Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Sabti, 10 May
Wax dhibaato ah oo dhacaysa 16-ka ma jirto waa la doodayaa,”
“Waxaanu taaganahay waar sharci inoo banaani ma jiree dawladu ha iska sii waddo shaqadeeda”
Faysal Cali Waraabe
Hargeysa (Ogaal) - Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in arrimaha lagu muransanyahay ay laga wada hadli karo, balse aanay gaadhin heer ay dhibaato dhacda horseedaan. Islamarkaana waxa uu muujiyay Faysal Cali Waraabe inuu ka soo debcay mawqifkii hore ee ay isla gaadheen Xisbiga Kulmiye.
Faysal Cali Waraabe, waxa uu sidaa ka sheegay Xaflad balaadhan, oo shahaadooyin lagu siinayay Arday ka qalin-jabisay Machadka Caafimaadka ee Shifo, oo shalay lagu qabtay Huteel Ambaasadoor ee Magaalada Hargeysa. Faysal Cali Waraabe, waxa uu aad ugu dheeraaday kaalinta waxbarashada iyo Caafimaadka dalka. “Caafimaadka Somaliland meel xun ayuu maanta marayaa, waxa weeyaan intii aynu dalka dib ula soo noqonay dawladihii hore, ilaa ina Cigaal xooga waxay saari jireen in Caafimaadka wax laga qabto, tamar kasta ha lahaadaane, oo Wasaaradda Caafimaadka waxay u dhiibi jireen, qof Dhakhtar ah oo shaqadeeda yaqaana, intii Rayaale qabtayna Dhakhtar Ismaaciil oo aad iyo aad ugu fiicnaa intuu ka bedalay ayuu nin Siyaasi ah u dhiibay, hakaba qabanin barnaamijkii dhakhtaradu iska dhaxli jireena halkaas ayuu ku baaba’ay.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas raaciyay oo uu yidhi, “Maanta waad ogtihiin qaybaha dalka, caafimaadka iyo waxbarashada, oo Iskuulada gaarka ah hadaad tagtid way koreen, Nuuradiin ayaan tagay oo qalabka yaala hadaad aragtid meel kale mayaalo, kuwa dawlada hadaad tagtana Xabsi ayaad moodaysaa oo waa lagu xidhaa Ardayda, oo si aanay gidaarka uga dhicin ayaa la xidhaa ilaa inay qadada gaadhayso. Sidaa daraadeed waxaad arkaysaa inay kala dheeraynayaan adeegyadii bulshada ee ay dawladu gacanta ku haysay iyo kuwii gaarka loo maamulayay.” Waxaanu sheegay inay aad u dayacanyahay caafimaadka dadka ku nool Tuulayawga kala duwan ee Somaliland. taas oo uu ku eedeeyay inay xukuumaddu gabtay waajibaadkeedii, ahaa inay shaqaale caafimaad gayso. “1999-kii intaanaan siyaasada gelin ee aanu joognay dibada waxaanu keenay tababarkii ugu horeeyay aniga iyo Cabdiraxmaan waxaanu soo ururinay Kalkaaliyayaashii caafimaad ee Somaliland oo dhan, waxaanay ahaayeen dad da’a dhexe ah (middle age), hada waxa muuqata faraq wayn oo iska bedalay guud ahaanba shaqa kasta, Ingineeradii ayaa xataa gaboobaya, fanaaniintii ayaa gaboobaysa oo kuwii lixdankii ayaa heesa, waxaana maanta muuqata inaanaynu jiil cusub soo saaray, dadweynuhu way dedaalayaan dhankastaba, laakiin ilaa hada waxa inaga maqan dedaalkii dawlada waanan ka xumahay inay shantii sanno kaga dhamaatay iyaga oo meel qudha oo ay wax ka qabteen oo ay ka qudbadeeyaan labada Mishiin ee Berbera mooyaane maan arag, taasina waan nasiib-darro iyo khasaare ku yimi.”
“Wallaalayaal waxaan idiin sheegayaa 15-ka bishan hadii Illaahay yidhaahdo waxa ku dhamaanaya waqtiga dawlada, waxay ahayd marka 16-ka bisha la gaadho in Madaxweyne cusub oo la doortay loo dhaariyo xilka, lama gaadhin taa oo dib ayaynu u dhacnay, shantaa sanno ee aanu joognayna waxay ahaayeen shantii sanno ee ay Somaliland ugu nabada badnayd, wax qalaan qal iyo rabshado ahina ma jirin, waxaanay inagaga dhamaatay bilaa micne, oo waxa la kari waayay in doorasho la qabto. Mid baan idiin sheegayaa, oo wax dhibaato ah oo dhacaysa 16-ka ma jirto waa la doodayaa, oo waxa lagu doodayaa sidaynu wax u sharciyaynaa dawladan waqtigi wuu ka dhamaaday’e. laakiin la is dili maayo, ee waa la xalaalaynayaa. Laakiin anagu mucaarid ahaan waxaanu taaganahay waar sharci inoo banaani ma jiro, ee dawladu ha iska sii waddo shaqadeeda, waxaananu jecelahay inaanu taa idiinku bushaarayno,” Sidaa ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe, “Waananu wada-tashanaynaa wax rabshad ah oo dalkeena ka dhacayaana ma jirto. Madaafiicda uu sheegayay Xoghayaha UDUB-na (Bulaale) inaga ayaa leh oo isla dhici mayno.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.
Maxaa hortaagan shirweynihii xisbiga Udub?
“Saxeexa wakhtiga doorashadu macno samayn maayo”
“Xukuumadu dalkay hogaamisaaye wixii dhacaba iyadu masuul kama aha”
“waan waanta Gudoomiyaha Wakiilladu waday, annigu war uma hayo meesha ay marayso.laakiin… ”
“Komishanka waxa laga leexiyay shaqadoodii oo waxay hawshoodiiba ka bilaabeen mudo kordhin.” Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB
“Cashuur kordhintu tallo la’aan kumay iman, waa laga wada hadlay”
Hargeysa (Ogaal) – Xoghayaha Guud ee xisbiga talada haya ee Udub Maxamed Ismaaciil Bulaale ayaa gaashaanka ku dhuftay in xukuumadu ka gaabisay diyaarinta saaxad lagu tartamo waxaana uu ku dooday in dib u dhaca doorashooyinka ay keentay diiwaan gelinta cod bixiyayaasha oo aan doorashooyinkii hore ku jirin, iyo Gudiga doorashada oo hawshoodii ka baydhay iyagoo dib uga dhacay wakhtigii ay ahayd in ay hawshooda bilaabaan.
Maxamed Ismaaciil Bulaale oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka weydiiyay aragtidooda Xisbul xaakim ahaan ku wajahan xaalada dalka ka oogan iyo muranada siyaasadeed ee taagan waxa uu yidhi. “Annagu wax dhib ah oo yaala ama keeni kara khilaaf ama dadka kicin kara ma ogin.
Waxa jira doorashooyin horena waynu u soo galay, tana waxa ku soo kordhay, uun diiwaan gelinta doorashooyinka oo aynaan doorashooyinkii hore lahayn. Waana khasab in diiwaan gelin la sameeyaa doorashooyinka ka hor, mar hadii xeerkii soo baxay. Xeerkaana Madaxweynuhu waxa uu gudbiyay Golayaasha laba sano ka hor, Golaha Wakiilladuna waxay soo gudbiyeen sanadkii hore dhamaadkiisii.” “Xeerkii diiwaan gelinta oo wakhti danbe la keenay iyo Gudigii Komishanka oo iyaguna wakhtigoodii dib uga dhacay ayaa arrimaha fooda isku soo wada saaray.” Ayuu intaa raaciyay,
Bulaale waxa uu ku dooday in aanay xukuumadu ka masuul ahayn dib u dhacaasi. “Madaxweynuhu isagaa diyaarin waayay ayaan maqlaynay. Hawshana inta Golaha Wakiilladu leeyahay, Inta Komishanku leeyahay iyo Inta Madaxweynuhu leeyahay waa wax kala duwan.
Marna qolada Wakiillada ayaa haystay xeerka, marna qolada Mucaaradka ah ayaa suuragelin waayay inay isu soo dhamaystirmaan xubnaha doorashooyinka oo ay hawlgalaan.
Markii ay isu yimaadeen Komishankii oo goor danbe ahna shaqadoodii ayaa laga leexiyay oo waxa loo hogaamiyay jid khaldan, iyagoo laga faa’daysanayo cusaybkooda iyo iyagoon xeerarka iyo shuruucdooda aad u akhriyin, oo Komishankii waxay ka bilaabeen shaqadoodiiba mudo kordhin.”sidaas ayuu yidhi Bulaale waxana uu ku dooday in loo baahnaa inay Hawsha ka bilaabaan Gogol xaadhka diiwaan gelinta iyo hawleheeda. “Waxay ahayd in iyadoo la wada fadhiyo inay yidhaahdaan, wixii halkaas ayay fadhidaa wakhtigeediina ku qabsoomi mayso. Korodh siimo shan cisho ahi hadii ay imanayso cid gaar ah ayaa leh,” ayuu yidhi Bulaale.
Su’aal laga weydiiyay markii arrimahaas oo dhan laga soo gudbay sababta ay wakhtiyadii ay la sexeexdeen Axsaabta iyo Komishanka ee la isku ogaa in doorashooyinku ku dhacaan uga hor yimaadeen Udub ahaan waxa uu yidhi, “Mar walba waxaanu anagu ilaalinaynay in khilaaf dhaco, oo waxaanu lahayn Komishanow shaqadan idinkaa lehe, anaga hanaga tala galinina oo kolba halka wax marayaan uun noo sheega. Laakiin, shaqadii aad idinku (Komishanku) lahaydeen hadii Xisbiyadu ku feegaraan waxba idiin socon mayso.” Sidaas ayuu yidhi Bulaale, mar kale ayaa hadana la sii su’aalay sababta ay u diidan yihiin maadaama Axsaabtii ay heshiis la sexeexdeen. “Qodob afraad ayaanu ku darsanay oo odhanaya kolba halkay ku dabrantahay hala isla ogaado oo halaga dhaqaajiyo. Warqadbaanu u qoray Komishanka aanu leenahay, xisbul xaakim ahaan anaga xagayaga wax idiinkaga imanaya ama is hortaag ah oo dhinacayaga idinkaga imanayaa ma jiro, howshiinana qabsada dastuurka iyo xeerarka dalka u yaalana ku dhaqma. cid wal oo hawshani khusaysana qaybteeda ka wargeliya. Oo Axsaabtu ugu horayso oo Golayaashu ku jiraan, Awoodahana sida loo kala leeyahay dadka ugu shaqeeya. Waxaa ka danbaysay inay awoodii Guurtidu lahayd ee Mudo kordhinta ay iyagu (Komishanka) ay toos u qaateen. Axsaab iyo Komishan midna awood uma laha inuu wax kordhiyo.” “Haa Annagaa (Udub) ayaa wax ka saxeexnay heshiiska wakhtiga qabsoomida doorashooyinka, Maansoor bay ahayd. Carqalad taala oo markaaba khalad u bilaabantay ayay ahayd, laakiin anaga qodobkaa Afraad ayaa kayd noo ahaaye, markaaba inay khalad tahay waanu arkaynay, waxaananu aad iskaga Ilaalinaynay in la yidhaahdo Udubaa diiday wakhtigii lagu heshiiyay, warqada talada ah ee aanu bixinaynaana waa digniin waa ka hortag.” Ayuu raaciyay, “Saxeexa wakhtiga doorashadu macno samayn maayo, yaynaan is khilaafin oo kala dhaqaaqin hadaan ku idhaa oo aan warqad kuu saxeexo oo qodobkii diidayay halkan inoo yaalo, kaasuunbaynu aakhirka ku noqonaynaa.” Ayuu yidhi Bulaale isagoo hoos u dhigaya heshiiskii ay la gaadheen Axsaabta iyo Komishanka ee wakhtiga doorashada.
Waxaa uu ku dooday Bulaale in aan lagu heshiin karin in la jabiyo qodob dastuuriya isaga oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay in Dastuurku ku tilmaamayo in wada tashi lagaga heshiiyo wixii muran ah ee soo dhex gala dhinacyada siyaasada. “Arrintaa waan waanta ee Gudoomiyaha Wakiilladu waday, annigu war uma hayo meesha ay marayso. Kolayba waa dedaal uun wax lagu wanaajinayo.” Ayuu yidhi.
Waxaa la weydiiyay oo Kale Xoghayaha guud ee Udub, nabad-gelyo xumada Guurtidu u cuskatay mudo kordhintu meesha ay ka jirto, iyo waliba in Guurtida lafteedu qaadatay doorkii Komishanka ee ciyimaada wakhtiga doorashada sida ay ku doodayaan mucaaradku, waxaana uu ku jawaabay. “labaduba waa aqoon darro, Nabad gelyo xumo xabad dhacaysa uun lama yidhaahdo. Macno xeel dheer ayay leedahay, wax kasta oo keeni kara nabad gelyo xumo waa nabad gelyo xumo, odhaahda ah May haday dhaafto qalalaasaa dhacaya lafteedaa ah Nabad-gelyo xumo.”
Maxamed Ismaaciil Bulaale waxa la weydiiyay sababta ay mar kasta xukuumada iyo xisbigeedu u liido Gudiga cusub ee doorashada iyadoo la ogaa in Madaxweynuhu sife qalafsan u kala diray Gudigii hore, taasoo uu sheegay in wakhtigoodu ka dhamaaday, “Hadii xubnihii qolyihii soo magacaabay dib u soo xuli lahaayeen lama diideen, laakiin meesha waxaan ku jirin in Golaha Wakiilladu yidhaahdo labasanaanu idiin kordhinay iyagoo sharci u lahayn. Hadii Guurtidu u kordhiso, lama diideen.” Ayuu yidhi Bulaale.
Xisbiga talada haya ee Udub waxay marar badan sheegeen inay diyaar u yihiin in la qabto doorashooyinka wakhti kasta oo suurtagal ah, sidaa daraadeed waxaanu wax ka weydiinay Xoghayaha guud ee Udub, sababta ay hadalkaa u soo qadimaan iyada oo aan ilaa hada Xisbigoodu qabsan shirweynihiisii. “Taasi waa howl Xisbi u gaar ah, Khilaafna kama taagna. Waxa khilaafku ka taaganyahay waxa weeye, Dastuurka iyo xeerka qaranku leeyahay ee doorashooyinka khuseeya, annaga qodobkaasay jabiyeen mar-naba lanama odhan, xukuumadaa fulin weyday waa hadal guude sideebaanu u fulin waynay, Madaxweynaha maxaa ka khuseeya, Golayaasha, Komishanka, Axsaabta maxaa ka khuseeya. Waa howl u baahan in sideeda loo kala dhigo oo cid walba inta ay eed leedahay la yidhaa intaa adigaa leh. Xukuumadu dalkay hogaamisaaye, wixii dhacaba iyadu masuul kama aha.” “Shirweynahayagu carqalad kuma aha doorashooyinka, mid xisbi iyo Guud toona. Weli Udub qaylinaysa oo shirweynahayagii maxaa loo qaban waayay leh miyaad aragtay.”ayuu raaciyay.
Waxa jira warar tibaaxaya in Xisbul xaakimku uga war-wareegayo shirweynihiisa Carqalado badan oo laga baqayo inay dhexdiisa ka bilowdaan. Xoghayaha guud ee Udub wuu ka war-wareegay taas jawaabteeda. “Shirweynaha in la qabtaa waa khasab, waanay imanaysaa wakhtigeeda hasoo baxdee, imika waxa ina hortaagani waa maxay. Mida kale, waxaan kuu sheegayaa doorashooyinka waxaa soo horaysay ta deegaanka . decembertii ina dhaaftay ayaanay ku ekayd. 371 xildhibaan oo Golayaasha deegaanka ah ayaana jira, waxay sugayaan xildhibaano deegaan oo la soo doortay oo badala, iska dareera wakhtigiinii wuu dhamaadaye miyaad cidna ka maqashay Mucaaradka” Ayuu yidhi Bulaale,
Had iyo jeer waxa lagu dhaliilaa Xisbiga Udub in taladiisu ka godo Madaxweynaha oo kaliya, arrintaa su’aal laga weydiiyay waxa uu ku jawaabay Bulaale, “Sow annagu ma xukuno dalka Madaxweynahana sow anagu maanu dooran,”
Waxa la weydiiyay oo kale tusaale ahaan, in Udub ka wada tashatay in cashuuraha wadanka la kordhiyo iyadoo xaaladu adagtahay sicir bararna dalka ka jiro “Tallo la’aan kumay imman waa wax laga wada hadlay oo laga tashaday oo loo arkay inay tahay wax dalka anfacaya, ee maaha wax Madaxweynaha kaligii khusaysa ama uu go’aan ka qaatay maaha” ayuu yidhi Bulaale.
