Xisbiga KULMIYE oo isu soo bax ballaadhan berrito ku qabanaya Xaruntiisa Hargeysa
Hargeysa (Somaliland.org) – Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa ku baaqay isu soo bax berrito lagu qabanayo fagaaraha xarunta Dhexe ee xisbiga ee magaalada Hargeysa.
Dhambaal ogeysiis ah oo xisbigu baahiyey maanta ayaa xisbiga KULMIYE waxa uu ku wargeliyey taageerayaasha xisbiga iyo guud ahaan, dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Hargeysa inay ka soo qaybgalaan kulan ballaadhan oo lagu qabanayo xarunta dhexe ee xisbiga, burrito oo Arbaca ah, 07 May, 2008, halkaas oo la sheegay in madaxda iyo siyaasiyiinta hoggaanka xisbiga KULMIYE ay dadweynaha hadal uga jeedin doonaan.
Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin ujeeddada isu soo baxaas iyo arrimaha xisbigu ka hadli doono. Hase yeeshee, waxa la filayaa inuu ku xidhiidhsan yahay ballanqaadka xisbiga ee ah in aanay Madaxweyne u aqoonsanayn Daahir Riyaale marka muddadii 5ta sannadood ahayd ee la doortay ay dhammaato 15ka May iyo dadweynaha guud ahaan uga warramaan xaaladda dalku haatan marayo.
Ma cadda in isu soo baxa berrito uu hordhac u yahay tallaabooyin xisbigu ku horkacayo taageerayaashiisa iyo dadweynaha guud ahaan isu soo baxyo waaweyn oo dadku dareenkooda ku muujinayaan.
Xukuumadda Somaliland oo digniino iyo hanjabaado kaga hortegeysa kacdoono ay ka baqayso inay ka dhashaan baaqa labada xisbi ee mucaaridka ah ayaa ilaa maanta dedaal weyn ugu jirta sidii ay u baajin lahayd isu soo baxa xisbiga KULMIYE ku baaqay ee la filayo burrito. Waxaana la sheegay in masuuliyiin ka tirsan xukuumaddu ay uga digeen Iskaashatada Basaska magaalada Hargeysa in loo kiraysto isu soo baxaas.
Dhinaca kale, Badhasaabka Gobolka Togdheer, Jaamac Cabdillaahi Biin ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin wax dhaqdhaqaaq ah in laga sameeyo magaalada Burco maalmaha soo socda, si looga hortago ayuu yidhi dhawaaqa siyaasiyiinta mucaaridka ee ah in 15ka May wixii ka dambeeya aanay Madaxweyne u aqoonsanayn Daahir Riyaale.
Badhasaabka oo ka hadlayey furitaanka tababar ku saabsan wada shaqaynta bulshada iyo Booliska, waxa uu ugu baaqay Booliska iyo guddiyada xaafadaha ee nabadgelyada ka shaqeeya inay jawaab ka bixiyaan baaqa xisbiyada mucaaridka ah, waxana uu ka codsaday in la iska kaashado sidii loo daafici lahaa “Madaxda Qaranka ee Doorashada ku timi” ayuu yidhi, inkasta aanu carabka ku dhufan in doorashadaas wakhtigeedii kaga egyahay badhtamaha bishan May, wixii ka dambeeyana aanay ahayn madax la soo doortay.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Maxamud Caydiid Lafcanbe
Axmed Xaaji Yuusuf Ducaale
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
A. M. Yusuf
Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Maxamed Cali
Mahdi Farah Aden (Mahdi Ghandi )
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
Maxamed Jaamac Maxamed
Farah Ali Jama,
Guddiga Jaaliyadda Somaliland
Daha Farah
Shueib A. Gaboose
Cabdilllaahi Axmed Caarshe
Yussuf hassan Umal (Yucuboole)
MORE OPINIONS ›