Isu Soobax Laysugu Yimid Xarrunta Dhexe ee KULMIYE
Halkan ka daawo Sawirada

Hargeysa (Somaliland.org) – Boqolaal ka mid ah Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo dadweyne kale oo ka kala yimi dhammaan xaafadaha magaalada Hargeysa ayaa saaka isugu soo baxay Xarunta guud ee Xisbigaas ee Galbeedka Magaalada Hargeysa, halkaas oo Hogaanka iyo Masuuliyiinta kale Xisbigu hadalo uga jeediyeen. [Halkan ka daawo Sawirada]

Banaanbaxan oo lagaga soo horjeeday muddo kordhinta Guurtidu u samaysay Madaxweynaha, laguna taageerayey go’aanka labada xisbi ee mucaaridka ahi ka gaadheen Madaxweyne Riyaale marka muddada xilkiisu dhammaato 15 May, kaas oo ah in laga wadatashado xaaladda, Madaxweyne sharci ahna aanay u aqoonsanayn Daahir Riyaale, waxay dadkaasi ku dhawaaqayeen “Muddo kordhinta yeeli mayno… Daahir Riyaale dooni mayno… UDUB ha iska soo celiso ammaanadii ummadda..” iyo erayo kale oo badan. Waxana uu guud ahaan ku bilaamay, isla markaana ku dhamaaday isu soo baxaasi si nabadgalyo ah, iyada oo xukuumadduna muujisay baqdin weyn oo ay ka qabto isu soo baxaas, isla markaana ciidamo badan oo boolis ah soo dhoobtay Fagaaraha la isugu soo baxay hareerihiisa.

Nuxurka Khudbadaha:

Ugu horreyn Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Xaaji Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo fagaarahaasi kala hadlayay dadka taageerayaasha ah ee isu soo baxay ayaa sheegay in culays iyo cadaadis xoog leh ay Xukuumadda Somaliland saartay Xisbigooda iyo taageerayaashiisa, iyada oo aanay jirin wax sabab ah oo loo cuskanayo, wuxuuna Guddoomiyuhu xusay kuwii ugu dambeeyey cadaadiskaas oo ku tilmaamay in ay ka mid yihiin dil iyo Xadhig si badheedh ah loogula kaco.

Guddoomiyuhu isagoo ka hadlaya nabadgelyada iyo hab-dhaqanka xukuumadda Riyaale ee ku lidka ah xisbiga Kulmiye, waxa uu yidhi, “Xaalada dalku halkay marayso waynu ognahay oo waynu ka wada dheregsannahay, iyada oo nabadgalyada Somaliland shacbiga meel kasta oo uu joogo xil ka saaran yahay ilaalinteeda oo uu xilkeeda qaatay, oo mar kasta oo nabadgalyada bur-bur ku dhaco cida bur-burisaa ay xukuumadda jirta ahayd, cida ilaalinaysaana ay ahayd shacbiga Somaliland, cida cadawga iyo argagixisada qabanaysana shicibka ayay ahayd. Halka cida sharciga iyo nabadgalyada ku tumanaysaana ay tahay Xukuumadda maanta jirta ee Madaxweyne Riyaale.”

Waxana uu raaciyey oo yidhi, “Waxaan idiin sheegayaa Kulmiye maanta maaha Xisbigii looga biqi lahaa inuu nabadgelyada dalka burburiyo. Kulmiye shacbiga Somaliland intiisa badan ayaa taageerta, waxaanu u damqanayaa guud ahaan nabadda iyo danaha ummadiiisa. Iyada oo aynu nabadgelyada ilaalinayno, wadajirka ilaalinayna, danta shacbigeena ilaalinayna, xaqa dastuurkeenu ina siiyay ilaalinayna, oo aan cidna waxba yeelaynin waa inaynu dareenkeenna cabiraa walaalayaal. Marka muddadu Madaxweynaha ka dhamaatana haddaan xaaladan wax iska bedalin waa inoo ballan inaynu dareenkeena si nabadgalyo ah ugu cabiro isu-soo-baxan oo kale, waana inoo balan inaynu sii wadno.”

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu farriin ku aaddan dhammaadka muddadii xilka loo doortay u diray Madaxweyne Riyaale, waxana uu yidhi, “Waxaanu leenahay Madaxweyne Riyaale muddadii lagu doortay markay kaa dhamaato, adigu ma lihide ha iska sii rambiqin meesha, waxaanu leenahay ha isa soo hor fadhiistaan Axsaabta Qaranku oo ha la is waydiiyo oo ha la yidhaahdo walaal maxaynu yeelaa, doorashada sidaynu u wajahnaa.”

Guddoomiyaha Kulmiye, waxa uu ku eedeeyay dib u dhaca doorashooyinka in uu Madaxweynuhu ka masuul yahay. Waxaanu sheegay inay samir badan hore u muujiyeen mucaarid ahaan, imikana ay diyaar u yihiin inay sii wadaan samirka ay u hayaan dalkan iyo dadkan Somaliland.

Isaga oo ka jawaabayey hadalo ka soo yeedhay Madaxweyne Riyaale dhowaan mar uu hadal u jeediyey labada gole ee Baarlamaanka iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB, waxa uu yidhi Guddoomiyaha Kulmiye, “Madaxweynaha Baarlamaanka ka dhex yidhi waa la siqiiri doonaa, ee rag kale yidhaahdeen Xabsigii Mandheera waanu haynaa, Madaafiicdiina waanu haysanaa… Madaafiicda waa nalala dhici jiray oo kamaanu biqi jirin, Xabsiga Mandheera laga biqi maayo oo waa loo diyaar rag baana hore u galay, Madaafiic baanad sheegaysaaye horaad Daahir Riyaalaw Diyaarado ula dhacday Shacbiga Reer Hargeysa. Markaa maanta ha nagu bajinin, kuwaad ku bajin lahaydna ma nihin.”

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamed Axmed Obsiiye, oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doortay Gobolka Hargeysa, Xisbiga Kulmiye, waxana uu dadweynaha u soo jeediyay inay iyagu Xisbi ahaan yihiin Xisbiga u taagan nabadgalyada, sidaa darteedna taageerayaasha looga baahan yahay inay ku sii dedaalaan adkaynta nabadgalyada, iyaga oo la shaqaynaya Ciidamada amniga.

Xildhibaan Cali Aw Yuusuf Axmed, oo isaguna ka mid ah Xildhibaanada golaha Wakiillada ee Xisbiga Kulmiye, isla markaana laga soo doortay Gobolka Hargeysa ayaa khudbad uu halkaa uga jeediyey dadweynaha waxa sheegay in uu Madaxweynaha talada hadda hayaa si nabadgalyo ah maamulka dalka ku qabtay, isla markaana looga baahan yahay inuu si nabadgalyo ah uga dego marka xilku ka dhamaado.

“Xisbiga Kulmiye Madaxweynuhu 80 cod ayuu kaga helay, waananu haniyaynay. Markaa waxaanu leenahay Madaxweynuhu taariikhdii SNM oo kale ha sameeyo, oo si nabadgalyo ah ayuu ku yimi ee si nabadgalyo ah ha kaga tago. Hadduu sidaa yeelo taariikhda Somaliland meel ayuu ka galayaa,” ayuu yidhi Xildhibaan Cali Yuusuf. “Aduunka waxaynu ka iibinaa laba shay, kuwaas ah waddankeenu inuu nabad yahay iyo inaynu dimuquraadi nahay, labadaasba waxa beeniyay Guurtida, oo iyada oo aynu nabad nahay ayay yidhaahdeen nabadgelya-darraa dalka ka jirta, dimuquraadiyadii socotayna intay ka tallaabsadeen ayay sannad kordhiyeen,” ayuu raaciyey.

Guddoomiyihii hore ee Guddidii doorashooyinka Qaranka Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye, ayaa isna fagaarahaasi kala hadlay dadkii isugu soo baxay, waxana uu ku waaniyey taageerayaasha xisbiga KULMIYE inay dulqaataan, lana yimaaddaan dhabar-adayg, kaas oo uu ku tilmaamay jid lagu najaxo oo guul lagu gaadho.

Cadami isaga oo faahfaahin ka bixinaya ujeedada isu soo baxa ay isugu yimaadeen masuuliyiinta iyo taageerayaasha Kulmiye waxa uu yidhi, “Ujeedada Xafladan maadaama aan hore loo sheegin, waa kulankii ugu horreeyay shir Xisbiga madaxdiisu iyo taageerayaashiisu ama dadweynuhu isugu yimaaddo, kii u dambeeyayse maaha ee wuu bilaabmay, waanu sii soconayaa, halka Hargeysa ugu dambaysa waynu ka soo lugaynaynaa marka Basaska la inoo diido, oo waddamada qaar dadku iyaga oo lugaynaya ayay dhinteen oo aanay nimcadii xorriyadda gaadhin, iyada oo uu haystay Isticmaar adag oo keenan iska ooraydhka ah ee aynu inagu samaysanay, dabadeedna inagu yara kululaaday mid ka xoog roon ayay u babacdhigeen. Dabadeedna dadkii way soo gaadheen, intii soo gaadhi waydayna carruurtoodii ayaa soo gaadhay.”

Guddoomiyihii hore ee Komishanka, Axmed X. Cali Cadami, waxa uu sheegay in ay yihiin ummad garnaqsanaysa, oo dhaqankii dalkani ku soo caano maalay dabada haya oo aan laga leexin karayin. Waxana uu xusuusiyey Madaxweyne Riyaale, sidii uu ula dhaqmay waqtigii muddadii xilka komishannimo ka dhamaatay isaga iyo xubnihii kale ee Komishanka.

“Madaxweynuhu Komishankii hore markii muddadu ka dhamaatay isaga ayaa ugu horreeyay oo yidhi waqtigiinii waa dhamaaday, kaftan badanna wuu ku daray, anaguna waxaanu leenahay saacadu way is garaacaysaa, taar ayaanu kuu soo diraynaa, oo aan wax kuugu sheegaynaa, oo waxaanu leenahay intay goori goor tahay taariikhdii iyo abaalkii ummadu gashay yaan looga dhigin diidmo la diido iyo eryad dhaca,” ayuu yidhi Guddoomiyihii hore ee Guddidii Doorashooyinka Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.