Xoghayaha guud waxa uu ku dooday in dhaqaalaha xisbigu ku socdo ay kala siman yihiin Axsaabta kale oo mid kastaa miisaaniyada dawlada ku leeyahay toban milyan. “Haa way bixiyaan, qaadhaan dhaqaale, xubnihiisu oo qaarba waxbay bixiyaan.” Ayuu kaga jawaabay su’aal ku saabsanayd in xubnaha Xisbigu dhaqaale bixiyaan.
Hadal-haynta isku badalka Axmed Xaabsade iyo Saleebaan Gaal iyo hawl-galada Boorama
Hargeysa (Ogaal) – Axmed Cabdi Xaabsade, oo mar ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, dhowaanna ka soo galay maamul-goboleedka Puntand ee Soomaaliya oo uu ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo dareeno iyo xogo muujinaya in xukuumadda Madaxweyne Rayaale u qalqaalinayso inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Guurtida, iyada oo isku deyeysa inay ku beddesho mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadda ah Guddoomiyaha Guurtida.
Axmed Cabdi Xaabsade oo isaga iyo wafti u badan Gobolka Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle ay socdaal ku joogaan magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, ayaa Ogaal wax ka waydiisay arrimahaas iyo sababta wakhtigan uu u joogo Magaalada Boorama, oo warar is khilaafsani ka soo baxeen ayaa ku jawaabay “Adeer ma doonayo inaan arrintaa immika ka hadlo.” Hase ahaatee, waxa jira tibaaxo muujinaya in magaalada Boorama uu ka socdo shir dib loogu soo noolaynayo Isbahaysi jiray Lixdamaadkii (USP) kaasoo food saaro looga dhigay qorshahan loogu qiil dayayo in meesha lagaga saaro Gudoomiyaha Guurtida.
Xaabsade waxa la sheegay intii uu ku sugnaa magaalada Boorama inuu kulamo kala duwan la yeeshay waxgaradka iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Gobolkaasi.
Wararka ku saabsan qorshahan isku badalka Xaabsade iyo Saleebaan Gaal oo dareenkeedu soo baxay dhawr bilood ka hor, waxa uu soo laba kacleeyay horraantii toddobaadkan, markii saxaafadda qaarkood ay heleen xogo ku saabsan olole xukuumaddu u gashay sidii Axmed Cabdi Xaabsade xubin uga noqon lahaa Golaha Guurtida, isla markaana la baayacay mudane ka tirsan Guurtida oo ay isku deegaan – Buuhoodle – ka soo jeedaan Axmed Cabdi Xaabsade inuu xubinimada u banneeyo, si uu Xaabsade u soo galo Golaha, kadibna looga dhigo Guddoomiyaha Golaha, si la mid ah, sidii Guddoomiyaha Guurtida ee hadda, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ku noqday Guddoomiyaha, kadib markii uu Geeryoodey Guddoomiyihii hore ee golahaas, Alle ha u naxariistee, Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar.
Waxayna wararka qaarkood sheegayaan in mudanahaas loo geeyey Madaxweyne Rayaale, si uu ugu qanciyo inuu Xaabsade u banneeyo xubinimadiisa Guurtida, balse, uu diidey xildhibaankaasi.
Inkasta oo dad badan oo ay ku jiraan xildhibaanno Guurtida ahi ay shaki ka muujiyeen sida uu suuragal u yahay qorshahaasi, iyaga oo ku doodaya in aan la heli karayn aqlabiyad 2/3 (Saddex meelood oo laba tirada Golaha), si xilka looga qaado Guddoomiyaha hadda ee Guurtida iyo in sida Madaxweyne Rayaale ugu badheedhi karo Saleebaan Maxamuud Aadan, haddana, waxa la rumaysan yahay in wasiirro dhawr ah oo ku xeeran Axmed Cabdi Xaabsade ay isku deyi karaan qorshahan, isla markaana ay wadaan, balse, Madaxweyne Rayaale aanu si toos ah ugu luglahayn iyo in Guddoomiyaha Guurtidu uu yahay xilka ugu haboon ee Axmed Cabdi Xaabsade lagu negeyn karo ama la siin karo.
Axmed Cabdi Xaabsade oo Guddoomiye ka ahaa Golihii ugu horreeyey ee Wakiillada Somaliland, waxa uu u wareegey maamulka Puntland markii la dhisay 19997, kadib markii ay isku dhaceen Madaxweynihii hore ee Somaliland Alle ah u naxariistee, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, halkaas oo uu ka noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha, xilkaas oo uu hayey muddo dheer, ilaa ay isku dhaceen Cadde Muuse, kadibna uu ku soo laabtay Somaliland, dabayaaqadii 2007, waxaana si weyn loo rumeysan yahay inuu sabab u ahaa in magaalada Laascaanood ay u soo gacan-gasho Somaliland, iyada oo ciidan beeleed uu ka samaystay magaalada Laascaanood gudaheedu ay caawiyeen ciidanka qaranka oo muddo 5 sannadood ah ku sugnaa duleedka Laascaanood.
Tan iyo intii uu Hargeysa soo gaadhey Axmed Cabdi Xaabsade, waxa jirey su’aal ay dadku iska weydiinayeen in xil loo magacaabayo Xaabsade iyo in kale iyo waxa uu noqonayo xilkaasi, maadaama, Xaabsade loo arko siyaasi ama hoggaamiye miisaan weyn leh oo reer Sool ah. Waxaana lagu arkayey beryahan dambe isaga oo ka qaybqaadanaya ama xukuumaddu u isticmaalayso ololaheeda siyaasadeed, laguna arkay fagaarayaal dhawr ah isaga oo difaacaya xukuumadda Madaxweyne Rayaale.
Dhinaca kale, waxa jira dareemo soo baxaya oo ku saabsan in Madaxweyne Rayaale uu abuurayo isbahaysi ka kooban beelaha Darafyada, kadib markii uu lumiyey kalsoonida iyo taageerada badiba dadkii doortay. Taasoo qayb ka ah arrinta uu u jooga Xaabsade Magaalada Boorama.
Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Muqdisho
Muqdisho (Ogaal/AP)- Lix qof ayaa ku dhintay, 13 kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii ay Kooxda Al-shabaab ee Magaalada Muqdisho ay shalay weerar ku qaadeen fadhiisin-Milatari oo ay Ciidamada Itoobiyaanku ku lahaayeen Xaruntii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya.
Siday sheegeen dad goob-joogayaal ahi, dagaalkan ayaa waxa uu socday saacad-badhkeed. Nin magaciisa ku sheegay Maxamed Diini oo ka mid ah dadka goob-joogga ahaa, oo u waramay Wakaaladda wararka ee AP, ayaa sheegay inuu arkay dagaal ka bilaabmay meel aan ka fogayn Daaqadda gurigiisa, isla markaana uu indhaha saaray Maydka laba qof oo rayid ah iyo laba kale oo Askar ah. Waxa kale oo ay wararku sheegayaan in markii dagaalku dhamaaday goobtii dagaalka laga ururiyay Maydadka Askar badan.
Gabadh iyana ka mid ahayd dadkii goob-joogga ahaa, oo lagu magacaabo Maryan Daa’uud, ayaa sheegtay inay dagaalkaa kaga dhinteen laba wiil oo ay walaalo ahaayeen, isla markaana uu dhaawac aad u culusi soo gaadhay Gurigoodii, oo aan ka fogayn halka dagaalku ka dhacay.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Cusbatalka Madina ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Cusbatalka la geeyay 13 qof oo dhaawac ah.
Maalintii Khamiistii ayay ahayd markii dagaalyahannada Kooxda AL-shabaab ay qaadeen Weerar ay ku dhinteen 11 qof oo ay ku jiraan laba Sarkaal iyo sida la sheegay shan ka mid ah kooxaha dagaalka qaaday, ay ku qabsadeen Xarun ay leeyihiin Ciidamada Booliska oo ku taala Magaalada Muqdisho
Kulan afar-geesood ah oo maanta laysku soo hor-fadhiisinayo axsaabta siyaasadda
“Xisbiga Udub yaan la soo lug-goynine, waa in cidda go’aanku ka go’aa meesha timaadaa”
Hargeysa (Ogaal)- Kulan afar geesood ah, oo lagu wado in lagu dhexdhexaadinayo, laguna faaqidayo khilaafaadka ka dhashay muddo-kordhintii golaha guurtida iyo sida laga yeelayo marka la gaadho dhamaadka waqtigii xilka loo doortay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee 15 May, ayaa la rajaynayaa in maanta laysku soo hor-fadhiisiyo saddexda xisbi-qaran iyo xukuumadda, sida ay tibaaxeen warar xog-ogaal ah oo aanu ka helay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.
Sida ay illahaasi tibaaxeen, kulankan afar geesoodka ah, waxa loo ballansan yahay inay isugu yimaadaan 17 xubnood oo kala ah; Afar xubnood oo xisbiga Kulmiye ka socda, afar ka socda xisbiga Ucid, afar ka socda xisbiga Udub, afar ka mid ah xubnaha wasiirrada ay xukuumadu u xilsaartay hawlaha dhexdhexaadinta iyo Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo isu xilsaaray hawsha dhexdhexaadinta khilaafaadyada siyaasadeed ee xilligan taagan. Isla markaana, warku wuxuu intaa ku daray in guddoomiyaha wakiillada ay dhexdhexaadinta kala qaybqaadanayaan Akadeemiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland. Warku wuxuu intaa ku daray, in kulankan la qorsheeyay in dhinacyada siyaasadda iskaga soo horjeeda uu mid kastaaba dooddiisa ku soo bandhigo, isla markaana lagu lafo-guro arrimaha ilaa hadda laysku mari la’yahay.
Tibaaxuhu waxay iftiiminayaan in werwer badan oo laga qabay go’aan qaadashada Xisbul-xaakimka Udub awgeed lagu adkaystay in dhinaca xukuumada ay kulankan u metelaan afar ka mid ah kooxda wasiirrada ah ee Madaxweyne Rayaale u igmaday inay dhexdhexaadinta u metelaan dawladda. “Waxa lagu adkeeyay in cidda go’aanku ka go’aa ay tahay Madaxweynaha’e meesha ay yimaadaan wasiirradiisu, balse aan lagu soo lug-goyn Udub.” Ayuu tibaaxay mid ka mid ah ilo-wareedyada aanu soo xiganay. Sidoo kalena, xisbiga Udub kulankaa waxa la go’aamiyay inuu xisbi ahaantiisa halkaa ku tago. Inkasta oo dhexdhexaadinta la wado xoogga la saarayo sidii loogu guulaysan lahaa natiijo laga gaadho khilaafaadka haatan taagan, ayaa hadana sida ay wararku tibaaxeen xukuumadda iyo Xisbiga Ucid waxay u muuqdaan kuwo aanay afkaarahoodu kala fogayn marka la eego dareemada ku wajahan geedi-socodka dhexdhexaadinta, halka Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye, uu weli ku adag yahay mawqifkii ay hore axsaabta mucaaradku sida wada-jirka ah u qaateen, ee ay ku sheegeen inaanay aqoonsan doonin Madaxweyne Rayaale wixii ka dambeeya 15 May oo waqtigii xilka loo doortay kaga dhan yahay. Sidoo kalena, kulankan maanta lagu wado in laysku soo hor-fadhiisiyo dhinacyo siyaasadda ku kala fog, maxay noqon karaan natiijooyinka ka soo bixi karaa, isla markaana rajo intee le’eg ayaa laga qabi karaa in dhamaan dhinacyada siyaasadu ku wada qancaan. Sababta oo ah, waxay wararka qaarkood tibaaxeen in mucaaradka gaar ahaan Xisbiga Kulmiye uu aad uga walaacsan yahay sida Madaxweyne Rayaale ugu dhaqmi karayo natiijooyinka halkaa ka soo baxa. Sidoo kalena, warar xukuumadda wasiirrada dhexdhexaadinta uga qaybqaadanaya ku dhaw-dhaw oo aanu helay ayaa sheegay inay iyaguna dhinacooda ka rajo xunyihiin sida ay heshiis ugala qaadan karaan khilaafaadyada taagan Xisbiga Kulmiye.
Ka sokow, kulankan maanta, waxa jira warar kale oo sheegaya inay kulan caawa isku soo hor-fadhiistaan Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Hase yeeshee, guud ahaanba ma jiraan warar rasmiya oo arrintan la xidhiidha oo dhinacnaba uu soo saaray.
Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde