Axmed Cabdi Xaabsade oo la sheegay in loo cimaamaday Guddoomiyaha Guurtida

Axmed Cabdi Xaabsade

Hargeysa (Somaliland.org) – Axmed Cabdi Xaabsade, oo mar ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, dhowaanna ka soo galay maamul-goboleedka Puntand ee Soomaaliya oo uu ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Riyaale u qalqaalinayso inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Guurtida, iyada oo isku deyeysa inay ku beddesho mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadda ah Guddoomiyaha Guurtida.

Wararka ku saabsan qorshahan oo dareenkeedu soo baxay dhawr bilood ka hor, waxa uu soo shaacbaxay horraantii toddobaadkan, markii saxaafadda qaarkood ay heleen xogo ku saabsan olole xukuumaddu u gashay sidii Axmed Cabdi Xaabsade xubin uga noqon lahaa Golaha Guurtida, isla markaana la baayacay mudane ka tirsan Guurtida oo ay isku deegaan – Buuhoodle – ka soo jeedaan Axmed Cabdi Xaabsade inuu xubinimada u banneeyo, si uu Xaabsade u soo galo Golaha, kadibna looga dhigo Guddoomiyaha Golaha, si la mid ah, sidii Guddoomiyaha Guurtida ee hadda, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ku noqday Guddoomiyaha, kadib markii uu Geeryoodey Guddoomiyihii hore ee golahaas, Alle ha u naxariistee, Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar.

Daahir Riyaale oo muddadu ka dhamaatay, iyo Saleebaan M. Aadan

Waxayna wararka qaarkood sheegayaan in mudanahaas loo geeyey Madaxweyne Riyaale, si uu ugu qanciyo inuu Xaabsade u banneeyo xubinimadiisa Guurtida, balse, uu diidey xildhibaankaasi.

Inkasta oo dad badan oo ay ku jiraan xildhibaanno Guurtida ahi ay shaki ka muujiyeen sida uu suuragal u yahay qorshahaasi, iyaga oo ku doodaya in aan la heli karayn aqlabiyad 2/3 (Saddex meelood oo laba tirada Golaha), si xilka looga qaado Guddoomiyaha hadda ee Guurtida iyo in sida Madaxweyne Riyaale ugu badheedhi karo Saleebaan Maxamuud Aadan, haddana, waxa la rumaysan yahay in wasiirro dhawr ah oo ku xeeran Axmed Cabdi Xaabsade ay isku deyi karaan qorshahan, isla markaana ay wadaan, balse, Madaxweyne Riyaale aanu si toos ah ugu luglahayn iyo in Guddoomiyaha Guurtidu uu yahay xilka ugu haboon ee Axmed Cabdi Xaabsade lagu negeyn karo ama la siin karo.

Axmed Cabdi Xaabsade oo Guddoomiye ka ahaa Golihii ugu horreeyey ee Wakiillada Somaliland, waxa uu u wareegey maamulka Puntland markii la dhisay 19997, kadib markii ay isku dhaceen Madaxweynihii hore ee Somaliland Alle ah u naxariistee, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, halkaas oo uu ka noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha, xilkaas oo uu hayey muddo dheer, ilaa ay isku dhaceen Cadde Muuse, kadibna uu ku soo laabtay Somaliland, dabayaaqadii 2007, waxaana si weyn loo rumeysan yahay inuu sabab u ahaa in magaalada Laascaanood ay u soo gacan-gasho Somaliland, iyada oo ciidan beeleed uu ka samaystay magaalada Laascaanood gudaheedu ay caawiyeen ciidanka qaranka oo muddo 5 sannadood ah ku sugnaa duleedka Laascaanood.

Tan iyo intii uu Hargeysa soo gaadhey Axmed Cabdi Xaabsade, waxa jirey su’aal ay dadku iska weydiinayeen in xil loo magacaabayo Xaabsade iyo in kale iyo waxa uu noqonayo xilkaasi, maadaama, Xaabsade loo arko siyaasi ama hoggaamiye miisaan weyn leh oo reer Sool ah. Waxaana lagu arkayey beryahan dambe isaga oo ka qaybqaadanaya ama xukuumaddu u isticmaalayso ololaheeda siyaasadeed, laguna arkay fagaarayaal dhawr ah isaga oo difaacaya xukuumadda Madaxweyne Riyaale.

Dhinaca kale, waxa jira dareemo soo baxaya oo ku saabsan in Madaxweyne Riyaale uu abuurayo isbahaysi ka kooban beelaha Darafyada, kadib markii uu lumiyey kalsoonida iyo taageerada badiba dadkii doortay.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

31 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008