Baaq:Cambaarayn Tacadiga iyo Dilka Lagu Hayo Maatada iyo Caruurta Somaliland Ee Waxa Ay Galabsadeen Jirin
Baaq Ka socda dadweynaha Somaliland ee qurbaha ku dhaqan
Ka: Qurbajooga Beesha Habar Jeclo ee reer-Somaliland
Ku: Shacbi-weynaha Somaliland
Og: Xukuumadda Somaliland
Og: Golahayaasha Baarlamaanka
Og: Guddida Doorashooyinka
Og: Xisbiyada Mucaaridka
Ujeedo: Cambaarayn Tacadiga iyo Dilka Lagu Hayo Maatada iyo Caruurta Somaliland Ee Waxa Ay Galabsadeen Jirin
BAAQ Furan
Shacabkayaga qaaliga ahow, salaanta Islaamka dabadeed, annagoo ka mid ah qurba joogta beesha Habar-Jeclo ee Reer-Somaliland, isla markaana daneeya danaha iyo horumarinta dalkeena hooyo, waxaad marka hore naga guddoontaan hambalyo iyo salaan sharaf aad ku mutaysateen sida aydun markasta heegan ugu tihiin horumarinta dalkeena ee dhinac walba leh, nabad-gelyada iyo xasiloonida u dhawrtaan, dalkeenana aad ula hamooteen nidaam dimuquraadi ah oo aynu ku kasban karo ictiraaf iyo himilooyin kale oo faro badan.
Doorashadan Madaxweynaha ee soo socotay waxa ahayd mid la filayey in ay furo u noqoto ictiraafkii aynu in badan baadi goobaynay, waxaana aynu ka warqabnaa in waftiyadii inooga yimid wadamada EU da iyo Maraykan kaba, kuwaas oo dhamaantood ku nuux nuuxsaday muhiimada ay leedahay qabsoomida doorashadan Madaxtooyada oo wakhtigii loo cayimay ku dhacda. Laakiin su’aasha hadda taagani waxay tahay:
Hadiiba doorashadan Madaxweynaha muhiimada intaa leeg leedahay. Hirgalinteeda hadii ay noqoto xag dhaqaale iyo mid farsamoba la inagu garab taagan yahay, sababta ilaa iminka xukumadu uga meer meerayso in ay hirgaliso go’aamadii kommisionka ama guddiga doorashooyinka ee iyagu cayimayay wakhtigii ay qabsoomaysay doorashadan Madaxtooyadu maxay tahay?
Walaayaal, Somaliland waxa ay nabadaa iyo horu markaa ay haysato ku soo gaadhay waa wado tashi iyo is qancin ay kaga hor tagto mar kasta oo xaalad murugsani lasoo daristo Dalka.
Nasiib darose, go’aankii dhawaan guurtidu ugu kordhisey mudada aan sharciga ahayn madaxweynaha Somaliland, iyada oo aan wax wado tashi iyo is qancin ah la samayn cidii arintani khusaysay, oo ahayd Kommisionka doorashooyinka, Baarlamaanka iyo Xisbiyada mucaaridka. Talaabadan guurtidu waxa ay fashilisay dimuquraadiyadii aynu mudada dheer higsanayney!!! waxaana arintan u aragnaa mid dalka u horseedi karta fawdo iyo nabadgalyo daro aan dabadeeda la soo qaban Karin.
Walaalayaal, dimuqraadiyadeenii waa la af-duubay, hamadaynu lahayna waa jabtay, bulshadii caalamka ee markii hore inna majeeran jirteyna hadda meel ay joogtaba waa yaaban tahay. Intaa oo nabar iyo sumcad xumaba, ee aynaan mutaysan, waxaa inna gaadhsiiyey xisbiga (UDUB) iyo Madaxweyne Riyaale, oo caruurtii iyo maatadii maanta u adeegsaday ciidankii ay ahayd in ay difaacaan. Waxaanan ummada Somaliland meel ay joogtaba ka tacsiyadeenaynaa geeridaa ku timid dhalinyardii ku dhimatay banaabixii dhawaan ka dhacay Magaalo Madaxda Hargeisa, Somaliland.
Walaalayaal, maanta dalkeenii waxaa ka socda in dadku marka ay si dimuqraadiyad ah u mudahaaraadaan la mariyo xabad, Madaxweyne Riyaalena waxaa manta ka danbeeya aanu leenahay waa in loogu yeedho magaca uu mutaystay oo ah, gacan ku dhiigle Dahir Riyaale?.
Walaalayaal waa in aan laga yeelin Madaxweyne Riyaale oo u badheedhay in dalka uu ku xukumo qori caaradii, waana in masiirkii ummadda dhakhso loo soo celiyaa.
Walaalayaal, cabudhiska iyo rabitaanka ummadda loo majaro habaabiyaa cawaaqib xumo mooyee faa’iido lahayn, waxaynu ka garan karaa dalalka qaarada Afrika ee aynu ka tiransahay oo intooda badan masiibadani hore ugu habsatay, maantana aynu tunkooda iyo tagoogadooda ka aragno.
Sidaas darted, qurba jooga beesha Habarjeclo ee kala jooga dunida dacaladeed markii ay arkeen xaalada foosha xun ee uu marayo dalkii Hooyo taas oo ay u sabab tahay Xukuumada maanta ka talisaa,waxay isku raaceen :
· Markay dhamaato muddadii loo doortay Rayaale Madaxweyne oo ku Eg 15 May,2008 wixii ka danbeeya uma aqoonsanin Madaxweyne sharci ah.Waxaanu soo jeedinaynaa in Umaddu doorato cidii heshiis lagu yahay.
· Go’aankii Guurtudu ugu Kordhisey Madaxweyne Riyaale ee ahaa in uu yahay Madaxweyne ilaa iyo sanadka 2009,15 May waa go’aan aan ku fadhiyin wax sharciyad ah kana soo hor jeeda Dastuurka Somaliland.
· In la taageero muddadii ama waqtigii ay isku raaceen Saddexda Xisbi iyo Komishanka Qaranka.
· Inaanay mudahaaraadyada kala joojin ay ku cambaaraynayaan majaro habaabinta la majaro habaabshay geedi socodkii Dimuqraadiyadeed ee Somaliland. Isla markaana joojiyaan cashuuraha ay bixinayaan si dawladda Madaxweyne Riyaale ee sharci darada masiirkii ummadda ku boobtay uga xakameeyaan maalka ummadda.
· Inay shcabka wanaaga jecel ee reer Somaliland nabadooda ilaashadaan oo adkeeyaan mar walba, laakiin aanay ka hadhin masiirkoodii la dhacay.
· Ummada Somaliland Meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqaynaa in ay gacmaha is qabsadaan oo ay meel uga soo wada jeestaan Gabraaratada ka talisa dalkii ee aan ahayn qabiil qudha ee ah qawlaysato isa soo uruursatay oo qabiil kasta oo Somaliland ka mid ah.
Magacyada Baaqa saxeexay:
Waqooyiga Ameerika:
1.Oday Faarax Abokor Khayre
2.Oday Ducaale Maxamed Xirsi
3.Oday Cawil Xaaji Cumar
4.Oday Aadan Jamaac Galaal
5.Oday Maxamuud Ismaaciil Cawed Caanonuug
6.Gen. Qaasim Abokor
7.Gen. Nuux Xuseen Turub
8.Eng.Mustafa Cabdi Cartan
9.A/Y Naasir Maxamuud Xaaji Yuusuf
10.Eng. Axmed Cali Ubaxle
11.A/Y Cabdiraxman Cabdi Diiriye Seeraar
12.A/Y Maxamuud Caydiid Lafcambe
13.A/Y Maxamed Botan Wacays
14.Oday Cawil Aadan Gabyaaye
15.Oday Axmed Xaaji Ducaale
16.Taajir Cabdilaahi Amare
17.Taajir Aadan Ismaaciil Cawed Caanonuug
18.A/Y Axmed Sh. Xuseen
19.Eng. Saciid Cawed Ducaale
20. Eng. Khaalid Xasan Cabdi Khayre
21.Eng. Saciid Axmed Aadan Caano
22.SH. Shaakir Xaaji Xuseen
23.SH. Maxamed Xasan Sulub
24.Dr. Fu’aad Xuseen Cabdilaahi
25.Dr. Cabdikariim Cabdi Diiriye Seeraar
26.A/Y Naasir Saleebaan Ciise
27.Taajir Cumar Cige Xaaji Xasan
28.A/Y Cumar Xirsi Xaaji Xasan
29.A/Y Cabdi Xuseen Xaaji Abyan
30.A/Y Baashe Xuseen Xaaji Abyan
31.A/Y Rashid Xuseen Xaaji Abyan
32.A/Y Cabdiraxmaan Axmed Cali
33.SH.Axmed Raage Umal
34.Sh. Daahir Cali Muuse
35.A/Y Ibraahim Aadan Maxamed
36.A/Y Maxamed Adan Ducaale Food
37.Eng. Warfaa Cabdilaahi Sugaal
38.Eng. Maxamed Ismaaciil Maxamed
39.Taajir Cismaan Aw faarax Jaamac
40.A/Y Cabdijibaar Xaaji Cali
41.A/Y Maxamuud Jirde
42.A/Y Sharmarke Ismaaciil Maxamed
43.A/Y Libaan M. Cashuur
44.A/Y Maxamed Nuur Cibraan
45.SH. Ibraahim Xaaji Xuseen
46.A/Y Axmed Jaamac Aar
47.A/Y Cabdixakiim Xasan Ismaaciil
48.Eng. Libaan Maxamed Yusuf
49.A/Y Dhaqane Maxamed Yuusuf
50.A/Y Bashiir Cawil Xaaji Cumar
51.A/Y Maxamed Xasan Cabdi Khayre
52.A/Y yuusuf Mxamed Daahir
53.Taajir Maxamed ciise Riyoole
54.A/Y Maxamed Saleebaan Harwash
55.SH. Yuusuf Xaaji Cabdi
56.SH. Ibraahim Xaaji Cabdi
57.Eng. Cabdiqaadir Xasan Khaliif
58.A/Y Axmed Xasan Xuseen
59.A/Y Axmed Ibraahim Maxamed Dhagaweyne
60.Eng. Cabdikariim Axmed Xagar
61.A/Y Maxamed Cali Fagadhe
62.A/Y Maxamed Cismaan Nuur
63.Eng. Cabdi Maxamud Xaaji Yuusuf
64.A/Y Kenediid Maxamuud Xaaji Yuusuf
65.A/Y Axmed Cabdilaahi Xaji Yuusuf
66.SH. Cabdiraxmaan Faarax Cali
67.Eng. Cabdinuur Cali Yuusuf
68.A/Y Saciid Jaamac Faarax
69.A/Y Cabdi Sh. Xuseen
70.Oday Maxamed Xaaji Ducaale
71.SH. Cabdilaahi Sellin
72.A/Y Cabdirisaaq Cabdilaahi Xashiish
73.A/Y Maxamed Cabdilaahi Saleebaan
74.A/Y Xuseen Cali Xuseen
75.A/Y Axmed Xasan Axmed Quick
76.A/Y Xasan Cali Abokor
77.A/Y Cabdiqani Axmed Beledi
78.Oday Saciid ina indho fariidle 911
79.A/Y Saciid Dubad Xiirey
80.A/Y Faaruuq Maxamed Qaalib
81.A/Y Maxamed Cabdi Xasan
82.A/Y Cismaan Jirde
83.Eng Xasan Nuur
84.Taajir Axmed Caynab Qaalib
85.Eng. Mustafa Xasan Cabdi Khayre
86.A/Y Yoonis Xasan Cabdi Khayre
87.A/Y Maxamed Caydiid
88.A/Y Cismaan Axmed Xagar
89.Eng. Yuusuf Suldaan Cali
90.Eng. Cabdiraxmaan Xasan Khaliif
91.Eng.Cabdiraxmaan Xuseen Burco
92.A/Y Xuseen Cabdi Diiriye Seeraar
93.A/Y Cumar Cismaan
94.Eng. Cali Cabdi Diiriye Seeraar
95.DR. Cabdi Cawil Xaaji Cumar
96.A/Y Axmed Mxamed
97.A/Y Maxamed Jaamac Diiriye
98.Eng. Xirsi Dirir
99.SH. Maxamed Cabdi Cartan
100.A/Y Aadan Barre Dhuurjoog
111.Eng. Cali Shabaaniye
112.Eng. Cabdirisaaq Jaamac Cadami
113.Eng. Xuseen Cabdi Ducaale Gurey
114.Eng. Ismaaciil Shahmaad
115.Eng. Jaamac Barre
116.Eng Xasan Ibraahim Buraale
117.A/Y Isaaq Warsame
118.A/Y Maxamuud Xaaji Jaamac
119.A/Y Jaamac Cabdilaahi Baashe
120.A/Y Maxamed Cabdilaahi Baashe
121.A/Y Maxamed Saleebaan Xaaji Faarax
122.A/Y Cismaan Maxamed Xaaji Cabdi
123.A/Y Yuusuf Cabdi Baashe
124.A/Y Cali Cabdiraxman Cutubi
125.A/Y Saciid Ducaale
126.A/Y Saleebaan Ducaale
127.A/Y Yusuf Sugaal Geele
128.A/Y Cismaan Maxamed Sugaal
129.A/Y Cabdirashiid Aadan Subeekar
130.A/Y Cali Jaamac Himbir
131.A/Y Cabdi Axmed Xaaji Gurey
132.A/Y Naasir Axmed Goodir
133.A/Y Maxamuud Xasan Madoobe
134.A/Y Axmed Xayir
135.A/Y Maxamed Cismaan Xaaji Cabdilaahi
136.DR. Maxamed Cabdilaahi Hilib
137.A/Y Cabdi Aadan Xaaji Faarax
138.A/Y Cali Cawl Xaaji Cabdilaahi
139.A/Y Cabdilaahi Abokor Guure
140.A/Y Saleebaan Nuur Cabdiraxmaan
141.A/Y Mansuur Aadan Jibril
142.Eng. Faarax Cumar Sanweyne
143.DR.Maxamed Xasan Khaliif
144.A/Y Cabdi Jaamac
145.A/Y Cumar Cabdi Kabotole
146.A/Y Maxamed Jaamac
147.Eng. Shakiib Cabdi Diiriye Seeraar
148.A/Y Cabdirisaaq Caydiid
149.DR. Cali Cabdi Xasan
150.Eng. Xasan Cali Warsame
150.A/Y Saciid Saleebaan
151.Oday Xasan Giir
152.Eng. Ismaaciil Xayraan
153.DR Jaamac Hiirad Yusuf
154.A/Y Cabdilaahi Bulaale
155.DR. Maxamed Cismaan Shacaabi
156.A/Y Cabdikarim Xasan Ducaale
157.A/Y Cabdiraxmaan Faarax Dhuujog
158.A/Y Axmed Nuur Faahiye
159.A/Y Cali Salaad Dhamac
160.DR. Cabdirisaaq Jaamac Nuur
161.A/Y Mubaarik Xasan Cali
162.A/Y Cumar Xaashi Yuusuf
163.A/Y Yaasiin Abu-shiraac
164.A/Y Yuusuf Xuseen Cabdi
165.A/Y Cismaaan Faarax Dhuujog
166.A/Y Mustafa Cawil Saciid
167.A/Y Cabdisalaan Xasan Axmed
168.A/Y Maxamed Jaamac Cali
169.A/Y Mahad Cali
170.A/Y Cabdicasiis Cashuur
171.A/Y Axmed Saleebaan Cabdikariim
172.A/Y Maxamed Cawil Saciid
Yurub:
1 Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen
2 Prof. Sulema Dirir Cabdi
3 Sh. Aniis Maxamed Axmed
4 Eng. Cabdi Jaamac
5 Eng. Jaamac Raage
6 Dr Axmed Ciroobe (salad)
7 Eng. maxamed X C/hi Jamac
8 Eng. Saciid Xaaji Suleman
9 Eng. Ismail Omar Adan (Boos)
10 C.Q Faysal Abokor Xasan dhunkaal
11 C.Q mubaarak maxamed maxamud
12 A/Y Maxamed Yusuf Cali (Garaad)
13 A/Y Maxamud Raage Ibrahim
14 A/Y Maxamud Xaashi Cabdi
15 A/Y Axmed Suleman Cawed
16 A/Y Maxamed Iidle Cabdulle
17 A/Y Xasan Axmed Geeddi
18 A/Y Axmed X Cabdullahi Rooraye
19 A/Y Axmed Cilmi Barre
20 A/Y Saciid Cali Jaamac
21 A/Y Muusa Xaaji Yuusuf
22 A/Y Cabdoo Aayar
23 A/Y Adan Gaas Cabdi
24 A/Y Siciid aw Jaamac
25 A/Y Cabdi Cabdullaahi xasan
26 W/B Faarax Xasan Jagac
27 W/B Yaasiin Xaaji Cabdullahi
28 W/B Axmed X Yuusuf Ducaale
29 W/B Yuusuf Ismaciil Cali
30 W/B Ismaciil Barre Maxamud
31 W/B Haaji Caydii Xasan
32 W/B Jaamac Haybe
33 W/B Cismaan Nuur
34 W/B Maxamed Yuusuf Cali
35 W/G Ciisa Yuusuf
36 W/G Xuseen Xaaji Nuux
37 W/G Rashiid Axmed
38 W/G Jamac Maxamud Adan
39 W/G Saalax Maxamed Diiriye
40 W/G Saciid Maxamed Adan
41 A/Y Cabdullahi Salax
42 A/Y Xuseen Cali Cilmi
43 W/B Axmed Xaji Maxamed Biixi
44 A/Y Maxamed Farax Diiriye
45 W/B Maxamed Cabdullahi Cariish
46 A/Y Cumar Maxamed Xasan
47 A/Y Ismail maxamud Cali Dhuxul
48 A/Y Abdi Cabdullahi Xaashi
49 W/B Axmed Maxamed Jaamac
50 A/Y Moxamed Xuseen Rooble
51 A/Y Cusmaan Adan Caabi
52 A/Y Maxamed Cabdi Cilmi
53 W/B Cali Xasan Cumar
54 W/B Maxamud Cabdi Muuse
55 A/Y Yuusuf Axmed Xaaji Yuusuf
56 A/Y Xuseen Xaaji Axmed
57 A/Y Rooble Cali Guure
58 W/B Yuusuf Xaaji Maxamed
59 A/Y Cabdiwahaab Muuse Bootaan
60 A/Y Xuseen Ibrahim Jaamac.
61 A/Y Jamac Cali Muuse
62 A/Y Jamac Xaaji Dirir
63 A/Y Abdi Xuseen Jamac Farax
64 A/Y Yuusuf Xasan Umal Yucuboole
65A/Y Axmed Saleebaan Sarmaan
66. A/Y Maxamed Jaamac Cawad
67. A/Y Axmed Cali Ducaale
68. A/Y Dahir Cabdi Jaamac
69.A/Y Maxamed Cismaan Ahmed Jaaj
70.A/Y Ahmed Abokor
71. A/Y Cabdi Cabdilahi Janaale
72. A/Y Xasan Xaaji Maxammed
73. Dr Cali Keli
74. A/Y Maxamud Maxamed Cadani
75. A/Y Cisman Xaji Cumar
76. A/Y Suldaan Siciid Kabadhe
77. A/Y Mubaarik Yusuf
78. A/Y Cumar Cismaan Xassan
79. A/Y Cabdirisaq Xuseen Abyan
80. A/Y Cabdiraxman Maxamed Doodi
81. A/Y Cabdi Cadilahi Xamari
82. A/Y Jaamaca Badhaadhe
83.A/Y Saleebaan Xaaji Cumar
84. A/Y Cabdi Maxamoud
85. A/Y Bile Cawil Xaaji Cumar
86. A/Y Maxamud Cabdilahi Cawad
87. A/Y Siciid Cabdilahi Cabdi
88. A/Y Cabdirisaq Xaaji Xuseen
89. A/Y Siciid Baashe
90. Eng Bashe A. Omar
91.A/Y Ismaaciil Cabdi Jiir
92.Eng. Cismaan Abshir
93.SH. Maxamed Cabdi Baaxeer
94.SH. Xasan Cismaan
95.Eng. Ibraahim Xasan Cali
96.A/Y Cabdirisaaq Cali Ducaale
97.A/Y Yaasiin Axmed Xaaji Ducaale
98.A/Y Cismaan Aw Cabdi
99.A/Y Cabdikariim Madoobe
100.A/Y Jaamac Idigaa
111.A/Y Ciise Idigaa
112.A/Y Mubaarik Maxamed Nuur Qorbaxay
113.A/Y Cali Khadar Xasan Cismaan
114.A/Y Cali M. Jaamac
Australia:
1.A/Y Xariir Haybe
2.A/Y Cabdilaahi M. Dabey


Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Maxamud Caydiid Lafcanbe
Axmed Xaaji Yuusuf Ducaale
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
A. M. Yusuf
Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Maxamed Cali
Mahdi Farah Aden (Mahdi Ghandi )
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
Maxamed Jaamac Maxamed
Farah Ali Jama,
Guddiga Jaaliyadda Somaliland
Daha Farah
Shueib A. Gaboose
Cabdilllaahi Axmed Caarshe
Yussuf hassan Umal (Yucuboole)
MORE OPINIONS ›