Maxaa Dhici Doona 15ka May, Ilaahayow Waagaa Yaanu Waraabe Cunin- Dahir A. Jama

Maxaa Dhici Doona 15ka May, Waatan Jawaabtiye Ilaahow Waagaa Yaanu Waraabe Cunin-  Dahir A. Jama

 

Waxa soo dhowaaday dhamaadkii wakhtigii la doortay Md Dahir R Kahin oo ku eg 15ka May 2008.  Hase yeeshee, golaha guurtida ama guuldarrada, qofba sida uu u yaqaano, iyaga oo adeegsanaya tabcooyin fara badan aya waxa ay  muddo kordhin qayral dastuuri ah u sameeyen Madaxweynaha wakhtigu ka dhamanayo muddo hal sano ah.  Xisbiyadda mucaaridka UCID iyo Kulmiye ayaa yagu qaadacay muddo kordhintaas sharci darrada ah waxaanay ku tilmaamen in aanay Md Dahir R Kahin u aqoonsanayn Madaxweyne marka la gaadho 15ka May. 

Sidaas darted, waxa ay dad badani is weydiinayan haddaba maxaa dhici doona marka la gaadho 15ka May.

 

Xoghayaha guud ee xisbiga hantiwadaaga Somaliland (UDUB) Md Bullaale ayaa bisha April dhamaadkeedi mar uu shir jaraaid qabtay waxa uu yidhi “Wax allaale iyo wax dhacayaa ma jiraan, waxbana ma samayn karaan mucaaridku marka la gaadho 15ka May.  Waxa uu intaas ku daray: “Ilaahow waagaa yaanu waraabe cunin; Xabsigii qaran dumiska loo sameeyey ee Mandheerana waa noo diyaar” 

 

Haddaba aniga oo tixraacaya hadalada masuulkaas iyo horjoogahiisa ee ay qaranku ku aaminen aayahoodi, waxa aan rabaa inaan tafaasil yar ka bixiyo waxa ay ila tahay inay dhici karaan iyo sida muuqata waxa dhici kara. 

 

Muddo Kordhinta Miya La Wada Qaatay?

Horta marka hore waxa muhiim ah in aan isla meel dhigno in mucaarid iyo muxafid laysla wada ogolaa in muddo kordhin ay lama huraan tahay, waayo doorashoyinku wakhtigii logu talo galay ma qabsoomi kareyn.  Haddaba haddiiba laysla ogol yahay in doorashoyinki wakhtigii loogu talo galay qabsoomayn, maxaa keenay qaylada iyo diidmada mucaaridka ee muddo kordhinta guurtida.  Jawaabtu waa fududahay. 

 

Waxa isla fadhiistay oo isla rog rogay arrinkan sadexda xisbi qaran UCID, UDUB iyo Kulmiye iyo Koomishanka qaranka oo I sla qaatay in doorashoyinku wakhtigii loogu talo galay ku qabsoomayn.  Haddaba maadama aanay ku qabsoomayn wakhtigii loogu talo galay waxay isla qaateen in ay muddo kordhin lama huraan tahay, hase yeeshe muddo kordhintaasi anay noqon mid bilaa shuruud ah ama mid wado halaq maren ah noqota.  Wa in ay noqotaa muddo kordhin cayiman, kuna danbaysa in wakhtigaas guddahood ay doorashoyin ku q absooman, oo shuruudaheeda leh.  Sidaas darted, waxa ay isla garteen sadexda xisbi, komishanka iyo deeq bixiyayashu in doorashoyinka hore dhacaan Oktobar, kuwa danbena December, isla markaana lasoo hormariyo dooorashoyinka Madaxweyna, sidoo kalena layska ilaawo diiwan gelinta haddii ay suurobi weydo in d iiwan gelin buuxda lagu sameeyo wakhtigaas gaaban gudaheed.

 

Haddaba xisbil xaakimka iyo Md Rayale Kaahin oo aan diyaar u ahayn in doorashoyin dalka ka dhacaan aya waxa ku adkaaday shuruudaha ay isla qaaten xisbiyada, komishanka iyo deeq bixiyaasha, waxaanay door bideen muddo kordhin bilaa shuruud ah, taasoo hadhowna sida muuqata marka sanadkii loo kordhiyey dhamaato aanay doorashoyin qabsoomayn oo muddo kordhin kale waddada usii xaadhaysa.  Waxaanu DIGREETO ku amray golaha guurtida ama guuldarrada oo uu kordhiyey muddo hal sanno ah wakhtigiisi.

 

Waxa halkaas inooga cad in halka sartu ka qudhuntay ay tahay Dahir R Kahin oo aaminsan in talada qaranka uu kelgii iska leeyahay iyo mucaaridka oo leh: talada kaligaa ma lihid, waana lagula leeyahay ee aynu wada tashano.  Haddaba maadama uu diidey, isuna qabo inuu keligii siduu doono sharciga ka yeeli karo, dalkana u burburin karo waxa mucaaridku ku dhowaaqeen inanay Madaxweyne u aqoon sanayn mudanahan waxii ka danbeeya 15ka May. 

 

 

Maxaa Dhici Haddaba Mar Haddii uu Keli-Talisnimo Doorbiday?

 

Aan usoo noqdo suaashaydi maxaa dhici doona 15ka May.  Waxaan ugu bushaaraynaya shacabka Somaliland in aanu dagaal dhici doonin ama inta qori iyo xabad laysu qaato suuqa Hargeysa lays baacsan doonin.  Taas waa laga soo gudbay oo dagaalkii qoriga laysu qaadan jiray wuu dhamaaday, waxaana laga sameeyey horumar.  Laakin waxaa bilaabmi doona dagaal kale oo wajiyo badan.

 

Ta koowad horumarkii iyo icriraafkii Somaliland UDUB iyo xukuumadeeda Dahir Rayale gaadh waadeenka ka yahay ayaa dhaawac weyn u geystay.  Waxa ay caalamka iyo deeq bixiyaashi ku tidhi IDIINMA BAAHNIN oo lacagtiina iska haysta.  Waxa uu Dahir Rayale ilaway ama iska indho tirayaa in deeq bixiyaashu waxa qudha ee ay Somaliland u hayaan ama siin karaan aanay ahayn lacag, laakin ay u hayaan ICTIRAAFKA ay ummada Somaliland inta badan baadi goobaysay.  Haddaba 15ka May marka la gaadho ee Dahir Rayale mucaridka iyo shacabka Somaliland in badan u aqoon san waayaan Madaxweyne, waxa ay meesha ka saaraysa dimuqraadiyadii iyo horumarkii Somaliland ku talaabsatay.

 

Ta labaad, waxa wadanka ka dhici doona mudaharaadyo kala duwan, laga yaabaa inanay dhicin isla maalinta 15ka, laakin waa qaar dhici doona, Daahirna waxuu ku jiri doona baqdin iyo ciidan weligiis heegin ah.  Taasina waxa ay Somaliland ka dhigi doonta Wadan lagu xukumo gacan Milatari.

 

Ta sadexaad, waxa dhici doonta in qurba jooga Somaliland ee wadanka kusoo laaban jiray fasax walbana iman jiray, ama soo maal gashan jiray, ay joojiyan imaanshiyaha wadanka iyo maalgashigi ay ku samayn jireen, baqdin iyo shaki ay ka qabaan xaaladda cakiran.  Durba way muuqataa taasi oo qurbo jog fara badan ayaa hakiyey qorshooyinkoodi fasax iyo tegitaanki wadanka, iyo qaar kale oo badan oo dib u dhigay dhismayaal iyo maal gashi ay wadeen.  Taasina waxa ay dhaawac weyn ku keeni kartaa dhaqaalaha Somaliland.

 

Ta afraad, waxa dhici doonta in Daahir naftiisa aamini waayo, wasiiradiisa aamini waayo, oo marka uu magaaladda dhex marayo askar isku hareereyo, marka uu dibada u dhoofana shacabka Somaliland iska qariyo isaga oo baqdin la guuxaya.  Taasina waxa ay Daahir ka dhigi doontaa Diktaaterkii lagu soo abriyey ee uu ku taamayay inta badan.

 

            Aakhirkii Md Bullaale iyo xerta UDUB ee ku baanaya ILaahaw yaanu wagaa waraabe cunin, kolay caqli Ilaahay waa siiyey oo saameynta iyo waxyeeloyinka aan kor kusoo xusay oo dhan waa garan karaan ee maxay tahay sababta ay haddana u badhedhayan ee dadka ugu hanjabayan?  Ma waxa ay arkeen ciidamadan faraha badan oo ay is yidhaahden dadka wad ugu hanjabi kartaan?  Bullale iyo Dahir sida muuqata caqli iskuma dhaamaan, mana aha rag colaad garanaya waayo haday garanayaan sidaa umay baanen oo dalka umay waaleen laakin waxa muhiim ah in ay ogaadan ciidamadan lebiska quruxda badan sita ee ay ku indho sarcaaden inay yihiin ciidan ka duwan kii ay kusoo ababeen ee Md Siyad Barre.  Waa ciidan anay ka helayn arxan darrada ay filayaan.  Laakin intaan taasba layska gaadhin, miyaanay ogeyn dagalka ay ku taamayaan in laga hor maray oo farsamooyinku badan yihiin oo tab iyo xeelad aanay fahan sanayn oo garaadkoodu gaadhsisnayn loogu caqli celin doono.

 

Dahir A Jama

London


TOP

179 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE