“Ma jiro ilaa hadda wax heshiis ah oo Xukuumadda iyo labada xisbi ee mucaaridka ah dhexmaray,” Xisbiga KULMIYE, Warsaxaafadeed
Hargeysa (Somaliland.org) – Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa sheegay in aanu jirin heshiis ilaa iyo hadda wax heshiis ah oo dhexmaray labada xisbi ee mucaaridka ah iyo xukuumadda oo ku saabsan khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay mudda-kordhinta Guurtidu u saxeexday Madaxweyne Riyaale iyo muddeynta doorashada.
Xisbiga KULMIYE, warsaxaafadeed uu galabta soo saaray oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee xisbiga, mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir Faarax, waxa uu sheegay in ay labada xisbi soo gaadhey soo jeedin uu tilmaamay in loo soo gudbiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), taas oo ku saabsanayd xal u helidda mushkiladda siyaasadeed ee ay isku maandhaafsan yihiin xukuumadda iyo labada xisbi ee mucaaridka ah.
“Soo jeedintaas labada xisbi jawaab bay ka bixiyeen, jawaabtiina weli way maqan tahay [la faafin]. Sidaa darteed, ma jiro ilaa hadda wax heshiis ah oo dhexmaray xukuumadda iyo labada xisbi ee mucaaridka,” ayuu yidhi warsaxaafadeedku.
Hase yeeshee, waxa uu rajeeyey warsaxaafadeedka xisbiga KULMIYE in la gaadhi doono heshiis qaran oo dalka iyo dadkaba anfaca.
Warsaxaafadeedkan xisbiga KULMIYE ayaa la filayaa inuu ka jawaabayo warar wargeysyada Hargeysa qaarkood ay maanta faafiyeen oo sheegaya in xisbiyada mucaaridka ah iyo xukuumaddu ay gaadheen heshiis lagaga gudbayo xaaladda cakiran ee ismariwaaga ah xalay goor dambe, taas oo ka dambeysey soo jeedin xukuumaddu soo bandhigtay oo nuxurkiisu yahay in laga wadahadli karo wakhtiga doorashada la qabanayo, mudda-kordhinta Madaxweynaha ee Guurtidana sideeda loo daayo.
Soo jeedinta xukuumadda ayaa la sheegay inay ka soo baxday waanwaanta uu dhexdhexaadinayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Waxayna wararku sheegayaan in labada xisbi ee mucaaridka ahi ay iyaguna qaddimeen mawqifkooda oo ay kaga jawaabayaan ka xukuumadda.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Maxamud Caydiid Lafcanbe
Axmed Xaaji Yuusuf Ducaale
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
A. M. Yusuf
Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Maxamed Cali
Mahdi Farah Aden (Mahdi Ghandi )
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
Maxamed Jaamac Maxamed
Farah Ali Jama,
Guddiga Jaaliyadda Somaliland
Daha Farah
Shueib A. Gaboose
Cabdilllaahi Axmed Caarshe
Yussuf hassan Umal (Yucuboole)
MORE OPINIONS ›