Wefti ka socda Safaaradda Britain ee Addis Ababa oo kulamo la yeeshay Madaxweyne Riyaale iyo madaxda xisbiyada Mucaaridka
Hargeysa (Somaliland.org) – Wefti ka socda Safaaradda Britain ku leedahay Addis Ababa, Ethiopia oo uu hoggaaminayo, Mr. John Marshall oo ah kuxigeenka Safiirka Ingiriiska u fadhiya Addis Ababa ayaa maanta ka ambabaxay dalka, kadib markii uu dhammaystay booqasho laba maalmood ah oo uu ugu kuurgelayey xaaladda xasaasiga ah ee xilligan ka taagan Somaliland.
Mr. Marshall iyo weftigiisu waxay kulamo gaar gaar ah la yeesheen madaxda xisbiyada mucaaridka ah, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Madaxweyne Riyaale iyo dhinacyo kale. Waxaana la sheegay inay kala hadlayeen khilaafka hadda ka taagan qabashada doorashooyinka iyo muddada Guurtidu u kordhisey Madaxweyne Riyaale oo muddadiisii xilka ee sharciga ahayd ku egtahay 15ka May.
Weftiga oo xalay kulamo la yeeshay Guddoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, waxay maanta kulan la yeesheen Madaxweyne Riyaale.
Sida uu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Mr. Marshall waxa uu u sheegay mudane Riyaale in dowladda Ingiriisku ay dhiirrigelinayso, taageero buuxdana siinayso geeddi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka soo socda inay qabsoomaan, isla markaana u dhacaan si xor iyo xalaal ah, isaga oo xusay sumcadda iyo ammaanta Somaliland ku mutaysatay dimuqraaddiyadda ay hirgelisey iyo doorashooyinkii hore ee u qabsoomay sida nabadgelyada ah.
Warsaxaafadeedka Madaxtooyadu, waxa uu sheegay in Madaxweyne Riyaale uu u caddeeyey weftiga in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay inay dalka ka qabsoomaan doorashooyin xor iyo xalaal ah, iyada oo la dhawrayo, lana tixgelinayo ayuu yidhi “Dastuurka iyo qawaaniinta dalka u taalla”.
Madaxweyne Riyaale oo muddadiisa xilku ku egtahay 15ka bishan May ayaa Golaha Guurtidu u kordhiyey muddo sannad ah, taas oo xisbiyada mucaaridka ahi ay si adag u diideen, isla markaana ay ku baaqeen in marka muddada Madaxweynuhu dhammaato 15ka May, saddexda xisbi ay ka tashadaan waxa la yeelayo maadaama aanay aqoonsanayn muddada Guurtidu u kordhisey.
Hase yeeshee, Madaxweyne Riyaale ayaa mudda-kordhintiisa u cuskanaya Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo qodobo ka mid ahi aanay suuragal ka dhigayn doorashada wakhtiga loo cayimay, halka xisbiyada mucaaridka ahina ay ku doodayaan in qodob dastuur ahi uu cayimayo in muddada xilka Madaxweynuhu ay tahay 5 sannadood, Guurtiduna ay u kordhin karto keliya haddii sabab nabadgelya-darro oo dalka ka jirtaa ay suuragelin weydo in doorashadu qabsoonto, taas oo aan hadda dalka ka jirin.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Maxamud Caydiid Lafcanbe
Axmed Xaaji Yuusuf Ducaale
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
A. M. Yusuf
Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Maxamed Cali
Mahdi Farah Aden (Mahdi Ghandi )
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
Maxamed Jaamac Maxamed
Farah Ali Jama,
Guddiga Jaaliyadda Somaliland
Daha Farah
Shueib A. Gaboose
Cabdilllaahi Axmed Caarshe
MORE OPINIONS ›