Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo caddeeyey in madaxweyne Riyaale diidey Waanwaantii uu wadey: Warbixin dheer oo uu Golaha ka siiyey dedaalkiisii Dhexdhexaadinta

Hargeysa (Somaliland.Org) - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ayaa caddeeyay inuu joojiyey gebi ahaanba dhexdhexaadintii uu ku hawlanaa oo uu ka dhex waday xukuumadda Madaxweyne Riyaale iyo axsaabta mucaaradka ah ee Kulmiye iyo Ucid, taas oo ka dhalatay go’aankii Golaha Guurtidu mudada halka sano ah ugu kordhiyeen Madaxweyne Riyaale oo muddadiisii sharciga ahayd ku egtahay 15-ka bishan May ee sannadka 2008-da. Waxana uu ku eedeeyey in Madaxweyne Riyaale ku gacan-saydhay inuu la kulmo Guddoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah.

Mudane Cabdiraxmaan Cirro wuxuu sidaas ku sheegay warbixin dheer oo uu ka jeediyay fadhigii maanta ee golaha Wakiillada oo uu kaga warramay marxaladihii kala gedisanayd ee uu la maray xal u helida khilaafyada ka dhex aloosan xukuumada Madaxweyne Riyaale iyo Axsaabta Mucaaradka ah ee Kulmiye iyo Ucid.

Mudane Cabdiraxmaan Ciro qoraal dheer oo uu maanta ka akhriyay fadhigii golaha wakiilada oo ka koobnaa 17-bog wuxuu u qornaa sidan:
Warbixintii Gudoomiyaha
Ilaahay baa mahad oo dhan leh. Waxaan u mahad celinaya Golaha kalsoonida uu i siiyey iyo dulqaadka uu muujiyey mudadii aan ku guda jiray hawshan qaran ee dhexdhexaadinta.

Waxaan kale u mahadnaqayaa Xukuumadda iyo Labada Xisbi Qaran ee mucaaridka inay iga aqbaleen dhexdhexaadinta.
Waxaan u mahad naqayaa Madaxweynaha JSL, Labada Gudoomiye Xisbi ee KULMIYE iyo UCID, xubnihii wasiirada ahaa ee ila shaqeeyey, iyo xubnaha fulinta ee labada Xisbi ee ila shaqeeyey intii aan hawsha dhexdehxaadinta ku jiray.
Waxaan kale oo mahad naqayaa Shirgudoonka Golaha oo aan hawshan wadi kareen hadaysan jirin dhiirigelinta ay mar kasta I siinayeen, ilana garab taagnaayeen.
Waxaan kale oo u mahad naqayaa saxaafadda JSL oo gaabsaty inay wax iga waydiiyaan intii aan ku jiray hawsha dhexdhexaadinta.
Mudanayaal,
Marka gar la naqayo waxay Somalidu arar ka dhigataa Ilaahaw eexna ha nagaga tegin aqoon darana ha nagu cadaabin. Runtii warbixintaydu maaha gar naqsi ee warbixin koobeysa mowqifyadii xukuumadda iyo labada Xisibi marka la eego khilaafka sharci iyo siyaasi ee hadda ka taagan JSL, heshiis drafta aan sameeyey oo iigu muuqday in labada dhinac isugu iman karaan, iyo gunaanadka hawsha dhex dhexaadinta ee aan soo waday muddo aan ka yarayn saddex usbuuc. Warbxintayda kuma jirto wax faallo ama comments ahi.
Anniga oo rumeysan in aan isku dareen nahay dhamaanteen, ka damqanayna kana cabsi qabna in dalkeenna iyo shacbigeenna ay ka soo gaadhaan hadimooyin, burbur iyo khasaare ka dhasha khilaaf siyaasi ah oo sii daba dheeraada, kaas waxba kama jiraan ka dhigi kara guulihii Somaliland gaadhay 17kii sanadood ee la soo dhaafay.

Anniga oo ka duulayaa arrinta kor xusan, si loo soo afjaro muranka siyaasiga iyo sharci ee hadda ka jira Somaliland loogana badbaadiyo qarankeenan curdinka ah xasilooni daro iyo burbur ka soo gaadha murankan loona suurtogeliyo inay dalka ka qabsoomaan doorashooyin loogu tartamo si dimquraadi ah oo xalaal ah waxaan isku xilqaamay, annniga oo gudanyaa xilka qaran ee i saran, ka dib markaan la tashaday shirgudoonka Golaha Wakiilada, sidaasna ku wargelieyey Golaha , inaan dhexdhexaadiyo Xukuumadda iyo Labada Xisbi Qaran ee mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID.

Halkay kala taagnaayeen Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaridka ahi?
Intii aan wada hawsha dhexdhexaadinta marna maan bixin xog ama war ku saabsan hawshan, hase yeeshee waxaa marag ma doon ahayd in saxaafadda ku soo baxeen mowqifyada xukuumadda iyo Axsaabtu. Hase yeeshee waxaan si rasmi idiinku soo bandhigi doonaa, mowqifyada dhinacyada oo ay qoraal ahaan iigu soo gudbiyeen, ka dib markaan sidaas ka dalbaday.

1. Mowqidka Xukuumadda
Ku: Gudoomiyaha, Golaha Wakiiladda Date: 26/4/2008
Kuna Hawlan Dhexdhexaadinta Xukuumadda
iyo Labada Xisbi Mucaarid.

Mudane Gudoomiye,
Waxaanu kaaga mahad celinaynaa hawsha culus ee aad isku xilqaantay, waxaanu rajaynaynaa in hawshaas ilaahay kuu fududeeyo.
Waxaanu kuu balan qadaynaa si niyadsami ah in aanu gacan kugu siino sidii hawshaasu ugu dhamaan lahayd sida danta umaddu ku jirto.
Mudane Gudoomiye, waxaanu hoos ku cadaynaynaa aragtida xuukuumadu ka qabto muranka taagan iyadoo marwalba tixgalinaysa dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala. Kuwaas oo marwalba lafdhabara u ah nabadgalyadda iyo horumarinta dalka.
Hadabba, Mudane Gudoomiye, doodaha labada xisbi mucaarid waxay ku salaysan yihiin muddo kordhinta Guurtida ee Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenka, iyo cayimaada wakhtiga doorashadda Madaxwaynaha iyo ku xigeenka.
Markaas aragtida sharci ee xukuumadda ee ku wajahan labadaas qodob waxay yihiin sida hoos ku xusan:-
1. Muddo kordhinta Golaha Guurtida waa arrin ay sababtay doorashadii oo wakhtigeedii ku qabsoomi wayday sababo jira awgeed oo aynu wada ogsoonahay. Arrintani ma aha markii u horaysay ee ay dhacday oo waxaa ka horeeyay laba korodhsiimo oo hore oo ahaa Madaxwayanaha iyo madaxwayne ku-xigeenka, kalana ahaa 24/02/2002 ilaa 24/02/2003, ahaydna wakhtigii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal sida ku cad go’aanka lamberkiisu ahaa
GG/GSL/Kal-FADHI 16/GO’AAN-3/1/2002 ee taariikhdiisuna ahayd
12 January 2002 taas oo aad ka heli kartid Aarkifiyada Golaha Wakiilada.
Muddo kordhinta kale waxay ahayd 23/2/2003 ilaa 15/5/2003, ahaydna
Wakhtiga Madaxwaynaha Dahir Rayale Kahin sida ku cad go’aanka
Lamberkiisu yahay GG/GSL/KAL-FADHI 19AAD/G03/1/2003, taariikhdiisuna ahayd 18/01/2003 oo isna aad ka heli kartid aarkifiyadda
Golaha Wakiiladda.
Mudada korodhsimada ee madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka ee hadda, waxay la mid tahay kuwaas hore ee leh tixraac-dhacdooyin hore (Precedent). Waxaanay dhamaandoodba waafaqsan yihiin dastuurka dalka qodobkiisa 83aad, faqradiisa 5aad oo ku waajibinaaya golaha guurtida in uu qaato waajibaad dastuuriya marka ay dhacdo in dib u dhac ku yimaado doorashada Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa.
2. Cayimaada maalinta doorashada madaxwaynaha iyo kuxigeenkiisa waxa iska leh koomishanka doorashooyinka qaranka iyagoo raacaya qodobka8aad ee xeerka doorashada ee lambarkiisu yahay 20 ee soo baxay 2001 oo u dhigan sedan:-
” Koomishanka ayaa Cayimaya taariikhaha la qabanayo doorashooyinka si waafaqsan dastuurka, waxanay ku soo bixi doontaa digreeto Madaxwayne”

Wafaqsanaantaas dastuurka ee ku sheegan qodabkaasi waxaa cadaynaya oo loo cuskanayaa qodobka 83aad, faqradiisa labaad oo uu dhigan sida soo soocta:
” Doorashada Madaxwaynaha iy ku-xigeenka Madaxwaynaha, oo isku mar loo codaynayo, kuna salaysan habka u codaynta liistadda, waxaa laqaban doona bil ka hore dhamaadka mudada madaxwaynaha hore”
Go’aanka golaha guurtidu kama muuqato cayimid malinta doorashada, balse waxay ku sheegeen go’aankooda sedan:
” Doorashada Madaxwaynaha iyo ku-xigeenka Madaxwaynaha waxaa laqaban doonaa bil ka hore dhmaadka muddada xilka sida ku cad qodobka 83aad, faqaradiisa 2aad ee dastuurka JSL.”

Guurtidu kamay dhawaaqin hawadda, waxaan sharci ahayna may sheegin.
3. Koomiishanku wuxuu xaq u leeyahay in uu muddo qabashada doorashooyinka sameeyo kadib marka la helo korodhsiimo sharciyeed oo wafaqsan dastuurka, kuna cad qodobka 8aad ee xeerka doorashooyinka dawladdaha hoose iyo madaxtooyadda. Haddii aan korodhsiimo dhicin maamulkii dawliga ahaana meesha ka baxo ayaa tartanka loo qabanayaa? Yaase qabanaya ee socodsiinaya hawlihii qaranka?
4. Jadwalkii wakhtiyaysnaa ee ay soo jideeyeen komishanka doorashooyinka qaranku, iyagoo la soo tashaday xisbiyadda, kuma salaysanayn sharciyadda iyo dastuurtoona.
Waxaa looga baahnaa oo kali ah in ay kumishanka qaranku cadeeyaan dib u dhac doorasho in ay timid oo anay qaban karayn wakhtigii loogu talo galay sidii ay horeba u soo cadayn jireen.
Si kastaba ha ahaatee, waxay sameeyeen jaangooyn ay ku qorsheeyeen hawlahooda. Haddaba, iyadoo qorshahaas la tixgaliyay aan sharciyadda waafaqsanayn ayaa Golaha Guurtidu doorashada hore ee dawladaha hoose ay ku asteeyeen 6/10/2008 iyo ta ku xigta ee Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenka oo ay u dhaxeeyan muddo dhan lixbilood, sida ku cad xeerka diwangalinta codbixiyayaasha ee lambarkiisu yahay 37 ee 2007, qodabkiisa 13 aad iyo 27aad.
Mudane gudoomiye, waxaanu aaminsanahay in sifaha loo maray mudda kordhintu ay waafaqsantahay dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala. Sidaas darteed, anagoo qadarinayna karaamada iyo dastuurka aynu ku dhisanahay, kaasi oo u jideeyay axsaabta laftooda in ay sharciyada u helaan jiritaankooda xisbinimo qaran, kana reebay ururadii kale. Isla markaasna fursad u siiyay u tartanka madaxnimadda dalka, waxaa waajib ah in hay’ad kasta oo sharciyada ku dhisanba ay qadariso waxay ku dhisantahay.
Mudane Gudoomiye, Guddigayaganu waxay markastaba diyaar u tahay iskuqancinta sharciyadda nagana gudoon salaam diiran oo ay ku dheehantahay tixgelin. Niyadsamid iyo kalkacal.
Allaa Mahad Leh,
Mudane, Xuseen Cali Ducaale
Wasiirka maliyadda.
Mudane, C/laahi Ismacil Cali
Wasiirka Arrimaha Gudaha
Mudane, Cali Ibrahim Maxamed
Wasiirka Qorshaynta Qaranka
Mudane, Siciid Sulub Maxamed
Wasiirka Hawlaha Guud & Guryaynta
Mudane, Cabdi Xasan Buuni
Wasiirka Xidhiidhka Golaysaasha
Mudane, Xassan Xaji Maxamuud
Wasiirka Waxbarashadda
Mudane, Cabdillahi Maxamed Ducaale
Wasiirka Arrimaha Dibedda.

2. Mowqifka Wadajirka ah ee Labada Xisbi Mucaarid
JAMHUURIYADA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND

Hargeysa, 28/04/2008
MAWQIFKA LABADA XISBI EE KULMIYE IYO UCID EE MARXALADDA LA JOOGO:
Waxa dalka ku soo fool leh marxalad siyaasadeed oo aad u adag una baahan in si wadajir ah la isula eego laguna maareeyo si isku duubni ah. Wey ka adag tahay xaaladdu maanta mid cid gaar ahi taladeeda maroorsato oo lagala sii jeesto dhinac/dhinacyo ka mid ah dhinacyada siyaasadeed ee u-tartanka talada dalka Dastuurku siiyey.
Aynnu eegno arrimahan hoos ku qoran:
I. Xaqaa’iqa ina Hor-yaalla ee la Xiddhiidha Xaaladda Siyaasadeed.
1) Waxa xaqiiq ah in muddo-xileedkii Madaxweynaha iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenku ay ku egtahay 15/05/2008, sida uu jideynayo qodobka 88(1) ee Dastuurka ee u dhigan sidan: “Muddadda xilka ee Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka Madaxweynuhu waa 5 sano oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyo.”
Waxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenka Somaliland ee hadda xilka loo dhaariyey 16/05/2003. Maalinta madaxdan xilka loo dhaariyey ayey ka bilaabmaysey muddo-xileedkooda shanta sano ahi, waxaanay ku egtahay maalinta ka horraysa maalinta xilka loo dhaariyey maalinteeda 5 sano ka dib oo, markaa, noqonaysa 15/05/2008. Sidaa darteed, waa dhammaad muddadii xilka ee Madaxwynaha iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenku.
2) Waxa iyana xaqiiq ah in Dsatuurku waajibiyey in doorashada madaxtooyada la qabto bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenka sida uu xusayo qodobka 83(2) ee Dastuurka ee u dhigan sidan:
Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-Xegeenka Madaxweynaha oo isku mar loo codaynayo, kuna salaysan habka u codaynta liistada, waxa la qaban doonaa bil ka-hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hore.
Waxay ahayd in doorashada madaxtooyadu ku qabsoonto 15/04/2008 oo
ahayd bil ka hor dhammaadka muddada xilka ee Madaxweyne Riyaale.

3) Waxa xaqiiq ah inaan doorashadii madaxtooyada lagu qaban maalintii Dastuurku u gooyey oo ahayd 15/04/2008, oo hadda la soo dhaafay.
4) Waxa iyana xaqiiq ah in qabsoomid la’aanta doorashada madaxtooyada uu Dastuurku ka bixiyey hal cudurdaar oo keliya. Cudurdaarkaas oo ah haddii ay timaaddo nabadgelyo-darro ay doorashadu ka qabsoomi weydo in, markaas, ay Golaha Guurtida waajib ku tahay inuu fidiyo muddo-xileedka mas’uuliyiintaas sida uu dhigayo qodobka 83(5) ee u dhiga sidan:
Haddii ay suurtoobi weydo duruufo nabadgelyada la xidhiidha darteed, in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaado, waxa Golaha Guurtida ku waajib ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo, doorashaduna ku qabsoomi karto.

Weedh-sharciyeeddani waxay ka kooban tahay:
a) Fale sharciyeed (legal subject) oo ah ‘Golaha Guurtida’;
b) Fal sharciyeed (legal action) oo ah ‘waxa […] waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxwweynaha iyo Ku-Xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo….’ iyo
c) Shardi (condition) oo ah ‘Haddii ay suurtoobi weydo duruufo nabadgelyada la xidhiidha darteed, in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaado.
Sida la ogyahay weedh-sharciyeedyadu mar walba ma yeeshaan dhaqan-gal guud ama dabar la’ (general or universal application), ee waxay yeelan karaan dhaqan-gal xaddidan (limited application); qaar waxay dhaqan-gal yihiin xaalad/xaalado (case/cases) weedhu cayintay; qaarna dhaqan-galkooda waxa laga reebi karaa xaalado, cido ama meelo la cayimay (exceptions); qaar kalena waxay dhaqan-gal noqon karaan marka la helo shuruud (condition) weedhu tilmaantay.
Weedh-sharciyeedda aynu kor ku xusnay waxa ku qeydan shuruud (condition) marka la helo uun ay bannaanaanayso in la qaado falka sharci
(legal action) ee kor ku xusan. Haddii aan la helin shuruudda (condition-ka ), falka sharci qaadistiisu waa xaaraan.
Waxa kale oo weedh-sharciyeedda ku cad shuruudda fal-sharciyeedku u dabran yahay iyo weliba heerka ay tahay in shuruuddu gaadhsiisnaato si loo qaadi karo fal-sharciyeedka weedhu caddaysay. Taas macnaheedu waxa weeye, si muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-Xigeenka loo kordhiyo waa inay dalka ka jirtaa:
a) duruuf nabadgelyo darro;
b) heerka duruufta nabadgelyo-darrana ay tahay mid lagu qancay inaan doorasho ka qabsoomi kareyn. Waxa halkaa ka cad in haddii ay dalka ka jirto duruuf nabadgelyo-darro, balse ay doorasho guud ka qabsoomi karto, aanay markaa bannaanayn in Golaha Guurtidu muddada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenka kordhiyaan ee ay tahay in doorashada la qabto. Shuruudda ku xidhan faqradda 5aad ee qodobka 83aad waxay qodobka ku
leedahay saamayn (effect) la mid ah ta ay leeyihiin shuruudaha kale ee ku xidhan dhaqan-galka qodobbo kale oo Dastuurka ah sida Qodobka 72(2),
77(6), 78(1{t}, 2{t} iyo 4), 89(1,2 iyo 4) oo aan falalka sharci la qaadi karin haddii aan la helin shuruudda qodobbada ku cad.

5) Waxa kale oo xaqiiq ah inaanay jirin duruuf nabadgelyada la xidhiidha oo doorashadu ka qabsoomi kari weydey, ee waxa keliya ee aynnu dal ahaan ku faannaa caalamkuna inagu ammaanaa tahay nabadgelyada aynnu haysanno.
Sidaa darteed, waa xaqiiq inaanay meesha oollin shuruuddii korodhsiimo loogu samayn lahaa muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenka hadday doorasho qabsoomi weydo dhammaadka muddo-xileedkooda.
6) Waxa iyana xaqiiq jirta ah in Golaha Guurtidu aanu ahayn mid sharci ah oo uu ku fadhiyo ilaa hadda muddo-kordhin xaaraan ah oo 4.5 sano ah oo uu isu kordhiyey, taasoo aan sharciga oo qudha ka soo hor-jeedine ah wax caqliyadda ka fog. Sidaa darteed, gole aan sharci ahayn waxa ka soo baxaana ma noqon karo wax sharci ah.
Halkaa waxa ka cad, korodhsiimo Golaha Guurtidu ku sameeyo muddada xilka ee ka dhammaatay Daahir Riyaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin laba siyoodba waa ku sharci darro:
a) waa ta koowaade, qodobka loo adeegsaday ma aha mid xaaladda nabadgelyo ee lagu jiro dhaqan-gal ku ah;
b) waa ta labaade, Golaha Guurtida oo isaguba aan sharci ku fadhiyini korodhsiimo muddo-xileed oo uu sameeyaa xalaal noqon mayso.
II. Maxay Noqonaysaa Sharciyadda Madaxtooyadu (legal status of the Presidency) Marka la Gaadho 16/05/2008?
Mar haddii la soo dhaafay muddadii uu Dastuurku u gooyey in la qabto doorashada Madaxtooyada iyadoon doorashadii la qaban, qabsoomid la’aantaa doorashuna aanay ku iman duruuftii keeni lahayd in Madaxweynaha iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenka loo kordhiyo muddada xilka, isla markaana ay muddo-xileedkii Madaxweynaha iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenku gabaabsi tahay, waxa marka hore cad in marka la gaadho 16/04/2008 ay dhammaatay muddadii xilka ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-Xigeenka oo ay halkaa ku egtahay madaxtinnimadoodii. Si kale haddii aynnu u dhigno, jagooyinkii Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-Xigeenku waxay sharci ahaan noqonayaan kuwo bannaan maalintaa.
Xaaladdaasi sharci ahaan waxay la mid tahay bannaanaansho ay keeneen xaalad ama xaalado ka mid ah xaaladaha ku xusan qodobka 86aad ee Dastuurka, isku marna ku yimaadda jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenka inta lagu gudo-jiro muddada xilkooda, waxay kaga duwan tahay oo keliya waa xaalad timi markay dhammaatay muddada xilku.
In kastoo, sidaa aynnu soo sheegnay, xaaladda innagu soo fool lihi ay la mid tahay bannaanaansho isku mar ku yimi labadaa jago, haddana Dastuurku run ahaan wuu ka aamusay oo xaaladdaasi inay iman karto iyo sida looga gudbayo midkoodna Dastuurku kuma talo-gelin, lagumana xusin qodobbada 86aad iyo 89aad ee Dastuurka ee ku kala saabsan xaaladaha keeni kara bannaanaanshaha jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenka iyo habka buuxinta jagooyinkaas iyo meel kale oo Dastuurka ah toona.

