Nacasnimadii Dina Mufti
Nacasnimadii Dina Mufti
– “Iswiidhan waxay daajisaa argaggixiso”
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
oo ah danjiraha Taliska Xabashida u fadhiya dhammaan dalalkan Nordic la isku yidhaahdo fadhigiisuna yahay Stockholm dhowaan wuxuu bixiyey waraysi lagu yalaalugooday. Wuxuu ahaa hadal uu damacsanaa in uu soomaalida ku bahdilo ummadaha kalena ku beerlaxawsado. Run ahaantiise waraysigaasi inta uu soomaalida u xumaan karo in la eg ayuu Dina Mufti iyo dadkiisa u xun yahay. Sidoo kale aflagaaddadiisu inta ay soomaalida iyo Soomaaliya wax ka sheegayso in ka badan ayey isaga iyo dalkiisa wax ka sheegaysaa.Horta Danjiraha cidda waraysiga ka qaadday ma aha saxaafad macno leh oo qiimayn mudan; waa qool mereegta ah oo ganacsi u furan oo af iswiidhish ah: www.realtid.se. Ma aha meel caan ah, waxa ninkaas iyo meeshaas isu keenayna sida muuqata waa ujeeddo aan xalaal ahayn oo ka dhexaysa: xumaynta soomaalida iyo qurxinta Xabashida. Ninka waraysiga qaaday oo lagu magacaabo Ian Hammar waxaa ka muuqata kalgacal weyn oo uu Xabashida u hayo. Run ahaantii waraysi saxaafadeed laguma sheegi karo ee waxaa la odhan karaa waa fursad Dina Mufti loo siiyey in uu siyaasadda argaggaxa iyo foolxumada badan ee dalkiisa ku suuqgeeyo, iyo isla markaa in uu umadda soomaalida ee uu dagaalka hubaysan kula jiro cadawyo kale u abuuro. Isaguna fursaddaas la siiyey si liidata oo aan milge lahayn ayuu u adeegsaday, wuxuuna ka wareegay hadaltiro maangaabnimo ah oo maamuus diblomaasi ka madhan.
Dini Mufti
Ninka waraysiga qaaday marnaba danjiraha weydiin maayo su’aal ka hor imanaysa hadaltiradiisa runta ka fog. Waraysiga oo dhami wuxuu u dhacayaa isla tabtii uu u dhici lahaa haddii lagu qaadi lahaa istuudiyaha Raadiyow Addis Ababa. Wax walba wuxuu u sheegayaa sida ugu fog, ugu xagjirsan uguna been badan, haddana wax weydiin ahi kaga soo noqon mayso. Sidaas oo ay tahay ilo badan oo warbaahinta Iswiidhan ka mid ah ayaa soo xigtay.
Dina Mufti ugu horrayn wuxuu si qaaqlennimo iyo jirrinnimo ah u weeraray soomaalida ay isaga ku wada nool yihiin Iswiidhan, wuxuuna isaga oo aan kala reebin ku sheegay dad qaata sadaqada la siiyo dadka baahan iyo carruurta. Dabadeed wuxuu sheegay in uu aad u tuhunsan yahay lacagtaasi in aanay dadka la siiyo ku bixin ee ay u tagto wax uu ku sheegay “kooxo argaggixiso ah”. Wuxuuna yidhi: “Waxaannu rumaysan nahay in uu xidhiidh ka dhexeeyo soomaalida Iswiidhan iyo dhaqdhaqaaqa Alshabaab.”
Caqlixumadiisa, xilksanimo la’aantiisa, tayoxumadiisa diblomaasi iyo xitaa sida uu uga xog la yahay xaaladda siyaasadda gudaha ee dalalkan uu danjiraha ka yahay waxay ka muuqataa sida uu u garan waayey hadalka sidaas ahi in uu aad halis u yahay uuna cayilinayo xoogagga midabtakoorka iyo shisheeye-diidka ah ee dhulalkan. Wuxuu kale oo garan waayey taasi in ay isaga iyo dadkiisa halkan ku dhaqan, iyo xitaa xidhiidhka labadooda ummadood ay waxyeello u keeni karto. Wuxuu garan waayey marka uu sidaas u hadlayo in uu ka hiilinayo xoogagga samaha jecel ee dalalkan ee dadyawga ay isaga umaddiisu ka midka tahay u oggol in ay hodantinnimadooda iyo horurmarkooda la wadaagaan.
Tusaale ahaan wuu og yahay Xabashidu in ay ka mid tahay 12 dal oo Afrika ah oo ay Iswiidhan sadaqo aad u badan siiso, iyo weliba dalkiisu in uu ka mid yahay lix dal oo Afrika ay sadaqadaasi joogto u tahay, halka ay lixda kale haddii ay duruufo gaar ahi ku yimaaddaan loo gurmado. Sannadkii tegay oo qudh ah hay’adda SIDA oo Iwiidhan u qaabbilsan deeqaha debedda dhulka Xabashida waxay gelisay lacag dhan 310 225 000 SEK una dhiganta qiyaastii 51705000 USD. Sandareeradaas Dina Mufti farxad iyo qalbi furan ayuu uga mahadnaqay isaga oo yidhi: “Caawimada ay Iswiidhan na siisaa waa mid laxaad leh!” Haddana wuxuu garan la yahay dantaa sida ugu wacan ee uu ilaashan karaa in aanay ahayn sidan saqajaannimada ah ee uu uga hadlay sadaqada ay Iswiidhan bixiso cidda ay doontaba ha siisee.
Qarankiisii dhammaa, oo ah (sida uu sheegay) qaranka labaad ee Afrika ugu weyn, haddii uu u qirsan yahay kuna faraxsan yahay dawarsiga Iswiidhan, muxuu taa ugu xumaynayaa soomaalida tirada yar ee Iswiidhan qaxootiga ku ah? Xaggee ayuuse ka keenay in ay soomaalida halkan joogta oo dhami caydh qaadato, beentaas oo ay dad badan oo u jawaabay ku yaseen? Haddiise uu deeqda ay soomaalidu dadkooda gaajoonaya u diraan ku sheegayo in hub lagu iibiyo oo argaggixiso lagu taageero isagu ma caddayn karaa sadaqada qarankiisa la siiyo in aan lagu gadin hubka soomaalida deriska ah iyo mucaaradka Xabashida lagu gumaaado?
Dina Mufti diblomaasiyad xumadiisa iyo xitaa xogogaalnimo darradiisa waxaad ka garataa sida uu u burinayo siyaasadaha rasmiga ah ee dalkiisa iyo maamulka uu ka tirsan yahay. Tusaale ahaan sida la wada og yahay toddobaadkii hore Taliska Xabashidu wuxuu xidhiidhka u jaray dalka Qadar isaga oo ku eedeeyey dalkaas yari in uu taageero argaggixisada Geeska Afrika. Taas oo jirta haddana danjirahan damiinka ahi wuxuu carrabka ku adkeeyey caawimada ay dagaalyahanka soomaalidu helaan: “Kama timaaddo dalalka Gacanka Carabta, waayo dalalkaasi waa calmaaniyiin, waxayse nala tahay caawinadaas in ay soo abaabulaan hoggaamiyeyaal diineed.”
Diina Mufti sidii isaga oo u xogwarramaya dad beri hore xabaalaha galay wuxuu yidhi: “Itoobbiya waa dal dimuqraaddi ah, Girma Wolde-Georgis ayaa ah madaxweynaha dalka, umadda ayuuna wada matalaa oo urur uma gaar aha, wuuna madaxbannaan yahay!” Wuxuuse ugu darraa markii uu xisbiga EPRDF (The Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front) ee talada xabbadda ku haysta kala mid dhigay xisbiyada waaweyn ee Iswiidhan iyo Maraykanka, isaga oo ku sheegay mid u taagan danaha wanaagsan ee mujtamaca ee ku aaddan daryeelka bulshada iyo caawinta hawlgabka iyo naafada.
Is ahaanshaha nafsadeed ee labada qof ee meesha isku waraystay wuxuu ugu yaab badan yahay marka la inoo sheego tirada dadka Itoobbiya sannadkii 2000 in ay ahayd 67 malyuun, maantana tahay 80 ama 84 malyuun – macnaha toddoba sano gudahood waxaa ku kordhay 17 malyuun! Wax kale hadalkaasi ma aha ee waa bajin loola dan lee yahay ummadaha deriska ah. Dhaqanka ah dunida kiristaanka ahi in ay soomaalida yaryarayso xabashidana waaweynayso waa wax weligiiba iska jiray. Tusaale ahaan soomaalida Geeska Afrika ku dhaqani weligood ma ay helin awood iyo fursad ay isku tirakoobaan, waxaana la iskaga soo celceliyaa hadba tirada ay isla dunidaas kiristaanka ahi ku sheegto. Tiradii ugu badnayd ee dadka afka soomaaliga ku hadla loo qiray ee aan anigu arkay waxay ahayd 20 malyuun, waxaana sannad ka hor qortay Jaamacadda Gothenburg (Göteborgs universitet).Dina Mufti isaga oo ku faanaya nabad, caafimaad iyo barwaaqo dalkiisa taalla wuxuu sheegay kollaba in aan dagaalsokeeye ka jirin, in aan maandooriye la sheegi karo lagu beerin, iyo in aan cudurka AIDS-ku wax dhib ah ku hayn. Laakiin wariyuhu beenta laxaadkaas leh beenin iska daaye xitaa weydiin ma uu gelin! Tusaale ahaan ma uu weydiin halaagga iyo gumaadka ay qowmiyadda Tigreegu ka waddo guda dalkaas, malyuumaadka cudurka AIDS-ka u daadsan, iyo in ay Xabashidu tahay dalka beera qaadka ugu badan dunida oo idil; qaadka oo ummadaha badankooda oo ay Iswiidhan ku jirtaa cilmi ahaan iyo sharci ahaanba ku xukumeen maandooriye halis ah dalalkoodana ka xarrimeen.
Ninka waraysiga qaaday oo ah Ian Hammar mar qudh ah ayuu xaqiiqo ka hadlay oo ah gunaanadka waraysiga, waana marka uu sheegay celcelis ahaan qofka reer itoobbiya in uu bishii helo dakhli u dhigma 66 USD, halka danjire Dina Mufti baabuurkiisa Mercedes 320 ah oo keliya qiimihiisu yahay tobannaan kun.
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
Ibraahinhawd@hotmail.com

TACSI »
TACSI: Amran Haybe - Xaaska Xaji Xasan Axmed Geedi (Xasan Humbus)