OPINION

Caruurteennii maalin walba suuqyada addunka ayaa sidaa loogu Nacayb dilayaa, cidda dishana cid soo qabashadooda daba gashaa way yartahay.

Caruurteennii maalin walba suuqyada addunka ayaa  sidaa loogu Nacayb dilayaa, cidda dishana cid soo  qabashadooda daba gashaa way yartahay.

 

Mohamed A. Warsame“Mayd yaa u danbeeyay, iyo kaa lasii sido” Shalay oo taariikhdu ahayd 09, 2008 waxa lagu aasay xabaalo ku yaalla magaalada Toronto inan yar oo 16 sano jiray  (reer Somaliland Mohamed A. Warsame) oo si xaq darro ah dad aan la garaynini (dhalin yaro kale) madaxa uga burburiyeen inta gidaar loola dhacay.

(ilaahay isagana ha u naxariisto eheladii iyo qarabadii u ka tagayna samir iyo Iman ha ka siiyo AAMMIIN)

Fadlan Ciddi Kari Kartaa waxii Caawimo ah ha ugaystaan Qoyska wiilkan yari ka baxay (Waliba reer Toronto) 

Qowmiyadda reer Sh. Isaaq ee wax ka dega dhulka Somaliland anna aan ka mid ahay waxaan ku masaalay inaynnu nahay dad Diin ku dhaqanka lagaga badan yahay, Faan badan, islawayn, Ilawshiinyo dhow, Damac badan, hadana Han yar oo wax yari deeqaan, aan iyagu is indha buuxin, Darajada walaalkii iyo saaxibkiiba la neceb,  ka ka durugsan u jajaban oo jecel inuu raali,  galiyo, kalatagsan, is ximiya, isu fiirsada, aan dooda iyo wax is waydiinta usugu dulqaadan, is caaya, qabyaaladda ku dheereeya,  aan wada Tashan Karin.

Tusaale haddaan usoo qaadanno 17-18  kii sano ee ka danbeeyay burburkii Dalkii laysku odhan jiray Somalia, waxa debedda (qurbaha) usoo dareeray dad aad u tira badan oo ku kala filqay daafaha iyo dacallada aduunka, sida dhabta ahna manta dalkasta oo dunida horumartay ah waxaad ka helaysaa dad Somaliyeed oo gobollo kala duwan ka yimi, reer Somalilandna ay ka mid yahiin.

Hadaba markaad eegto sida waxa looga tabcaday, looga bartay ama sida la isu agaasimay markii la yimi qurbaha, gaar ahaan Qowmiyadda reer Sh. Isaaq,  waxa markiiba ishaadu ku dhacaysaa, dad kala tagsan oo kooxo yar-yar oo reer hoosad ku salaysan u kala fadhiya,  talo urusan aan lahayn, kii inyar talaabsadayna Madax tag, kuwakale ka Faan, San Tag iyo ka durug inta kale oo uu tuurta ubaxay aad ku arkayso, waxad arkaysaa Xaggii waxbarashada (markaad aragto dadkii dhulka yimi ee kale siday markiiba up-grading badan koodi usameyeen) oo aad loogaga horeeyo, xagii diinta oo lagaga horeeyo, is agaasinkii iyo wax wada qabsigii (community involvement) oo lagaga horeeyo, Bayac mushtarkii ama guud ahaan dhaqalahii (waxba iskuma darsan karaan si ay ganacsi wayn u samaystaan) oo isagana cid waliba kaga horayso.Markaan leeyahay lagaga horeeyo waxan is bar-bardhigayaa cidkasta oo Qomiyadan dhigooda aha  ma aha inaan Somali oo dhan dhinac dhigayo.

Haddan ku yara noqdo dadkii Yurub iyo North-Amerka soo galay waxay la kulmeen  caqabado farabadan oo ku salka ku hayay arimo badan oo ay ka mid yahiin, ama heerka aqoontooda waxbarasho (Educationl background), , luqadda wadankaas lagaga hadlo (language barriers), midabkooda (Clour discrimination) iyo ugu danbayn dhaqnkooda Diineed (cultural and Religous discrimination or differences)  oo dadka intooda badan ka gaar yeelayay ama aan fududaynayn is dhexgalka caalamka kale.

Hadaba waxan oo dhan midka muftaaxa u ahaa loona baahnaa in aynnu ka bilaawno waxay ahayd in qokfu is kudayo inuu sare usoo qaado heerka aqoontiisa waxbarasho (educational Level) lana yimaaddo dadaal iyo ijtihaad uu kaga midho dhaliyo sidii uu mujtamacan cusub wax ula qabsan lahaa heer aqooneed wax barasho oo ay tix galiyaana suuqa u lasoo gali lahaa, taas oo dhamaan caqabadahii kalana siyar-siyar wadada uga leexin lahayd iyadoo qofku aanu marnaba diintiisii iyo dhaqankiisa toonna dayacin kana tagin.

Waayista la waayay talabadni  waxay raad ku samaysay hankii ilmaha dhulkan la keenay isaga oo yar ama kuba dhalashay, waxay kaloo raad ku samaysay ilmahii higsashada waxbarashada heerka sare hadiiba ay Iskuulada sare dhameeyeen, waxay kaloo raadaysa shaqada ilmaha ama waalidkuba heli karo (mostly labour) iyo guriga uu ubadkiisa ku korinayaa meesha uu ku yaallo, sida uu egyahay, iyo waliba deriska uu helayaa kuwa ay yahiin.

Waayista lawaayay in  sare loosoo qaado heerka aqoonta waxbrasho ee walidka dhulka yimin waxay aad u saamaysa  isu imaatinkii is haleelitaankii, wada tashigii iyo in la waayo xuquuqdii uu qofku lahaa oo si wada jir ah loogu doodo. Waxay kordhisay Gaabka ama heerka kala duwanaanta qoysaska dhulka yimi, waxay keentay in dhalinyaradii soo kacday garan waayan ama ku wareeraan  kuwa ay yahiin iyo meesha ay kazoo jeedaan (lost of identity or confusion of identity). Waxay kale oo keentay ama sahashay dilka, dhawaca iyo xadhigga dhalintii oo si sahala ugu dhacay dabinka iyo xayraan nimada nolosha,  waxay keentay guurkii iyo xalaal raadiskii oo dhalinyaradii dhulka la keenay ku yaraada ama lumayba, waxay keentay in la waayay cid ehel u ah kuwa la-dilo kuw la-xidho ama kuwa sida lama filaanka ah dayaca noloshu ulasoo dersay oo xaquuqdooda u dooda. Runtiina arimahan danbe oo dhami waa arin umadda afka somaliga ku hadashaa ka simantahay meel kastaba ha kayimaadeene.

Waa hubaal in haddii aan la daba qabatayn oo si wada jir ah inta laysugu yimaaddo laysu xogwarysan in 10ka  sano ilaa shan iyo tobanka sano ee soo socda la waayi doono wax ina sheegtaba, dhaqan ahaan , diin ahaan iyo dal ahaanba, inta waayeelka noqotana Home Care aynaan ogaan Karin waxay ku noolyahiin iyo sida loola dhaqmo ayaa u danbayn.

“Mayd yaa u danbeeyay, iyo kaa lasii sido” Shalay oo taariikhdu ahayd 09, 2008 waxa lagu aasay xabaalo ku yaalla magaalada Toronto inan yar oo 16 sano jiray  (reer Somaliland) oo si xaq darro ah dad aan la garaynini (dhalin yaro kale) madaxa uaga burburiyeen ita gidaar loola dhacay.

Sheek Xasan Cabdullahi Jire (Masajidka Abu-Hurayra ee Toronto) oo xabasha dusheeda wacdi gaaban ka jeediyay waxa uu yidhi “ Caruurtennii maalin walba suuqyada addunka ayaa sidaa loogu Nacayb dilayaa, kani maha kii ugu horreeyay, mana noqon doono kii ugu danbeeyay, xaaladduna iminka sida aad u wada jeedaan magaala kasta oo aduunkan qurbaha ah ka mida way kasii xumaanaysaa haddii aan deg-deg wax looga qaban. Ta labaad caruuteenna cidda disha cidina soo qabashadooda iskuma hawsho, mana dabagasho waayo cid u hadasha (community) ma laha oo innaguna waynnu ka seexanay, waar caruurta masaajiddada ku xidha oo idinka waa wayni caruurta masajidka soo tusa”

Been ma aha in inbadan oo inaga mid ahi wax barteen haddii anay awal ba debedda ulasoo bixin ama anay waxbarasho doon markii horeba usoo bixin , wax tabcadeen haddii aanay awal ba faralaab wadamadan  lasoo galin, ubad wanaagsan barbaariyeen, diintii wali faraha ku hayaan laakiin hadana lama dafiri karo daahna ma saarna inaynnu dadka ka danbaynno hadana laabta aad u garaacno inaga oo aan eegin waxa hareeraha inaga xiga, isla waynida iyo santaagana ilaahay wuu xaaran tinimeeyay. “Dhulka daloolin Maysid Buurahana dherer ku gaadhi mayside” ama “Ha ka jeedin dhaban kaaga dadka, Dhulka ha soconin adiga oo kibirsan, eebbe ma jecla dadka is-qaad qaada ee Faanka badane”.

Dalkii (Somaliland) siyaasaddiisa iyo hurumar gaadhsiintisana sifahan ay dadka qurbuhu ku jiraan ayay la wadaagtay, maxaa yeelay wax tar iyo talo kuway ka sugayaan ayaaba ah kuwa iyagii tashan kari waayay, markaa  dadka dhulkii joogana aqoon yahay iyo mid hadda magala galku ugu horayayba waxa la wada noqday siyaasi, khabiir iyo Daaci iyada oo sida badan ficiltan iyo Hebel yuu calfan ama magac ku yeelan uun ay gaadhsiiyay halkaas, la se  ilaaway himiladii iyo wada taashigii meel lagu gaadhi lahaaba.

Ugu danbayntii waxan inagula dardaarmayaa bal in qurbahu (Europe, N-America, Australia, Newziland)  ha ugu horeeyee la mideeyo magaala kasta ama xaafadkasta inta kunool oo  meelna la isugu keeno aqoonta, talada, iyo wax garadnimada si loo helo talo midaysan oo laga bixi karo dullinimadan iyo heeryadan lab-been garaca ah ee ina saaran ayahay magaceenna iyo ubadkenana wax loogu meel dhigi lahaa. Waxana loo bahan yahay

 -in boodhka laga tumo usu-lab xaadhnaantii,

 -is-Jacaylkii, wax wada qabsigii

-iyo kaftankii dhexdeenna ee cilmiga ku dhisnaa,

·         si Ubadkan dhimanaya toobad wanaag ay ugu dhintaan,

·         Ubadka Jamacadaha looga caawin karo, loona dhiiri galin lahaa wax barashada sare,

·         Ubadka dhamaystayna shaqo loola raadin lahaa

·         Iyo waliba loo qabsan karo waxyaaba badan oo kale.  

Waxan hubaa in aynaan noqon doonin kuwa dadka ugu liita, uguna faanka badan ee aynnu noqon doonno kuwa dadku wanaagga iyo horumarka kaga dayndaan haddii aynnu wax meel isigu keenno.

 

Wa Billahi Towfiiq       

Ahmad Warsame


TOP

ANNOUNCEMENTS »

Conf. Call by S/land American Council

27 July 08 @ 1pm ET- Keynote Speaker; Vice President Ahmed Yusuf Yassin

102 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Ha la sameeyo wixii rag yeeli jiray.

Mohamed Hussein Roble

Diridhabe & Maqaalkisi “Maxad Ka Taqaana Xaaska Madaxweynaha (Huda Barkhad)

Xabiib Adan Cabdi

Faysal Cali waraabe ma shirka beesha Bariga Burco ku qabsanayso Garadag uun baa muuqday

Abdihakin hersi

Madaxda UDUB & UCID oo ku fashilmay…

Maxamed Haaruun

Doorashada musharrixiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee Kulmiye siday u dhici doontaa?

Ahmedweli.

Who Is Ismail Mumin Aar?

Haybe Omar

Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye & halka uu maraayo

Adan Yuusuf Cilmi

Jawaab: Kulmiye waa inuu Shirkiisa ku qabsado Hargaysa.

Cali Maxamuud Case (London)

Maamulka Saaxil maxay isu hortaageen dhismaha dugsiga

Mohamed osman

Ayaxa Ku Habsaday Somaliland!!!

Axmed Xasan Cali(like)

Reer Kulmiyow, ma runtaynu qarxinaa mise beenbaynu ku rafanaa

Maxamud Nour (Xariif)

The cloak-and-daggers boys Inc. of Somaliland

Sagal Say Wallahi

The Unjust Transfer of the Ambulance of Erigavo Hospital

Sanaag Development Organization

Goormuu Noqday Ciidankii Qaranka Somaliland

Shueib A. Gaboose

Kulmiye waa inuu shirkiisa ku qabsado HARGAYSA

Engr. Omar Yousuf.

Arrinku Riig Ka Qoto Dheer

Axmed Ismaciil

Dahabshiil Ducaysane

Farid Cadani, Hargeysa

Unguided talking head

Mahdi Gabose.

Talo Xumada Siyaasada Beesha Maxamed Case Waxay

Saleebaan Ahmed Daauud

Dood Muranka Miisanka Maansada

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

Tartankii Musharaxiinta Kulmiye oo bilaabmay

Yusuf Daahir Geelle

Labakaclaynta Siyaasadda Xisbiga Kulmiye

Jamaal Cabdilaahi

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher:

Hambalyo Aroos