Deeqbixiyayaasha oo go’aansaday in aanay lacag ku bixin Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Somaliland

Hargeysa (Somaliland.org) - Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya Doorashooyinka iyo hannaanka Dimuqraaddiyadda ayaa shaaca ka qaaday inay joojiyeen lacagtii ay ugu talagaleen diiwaangelinta codbixiyayaasha ee doorashooyinka Somaliland ee soo socda. Waxayna shuruuddo ku xidheen lacagta ay u hayaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Dowladaha Hoose oo ay ballanqaadeen.

Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka oo ka kooban: Guddida Hoggaaminta Dimuqraadiyadaynta Somaliland, UK, Norway, Denmark, Sweden, Maraykanka iyo Midowga Yurub, go’aan ay maanta ka soo saareen magaalada Nairobi, oo ay u soo kala direen Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Saddexda Xisbi iyo Shirguddoonada labada gole, waxay caddeeyeen inay ka niyad-xun yihiin dib-u-dhaca mar kale ku yimi qabashada doorashooyinka iyo khilaafaadka ka taagan oo aan weli loo helin xal ku yimi wadahadal. Waxa kale oo ay xuseen kala dhantaalnaanta Komishanka Doorashooyinka oo ay sheegeen in aanu dhammaystirnayn, isla markaana aanu dheellitirnayn.

Sidoo kale, waxay sheegeen oo ay ku sababeeyeen go’aankooda joojinta lacagta diiwaangelinta in uu jiro khilaaf siyaasadeed iyo mid sharci iyo weliba arrimo farsamo oo ka dhigaya wax aan sugnayn ama la hubin sida loo hirgelin karo Diiwaangelintu. Sidaa darteed, ayuu yidhi qoraalka Deeqbixiyayaashu, “Waxaanu ka xunahay inaanu idiin sheegno in Deeqbixiyayaashu aanay maalgelinayn Diiwaangelinta Codbixiyayaasha”.

Hase yeeshee, waxay si buuxda u ballanqaadeen inay maalgelinayaan Doorashooyinka Dowladaha Hoose iyo Madaxtooyada, taas oo ay iyana ku xidheen laba shuruudood oo kala ah:

- In dib la isula eego Komishanka Doorashooyinka Qaranka, lana dhammaystiro, isla markaana laga dhigo Komishanka Madax bannaan, isu dheellitiran, xilkana gudan kara.

- In isfaham lagu gaadho wakhtiga ay qabsoomayaan doorashooyinku, qoraalna ay ku soo saaraan Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Guddoomiyayaasha Saddexda xisbi Qaran.

Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ayaa ah caqabada ugu weyn ee hortaalla doorashooyinka Somaliland, iyada oo sababtay in dib loo dhigo doorashooyinka oo qabsoomi lahaa Dec. 15 2007 iyo 14 April 2008. Isla markaana qodobo ka mid ah Xeerka Diiwaangelinta ayaa Madaxweyne Riyaale u cuskanayaa muddada Guurtidu u kordhisey, isaga oo ku doodaya in doorashooyinku aanay ku qabsoomi karayn wakhtiga Xisbiyada iyo Komishanku ku heshiiyeen, maadaama xeerka Diiwaangelintu dhigayo in 6 bilood u dhexayso dhammaystirka diiwaangelinta iyo qabashada Doorashada.

Waxaana la filayaa in go’aankan Deeqbixiyayaashu uu ka dambeeyey, kadib markii Madaxweyne Riyaale uu ku adkaystay in aanu ogolayn wax aan ahayn xeerarka iyo Dastuurka Dalka, taas oo uu uga jeedo xeerka Diiwaangelinta ee uu u daliishanayo inuu xilka sii joogo.

Beesha Caalamka ee danaysa dimuqraadiyadda Somaliland, kana caawisa doorashooyinka ayaa dedaal badan u galay in wadahadal lagu xallilo khilaafka ka taagan qabashada doorashooyinka, waxaana ugu dambeeyey wefti ka socdey Safaaradda Britain ku leedahay Addis Ababa, kaas oo kulamo la yeeshay dhinacyada arrintu khusayso oo dhan oo uu ku jiro Madaxweyne Riyaale. Sida uu sheegay Warsaxaafadeed uu Afhayeenka Madaxtooyadu ka soo saaray kulanka Madaxweyne Riyaale iyo Weftiga Ingiriiska, Madaxweyne Riyaale waxa uu ku dooday inuu diyaar u yahay inuu qabto doorashooyinka, balse, waxa uu raaciyey in la ilaalinayo, lana tixgelinayo xeerarka dalka, taas oo macnaheedu yahay doorasho ku salaysan xeerka Diiwaangelinta ee caqabadda ku ah doorashada.

C/risaaq M. Dubbad,
Somaliland.org, Hargeysa.

TOP

182 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE