Riyada Riyaale iyo Runta Shacbiga: Geesi Mililay iyo Doqon Malafsi Baratay - Faallo

 

Waxa jirta Murti Soomaaliyeed oo tidhaahda “Geesi Mililay iyo Doqon Melefsi bartay baa Miidaamo ka dhexdhalataa”. Xaqiiqdii xikmaddaasi waxay ka turjumaysaa xaaladda Somaliland maanta ka jirta ee u dhexaysa xukuumadda iyo shacbiga Somaliland. Xikmaddan waxay macno ahaan ay isku dhow yihiin ama ay ka jawaabaysaa marka dhinac laga eego, hal-ku-dheg uu ka tegey, hoggaamiyihii caaqilka ahaa ee Maraykan, Abraham Lincoln,  “You can fool all the people some of the time, and some of the people all the time, but you cannot fool all the people all the time” oo nuxurkeedu yahay “Waad ka caqli badin kartaa dadka oo dhan marmar, dadka qaarkoodna markasta waad ka caqli badin kartaa, laakiin, kama caqli badin kartid dadka oo dhan markasta”. Waxaadna mooddaa in murtidaa sare ee Soomaalidu ay ka jawaabayso hal-ku-dhegga Lincoln oo ay inoo sheegayso sida ay xaaladdu noqonayso marka qof mar iyo labadaba ku guuleysto inuu ka caqli badiyo dadka oo dhan, dabadeedna uu u qaato ama isku dayo inuu dadka oo dhan ka caqli badiyo ama ka fariidsanaado markasta, taas oo ah dabcan, in “Miidaamo ka dhexdhalato”.

Waxaan shaki ku jirin in shacbiga Somaliland dhawrkii sannadood ee la soo dhaafay ay soo mareen, una soo dulqaateen xadgudubyo sharci iyo khiyaamooyin lid ku ah masiirkooda iyo rabitaankooda, kuwaas oo si cad oo badheedh ah loogu fuliyey, looguna socodsiiyey, iyada oo gebi ahaanba shacbiga laga soo qaaday wax aan jirin ama aan dhug iyo dareen u lahayn wax socda. Run ahaantii, shacbigu ma aha Dhug laawe, laakiin, waxa la yaab leh oo adag marka hoggaamiye uu doono inuu ka caqli badiyo ama khiyaameeyo ummadda mariiskooda u dhiibtey, kuna aaminey. Waxa hubanti ah inuu khaldi karo dadka oo dhan ama dadka qaarkii, uuna haysto fursado ka baaxad badan inta uu qofka caadiga ahi wax khaldi karo.

Waxa hubanti ah in dadka reer Somaliland intooda badani ay maanta garawsan yihiin inay kala kulmeen hoggaaminta Madaxweyne Riyaale muddadii uu xilka hayey waxyaabo ama tallaabooyin aanay weligood ku fekerin inuu ku kacayo hoggaamiye ay iyagu talada u dhiibteen oo mararka qaarkood meel-ka-dhac ku ah caqligooda iyo garashadooda ay ku dhisteen nidaamka dowladeed ee uu ka taliyo iyo nabadgelyada ay kaga duwan yihiin inta kale dalkii Soomaaliya, ka madhan milgihii dhaqan ee shacbiga Somaliland ku dhisteen, kuna dhaqan yihiin, isla markaana dafirsan damiirkii iyo dareenkii qayb weyn oo ka mid ah shacbiga Somaliland ay ku diideen cabudhintii, cadaadiskii iyo kelitalisnimadii taliskii Milateri ee isagu xoogga ku qabsaday, kagana talinayey Soomaaliya.

Dhacdooyinkaa iyo tallaabooyinkaas Madaxweyne Riyaale u meelmaray, inuu u samaynayo dantiisa siyaasadeed ee shakhsiga ah; waxaa ugu waaweynaa:

1- Tallaabadii uu Golaha Guurtida ugu kordhiyey muddada xilka 5 sannadood oo kale, taas oo uu isagu soo jeediyey, Golaha Guurtiduna isu ansixiyey, isla markaana ahayd mid aan caqliyad, macquuliyad iyo sharciyad midna ku salaysnayn. Ujeeddada ka dambaysaana ay ahayd mid cad oo ah, maadaama doorashadii Golaha Wakiillada ee la soo doortay ay aqlabiyadda heleen xisbiyada mucaaridku in Golaha Guurtidu uu noqdo Gole aanay cidi la wadaagin oo isaga u daacad ah, isla markaana uu hordhigo ama iskaga caabiyo Golaha Wakiillada. Waxana aanu shaki ku jirin in ujeeddadaasi shaqaysay oo Golihii Wakiillada uu curyaamiyey golaha Guurtidu.

2- Muranka markasta ka taagan Miisaaniyadda dowladda intii uu yimi golaha Wakiillada ee la soo doortay oo salka ku haya diidmada badheedhka ah ee Madaxweyne Riyaale markasta isku hortaago wax-ka-beddelka kooban ee Goluhu ku sameeyo Miisaaniyadda, si xisaabtan dhab ah loogu soo dabaalo, loona saxo dhaqaalaha dalka, isla markaana ah awood iyo waajibaad uu Dastuurku siiyey Golaha Wakiillada oo keliya. Wuxuuna badheedhahaas iyo tixgelin la’aanta sharciga iyo dastuurku gaadhsiisey Madaxweyne Riyaale mid aan hore u soo marin dalka oo lama maqal ah, taas oo ah inuu daaqadda ka tuuray Miisaaniyaddii dowladda ee 2007, isla markaana uu isticmaalay miisaaniyad jeebkiisa ah iyo in sannadkan kala badhka ah ee 2008 aanay jirin wax miisaaniyad ah oo uu dalku leeyahay. Tallaabooyinkani waxay muujinayaan ugu yaraan saddex qodob oo waaweyn oo kala ah: In Madaxweyne Riyaale aanu ogolayn inuu ka xisaabtamo hantida iyo dhaqaalaha ummadda, isla markaana uu jiro musuqmaasuq badheedh ah. In sharciga uu u yaqaanno dantiisa, wixii danihiisa ka horyimaaddana aanay ahayn sharci, waxaana u dalliil ah, miisaaniyaddii 2007 waxa uu ku diidey waxoogaa kharash ah oo laga jaray miisaaniyad fara badan oo loo soo qoray Madaxtooyada, taas oo uu goluhu ugu kala daray hay’adaha Adeegga Guud, sida Caafimaadka iyo Waxbarashada. Iyo ta saddexaad inuu wiiqo, isla markaana curyaamiyo Golaha Wakiillada oo doorashadiisa ummadda oo dhan tacab badani ka galay, hanti aad u badanina kaga baxday ummadda iyo qarankaba, ujeeddo weynna laga lahaa.

3- Sidii uu ula dhaqmay Komishankii hore ee Doorashooyinka oo uu xafiiska ka xidhay, markii muddadoodii xilku dhammaatay, isla markaana suuqa lagaga dejiyey baabuurtii ay wateen, iyada oo sharciga iyo caqliguba waajibinayaan in Komishankaa hore uu xilka sii hayo ilaa Komishan cusub la dhiso oo ay xilka ku wareejiyaan. Xitaa isagoo diiddan go’aankii Golaha Wakiilladu muddada 2da sannadood ah ugu kordhiyey Komishanka hore, ayay suuragal ahayd inay sii hayaan xafiiska, ilaa xal loo helo arrinta. Waxa iyana xasuus iyo layaab leh sidii uu u maroorsaday dhismaha Komishanka, isagoo ka cararaya labada xisbi ee mucaaridka oo wadey hindise ah in wax laga beddelo dhismaha Komishanka iyo sidii qaawaneyd ee uu isu hortaagey labadii xubnood ee Guurtidu soo xushay ee Golaha Wakiillada ka waayey codkii ay ku ansaxayeen, taas oo daliil cad u ah in Guurtidu aanay soo magacaabin labadaa xubnood marka horeba, isla markaana uu Madaxweynuhu soo magacaabay uu soo magacaabay 5 ka mid ah xubnaha Komishanka.

4- Tallaabadii badheedhka ahayd ee Madaxweyne Riyaale kaga hor istaagey xaaska Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE shaqo ay ka heshay hay’adda Care International oo ay imtixaan u gashay. Taas oo dad badani ay ka xanaaqeen, una arkeen ficiltan xun oo cadownimo ah iyo Dhafoortaabasho.

5- Sidii uu uga baxay, uguna wacad-furay heshiiskii lagaga gaadhey khilaafaadkii ka dhashay labadii xubnood ee Komishanka iyo Miisaaniyadda ee ay dhexdhexaadiyaan odayaasha iyo Aqoonyahannada Somaliland ugu miisaanka weyn ee ay horkacayeen labada Abwaan ee waaweyn, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), kaas oo ka koobnaa 3 qodob oo 2 ka mid ah Madaxweynaha la saaray inuu fuliyo, halka Golaha Wakiilladana la saaray qodobka kale inuu fuliyo. Hase yeeshee, waxa la yaab noqotay oo aan dhaqanka, diinta iyo milgaha Madaxweyne midna ku bannaanayn in Madaxweyne Riyaale uu ka baxay heshiiskaas, markii Golaha Wakiilladu uu fuliyey qodobkii la saaray.

6- Madaxweyne Riyaale waxa uu suurtagal ka dhigay, mid aanu qofna ku riyoon, kuna fekerin inay suurtagal ka tahay Somaliland, kadib markii uu hadhcad Hargeysa dhexdeeda ka qabqabtay siyaasiyiin saddex ah oo magac iyo sharaf weyn ku leh dalka; Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibraahim, isla markaana uu u taxaabay Jeelka Mandheera, iyada oo sababtu ahayd hankooda iyo damacooda siyaasadeed oo keliya, balse, aanay jirin wax loogu marmarsooday. Waxay ahayd arrin qof waliba lahaa suuragal maaha iyo kuma dhaco! Ilaa jeelka la dhigay oo ay ku dhammaysteen 4 bilood, iyada oo weliba lagu xukumay jeelka dhexdiisa sannado badan.

7- Kuma darin maamulxumada, curyaaminta dhaqaale, ballanqaadyada beenta ah, kelitalisnimada iyo tabashooyinka kale ee is biirsaday oo aanan tirakoobi karin.

8- Waxaa u dhambeysey mudda-kordhintan uu Guurtida weydiistey ee halka sanno ah, taas oo uu ka gaadhsiiyey, iyada oo saddexda xisbi iyo Komishanku isla qaateen wakhtiga doorashada, taasoo muujisay shakiga mucaaridka iyo dad badan oo kaleba ka qabeen in Madaxweyne Riyaale doonayo in Guurtidu u kordhiso marba intuu doono oo aanu doorasho qaban. Waxaana la yaab leh inuu iminka ku doodayo – mudda-kordhintiisa sharci-darrada ah loo ogolaado – Xeerka Diiwaangelinta oo uu marka horeba ku daray qodobo khiyaamo ah oo aan suurtagal ka dhigeyn doorasho, isaga oo iska indha-tiraya in qodob Dastuuri ahi cayimayo muddada xilka Madaxweynaha, kaas oo aan u ogolaanayn inuu sii fadhiyo kursiga marka ay dhammaato muddada 5ta sannadood ah ee la doortay oo ku eg 15ka May.

Haddaba, shacbiga Somaliland oo ay dhibaato badani ka soo gaadhey nidaam keli-talis ah oo aafadii uu dhigay ay weli ka sii qiimayso dalkii Soomaaliya ee ay ka midka ahaayeen, miyaanay dareen u lahayn dhacdooyinkaas? Maxay u diidi waayeen ama uga diiri waayeen? Ma raalli bay ka yihiin? Dadkii diidey Kelitaliye aanay aqoon oo isagu xoog ku qabsaday dalkii Soomaaliya, xoogna ku maamulayey, miyaanu u muuqan Kelitaliyahan yar ee abuurmaya, ee weliba codkooda ku yimi? Waa su’aalo ay is weydiinayaan inta jecel Somaliland oo xor ah, dimuqraaddi ah, dowlad wanaagsan iyo nabad ku neg, kuna sii socota jidkii ay ku soo dhisantay; waana sababta in badan oo ka mid ah dadkaasi ay eedda u saaraan shacbi weynaha oo ay ku canaantaan ama ku dhalliilaan inuu yahay shacbi aragti iyo aqoon gaaban.

Dhinaca kalena, waxaa si weyn loo rumeysan yahay in gilgilasho la’aanta iyo tamar-darrada shacbiga ama guud ahaan kaalintii shacbiga oo madhan ay tahay ta Madaxweyne Riyaale maalinkasta inuu qaado tallaabo tii hore ka daran. Waxana uu samaystay qaacido uu naftiisa ku raalligeliyo oo ah; in shacbiga iyo siyaasiyiinta xisbiyada mucaaridku ay kala duwan yihiin oo dadweynuhu ay dannaynayaan “Nabaddooda iyo Qaadkooda” oo ay xukuumaddu u ilaalinayso, halka xisbiyada mucaaridka ee hadlayaa ay doonayaan keliya kursiga, isla markaana ay yihiin qaswadayaal duullaan ku ah “Nabadda iyo Qaadka” shacabka. Waana sababta uu markasta Mudane Riyaale uu isaga dhigo shacabka inuu ka xigo mucaaridka.

Sidaa darteed,  hadda oo Madaxweyne Riyaale ay ka dhammaatay muddadiisii xilka ee sharciga ahayd, isla markaana xisbiyada mucaaridka ahi ay ku baaqeen in aanay Madaxweyne u aqoonsanayn marka la gaadho 15ka May ayaa madaxweyne Riyaale, wuxuu u muuqdaa nin aan gar iyo garawshiinyo midna ka ogolayn inuu xilka sii haysto, waxayna dad badani is weydiinayaan waxa uu isku hallaynayo iyo halka uu ka ilaad haysto. Dadka qaar baa u arka inuu isku hallaynayo xooggag shisheeye sida Cabdillaahi Yuusuf. Qaar kale, waxay u haystaan in qorshihiisu yahay in uu xoog ku haysto dalka isagoo adeegsanaya ciidanka Qaranka oo uu xoog u dhisay muddadii uu xilka hayey, ama ay burburto Somaliland, halka qaar kale ay shaki la’aan ku qanacsan yihiin in Madaxweyne Riyaale ku socdo tijaabooyinkii hore ee uu sameeyey, cid wax ka qaadi kartaana aanay jirin. Si kasta ha ahaatee, farshaxan laga sameeyey sida uu u fekero Madaxweyne Riyaale ayaa iftiiminaya in ay jirto cabsi iyo werwer la soo derista Madaxweynaha, gaar ahaan saacadaha dambe ee habeenkii marka ay ka tagaan ragga ugu dhowdhow ee u sheega in aanay jirin cid wax ku samayn karta, ay ku soo noqnoqoto maskaxdiisa hanjabaadda iyo digniinta Mucaaridku, kadibna uu soo boodo isaga oo isweydiinaya; “Maxay samayn karaan?”. Wuxuuna isugu jawaabaa “Waxba! Horay wax u samayn lahaayeen hadday wax i yeeli karayaan, ma waxbay iska hagranayeen…”

Inkasta oo haddaba, ay jiraan duruufo shacbigu isla loodin kari la’yahay, demmanaan iyo goldaloolooyin ama dabeecado ay kuwa danaha gurracan leh ee awoodda iyo dhaqaalaha haystaa ka faa’iideystaan oo taas ay dhalliil ku leeyihiin, haddana, dad badan ayaa rumaysan in shacbigu aanu sidaa hebed u ahayn, balse, ay meesha ku jirto dun wanaagsanaan oo aanay ku degdegin jawaabta, wakhtina ay siiyaan xudgudubyada iyo xumaanta.

Oday reer Somaliland oo aad u dersed dabeecadda dadka reer Somaliland ayaa isagoo ka jawaabaya dhalliishan had iyo goor loo jeediyo shacbiga Somaliland, waxa uu ku dooday in dabeecadda dadka reer Somaliland ay marto maraaxil, marka ay wax saluugaan ama diidaan, inta aanay tallaabo qaadin. Wuxuu yidhi, “Marka ugu horraysa waxaa bilaabma guux, dareenka la isku gaadhsiinayo. Marxaladda labaad, way hadlaan oo digniino, talo iyo waano ayay jeediyaan. Marxaladda Saddexaad way cawdaan. Waxaa xiga aamus oo dood iyo cabasho iyo tilmaaniba way dhammaadaan, waa marka la yidhaahdo ‘Afkiibaa Juuqda gabay’. Aamuskaana waxa xiga qarax!!”.

Ninkaa khabiirka ahi, wuu sii waday, wuxuuna ka jawaabey su’aal laga yaabo in qofkasta ay maskaxdiisa ku soo dhacdo oo ah sidee iyo qaabkee ayuu shacbigu u qarxayaa? Sidee ayuu isu abaabulayaa, mar haddaanay jirin isku xidhnaan bulsheed iyo go’aan waddareed? Muxuuse noqonayaa qaraxaasi? Meel fogba kama aanu doonin, waxa uu si kooban u yidhi, “Laba Gaadhi Dameer oo isku dhacay ama is jiidhay ayaa laga yaabaa inuu ka dhasho ama sababo qaraxaasi oo noqda mid caam ah!”. Waxa laga yaabaa inay u muuqato wax aan macquul ahayn, balse, macnuhu waxa weeye, haddii si xun loo maamulo ama si caddaalad darro loogu garqaado labada Dameer ee isku dhacay cadhada ka dhalataa waxay noqonaysaa Baaruud hurisa cadho, ciil iyo tabasho badan hore ugu ururtay shacbiga labadaa dameer, waxaana si sahlan uga dhalan kara wisiisi iyo gadood shacbi.

Iyada oo ay haddaba caddahay in shacbiga Somaliland uu ku jiro marxaladda Aamuska, kadib dhacdooyinkaa isbiirsaday, ayaa si ficil ah loo arkay tusaalahaa uu bixiyey ninkaa odayga ahi sida sahlan ee uu u iman karo qarax shacbi, toddobaadkii hore markii muddaharaad rabshado wata oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh sababay uu si sahlan uga dhacay magaalada Hargeysa. Waxa aan la qiyaasi karin caasimadda Hargeysa ee subaxdaas nabadda ku soo toostay in Barqadii faras magaalaheedu uu isu rogey goob colaadeed qaddar saacado ah, oo sanqadha rasaasta meelkasta laga maqlayey, magaaladu ay kala xidhantay oo aan la isu tallaabeyn, iyadoo xaaladda noocaas ahna ay abuureen koox dhallinyaro iyo ciyaala-iskuul ah. Ma rumaysan karnaa in – sida Xukuumaddu ku doodday – dhallinyarada kacdoonka samaysay oo 2 ka mid ah boolisku toogasho ku diley, tobaneeyo kalena dhaawacantay, isla markaana aan u digigixan, ay u muddaharaadayeen magac xaafad laga beddeley? Waxa xaqiiqo ah in arrintu ay ahayd qarax shacbi oo lagaga jawaabayey tabasho iyo cabasho isbiirsatay, isla markaana ay ka qoto dheer tahay magac la beddeley, balse, magacaa laga beddeley xaafadda Cabdi Iidaan uu la mid yahay tusaalihii ninka odayga ahi u soo qaatay “laba Dameer oo isku dhacay”.

Dhinaca kalena, waxa muujinaysay in awoodda xukuumaddu ay tahay inta aanu qaraxu dhicin. Waxaana la ogaa in kooxdaa dhallinyarada ahi ay ku khasbeen xukuumadda inay degdeg uga noqoto degmooyinkii ay magacawday, baryona ay ula tagtay si ay u joojiyaan muddaharaadka.

Si kasataba ha ahaatee, dhacdadaas iyo wixii kale ee nabadgelyo darro ah ee dalka ka dhacaba waxa Saadiyey oo u yeedhay Golaha Guurtida oo si ay qiil ugu helaan mudda-kordhinta Madaxweynaha ku sababeeyey in dalka nabadgelya-darro ka jirto. Waxayna la mid tahay Nabadda Somaliland oo lagu duudsiyi jirey dadka xuquuqdooda Sakaaradii ninka Gabraaratada ahi shiishay ee inta ay shakiday “Bif” tidhi, kadibna inta uu ku ridey xabadda yidhi, “Saadso”. 

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

 


TOP

31 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008