Xisbiga KULMIYE oo caddeeyey mawqifkiisa wadahadalo ay ku horfadhiistaan Madaxweyne Riyaale iyo ergooyin is barbar socda

Hargeysa (Somaliland.org) - Xisbiga ugu weyn mucaaridka Somaliland ee KULMIYE ayaa caddeeyey mawqifkooda wadahadallo la sheegay inay isku horfadhiisanayaan Madaxweyne Riyaale iyo hoggaamiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah iyo weliba ergooyin is barbar yaacaya oo waanwaantaas ku jira.

Xisbiga KULMIYE, warsaxaafadeed uu maanta soo saaray oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu ka jawaabayey war maanta ku soo baxay Wargeyska Saxansaxo oo sheegaya in Akademiyada Nabaddu ay shalay qoraal ku gaadhsiisay Guddoomiyaha KULMIYE hindise ay doonayaan inay kulan isku soo horfadhiisiyaan Madaxweyne Riyaale iyo labada Guddoomiye Xisbi, taas oo ay sheegeen inay tahay farriin ay ka sidaan Daahir Riyaale. Waxana uu sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal ay ku horfadhiistaan Madaxweyne Riyaale, balse, ay aaminsan yihiin in la xoojiyo Waanwaantii uu wadey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Warsaxaafadeedkaasi, isaga oo faahfaahsan wuxuu u qoran yahay sidan:

“Warka maanta ay qortay Jariidada Saxansaxo ee sheegaya in Akademiyadu qoraal soo gaadhsiisey hoggaanka Sare ee xisbiga KULMIYE. Qoraal rasmi ah ma jirin ee farriin af ah ayay keeneen.

KULMIYE wuu aqbalay, horena uu u caddeeyey in wixii khilaafaad siyaasi ah ee dalka ka jira, Madaxweynaha kala kulmo oo ay ka wadahadlaan, haddana waa u diyaar inuu la kulmo oo ay ka wadahadlaan khilaafaadka siyaasiga ah.

Hase yeeshee, arrinta Xisbiyada mucaaridka iyo Madaxweynaha waxa dhexdhexaadinayey oo muddo ku jirey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), labada xisbina arrintaa waa ka wada socdeen, talo-wadaagna way ka lahaayeen.

Haddaba, Akademiyadu shalay ayay goonni ahaan ugala soo xidhiidhay arrintaa xisbiga KULMIYE. KULMIYE wuxuu ka codsaday Akadeemiyada in fursad la siiyo, lana xoojiyo dhexdhexaadinta uu ku jiro Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

KULMIYE, mar walba wuxuu xoojinayaa nabadda, wuxuu aamisan yahay in khilaafaadka siyaasiga ah wadahadal lagu dhammeeyo,” ayuu xisbigu ku soo gebagebeeyey warsaxaafadeedkiisa.

Warar ilaa shalay la isla dhexmarayey ayaa sheeaya in Madaxweyne Riyaale u diray Akadeemiyada inay kulan isugu keenaan isaga iyo guddoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah, iyada oo uu jirey waanwaantii hore ee uu labada dhinac ka dhex wadey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo aan soo afjarmin.

C/risaaq M. Dubbad,
Somaliland.org, Hargeysa.

TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra