Dhambaallo Tacsi ah oo uu dirayo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo Taageerayaashaba, waxaa uu tacsi u dirayaa guud ahaan shacbiga S/land, isaga oo uga tacsiyadaynaya Geerida naxdinta leh eek u timid MARXUUM SICIID MEEGAAG SAMATAR, oo habeenkii xalay 07/05/2008 ku geeriyooday cariga Dalka Maraykanka. Marxuunku waxa uu ka mid ahaa xubnihii doorka mihiimka ah ka soo qaatey dib-u-heshiintii iyo Nabadayntii Beelaha Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu tacsi taas la mid ah u dirayaa MARXUUM CABDI IBRAAHIM WARSAME (INA IBRAAHIM WAQOOYI), oo shalay 07/05/2008 ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa. Marxuumku waxa uu ahaa Badhasaabkii hore ee Gobolka Togdheer.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah Tacsidaa ugu dirayaa Qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxeen Labada marxuum, waxaana uu ilaahay uga baryayaa inuu Janadii fardawsa ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeena samir iyo iimaan ka siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN


TOP

31 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008