III. YAA LEH XILKA IYO MAS’UULIYADDA QABASHADA DOORASHOOYINKA?
Komishanka Qaranka ee Doorashooyinku waa hay’adda u xilsaaran muddeynta iyo qabashada doorashooyinka sida uu jidaynayo qodobka 8aad ee xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo goloyaasha deegaanada (xeer no,20/2001) ee udhigan sida:
Komishanka ayaa cayimaya taariikhaha la qabanayo doorashooyinka si waafaqsan distuurka,waxaanay ku soo bixi doontaa digreeto madaxweyne.
Isla qoodbka 14aad(1) ee xeerka doorashooyinka ee kor ku xusan wuxuu isna komishanka siinayaa awoodda cayimida wakhtiga doorashooyinka la qabanayo.
Qodobkaasi wuxuu isna u dhigan yahay sidan:
Komishanku wuxuu awood u leeyahay:
1. inuu cayimo wakhtiga doorashooyinka la qabanayo,iyagoo madaxweynaha u gudbinaya si uu digreeto ugu soo saaro.
Komishanka doorashooyinka qaranku isagoo awoodaa xeerku siiyay leh oo aan cid kale la lahayn ayuu muddeeyay xiliga la kala qabanayo labada doorasho ee inagu soo fool leh kuwaasoo uu u kala qabtay 06/10/2008 iyo 30/12/2008 isagoo waliba ka shaqeeyay dhexdhexaadin ay sadexda xisbi arintaa kula qaateen.
Waxa xusid mudan in xisbiga UDUB uu qayb ka ahaa heshiiskaa ay isla qaateen xisbiyada iyo komishanku oo xubintii u saxeexday heshiiska ay wakiil kaga ahayd madaxdeeda sare.
Waxa nasiib darro ah in heshiiskaa komishanku ku dhamaystiray si aan hawl yarayn uu buriyay golaha guurtidu isagoon haba yaraatee qodob sharci oo u fasaxaya inuu sidaa yeelaa aanu jirin.
Gebogebo
Haddaba labada xisbi ee ucid iyo kulmiye waxay ugu muuqataa in komishanka loo dhaafo hawshiisa laguna tallo galo in doorashooyinku ku qabsoomaan xiligii uu u qabtay komishanku iyadoo waliba si ay doorashadu ugu qabsoomto xiligaa la meel mariyo wax kabadalka la’aantii aan diiwaangalin iyo doorasho dhakhso ahi toona aanay dhacayn ee komishanku soo jeediayay.
Waxa kale oo laba xisbi ucid iyo kulmiye diyaar u yihiin in arimahan tagan ay dhinacyada ay khusaysaa ka galaan wado tashi dhakhso ah iyadoo laga shiidaal qaadanayo mabaadii’da guud ee distuurka ee uu ugu mudan yahay mabda’a go’aan qaadashada ku timaada talowadaag.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Ucid Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye
Md Maxamed Xasan Baashe Md Kayse Xasan Cige

=======================================================
Waa laba mowqif oo aad u kala fog, isu keenistooduna ma ah arrin fududu. Balse aan is weydiino maxaa sababay khilaafkan taagan?

Waxa sababay muddo kordhinta halka sano ahayd ee ay Golaha Guurtidu u sameeyeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka JSL taas oo khilaafsanayd waqtiga doorashooyinku qabsoomayaan ee ay Komishanka iyo saddexda Xisbi qaran isku waafaqeen.

Xukuuumaddu waxay qabtaa in marka hore la aqoonsado muddo kordhinta Golaha oo fure u noqonaya wada hadalka , oo aysan suurtogal ahayn in qodobo kale laga wada hadlo haddii aan kaas lagu heshiin.
Axsaabta Qaranka ee mucaaridkuna waxay qabaan in aysan jirin xaaladda ay Golaha Guurtidu u cuskatay muddo kordhinta oo ah nabadgelyo xumo, taas darted aysan aqbali karin sharcinimada Muddo kordhinta sanadka ah ee samaysay Golaha Guurtidu.

Waxaa kale oo axsaabta Qaranka ee mucaaridku qabaan in laga wada tashado xukuumadda ka dib marka ay dhamaato mudadii shanta sano ahayd ( mandate) ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku kigeenka la doortay.
Waxaan la yeeshay kulano gaar gaar ah Madaxweynaha JSL, Wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo madaxda labada xisbi Qaran ee mucaaridka si aan isugu soo dhaweeyo mowqifyadooda kala fog.

[Soojeedinta] Draft – Heshiis Xukumadda:-
Doodo iyo wada hadal aan la yeeshay wasiir ka tirsan xukuumadda ka dib, Xukuumadda Somaliland waxay ii soo qadintay draft heshiis ula muuqday dhinacooda inuu noqdo mid dhinacyadu ku heshiis karaan kana koobnaa saddex qodob.

b) In go’aankii Golaha Guurtida ee Lambarkiisu ahaa GG/JSL/92/04/08 taariikhdiisuna ahayd 13/04/2008 kuna saabsanaa muddo kordhinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ay tahay sharci.
t) Iyadoo la tixgelinayo isu soo dhaweynta aragtiyaha siyaasadeed ee kala duwan waxa laysla qaatay in doorashada madaxtooyada la qabto Muddo laysla qaatay iyadoo la waafajinayo mudadaasi distoorka iyo xeerarka ka farcamay.
j) Waxa lagu talinayaa in koomishanku ku hawl galo fulinta qodobka labaad ee heshiiskan marka laysla qaato muddada doorashooyinka madaxtooyadda, iyadoo xeerarka dalka waxba loo dhimeyn lagagana gudbayo marxaladda maanta oo qudha.
Draftkan waxaan nuqullo ka siiyey labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID.

==============================
Ka dib markii aan darsay labada qoraal ee labada mowqif ee xukumadda iyo Axsaabta Mucaaridka ah, lana kulmay xukuumadda iyo labada xisbi qaran si aan isugu soo dhaweeyo labadooda mowqif xalna loogu helo muranka siyaasadeed, lana tashaday Gudida doorashooyinka Qaranka , eegayna nuxurka draft-ka heshiis xukuumaddu ii keentay, waxa ii muuqaday in xukuumadda iyo labada Xisbi Qaran isla ogolaan karaan heshiiskan draft-ka oo aan sameeyey oo ka kooban sideed qodob kuna saleysan qaaciidad ah in cid kastaa guuleysato ( WIN-WIN situation ):

1. In Golaha Guurtida JSL yahay Gole xeer dejineed oo dastuuri ah.
2. In doorashada madaxtooyada JSL qabsoonto Feb 28, 2009.
3. In iyada oon waxba loo dhimayn xeerarka dhaqan galka ah ee JSL , la sameeyo kaabis iyo wax ka bedel xeerarka khusseyo doorashooyinka si loogaga gudbi karo doorashadan oo qudha.
4. Iyaga oo ka duulaya qodobka 2aad ee heshiiskan, In Gudida doorashooyibka Qaranka (GDQ) sida ugu dhakhsa badan Madaxweynaha JSL ugu gudbiyaan xilliga ay qaban doonaan doorashooyinka Golyaasha deegaanka iyo ta madaxtooyada.
5. Iyada oo laga duulayo Qodobada 2aad iyo 4aad ee heshiiskan, In Madaxweynaha JSL Degreeto Madaxweyne ku soo saaro waqtiga qabsoomida doorashooyinka, ka dib marka uu ka helo Gudida Doorashooyinka Qaranka TIME LINE-ka cusub ee doorashooyinka.
6. In marka heshiiskan la saxeexo, xukuumadda , Commsion-ka iyo Golyaasha xeer dejinta ku fuliyaan qodobda lagu heeshiyo muddo aan ka badnayn 10 maalmood si aan dib dhac dambe ugu iman waqtiga lagu heshiiyey qabsoomidda doorashooyinka , diiwaan gelintuna u bilaabanto.
7. Maadama la guda galayo diiwaangelinta iyo hawlaha kale ee doorashooyinka waa in xubnaha Gudida doorashooyinka ee labada Xisbi mucaarid sida ugu dhakhsaha badan loo buuxiyo.

8. In wax kasta oo soo kordha ee ku saabsan doorashooyinka ka wada tashadaan sadddexda Xisbi Qaran iyo gudida doorashooyinka qaranka.

Nuqullo ayaan ka siiyey xukuumadda iyo labada Xisbiba heshiiskan draftka si ay uga soo dhiibtaan taladooda.

================================================================

Ka dib markii draftka heshiiska dhexdhexaadinta aan u gudbiyey xukuumadda iyo Axsaabta Qaranka , waxaan ka helay jawaabahan:

Xukuumadda

Xukuumaddu waxay qodobka 1aad ee heshiiska draft-ka aan u qadimay waxay ku kordhisay ” …. Go’aamada ay gaadhaanna yihiin sharci “.

Qodbka 3aad u qoreen sedan: in iyada oon waxba loo dhimayn xeerarka dhaqan galka ah ee JSL, guddida doorashooyinka Qaranka iyo saddexda xisbi qaran ay wada galaan heshiiis (Code of conduct) lagu dhamaystiro habsai-u-socodka doorashooyinka si loo waafajiyo wakhtiga uu heshiiskanu cayimay.
Qodobkan waxa khilaaf ahi kama taagna.
=============================================================

Xisbiga KULMIYE

Waxay ii soo qoreen warqad ay dib ugu cadeeyeen halka ay ka taagan yihiin, muddo kordhinta Golaha Guurtida iyo wada tashi laga yeesho waxa laga yeelayo marka ay dhamaato shantii sano ee Madaxweynaha iyo ku Xigeenka la doortay
XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND
(KULMIYE)

REF:XK/GX/051/08
DATE:06/05/2008
KU:GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADDA
UJ:CADAYNTA MAWQIFKA KULMIYE EE KHILAAFKA
SIYAASIGA AH EE DALKA KA TAAGAN.
Mudane Guddoomiye,

Waxaanu kugu dhiiri-gelinaynaa xilka Qaran ee ah dhex-dhexaadinta Xisbiyadda Mucaaridka ah iyo Xukuumadda.
Hadaba, halkan waxa aanu kuugu cadaynaynaa mawqifka Xisbiga Kulmiye uu u arko in xal lagu gaadhi karo, oo khilaafka lagaga bixi karo:-
1. Muddo kordhinta Guurtidu ku dhawaaqday umma aragno in ay Distoorka waafaqsan tahay. Dalka Nabad-galyo taama ayaa ka jirta, markaa Guurtidu ma adeegsan karto Qodobka Distooriga ah ee ay raacday. Sidaa darteed, waxa aanu u aragnaa sharci darro, waxaana aanu u aragnaa in aan lagu dhaqmi karin.
2. Waxaanu ogol nahay in muddeynta Doorashadda loo daayo Guddida Doorashooyinka, iyaga ayuu sharcigu awood u siinayaa in ay wakhtiga Doorashadda cayimaa, marka ay la tashadaan Xisbiyadda Qaranka. Sidaa awgeed, waxa aanu ogol nahay in sedexda xisbi iyo Komishanku ka wada tashadaan mudeeynta Doorashooyinka.
3. Waxaanu u aragnaa in M/weynaha, mar hadday Dalka Nabad-galyo ka jirtana aanay ciddina u kordhin karin. Sidaa darteed, Xisbiga Kulmiye wuxuu soo jeedinayaa in Xisbiyadda Qaranku ka wada hadlaan sharciyadda Madaxtooyadda ee hawlaha Qaranka lagu sii wadaayo.

Xisbiga KULMIYE wuxuu aaminsan yahay in khilaaf kasta lagu dhammeeyo wada-tashi sida uu Distoorku ina faraayo.
WA BILAAHI TAWFIIQ,
MD. AHMED MAXAMED SIILAANYO
GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE
Hase yeeshe kulan dambe oo aan la yeeshay Hogaanka Sare ee Xisbiga KULMIYE waxay ii cadeeyeen inay aqbaleen dhamaan qodobka heshiiska drafta ah ee aan sameeyey sida ay u qoran yihiin.

Xisbiga UCID

Hogaanka Sare ee Xisbiga UCID waxay ii cadeeyeen inay aqbaleen dhamaan qodobada heshiiska draft sida ay u qoran yihiin, in kasta oo ay markii hore ka biyo diideen qodobka 1aad.

GOL JILIC (Weakness)
Gol jilicda ( waakness) dhexdhexaadinta aan waday waxay tahay inaan xukuumadda iyo Axsaabtu marna toos isu soo hor fadhiisan. Wada hadalka tooska ah iyo doodu waxaan qabaa inay keeni karaan is faham iyo isu soo dhaweyn.
Academy
Madaxda Academy-gu Waxa ay iigu yimaadeen xafiiska, waxayna I weydiiyeen inaan uga baahnahay gacan arrimaha dhexdhexaadinta. Waxaan u sheegay inaan la soo socodsiin doono wixii aan kala maarmi waayo. Sida ku soo baxday wargeysyada qaarkood sabtidii 10.5.2008 waxay isku dayeen Academy-gu inay kulan isugu geeyaan Md Axmed Maxamed Siilaanyo , Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Md Dahir Rayale Kahin, Madaxweynaha JSL. Ballantaas Akaademiyadu anniga iguma soo ogeysiin. Dhacdadina inay u dhintay iyo inay waxtartay hawshii aan waday idinka ayaan idiin dayn doonaa.

Deeq Bixiyeyaasha
Mujtamaca dawlaga ah deeq bixiyeyaasha iyo saxiibada Somaliland ee calaamku war wer buu geliyey khilaadka siyaasiga ee ka taagan Somaliland. Xidhiidho badan bay ila soo yeesheen intii aan hawsha waday, waxayna aad ugu rajo weyn yihiin in khilaafkan si dhakhso ah loo dhameeyo.
Khasaarihii ugu horeeyey ee inaga soo gaadha murankan taagan waa iyada oo la inaga joojiyey lacagtii lagu sameyn lahaa diiwaan gelinta codbixiyeyaasha, lacagtaas oo aan ka yarayn sided milyan oo dollar. Waxaan eebbe ka rajeynayaa inaan khasaare dambe inaga soo gaadhin khilaafkeenna.
Gunaanad
Sideeda (8) Qdob ee heshiiska draftka ah ee aan u gudbiyey xukuumadda iyo labada Xisbi Qaran way isla waafaqeen qodobada 2-8.
Labada Xisbi mucaarad hadda way aqbleen dhamaan qodobka sida ay u qoran yihiin.
Xukuumaddu waxay ku adkaysatay in qodobka 1aad ayna aqabli karin haddii aan lagu darin …. Go,aandda ay gaadhaana yihiin sharci “.
Heshiiska labada dhinac waxa la isku mari waayey waa afar taas eray ………..
Waxa la yidhi nin aan wadaad ahayn baa ku soo dhex dhuuntay wadaado. Waadadii baa ka shakiyey in ninkani wadaad yahay iyo in kale. Maalintii dambe ayey yidhaahdeen aan imtaxaano ninka. Dabedeedna waxay ku heshiiyeen inay micnaha erayga CALAA. Weydiiyaan.
Ninkii ayaa lagu yidhi wadaadi maanta waxay ku murmeen erayga CALAA micnihiisa, markaa waxaa loo baahn yahay inaad ereygaas macnayso oo kala saarto culimada maanta . Ninkii wuxuu arkay inay ku soo odantay maanta. Nin caqli badan buu ahaa waxaannu uu kaga jawaabay meeshii aaan imiba calaadaas sidaas baa la isugu haystay.
Waxaan rumeysan in Somaliland ka weyn tahay shacbi iyo dal ay khalkhaliso afar eray oo lagu heshiin waayey. Marka uu abuurmo muran dastuuri ah oo ama sharci oo aan xal loo helin, waa in helaa xal siyaasi ah ( political solution) oo lagaga baxo murankaas. Waa in garashada , dulqaadka iyo caqligu shaqeeyaan. Waa inaan ka fogaana inuu shaqeeyo xoogga ama qorigu. Waa inaan ka fogaana wax kasta oo qaranka burburin kara. Waa in aflagaada iyo cayda ku bedelenaa is qadrin iyo is xurmeyn. Halkaas baa guusheenuu ku jirtaa sidaan aaminsanahay.

Waxaan rumeysnaa welina rumesnahay in muran kasta lagaga bixi karo wadahadal ( dialogue) oo aan CALAA kasta aan macnaheeda heli karo markaan wada hadalo. Waxaan qabaa in qodobkan la isku khilaafsan yahay ee heshiiska drafta ah ee aan sameeyey iyo wixii kale ee hadhsan lagu dhamayn wada hadal toos ah oo dhex mara Madaxweynaha iyo labada Gudoomiye ee KULMIYE iyo UCID.
Waxay iigu muuqataa in dhexdhexaadintii meel lagu naaloon karo joogto, kaabigana u saaranahay in heshiis la gaadho haddii eebbe inagu guuleeyo in CAALADA meesha laga saaro.
Mudanayaal,
Anniga oo jecel inaan so af jaro khilaafkan, soona gunaanado dhexdhexaadintii aan waday, waxaan la kulmay shalay, axad, 11.5.2008, Md Dahir Rayaale Kahin, Madaxweynaha JSL oo aan u soo bandhigay inay anniga iigu muuqato in sida keliya ee khilaafkan lagu soo afjari karaa heshiiskan la isuguna waafiqi karaa tahay inay Madaxweynaha iyo labada Gudoomiye ee labada Xisbi Md Axmed Maxamed Silaanyo iyo Md Faysal Cali waraabe si toos u kulmaan kana wada hadlaan sidii heshiis looga gaadhi lahaa , loona soo afjari lahaa khilaafka siyaasiga ah iyo kan dastuuriga ah ee ka jira Somaliland. Labada Gudoomiye ee KULMIYE iyo UCID waxay ii cadeeyeen inay diyaar u yihiin inay si toos ah ula kulmaan Madaxweynaha JSL oo aysan wax shuruud ku xidhayn kulankaas.
Madaxweynuhu soo jeedintaas igama aqblin, waxaannu ii cadeeyey inaanu la kulmayn labada Gudoomiye.
Taas darted, anniga oo ixtiraamaya mowqifka xukuumadda iyo ka Axaabtaba, waxaan go,aansaday maanta oo taariikhdu tahay isniin, 12.5.2008 inaan joojiyo dhexdhexaadintii aan ka dhex waday xukuumadda iyo labada Xisbi qaran kaalintaasna u baneeyo cid kasta oo u diyaar ah inay sii wado, haddi ay tahay Academy-ga, salaadiinta, culimada, aqoon yahanada, iyo cidii kale ee tuhunsan inay hawshan sidii wadi karto, CALAADANA meesha ka saari karto.
Dardaaran
Yuu xaalku inaga noqon haddii aan wax kasta laga heshiin, heshiis ma dhicin ( if every thing is not agrea, there is no agreement). Waxaan ugu baaqayaa xukuumadda iyo labada Xisbi mucaarad inay u diyaar noqdaan inayna wada heli Karin waxa ay doonayaan dhamaantood , hase yeshee , ay danta shacbiga iyo danta guud uga tagaan arrimo ay gar , xaq iyo sharci u leeyihiin. Ilaahay xaqa iyo dawga ha ina garansiiyo arrimahan ha inoo fududeeyo.
Somaliland ha guuleysato,” ayuu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku soo gebagebeeyey warbixintiisa. Waxana uu ku dhawaaqay in fadhiggu xidhan yahay.

Mudanayaal,

Liibaan Maweel Shirem Hargeysa Somaliland.Org

E-Mail libmaw@hotmail.com


TOP

179 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE