Taladaan La Ruugin Waa Lagu Rafaadaa Ee Miyaanay Somaliland Talo U baahnayn!
Waxaa la yidhi talo adaa ku nool ee iyadu kuguma noola sababtoo ah hadba wixii kuu dana qofkii kuu sheega lama xagxagto la iskamana dhigo Baylootkii Qaranka oo biyo dhaaminaya ee waa laga qaataa loona mahadceliyaa taasoo aan maanta maanka dadka af-somaliga ku hadla uusan ugu jirin qaamuuskooda anshaxa iyo hab-nololeedkooda waana hubaal in cid alla iyo ciddii wax u sheegta ay afka goosanayaan kalana hor imanayaan hadal deelqaafa iyo qajajac asraar mooyaane aan wax kale keenayn. Waxa uu yidhi Rasuulkeenii Suubanaa (SCW) qoomkii shar lala maago waxaa bata murankooda oo waxay noqdaan qoom aan ismaqal isna qancin oo la mida ah ta maanta ka taagan dhammaan dhulka Soomaalidu dagto oo dhan waana mucjiso aan horay loo arag ummad markay wada hadlayaan aad is odhanayso wax colaadihi ma dhextaallo ilsa markaana aan arrin meel isugu keeni karin hoostana iska wada xamanaya oo aan wax kalsooniya isku qabin ee midba midka kale tabcayn iyo khiyaamo la gaadayo.
Haddaan u soo noqdo maqaalkan aan doonayo inaan ka dhiibto aragtidayda ku wajahan marxaladda adag ee dalkii cagta saaray iyo talo gondahaagay ka dhalataaye taladii ROON ee maantoo kale ummadda looga bahanyahay inay la timaado waxaa weeye mid dhammaantiin aad wada arkaysaan oon ciddii damiir wadaninimolihi ku jiro ay ka dharagsantahay mana ahan dhibta taalaa mid inagu cusub ee waa wax la saadaalinayay markay xukuumaddii talada dalka loo igmaday ay ka badin wayday wax-is-dhaafdhaafin isba joogay oo lagu burburinayay nidaamkii ay wada qaateen beelaha Somaliland oo dhammi ee BURCO lagu soo gunaanaday ka gadaal markuu dhammaaday dagaalkii sokeeye ee lagula soo noqday Xoriyadii Somaliland markay caddaaladdii, awood qaybsigii iyo hannaankii dawladnimada ee loo sinnaa ay burburtay ayna gashay gacantii Maxamed Siyaad Barre oo caqligiisu siiyey dadkba adaa iskaleh ee saad doontid ka yeel ilaa uu dalkii oo dhammi haadaan aan salkeeda la gaadhayn uu ka riday.
Waar Somalilandereey waad arkaysaan waxa dalkiinii ka socda iyo nimankii talada hayay inay isku baddaleen koox aan u danaynayn dal iyo dad-toona oo wixii loo igmaday aan ku shaqaynayn ee uun la soo taagan sharci ku durdurin iyo xeerarkii dalka u yaallay oo noqday la jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaan oo hadba siday kooxdani u aragto inay ku indho sarcaadin karaan mujtamcan la liita dhaqaalo la’aanta iyo sicir bararka ayay siyaasadoodii isugu soo biyo shubatay in lagu mashquuliyo dadweynaha waxaan jirin oo waxaa la yidhi qof baahan xanta lagama qarsadee ay tahay siyaasad lagula dagaalamayo dadka si looga jeediyo musuqmaasuqa baahay iyo tayo xumida xukuumadda Daahir Riyaale. Markay dadka la hadlayaan ama ay wax dhacaan waxaad arkaysaa mas’uuliyiinta dalkan oo ku hadlaya hadallo is wada budhinaya tusaalena u soo qaata hadalkii wasiirka arrimaha gudaha ka soo yeeadhay markii uu dhacay mudaharaadkii 27kii April Hargaysa ka dhacay oo uu yidhi annagu ka wasaarad ahaan waxba kama ogin go’aanka ay golaha deegaanku ku magacaabeen 3-da degmo iyo goor magacii hore laga baddalay xaafaddii Axmed Dhagax.
Muxuuse ka yidhi Jiciir hadalkii Wasiirka:- Wuxuu yidhi eedda ha nagula soo galgalan oo adaa wasiirow ka danbeeyey oo sharci iyo dastuur noo fasaxi kara inaan magacawno degmooyin cusub dastuurkaba kuma jiro illayn Hargeysaaba wali degmo ah oo golayaashii sharci dajinta ayaa laga la’yahay inay keenaan caasimadda sharcigii lagu maamuli lahaa oo ay ku gali lahayd doorashooyinka soo socda waaba hadday dhacaane. Akhristow halkaa waxaa kaaga soo baxaya in xaalkeenii noqday reer ba’aoo yaa kuleh oo raggii dalkan mas’uulka ka ahaa waa kuwaa is wada niqdidaya oo is wada tabcaynaya ee goormuu dalkani yeelan doonaa RUJAAL ay ka muuqato karaamadii iyo waddaninimadii looga baahnaa inay ummad ku hoggaamiyaan.
Waxaad kaloo arkayseen qaar ka mida golaha guurtida oo leh hannala soo gaaro oo Somaliland-neey noo soo gurmada, haddii kale waxaad arki doontaan annagoo aqalka hoosta isaga xidhanay oo isku dhexlaynay hadal la fududaystana ma ahan ee baadilkii ummadda loo maleegayey baa hadba meel ka qarxaya oo waxaa la yidhi labadii baadil ku heshiisa xaqay iskaaga horyimaadaan ee allow baadilkii ma ina horyimid isagoo qaawan oon mardame cidina qarin doonin. Maantana nin waliba wuxuu hoosta ka leeyahay waar tani tagtaye yaan gabbalku kuugu dhicin oo wallaysan dhici doonin in marlabaad dhagar qabe wax loo dhiibto Riyaalowna dadkii ku barte ee caano daatayba waa la daba qabtaaye amaad is-daba qabataa si aad hadhow u noqoto nin dadkiisa dhinac ka raaca oo karaamadii muwaadiniinta leh waxaana la yidhi talo walaal diide turun-turro ma huro ee allow muxuu shacabka Somaliland talo wanaagsan kuu soo jeediyey.
Waxaan la yaabaa markaan arko qaar soo qoraya oo leh waa inay dawladdu u naxariisataa dadkeeda oo ay dhintaa canshuurta jabisaana qiimaha bartoolka ay Total kicisay! waar anna waxaan idin leeyahay iskadaaya waxay jabisee waxa soo socda ayaa ka sii daran iyo mustaqbalkii ummadda oo koox maafiyaysan gacanteeda ku dhacay. Waxaa heshiis lagu wada ahaa inay Somaliland qaadatay nidaamka dimoqraadiga oo ay talada dalku noqoto mid shicibku leeyahay ee maxaa keenay nidaamkii shalay albaabada la isgu dhuftay oo kaligi-taliyaha ahaa oo dunidii oo dhan ka sii dhammaanaya Somalilanna waxayba ugu horreysay ummadihii ka dagaalamay nidaamkii aan dadkiisa maqli jirin oo ku dhisnaan jiray cago juglayn, cabudhin, dil iyo xabsi iyo ummadoo lagala dagaalamo aqoonta si ay ugu fudutaato inay hantida qaranka qalinshubataystaan.
Haddaba Somaliland oo horay u gashay qaladaad siyaasadeed oo badan masiirkeediina dhaawac weyn gaarsiiyey qayrkeedna ka reebay oon ilaa iyo qarnigan 21-naad aan xal loo hayn oo dib u dhac weynoo dhaqan-dhaqaale ku riday dalka maxaa keenay inay mar labaad halkii ka sii miisto oo ay noqoto sidii habartii qoriga dabka la wareegaysay oo markii la yidhi aqalka ha gubin tidhi waabad ixasuusiseen. Ummaddii caqli iyo dhaqan fiican lihi waxay ka waantowdaa wixii dhib soo maray inay mar labaad ku dhacdo ee aynagu waaban ku faannaa wax alla iyo wixii ina soo dilooday oo baabi’yay dad iyo duunyo waxaynu lahayn waxaana hubaala raggaan ogahay shicibkay talada u hayaan inuusan rafaad iyo darxumo ka baxayn oo xaalkeenii wuxuu noqday sidii dacawadii tidhi wallee reer aan ogahay ma guuro ee waa in “qabla faatin awaan” talo la isugu noqdaa inta goori goor tahay oon mustaqbalka ummadda faraha looga qaadin kooxdan wada macangaggaa oo baal marsan sharcigii iyo qawaaniintii dalka lagu wadi lahaa.
Aan ku soo gabagabeeyo maqalka oon idin xasuusiyo waqtigii Siyaad Barre Soomaaliya uu xukumayay ayaa waxaa caado u ahaan jirtay inuu khudabado dhaadheer ummadda u soo jeediyo oo xaqaa’iqa ka fog isuguna jiray FAAN iyo siyaasad dhalanteeda iyo waxaasoo horumaraan qabtay taa waxaa lagu mataalaa khubaddii madaxweyne Daahir Riyaale shalay ka hor akhriyey labada gole hortooda oo FAAN iyo waxaasoo horumaraan qabtay uu ku asqaysiiyay dadkii riwaayadda dhagaysanayay oo loo diiday xataa inay su’aal qudha waydiiyaan. Khudbaddaa waxay kaloo la misaale ahayd khubadihii dhaadheeraa ee Fiidal Kaastro ee dadku ku luloon jireen lixda saacadood oo ay socoto.
Hadal iyo gunaanad waxaan anigu qabaa inay Somaliland cagta saartay waddadii saad ugu socoto soo xidhmi jirtay oo REEWIS mooyaane si kale aadan uga bixi karin ee Daahirow waddadii kugu soo xidhantaye REEWIS soo gasho intaadan dalkaaga ka baqoolin sidii Maxamed Siyaad Barre oo kale. Shacabka Somaliland-now adna noqo mid la jaanqaada waxa dunida ka socda oo masiirkiina hadba si qabyaaladaysan meel xun ha ugu tuurine ee ka gudba caqligii casrul jaahiga ee carabtu ku dhaqmi jirtay intaan diinta islaamku iman caalamaka waxaana la yidhi taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa ee talo saxa oo daacadnimo ku jirto halla isugu noqdo oo xisaabtama intaan la idin xisaabin!!!
Wa Billaahi Tawfiiq Iyo Allow Laba Talaba Tii Roon Na Waafaji
Qalinkii: Shueib A. Gaboose
Toronto/ Canada
Gabose55@hotmail.com

TACSI »
TACSI: Amran Haybe - Xaaska Xaji Xasan Axmed Geedi (Xasan Humbus)