Wasiirka Maaliyadda oo Golaha Wakiillada horgeeyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2008; warbixin dheerna ka jeediyey

Hargeysa (Somaliland.org) – Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa maanta horgeeyey Golaha Wakiillada Miisaaniyadda Dowladda ee 2008, iyada oo lagu jiro badhtamaha sannad-miisaaniyadeedka, waxana uu ka cudurdaartay dib u dhaca ku yimi Miisaaniyadda.

Wasiirka Maaliyadda, mudane Cawil oo golaha sharraxaad dheer ka siiyey oddoroska Miisaaniyadda, waxa uu sheegay in miisaaniyadda sannadkani ay tahay tii ugu badnayd ee Somaliland yeelato, isla markaana ay dhan tahay Sl.shs. 300,252,463,142 (Saddex Boqol oo Bilyan, Laba Boqol iyo Laba iyo Konton Milyan, Afar Boqol iyo Saddex iyo Lixdan Kun iyo Boqol iyo Laba iyo Afartan Shilin Somaliland ah), taas oo u dhiganta $50 Milyan oo Dollar. Waxa uu sheegay in miisaaniyaddani ay tii sannadkii hore ee 2007 ka badan 17%, balse, weli ay tahay dakhli iyo kharash isu dheellitiran.

Wasiirku waxa uu sheegay in Miisaaniyaddan aanay ku jirin cashuur la kordhiyey, balse, dhakhligan ay ka kordhiyeen meelaha qaarkood oo cashuurtii caadiga ahayd aan laga qaadi jirin oo hadda ay wax saareen iyo olole dhakhli kordhin ah oo wasaaraddu samaysay.

Wasiirku waxa uu sheegay in miisaaniyaddan ay ku jirto kharash loogu talagalay doorashooyinka Dowladaha Hoose iyo Madaxtooyada iyo kharashaadyo kale oo loogu talagalay ciidamada iyo maamul-fidinta gobolada bari.

Miisaaniyadda Dowladda oo sida dastuurku dhigayo ay tahay in Golaha Wakiillada loo soo gudbiyo bisha November ayaa iminka maraysa bishii 5aad ee sannad-miisaaniyadeedka. Wasiirka Maaliyadduna waxa uu ku macneeyey dib u dhacaas arrimo farsamo oo uu sheegay inay ka mid yihiin ciidamada iyo shaqaalaha dowladda oo uu sheegay inay bateen iyo xaaladaha kale ee dalku haatan marayo.

Miisaaniyaddan ayaa ka kooban Miisaaniyadda Dowladda Dhexe iyo Miisaaniyadda Dekedda. Waxana uu wasiirku codsaday in la hagaajiyo wadashaqaynta Golayaasha, taas oo uu sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin iyo in la ansixiyo Miisaaniyadda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo fadhiga guddoominayey ayaa warbixinta Wasiirka ka dib golaha ku wargeliyey inay soo dersaan Miisaaniyadda oo nuquladeeda xildhibaanada loo qaybiyey, waxana uu sheegay in wixii su’aalo ah wasiirka la weydiin doono marka goluhu u baahdo oo Wasiirka loo yeedhi doono mar kale. Waxa kale oo uu u xilsaaray Guddida Dhaqaalaha ee Golaha inuu soo derso Miisaaniyadda, maadaama uu golaha u qaabbilsan yahay arrimaha Dhaqaalaha. Waxaana loo ballamay fadhiga xiga Sabtida soo socota.

Golaha Wakiillada oo la soo doortay dabayaaqadii 2005, hawshiisana la bilaabay sannadkii 2006 ayaa xukuumaddu si cad isu hortaagtey wax ka beddel uu ku sameeyey miisaaniyaddii 2006 iyo 2007, iyada Madaxweyne Riyaale uu gebi ahaanba laalay miisaaniyaddii 2007, kadib markii Goluhu wax ka beddel kooban ku sameeyey madaxyada miisaaniyadda ee Madaxtooyada, iyada oo Dastuurka Qaranka, qodobka 55aad, farqadda 1aad ay siinayso Golaha awooddan: “Golaha Wakiiladu waxa uu ka doodi karaa, waxna ka beddeli karaa miisaaniyadda, kuna ansixinayaa go’aan Gole”.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

31 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008