduba ka mid ahaa odayaashii ka soo qayb-qaatay halgankii dib-u-xoreynta Somaliland ayaa Xukuumadda Madaxweyne Daahir Riyaale uga digay inay sii wado waxa ay ku tilmaameen dilalka iyo xadhiga sharci-darada ah ee loo geysanayo dadka shicibka ah.

Labadan oday oo door mudakar ah ka soo qaatay dib ula soo noqoshadii madaxbanaanida iyo aasaaskii Somaliland waxay Madaxweyne Riyaale ku dhaliileen inuu ku tuntay dastuurkii iyo shuruucdii dalka, isla markaana burburinayo nabadgelyadii wadanka.

Labadan oday oo wargeyska Haatuf uu shalay wax ka weydiiyay siday u arkaan xaaladda siyaasadeed ee dalka wakhtigan xaadirka ah marayo iyo waxa ay xal u arkaan waxay sheegeen in mushkilada ugu weyn ee dalka haysataa ay tahay xukunka Daahir Riyaale, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu ka masuul yahay heerka ay maanta dalka iyo dalkuba taagan yihiin.

Haddaba mujaahid Maxamuud Dhool-dahable oo ka hadlay wadciga taagan ayaa wuxuu yidhi: “Dalka waxa ka jira khlaaf siyaasiya oo u baahan xal siyaasadeed, khilaafka iyo murankana waxa abuuray Madaxweynaha iyo Guurtida ee ku heshiiyey in midba midka kale u kordhiyo si ay sharci-darro ugu sii xajistaan kuraastooda.”

Maxamuud isagoo arrintaas ka sii hadlayana waxa uu yidhi: “Wixii ka dambeeya 15-ka May ee sannadkan 2008 Riyaale wuxuu noqonayaa muwaadin caadiya oo ila mid ah, Guurtiduna wakhtiga iskuma kordhin karto, cidna uma kordhin karto, iyagana looma kordhin karo, haddiise taasi dhaacdayna oo inna hortimid waa gef laga galay dalka iyo dadka, waxaanay ka dhigan tahay distoorkii oo la laalay.”

Mar uu ka hadlayay Maxamuud Dhool-dahable nabadgelyada waxa uu yidhi: “Caalamka kale dawladaha ayaa keena nabadgelyada iyo kala dambaynta, iyagaana ilaaliya, laakiin marka Somaliland laga hadlayo nabadgelyada dadka ayaa keenay oo samaystay, nabadgelyana may jirteen haddii aanu dadku gaadh haynin.”

Maxamuud wxa uu sheegay in khatarta ugu weyn ee nabadgelyada looga baqayaa ay tahay wax uu ku tilmaamay hab-dhaqamada sharci darada ah ee xukuumaddu ku tallaabsanayso sida xadhiga sharciga baalmarsan iyo ciidamada milateriga ee waddooyinka iyo suuqyada la soo dhoobo iyo dadka shicibka ah ee Hargeysa ay ciidamada Bileyska iyo Milaterigubaku dhex toogtaan.

Maxamuud waxa uu hadalkiisii ku gebagabeeyay inay dadka reer Somaliland nabadgelyadooda ku faro-adaygaan cidii xumaynaysana ay dhinac ugasoo wada jeedsadaan.

Maxamed Cabdi Arabey oo ka mid ah odayaasha caanka ah ee reer Hargeysa ayaa waxa uu aad uga calaacalay heerka ay ku dambaysay sumcadii ay golaha Guurtidu lahaan jireen.

Maxamed Cabdi Arabey oo isbarbar dhigaya waxqabadkii Guurtidii hore iyo ta maanta jirta waxa uu yidhi: “Horta aniga iyo Maxamuud Dhool-dahableba waxaanu ka mid ahayn ragii aasaasay Guurtida, illaahayna naguma kashifin Guurtidii xiligaasi way shaqaysay oo kaalinteedii way ka soo baxday, waxay ahaayeen rag odayaal ah oo shaqo weyn ummadda u soo qabtay, laakiin haatan raggii badidoodu way wada dhinteen Alla ha u naxariisto’e, waxaana meeshii yimid niman dhaxal iyo wax noocaas ah ugu fadhiistay kuraasta.”

Mar aanu Maxamed wax ka weydiinay sababta uu u malaynayo inay keentay in maqaamkii Guurtidu hoos u dhacay, waxa uu ku jawaabay “Waxa meeshii fadhiistay niman waxay eeganayaan oo qudhi yahay mushahar, markaa nin eegaya lacag oo taas uun ku shaqaynaya ummadda waxba uma soo sido.”

Maxamed Cabdi Arabey waxa kale oo uu ka hadlay arrinta nabadgelyada waxaanu sheegay in mar kasta oo ay xukuumaddu qof sharci-darro ku xidho ama ku toogato ay iyadu abuurayso nabadgelyo-darro, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi: “Waxa ayaan-darro ah in xukuumaddii aynu u diranay inay ka shaqayso ammaanka ay iyadii kolba abuurayso fadqalalo ay dad ku dhintaan, waxana taas ka marag kacaya dhacdooyinka muddooyinkii u dambeeyayinagu soo maray Hargeysa.”

Odaygu waxa kale oo uu dhaliil weyn u soo jeediyay TV-ga dawladda oo uu ku tilmaamay inuu ka mid yahay hay’adaha hurinaya khilaafaadka naca iyo colaad bulshada dhexdeeda ah, waxaanu yidhi: “Waxa lagu magacaabay inuu yahay TV-gii Qaranka, laakiin waxa keliya ee ay ka waramaan waa Madaxweynaha iyo xisbigiisa UDUB kolkaa qarankii dhammaa ma waxa uu ku ururay in nin keliya oo isaga uun laga waramo iyo kolba dad la soo ururiyo oo la yidhaahdo UDUB-bay ku biireen. Haddaba isweydiintu waxay tahay dalwadnimo iyo madaxnimo malagu hanan karaa TV Qaranka loogu magac-darro haddana dadka laga caayo, fidnada iyo nacana laga qaybiyo.”

Maxamed Cabdi Arabay waxa uu hadalkiisa ku soo gebagabeeyay dardaaran iyo waano uu ujeedinayo ciidamada iyo bulsho-weynta reer Somlailand, waxaanu yidhi: “Ciidamada bileyska waxaan xusuusinayaa in amarka iyo sharciga uu sharcigu horeeyo sidaas darteedna waxaan leeyahay Bileyska ka fiirsada in wax sharci darro ah la idiin hoos geliyo hawlihiina, hana isku hawlina nin muwaadin ah oo dhibaato aan wadin, balse dadka ka ilaaliya kuwa dhibta wada, tuugta jeebabka u tolatay cashuurta laga ururiyo dadweynaha ee wax loogu qaban lahaa, shicibkana waxaan leeyahay dadku haka fiirsadaan cidda ay u caleemo saarayaan madaxtinimada iyo hoggaamintiisa.”

Xigasho: Haatuf


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Sabti 22 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra