Komishanka oo la sheegay inuu mar kale wakhti u cayimay Doorashooyinka

Hargeysa (Somaliland.org) – Komishanka Doorashooyinka ee sii liiqliiqanaya ayaa mar kale dib u riixey wakhtiga ay qabsoomayaan doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada, iyada oo uu weli taagan yahay muranka xukuumadda iyo Guurtidu geliyeen heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku ku gaadheen wakhtiyaynta diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo Doorashooyinka, 09 April, 2008.

Si rasmi ah Komishanku uma shaacin wakhtiga cusub ee doorashooyinka ay u qabteen, hase yeeshee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo dhexdhexaadin ka galay khilaafka cakiran ee ka dhashay go’aankii Golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyey Madaxweyne Riyaale ayaa la sheegay in Komishanku u soo gudbiyey wakhtiyayn cusub oo ay u dejiyeen doorashooyinka deegaanka iyo Madaxtooyada, taas oo ay doonayaan in xisbiyada mucaaridka ahi la qaataan, isla markaana ay ka dhigayaan meel dhexe oo la isugu iman karo.

Sida ay sheegayaan warar ku dhowdhow Komishanka, Doorashada Golayaasha Deegaanka waxay ugu talagaleen inay qabsoonto bisha November, 2008, doorashada Madaxtooyadana la qabto bisha January 2009, halka heshiiska Guurtidu muranka gelisey ee saddexda xisbi iyo Komishanku uu ahaa in labada doorashado ta hore ay qabsoonto 06 Oktoober, doorashada dambena ay noqoto 31 December, iyada oo loo dhaafay xisbiyadu inay ka heshiiyaan labada doorasho ta horraynaysa.

Warkani waxa uu mar la soo baxay soo jeedin xukuumaddu u soo dhiibtey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo nuxurkiisu ku soo ururayo saddex qodob oo kala ah:

  • In Go’aankii Golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhisey Madaxweynaha uu sidiisa ahaado
  • In laga wadahadlo wakhtiga doorashooyinku qabsoomayaan
  • Iyo in marka la isla meeldhigo wakhtiga doorashooyinku qabsoomayaan, golaha Wakiilladu wax-ka-beddel kooban ku sameeyo xeerka Diiwaangelinta

Waxayna sheegayaan warar ku dhowdhow Komishanku in Xukuumaddu raalli ka tahay ama ay la qaadatay wakhtiga cusub ee ay u dejiyeen doorashooyinka, balse, xisbiyada mucaaridka ahi aanay hore ugu bandhigin.

Komishanku waxay ku macneeyeen wakhtiga cusub ee ay dib u riixeen doorashada mid ka yimi muranka Guurtidu gelisey heshiiskii hore ee saddexda xisbi iyo Komishanka oo lumiyey qayb ka mid wakhtiyayntii hore ee la isla qaatay.

Hase yeeshee, labada xisbi ee mucaaridka ah oo xalay kulan ka yeeshay soo jeedinta Xukuumaddu keentay ayaa la sheegay inay weli ku adkaysanayaan in la qaato heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanka iyo in aanay aqoonsanayn mudda-kordhinta Madaxweynaha ee Guurtida.

Dhinaca kale, Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawinaya doorashooyinka ayaa la sheegay inay dhinacyada oo dhan cadaadis ku hayaan, iyaga oo sheegaya in lacagta ay u hayaan doorashooyinka Somaliland ay dhacayso haddii degdeg heshiis looga gaadhi waayo arrimaha muranku ka taagan yahay.

Madaxweyne Riyaale ayaa isagu hore u sheegay in Somaliland aanay u baahnayn lacagta deeqbixiyayaasha, kadib markii wefti ka socdey deeqbixiyayaashu ay walaac ka muujiyeen go’aankii Guurtidu muddada xilka ugu kordhisey.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

31 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008