Haddii Aan Ahaan Lahaa Md Dahir Riyale Kaahin
Xaaja kasta oo aan xaqiiqada , caddaaladda iyo runta lagu dhaqaajin ama lagu maamulin , waxaa hubaal ah in aan laga waayin xagal daac iyo inay ku dambayso hungo iyo khasaare dib looga shanleeyo (Mohamed Ziyaad Barre kaga quuso).
Maanta xaaladaha ka taagan Somaliland haddaan xaqiiqada, caddaaladda iyo runta wax lagaga qaban, waxaa hubaal ah inay afka saarto meel ay dib uga soo noqon weydo, qof kasta oo Somali/laander ahi isku ciil kaambiyo, dhexdana farta ka qaniino, gaar ahaan ragga maanta dalka mayalka u haya, siiba Mudane Daahir Rayaale oo ah Madaxweynihii ummadda S/land u igmatay inuu xilka u qabto.
Shicibka Somaliland ma aha mid maanta wax ka qarsoonyihiin. Waa shicib kala garanaya waxa ay kala yihiin Gunimada iyo Gobanimadu. Waa Shicib u dhashay karaamo, is Ixtiraam iyo is Qadderin, had iyo jeerna sheeda wax ka eega, oo aan ku deg-degin inay tallaabdo ka qaadaan wixii dhaliila ah, balse haddii ixtiraamka lala garan waayo dulqaadkoodu uu leeyahay xad aanay dhaafi Karin oo dib ugu dulqaadan Karin. Waa shicib haddu mar hinqado oo kor wax u eego aan cidina baacin Karin ilaa uu ka gaadho himiladiisa.
S/land waxay maanta kala dhex joogtaa “ GUUL IYO GUUL DARRO”. Haddii ay wadada Guusha marto, sharafteeda iyo maamuuskeeda waxaa iska leh Mudane Daahir Rayaale Kaahin. Guushaasu waxay noqon doontaa mid laqu qadderiyo Ubadkiisa iyo caa’iladiisa. Waxay noqon doontaa mid taariikhda Somaliland iyo tan caalamkaba baal dahab ah ka gasha. Ilaahay kama dhigo e, haddii ay waddada hungada iyo Guul darrada qaadona, waxay la mid tahay Mudane Daahir Rayaale oo waddadii Jabka iyo Halaaga isagu cagta saaray, ugana tegey dalkiisa iyo dadkiisaba dhaxal xumo aan weligeed hadhin (waari maysid e war ha kaa hadho).
Anigoo ka duulaya arartayda kor ku xusan, HADDII AAN AHAAN LAHAA MUDANE Daahir Rayaale kaahin, Madaxweynihii Somaliland, waxaan isweydiinayaa Su’aalahan soo socda:
Anigoo Daahir Rayaale ah aan su’aalaha isweydiiyo, islamarkaasna anigu Daahir ahaan isu jawaabo.
Su’aal: Maxay tahay Aqoontayda tacliineed? Waa Dugsi Sare oo keliya.
Su’aal: Taliskii Ziyaad Barre maxaan ka haan jirey? Ciidamadii Tabbaaska iyo Dhega-dheynta(NSS).
Su’aal: Maxay ahayd darajada aan ka gaadhey taliskii Ziyaad Barre? Waxaan ka gaadhey Kornayl.
Su’aal: Halgankii “SNM” ta ma ka qayb galay? Alleyle waa maya.
Su’aal: Maxaa i hor taagnaa oo aan uga qayb geliwaayey? Waxaan daacad u ahaa taliskii Ziyaad Barre, isla markaasna in SNM guul gaadhayso talada kuma darin.
Su’aal: Laakiinse miyaanay ahayn in aan ka xumaado sidii dadka loo gumaadayey ama loo xasuuqayey? Aniga markaas iima muuqan ee wax kale ayaa ii muuqdey.
Su’aal: Anigoo ka soo hor jeedey Halgankii xoraynta S/L, maxaa haddana ila simay dadkii halgamayey? Waxaa ila simay Nasiibkayga, siyaasad dhinacaysan iyo shicibka oo taariikhdii durtaba illaawey.
Su’aal: Ma filaysey inaad la sinnaato dadkii hadh iyo habeenba halganka ku jirey, adiguna ka soo horjeedey? Maya. Abadan. Weligayna kuma riyoon.
Su’aal: Xil aan dalka ka qabato maxaa iigu horeeyey? Madaxweyne ku xigeen.
Su’aal: Maxay ahayd sababtu, in layga faddilo Mujaahidiintii Dalka xoraysay, isla markaasna aqoon tacliineed iyo mid siyaasadeedba igaga wanaagsanayd? Siyaasad dhinacaysan oo weliba danaysan, qof kastaana la socdey sababteeda.
Su’aal: Miyaan filaayey , anigoo wixii oo dhacda ahaa ka soo qayb galay xilligii Ziyaad Barre, haddana inaan ka bilaabo Madax weyne ku xigeekii S/L? Maya. Anigaaba u qadan waayey oo muddo dhan riyo u haystey.
Su’aal: Maxaa iigu xigey Madaxweyne ku xigeenka? Madax weyne Buura ah, ahaana ku meel gaadh.
Su’aal: Ma filayey inaan Darajadaas ka gaadho S/L, iyadoo wax fara badan la ila ogaa? Haba ka yaabin. Anigayba mucjiso igu noqotay.
Su’aal: Maxaa kuugu xigey? Madaxweyne dhamaystiran, oo arrintu si kastaba ha ahaatee ku timid doorasho lagu magcaabay xor iyo xalaal.
Su’aal: Marka laga eego waaya aragnimada, aqoonta cilmiyeed, aqoonta siyaasadeed iyo u halgankii S/Land, miyaan filaayey in shicibku iga doorto Xaaji Siilaanyo iyo Eng. Faysal Cali? Maya. Inta cirka iyo dhulku isu jiraan baan u arkayey.
Su’aal: Maxay ku dhacday in haddana la iga doorto? Waxay ku dhacday majara habaabin siyaasadaysan, gobalaysan, deegaanaysan, oo weliba shakhsi nacaybaysan.
Su’aal: Doorashadii si xalaal ah ma u dhacday? Haba ka yaabin.
Su’aal: Haddiiba shicibku sharaftii iyo maamuuskii dalku lahaa madaxa ii saaray, maxaan ugu abaal guddey? Saddex doorasho ayaan hirgeliyey ( Deegaanka, Baarlamaanka iyo tii madaxtooyada).
Su’aal: Dhinaca dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, Nabad gelyada iyo guud ahaanba u adeegista shicibka maxaa wanaag ah oo aan ka qabtay, la iguna xusuusan doonaa? U malayn maayo ilaa iminka in wanaag la igu xasuustaa jiro. Waayo waxaan shicibku qabsan oo Xukuumaddu u qabatay ma jiraan.
Su’aal: Lix sannadood oo aan Ummadda xilka u hayey maxaa sababay in dhibaato mooyaan e aan la igu xasuusan wax wanaag ah iyo wax u qabasho Ummadda? Kuwii Ziyaad Barre majara habaabiyey qaar la mid ah ayaa anigana i majara habaabiyey, aniguna iska garan waayey. Aheeeeeeey ah!!
Haddii aan Daahir Rayaale ahaan lahaa aan is xasuusiyo dhacdooyikii dhacay qaar ka mid ah intii aan xilka u hayey Ummadda:
· Guurtida oo dantayda mooyaan e aan dan qaranimo u hawl gelin, ka dib markii aan si dimoqraadiyadda ka baxsan muddooyinka ugu kordhiyey. Illeyn dadku caamma ma ahee,iyana waa mid la wada ogsoonyahay.
· Qarax kasta iyo dil kasta oo dalka ka soo dhacay ku cambaaraynta Xisbiyada Mucaaradka ah, gaar ahaan Kulmiye. Illeyn dadku caamma ma ahee, been abuurkaasuna waa mid la wada ogsoonaa.
· Hab dhaqankii foosha xumaa ee aan kula dhaqmay Komishinkii Qaranka ee hore markii waqtigu ka dhammaaday. Illeyn dadku caamma ma ahee,iyana waa mid la wada ogsoonaa.
· Curyaaminta aan curyaamiyey hawlihii golaha wakiilada oo iyagu ah kuwii shicibka metalayey, isla markaasna wax kasta oo ay isoo hor dhigaan ee dalka dantiisu ku jirto oo aan dhinacayga ka taabba qaadin. Illeyn dadku caamma ma ahee,iyana waa mid la wada ogsoonyahay.
· Urur siyaasadeedka QARAN oo arrintooda halkii sifo sharci ah lagaga hawl geli lahaa aan amar ku bixiyey in jeelka madheera lagu hubsado. Illeyn dadku caamma ma ahee,iyana waa mid la wada ogsoonaa
· Suxufiyiintii “HAATUF” oo musuqmaasaqii ay daaha ka qaadeen, halkaan kiis iyo Maxkamad ku furdaamin lahaa aan awoodayda iyana Jeelka Mandheera ugu diray. Illeyn dadku caammo maaha e, iyana waa mid la ogaa.
· Xil ka qaadista Mas’uul kastaa oo danta ummadda ka hadla. Illeyn dadku caamma ma ahee,iyana waa mid la wada ogsoonaa
· Ilihii Dhaqaaluhu ka soo geli lahaa Dalka, sida khayraadka Badda, Dekedda Berbera, Xoolaha iyo Haamaha Shidaalka oo maamul xumo iyo meelaysi gaar ahaaneed la iigu tiriyo. Illeyn dadku caamma ma ahee,iyana waa mid la wada ogsoonyahay.
· Shidaalkii Muwaadiniintu maal koodii soo siisteen oo aan hadh cad ugu badheedhay inay dalka ka saaraan, anigoo dantayda iyo mid ajnebiba ugu danaynaya. Illeyn dadku caamma ma ahee,iyana waa mid la wada ogsoonaa.
· Iyadoo xaalad adag oo abaar iyo biyo la’aani soo foodsaartay Shicibkii Reer Miyiga S/L, halkaan gurmad u fidin lahaa miyaanan ku dhawaaqin lix Gobol iyo lix iyo toban Degmo oo aan waqtigaas marnaba munaasab ku ahayn. Illeyn dadku caamma ma ahee,iyana waa mid la wada ogsoonyahay inay tahay xeelado iska horkeen iyo u ololayn Doorasho?
· Iyadoo sicir bararku cirka isku shareeray, waqtiguna aad u adagyahay, halkaan ummadda uga gurman lahaa, miyaanan cashuurtii boqolkiiba koton (50%) ku kordhin? Illeyn dadku caammo ma ahee,iyana waa mid la wada ogsoonyahay.
· Komishanka Qaranka oo aan anigu shan (5) ka mid ah soo magcaabay miyaanan kula dardaarmin in aanay fulin arrin aanan la ogeyn. Taasna waxaa u daliil ah in ay maanta labadii mucaaradku golihii ka maqanyihiin. Illeyn dadku caamma ma ahee,iyana waa mid la wada ogsoonyahay.
· Miyaanan guurtida ka dalban inay ku dhawaaqaan in dalka nabad gelyo xumo jirto , sidaas darteedna ay sannad ii kordhiyaan iyagoo ka hororsanaya ku dhaqankii go’aannadii ay xisbiyada iyo komishanka qaranku isla qaateen? Illeyn dadku caammo ma ahee,iyana waa mid la wada ogsoonyahay inay tahay xeelad iyo xaalad abuur.
· Magac kala beddelka Degmooyinka Hargeysa soo amarkayga laguma hirgelin? Illeyn dadku caammo ma ahee,iyana waa mid la wada ogsoonyahay inay tahay iska hor keen iyo xaalad abuur la igaga sii jeensado.
· Markii shicibku dareenkiisa ka muujiyey inay tahay qalad, miyaan xabbad la marin, ilaa maantana aannan ka hadlin, isla markaasna wax tacsi ah aanan qoysaskay ka baxeen wax tacsi ah uga dirin. Illeyn dadku caammo ma ahee,iyana waa mid la wada ogsoonyahay in aan dadkii taajkii sharafta madaxa ii saaray aan ugu abaal gudo xabbad iyo qudh gooyo.
Haddii aan ahaan lahaa Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxaan is weydiin lahaa maxaa igu kallifay in aan abaal laawe noqdo? Su’aasha jawaabteedu waxay noqonaysaa Tusma xumo, Tala xumo, male awaal iyo go’aan xumo iyo danaysi.
Waxaan kaloo is tusaalayn lahaa in maanta xilligii Maamuuska Madaxweyne nimo ay ka hadhsantay ayaamo iyo saacada kooban. Waxaan isu sheegi lahaa in aanay maanta jirin wax kalsooni ah oo shicibku igu qabo, raja kalena aanay dhinacayga ka filayn.
Haddaba su’aasha aan is weydiin lahaa waxay tahay, waqtigan gaaban ee ka hadhsan Maamuusakaygii Madaxweyne nimo ma u muujin karaa shicibka S/L kalsooni iyo inay raalli iga noqdaan, isla markaasna wixii dhibaato ahaa ee ay iga tirsanayeen ku illaawi karaan? Jawaabtu waxay tahay HAA, waan u muujin karaa isla markaasna waxaan kasban karaa kalsoonida Shicibka, tan Mucaaradka, Tan Komishanka ,tan Golaha Wakiilada iyo inta Nidaamka Dimoqraadiyadda u ololeeya ee caalamka.
Si aan kalsoonida Ummadda u kasbado:
· Waa in aanan marnaba talooyinkii qaldanaa aanan ka qaadan ilihii weligood ba i majara habaabin jirey. “Waxaa la yiri nin aan kuu furi doonin yaanu kuu rarin”.
· Waa in aan ku dhawaaqaa in aanay waxba ka jirin Kordhsiimadii xilka sannadka Guurtidu iigu kordhisey.
· Waa in aan munaasabad weyn isugu keeno Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Komishanka Qaranka, Saddexda sibi Qaran, Urur Siyaasadeedka QARAN, Aqoonyahanada Madaxa bannaan, Culamaau’diinka, Madax dhaqameedyada, Tujaarta, Deeq bixiyayaasha iyo intii kale ee looga maarmi waayo danta dalka iyo shicibkiisa. Waana inuu baaqaygu ahaadaa sidatan soo socota:
Maanta oo Taariikhdu tahay ……, aniga oo ku hadlaya Xilka aan Ummadda u hayo ee Madaxweyne nimo, anigoo eegaya Danta Dalka iyo duruufaha lagu jiro iyo tan Shicibka waxaan halkan ka caddeeynayaa isla markaasna ummadda S/land ka raalli gelinayaa Nabad gelya xumadii been abuurka ahayd ee golaha Guurtidu dalka ku tilmaantay, isla markaasna waxaan halkan ka caddeeynayaa in aanay waxba ka jirin mudda kordhintii ay xilka iigu kordhiyeen Sannadka.
Anigoo danta dalkayga iyo tan Shicibka ka duulaya, waxaan maanta halkan ka caddeeynayaa in Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Qaranku go’aanadii ay isla qaateen halkoodii ka sii wadaan, isla markaasna u madax bannaanyihiin sida ugu dhakhsa badan ee ay ku dhici lahaayeen doorashooyin xor iyo xalaal ba ah, sidaasna ay kula shaqeeyaan labada gole(Galaha Wakilada iyo kan Guurtida).
Anigoo Danta Dalkayga iyo tan Shicibkaba ku hawl gelaya, waxaan maanta halkan ka caddeeynayaa in xilkii Ummaddu ii igmatay igaga dhanyahay 14/5/2008, isla markaasna aan raalli ka ahay sida sharciga iyo dustuurka aan leenahay amaba ugu habboon ee laysla garto aan ku samaysan lahayn Madaxweyne ku meel gaadh ah inta doorashada Madaxtooyadu innoo qabsoomayso.
Waxaan kaloo Maanta halkan ka caddeeynayaa in aanan tala dambe oo aan dalka faa’iido ugu jirin ka qaadan doonin xubnaha Xukuumadayda iyo cid kastoo isku dayda inay dib ii majra habaabiso.
Waxaan kaloo maanta halkan kaga codsanayaa dhammaanba Shicibka Somaliland, Golaha Wakiilada, Komishanka Qaraka, Labada Xisbi Mucaarad Urur Siyaasadeedka QARAN, suxufiyiinta HAATUF iyo dhammaanba intii wax iga tirsanaysey inay iga raalli noqdaan ina cafiyaan.
Waa haddii aan ahaan lahaa Mudane Daahir Rayaale, Madaxweynaha Saomaliland.
Xusuus Gaar ah:
Akhristayaasha sharafta mudanow, haddii aad maanta ahaan lahayd Mudane Daahir Rayaale, maxaad yeeli lahayd oo dalka ku bad baadin lahayd?
Ilaahay baa mahad leh
Qore: Ahmed Shire (Baandheeye)
Yufle1@hotmail.com




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday