Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, 05 May

Garnaqsiga Xirsi, Go’aanka 4-ta xubnood ee Komishanka iyo Gaabsiga mucaaradka

“Go’aan aan raali gelin Madaxweynaha gudi diyaar u ah maaha, waxaanan goostay inaan iska casilo Xubinimadii Komishanka”

Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiye ku-xigeenka Guddida doorashooyinka Qaranka Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xubinimadii komishanka Doorashooyinka, Islamarkaana waxa uu u soo jeediyay Xisbiga Kulmiye inay a aqbalaan is casilaada soona buuxiyaan xubinimadiisa.

Is casilaada Xubinimada ee Xirsi ku dhawaaqay ayaa ka danbaysay, go’aan afarta xubnood ee Gudigaasi ku soo saareen inay ka qaadeen Xilkii Gudoomiye ku xigeen-nimo, islamarkaana digniin ugu jeediyeen.

Go’aanka Guddida

Qoraalka ay Guddida doorashooyinku soo saareen, ee ay ku xuseen eedaymaha ay u jeediyeen Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu u dhignaa sidan:- “Shir ay iskugu yimaadeen Xubnaha Guddiga doorashooyinka Qaranka, maalintii sabtidii ee taariikhdu ahayd 03/05/08, shirkaasi oo ku qabsoomay xarunta Komishankaa ee Magaalada Hargeysa, waxa Guddoomiyayay Guddoomiyaha KDQ, waxaana lagu gorfeeyay, aadna loogaga dooday arrimo ku saabsan Guddoomiye ku-xigeenka Guddida doorashooyinka Qaranka.

Mudane Xirsi waxa lagu eedeeyay inuu ku kacay falal gef ku ah, wada shaqaynta ka dhaxaysa komishanka doorashooyinka, isaga oo sameeyay talo-goosi u gaar ah, oo aanay Guddiga intooda kale ku waafaqsanayayn, marar horena looga digay, sidaa awgeed waxay Guddigu go’aamiyeen sida tan hoos ku qoran.

1. In laga qaado xilkii Guddoomiye ku-xigeenka komishanka doorashooyinka Qaranka, laga bilaabo maanta oo ay tahay 04/05/08.

2. In digniin kama dambays ah loo jeediyo Mudane Xirsi, kaas oo ah in aanu mar kale ku kicin gafaf noocaas oo kale ah oo dhan ka ah Xeer-hoosaadka Guddida doorashooyinka Qaranka.

Waxa halkan aanu ugu shaeegaynaa ummada Somaliland in mar kasta ay naga go’an tahay Guddi ahaan in aanu u guddano xilka nalagu aaminay, oo aanu dhamaystirno si waafaqsan Xeerka iyo shuruucda loo dhigay diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka iyo xeer-hoosaadkaba.

Waxa kale oo aanu u sheegaynaa ummada in meel hawli ka socoto qaladaad aan laga waayayn, waxaase muhiim ah in si wada jir ah mar kasta loo saxo oo loo toosiyo wixii khaldamay si loo gaadho himilooyinka Qaranku hiigsanayo.

Waxa mar kasta waajib ah in Xubin kasta oo ka mid ah Guddida Doorashooyinka Qaranka in uu ku dhaqmo xeer-hoosaadkooda si looga badbaado in lagu dhex milmo hawlaha siyaasadeed ee dalka, lana ilaaliyo dhex-dhexaadnimada iyo dhawrsanaanta Guddiga doorashooyinka Qaranka.” Ayaa lagu yidhi Go’aanka shanta xubnood.

Jawaabta Xirsi

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay in qoraal loo soo gudbiyay loogu sheegay in xilkii gudoomiye-nimo laga qaaday, eedna looga dhigay inuu hadlay iyo inuu la xidhiidha midawga yurub. “Waxaan leeyahay waa wax aan sharciga ku fadhiyin, meelna kagaga qotomin in la yidhaahdo waa dambi oo dambi la iiga dhigaa waad hadashay. Waxanse runtii u fahmay, horena u sheegay, qariibna iguma aha, oo waa mid aan hore u sugayay Komishanku inaanu xor ahayn, oo Xukuumaddu maamusho, oo wax kasta oo xukuumadda ka hor yimaada Komishanka loo qabsanayo, waxaanan sheegay oo aan hore uga afeeftay in hadii komishanku noqon waayo xor aan xubin-nimada iska casili doono, si aanan u lug-goynin dadkii I soo doortay, si aanan u lug-goynin bulshoweynta Somaliland ee rajada badan ka qabta in Guddi doorashooyin qabanayaan, si aanay taariikh madoobi iigu gelin taariikhda, oo aanan ka mid noqon xubnihii komishanka ee wadanka lug-gooyay. Waxaan u qaatay sidii aan horeba u sheegay inaanay Komishanku xorriyadii komishannimo ku shaqaynin, oo hadaad la hadasho dawlada waxa lagaa qaadayaa Guddoomiye-nimada aasaaska ah waa mid aanan ku qancin, aan filayana in aanay muwaadiniintu ku qanci doonin.” Sidaa ayuu yidhi, waxaanu tilmaamay in aanu Komishanka doorashooyinku ahayn kuwo cadaalada suggi kara. “Waxaan maanta cadaynayaa oo aan bulshada Somaliland, Xisbiyada Mucaaridka ah, Xukuumadda iyo Komishanka doorashooyinka u cadaynayaa inaan iska casilay xubintii komishannimo ee Guddida doorashooyinka Qaranka laga bilaabo maanta, waxaanan u gudbin doonaa qoraal cida ay khusayso arrintaasi. Waxaan ku sababaynayaa inaan is casilo markaan waayay xorriyad komishannimo, markaan ka rejo dhigay komishanka ila shaqaynaya ee saaxibaday inaanay ahayn kuwo ummada u garsoori kara, oo tusaale ahaan hadalada ay xuseen komishanku waxa ka mid ahaa Madaxweynuhu wuxuu la siman yahay Faysal iyo Axmed-siilaanyo, haa waa la siman yahay, imikana waan ku celinayaa, oo waxaan leeyahay Md. Madaxweyne waxaad noola siman tahay markay tahay arrimaha doorashooyinka Faysal iyo Axmed-siilaanyo, waana xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah. Guddidada doorashooyinkuna maaha Wasaarad u shaqaysa Madaxtooyada, ee waxay u igman yihiin inay qabtaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah, uguna qabtaan Xisbiyada Qaranka si cadaalad ah.” ayuu yidhi Xirsi, waxaanu sheegay in xukunka xilka lagaga qaaday uu ahaa mid ka yimi dhinaca xukuumadda iyo Xisbigeeda UDUB, “Waxaan u cuskanayaa inaan xilka iska casilo, maadaama xubnihii komishanka xukunka ka soo baxay uu noqday xukun ka soo baxay dawlad, waxaan ku cadaynayaa shalayto (doraad) waxa ii yimi xubnihii ugu sareeyay Xisbiga Udub, waxay ii sii sheegeen in la iga qaadayo Guddoomiyenimada, waxaanay igu qancinayeen sii joog iyaga oo nasteexo iiga dhigaya sii joog, waxaan ku qancay markaa xubnaha komishanka in Telefoon laga hagayay, waanan arkayay markii lala hadlayay, waxa kale oo aan ogahay in ragga qaar shalay oo dhan la maslaxayay oo la lahaa aan u gudbino Madaxweynaha xubinimadaba ha laga qaadee.”

Sidoo kale Xirsi waxa uu raali gelin u jeediyay shacbiga iyo Axsaabta. “Waxaan go’aansaday in aan booskan baneeyo, oo cidii ku haliilaysay ee aan dhibta ku hayay timaado. Juun ayaa nala ansixiyay, waxaanu u xanibnayn muddo in nala dhaariyo, waxa nalagu dhaariyay Madaxtooyada, kumanaan qanacsanayn, waxaan ku idhi xubnaha kale aan codsano in la inagu dhaariyo meel fagaare ah, way ka gaabsadeen.” Ayuu yidhi Xirsi. Waxaanu ku dooday in markii isaga loo doortay ku-xigeenka ay ka cadhoodeen Xukuumadda iyo Xisbiga Udub, “Waxaan ahaan jiray Afhayeenka Guddida, markii hore ee aanu shanta ahayn, waxa si dareen leh olole noogu bilaabay xubinta komishanka ka tirsan ee ah beesha uu Madaxweynuhu ka soo jeedo, waxaan uga tanaasulay Afhayeennimadii, in yar ka dib waxa ay xubnaha Komishanku ii doorteen inaan noqdo Guddoomiyaha Guddida farsamo ee diiwaangelinta, waxa la igu soo qaaday olole uu u horeeyo xubinta aan xusay ee ay Madaxweynaha isku haybta yihiin (Ismaaciil) iyo Guddoomiyihii hore ee is casilay Guddoomiye nimadiina waan uga tanaasilay aniga oo dhawraya shaqada adag ee aan ummada u hayay.” Ayuu yidhi Xirsi waxana uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu sheegay in sifiha loo cuskaday xilka qaadistiisu ahayn mid waafaqsan nidaamka, Islamarkaana ay hore marar kala duwan u hadleen xubnaha oo dhami cid talaabo ka qaadayna aanay jirin. “Waxa ka mid ahayd maalintii aan Gaboose naqdiyayay Huteelka Imperial Guddi ii fasaxday ma jirin, Madaxweynuhuna Telefoon buu ii soo diray uu iigu mahadnaqayo, iyada oo rag kale oo Ismaaciil kaw ka yahay ay hadleen amar la’aan oo aan anigu ergadeedii galay, maanta in la igu dacweeyo wuu hadlay waa ayaan-darro. Hadii maanta la yidhaa ha hadlina berri maxaa ka dambeeya? in la yidhaahdo ha hadlin waxay ii geysanaysaa xanuun iyo hatigaad, aniga oo raggii ama dhalinyaradii u soo dagaalantay dalkan ee dhiigeeda u soo daadisay ah, in la I yidhaahdo ha hadlin way ii cuntami wayday, sidaa daraadeedna waan iska casilay xubinnimadii komishannimo, waxaanan rajaynayaa in Xisbigii aniga I soo doortay ay keeni doonaan xubin halkan buuxisa oo waliba iniga iga qiimo badan,”

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ku dooday in aan gudigani ahayn mid go’aan ka gaadhi kara hawlo culus. Islamarkaana uu arrintaa darteed isaga casilay “Sharcigu waa inuu Xisbigu xubin soo magacaabaa, ta aan leeyahay rejo kama qabo gudigana iyagana waan u sheegay idinkana waan idiin sheegay iyagana waan u sheegay inaanan rajo ka qabin inay doorasho qaban karaan iyo in aanay cadaalad u samayn karin, maadaama aan ka soo rejo beelay, shaqadana waan qaban karaa, laakiin go’aanku Guddida ayuu ka go’aa, Guddiduna gudi diyaar u ah go’aan aan raali gelin Madaxweynaha diyaar uma aha, waxaana cadaynaysa todobadii xubnood ee aan hore uga hadlay ee ay kansali kari waayeen, ee uu Telefoonka ugu soo diray Madaxweynuhu inaan la kansalin, ee labada boqol ee qofba la wada kansalo todobadaa qof dartood, waana go’aankii koobaad ee Guddida hor yimaada, kii labaad ee hor yimaadaana waxa uu noqday inay aniga go’aan iga gaadhaan, waxaanay ku dedaaleen inuu noqdo go’aan raali geliya Madaxweynaha. Sidaa darteed haday doorasho qabtaana dee ma kala go’aamin karaan, waana xaalad adag, xaaladaa adag intaanay aniga ila gaadhin waxaan ku talo galay inaan gaadhiga ka dego.”

Dhinaca kale, labada Xisbi ee Mucaaradka ah Kulmiye iyo Ucid oo aanu isku daynay inaanu wax ka ogaano dareenkooda ku wajahan arrintan ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiil ah bixiyaan.

“Annigii Maxkamadu lacagta ii xukuntay ayaa la I xidhay” Ganacsade

“Lacag uu qaatay oo aanu nagu lahayn ayuu nagu dacweeyay”

Maayarka Gabiley.

Hargeysa (Ogaal) - Dawlada Hoose ee degmada Gabiley ayaa shalay xabsiga u taxaabtay Ganacsade lagu magacaabo Mustafe Maxamed Xaaji Cabsiiye oo dawlada hoose u sheeganayay Dayn.

Mustafe Maxamed Waxa uu ku dooday inuu dawlada hoose ku leeyahay laba lacagayow oo ay kaga kala qaateen Shidaal iyo qalabka xafiisyada (Stationery), taasoo isu geynteedu ka badantahay Lixdan milyan oo Shilinka Somaliland ah “Maxkamada ayaan ka dacwooday, dabadeed lacatii aan ku lahaa dawlada Hoose ayaa la iigu soo xukumay oo waxay Maxkamadu soo saartay Go’aan fulineed, dabadeeto Baanka ayaa lagu amray in lacagtii Bil kasta la iiga jaro sanduuqa (Account) dawlada hoose, markaa lacagtii Steeshinariga oo 15- milyan ahayd ayaa soo horaysay oo waxa la iiga jaray Bishii ugu horaysay afar Milyan. Dabadeed maayarkii ayaa yidhi hala soo xidho, waa tuuge.” Sidaas waxa yidhi Mustafe Maxamed Cabsiiye.

Maayarka Degmada Gebilay Xuseen Jameeco oo aanu wax ka weydiinay arrintan ayaa sheegay in Ninkaas loo xidhay baabul khiyaamo, tuugo iyo inuu hore u qaatay lacagta uu ku doodayo, “Markhaatiyo ayaa jooga inuu lacagtan qaatay, waana cadaan oo wax mad-madow ahi kuma jirto. wuxuu ninkani uga bartay dawlada hoose lacago aan jirin, sababta aanu u xidhnay-na waxa weeye, Lacag uu qaatay ayuu hadana nagu dacweeyey oo uu yidhi Baankaa la iigu soo xukumay, markaa, arrinta Maxkamada ayaanu ku cadaynaynaa.” Sidaas waxa yidhi Maayarka Gabilay waxa uu sheegay oo kale in lacagtan uu sheegtay ninkaasi uu ku lahaa maamulkii ka horeeyay isaga, Islamarkaana ay bixiyeen ka dib markii arrintaa ergooyin badan dhex galeen. Hase ahaatee uu mar kale soo laba kacleeyay ninkan ganacsadaha ahi. Maayarka oo aanu waydiinay sababta ay Maxkamada u xukuntay uga dacwiyi waayeen, waxa uu sheegay inaan Maxkamadu u yeedhin.

Madaxweyne Rayaale oo Magacaabay Gudoomiyayaasha qaar ka mid ah Gobolada Cusub

Hargeysa (Ogaal) - Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay Gobolada Oodweyne iyo Buuhoodle u Magacaabay Gudoomiyayaal iyo Gudoomiye ku xigeeno.

Wareegtada lagu magacaabay Gudoomiyeyaasha iyo Gudoomiye ku xegeenada Labadaa Gobol waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland shalay. Warsaxaafadeedkaasi waxa uu u dhignaa sidan.

‘’Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu Maanta (Shalay) Wareegtooyin uu soo saaray ku Magacaabay Gudoomiyayaal iyo Gudoomiye ku xigeeno Gobollada Buuhoodle iyo Oodweyne.

Madaxweynuhu , isaga oo tix gelinaya qodobka 90-aad ee dastuurka JSL iyo qodobka 110-aad, isla markaana xeerinaya baahida loo qabo in Gudoomiyayaal iyo Gudoomiye ku xigeeno loo sameeyo Maamulada Gobolladaasi iyo muhiimada weyn ee loo qabo buuxinta hawsha jagooyinkaasi , waxa uu u magacaabay Magacyada hoos ku qoran.

Ismaaciil Maxamed Jaamac waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle

Xasan Cali Jaamac waxa loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Buuhoodle

Maxamed Cabdi Liibaan , waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne

Daahir Aadan Baxnaan Deeqsi , waxa loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka gobolka Oodweyne.

Sidaa daraadeed, iyada oo la tix gelinayo kartida , Aqoonta iyo hufnaanta shaqo ee ay leeyihiin shakhsiyaadkaa la magacaabay , waxa uu Madaxweynuhu faray in laga bilaabo Maanta (Shalay) ay la wareegaan xilka Jagooyinka loo magacaabay”

“Cid-na looma diidin hadalka Xafladii Gobolka Salal”

Udub Boorama

Boorama (Ogaal) – Hogaanka Xisbiga Udub ee Gobolka Awdal ayaa jawaab ka bixiyay eedayn Xisbiga Kulmiye ugu jeediyay xukuumada nidaamka loo maamulay Xaflad loo sameeyay Gobol-nimada Salal oo ay sheegeen in laga hor joogsaday inay ka hadlaan.

Xoghaya xisbiga Udub ee Awdal Axmed Muumin Seed Iyo Cabdi Suldaan Kadiye (Cabdi-gaab) oo ka tirsan madaxda Udub ee Gobolkaasi ayaa sida uu ku soo waramay Wariye Jirde waxa ay sheegeen In Xisbiga Kulmiye uu xafladaa ugu hadlay xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida oo ay wakeesheen, Islamarkaana waxa ay waxba kama jiraan ku tilmaameen cabasho ka soo yeedhay Gudoomiye ku xigeenka afraad ee Kulmiye oo uu ku sheegay in loo diiday, inuu ka hadlo oo bulshada Gobolka Salal gaadhsiiyo fariintooda iyo inay farxada la wadaagayaan. “Sayliciyow adiga iyo xisbiga Kulmiye ee mar walba xajiinta ku sameeya waxa fiican ee bulsho qabsato.

marka dawladu khayr samayso hadaad tidhaahdaan waa shar, halkee la iskaga Iman.

Mucaaridku waa Muraayad la iska daawado oo tilmaama meesha liidata Kulmiye wax walba waxa uu u isticmaalaa Beelo cabasho cay dhib iyo kadeed taasina maaha siyaasad,” weedhahaas ayaa ka mid ahaa jawaabta uu xoghayaha Udub ee Gobolkaasi u jeediyay Gudoomiye ku xigeenka Kulmiye.

Madaxweyne Rayaale, Robert Mugabe iyo Kibaki-ga Kenya halkee ayay iska meteli karaan?

Barkhad M. Kaariye

Garsoorku, ha ahaado qof laba qof kala garsooraya, mid Qoomiyad ama Qaran kala garsooraya iyo cid kasta oo cid kale kala garsooraysaba, waxa loo baahan yahay inay bah-wadaag ama ehel ahaadaan Xorriyad uu u gacan bannaan yahay shaqadiisa, dhex-dhexaadnimo, caddaalad iyo waliba Masuuliyad gaar ah. Marka intaa laga helo ayaa la odhan karaa waxa uu yahay Garsoor lagu kalsoonaan karo maxsuulka shaqada uu qabto. Hase ahaate, haddii intaas mid ka mid ah la waayo, oo ay ugu horayso Xoriyadda iyo caddaaladdu, waxa uu ku sifoobaa mid go’aanada uu soo saaraa ay cid gaar ah u danaynayaan, ama dhinac ka raran.Taasina waxa keentaa inay isku dhacaan, labadii qof ee uu gar naqayay amaba qarankii uu garsooraha u ahaa.

Komishanka amaba Guddiga Doorashooyinku, waa garsooraha u sareeya dhinaca Siyaasadda, isla markaana u dhaxeeya Umad dhan ama dal dhan. Waa mid haddii aanu helin qodob ka mid ah qoddobada aynu soo xusnay, ay adag tahay inuu si wacan u guto shaqadiisa, loona baahan yahay inuu si hagarla’aan ah u helo qoddobadaas. Balse, haddii laga waayo, waxa dhacda wax aan loo fadhiyin, waxaanay keentaa in wax waliba isu rogaan dhinaca maqluubka ah amaba si aan ahayn sidii loo filayn inay wax u dhacaan.

Komishanka Doorashooyinka dalka Kenya, ayaa ah tusaalaha ugu wacan ee loo soo qaadan karo natiijada ka soo baxda go’aanada qaldan ee ay soo saaraan Komishanka aan u madax bannaanayn xoriyaddooda shaqo ama aan ku dhaqmin caddaalad iyo dhexdhexaadnimo. Waxa uu si shaki ku jiro ugu dhawaaqay Natiijadii Doorashooyinka ee dalkaa ka qabsantay 27-kii bishii December ee 2007, Guddoomiyaha Komishanka dalka Kenya, oo sheegay inuu Doorashada ku guulaystay Madaxweynaha loo aaneeyo inuu lugta ugu wayn ku lahaa sababta dhimashada dadka tirada beelay ee M/weyne Kibaki Taas oo siday sheegeen dadka aadka ugu dhuun daloolay arrintaasi, aan ahayn mid sax ah, balse ay doorashadaa ku guulaysteen Mucaaradku. Mucaaradka dalkaas ayaa iyana talllaabo ka qaaday arintaas, iyaga oo ku baaqay Bannaan-bax Qaran.

In ka badan 2,000 oo qof ayaa u dhintay Natiijadaa la rumaysan yahay inay ahayd mid sax ahayn. Natiijadaasi inay qaldanayd waxay caddaatay, ka dib markii Guddoomiyihii Komishanka Doorashoyinku uu ku dhawaaqay inaanu garanayninba cidda ku guulaysatay Doorashadaas “Ma sheegi karo oo ma garan karo cidda ku guulaysata, waayo aniga ku dhawaaq ayuun baa laygu yidhi” Weedhahaasi waxay ahaayeen kuwo uu Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Kenya isku dayay inuu isaga leexiyo eedda dhimashada iyo qaskii ka bilaabmay dalkaas, oo dad badani aaminsa yihiin inuu sabab u ahaa. Madaxweyne Mwai Kibaki, ayaa la sheegay inuu ahaa sababta ugu wayn ee qaskan, ka dib markii uu farogelin ku sameeyay hawshii Komishanka Doorashooyinka, oo uu ku qasbay inay ku dhawaaqaan natiijo qaldan. Arrintani waxay soo baxday markii uu si degdeg ah isugu yeedhay Hoggaanka iyo Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida dalkiisa, oo uu u sheegay danta uu ugu yeedhay dan aan ahayn. Balse markii ay yimaadeen guriga Madaxtooyada, waxay ku baraarugeen Madaxweyne Kibaki oo loo dhaarinayo Madaxweynenimo.

Tusaale kale oo marag u ah natiijo-xumada Komishanka farogelinta lagu sameeyo ee aan madaxa bannaanayn, ayaa ah dalka Zimbabwe oo Madaxweyne Robert Mugabe faro-gelin taa la mid ah ku hayo Komishanka, isla markaana ay taasi keentay muran xooggan oo aan ilaa hadda lagu kala bixin.

Somaliland waxa la dhawrayaa, tirada yar ee ka hadhsan maal-maha hoos loo tiriyay ee inaga xiga 15-ka bishan May. Waxa socda eedaymaha dhinacba-dhinaca kale u jeedinayo iyo han-jabaadaha aan waxba la isu reebin ee ka dhex socda inta u safan dhinacyada siyaasadeed.

Inkasta oo ay Xukuumadda iyo Madaxweynaha ku celceliyeen in Doorashadu qabsoomayso, isla markaana sharci ahaan ay Guddiga Doorashooyinku u madax banaan yihiin shaqadooda, haddana, siday sheegeen Masuuliyiin ka mid ah Komishanka Doorashooyinka Somaliland, Guddiga Doorashooyinka, ayaa u muuqda mid aan ka madax-bannaanayn farogelinta aynu soo sheegnay gebogebadeeda. Isla markaana ay taas markhaati uga dhigteen iyo caddayn in tallaabo kasta oo Komishanku qaadayo ay tahay mid uu Xisbiga talada dalka haya ee UDUB ogyahay. “Waa mid aan hore u sugayay inaanay Komishanku xor u ahayn oo ay Xukuumaddu maamusho…Taa waxa caddaynaya shalay (Dorraad) waxa ii yimi rag UDUB ka tirsan oo ii sheegay in layga qaadi doono xilka guddoomiye-ku-xigeenimo” Sidaa waxa shalay ku tiraabay Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka, oo shalay Xilkii guddoomiye-ku-xigeenimo ay ka qaadeen Xubnaha kale ee Komishanku. Kaas oo isna isla shalay xubinamadii Guddiga iska casilay. Waxaanu ku kabay hadalkiisaa, “Waxaan u arkay inaanay Komishankani u madax-bannaanayn xilka.”

Haddaba, haddiiba ay jirto farogelin lagu hayo waqti-xaadirkan Komishanka, iyada oo ay Xisbiyada Mucaaradka ahina ballan qaadeen in wixii ka dambeeya 15-ka May aanay u aqoonsan doonin Madaxweyne Rayaale Madaxweynaha Somaliland, isweydiinaha meesha yaala ayaa waxa ka mid ah, SIDEE LOOGA BADBAADI KARAA WAXYAABIHII KA DHACAY KENYA AMA HADDA AY IFAFAALAHOODU KA SOO IFAYAAN ZIMBABWE?

Midda kale, haddiiba Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisu farogelintaa waddo, iyada oo waqtigoodu dhamaaday, loona kordhiyay muddo-kordhin aan sharciyaddeeda laysku waafaqsanayn, isla markaana aanay jirin xal ama tallaabo kale oo lagu xallinayo muranka siyaasadeed ee xitaa kala dhex galay Garsoorkii loo baahnaa inuu wax dhexdhexaadiyo ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, miyaanay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Mwai Kibaki (M/weynaha Kenya) oo si uu Kursiga u sii fadhiyo oo uu u ilaashado, u qaaday tallaabo galaafatay nolosha in ka badan 2,000 (2-KUN) oo qof iyo Madaxweynaha da’diisu gabaabsiga tahay ee Zimbabwe ee Robert Mugabe ee isaguna u xusul-duuban qaadista tallaabo kasta oo uu ku sugayo hanashada Kursigiisa, aan la odhan karin waxay iska metalaan cimri-dhererka Siyaasadeed ee ay diyaarka u yihiin saddexda Hoggaamiye?

Su’aashaas ayay dad badan oo bulshada ka mid ahi jawaabteeda u arkaan HAA. Balse shacbiga, xaaladda wadanka ee mugdiga ku sii jeedda ay ka mashquuliyeen abaaraha iyio Sicir-bararka is barkaday oo ku khasbay inay fooraraan oo aanay xataa ka war helin dareenada cakiran ee ka socda hareerahooda iyo dhawaaqyada la isu marinayo Warbaahinta, ayaa waxa uu qof waliba ka dheregsan yahay in aanay marnaba diyaar u ahayn khilaaf uu sabab u noqdo Siyaasi Muxaafad iyo Mucaarad ka uu doonaba ha ahaadee, aan ka war haynin dhibta ay ku sugan yihiin.

Somalia: Dagaallo laba ujeedo salka ku haya oo dad ku dhinteen

Muqdisho (Ogaal/AP)- Dagaallo ka kala dhashay ujeedooyin kala duwan, ayaa galaaftay nolosha ilaa 15 qof, oo saddex ka mid ahi Ciidamada Itoobiya yihiin, isla markaana sababay dhaawaca 15 qof oo kale, meelo kala duwan oo Somalia ah.

Saddexda Askari ee Itoobiyaanka ah, ayaa dhintay ka dib markii ay Kooxaha dagaalka kula jira Maamulka Cabdilaahi Yuusuf iyo Ciidamo Itoobiyaan ahi uu dagaal ku dhex maray Magaalada dhiig-daadashadu joogtada ka tahay ee Muqdisho.

Siday qortay Wakaaladda Wararka ee AP, Maxamed Tashow oo ka mid ahaa dadkii goob-joogayaasha ahaa, ayaa sheegay in labada dhinac ay isweydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, ka dib markii la weeraray Booyad kuwa Biyaha ah oo ay leeyihiin Ciidamada Itoobiyaanku.

Dhinaca kale, isku-dhac beeleed oo ka dhashay muran dhul oo ka dhacay Magaalada Luq ee gobolka Gedo ee isla Somalia, ayaa la sheegay inay ku dhinteen 12 qof oo kale, isla markaana ay ku dhaawacmeen 15 kale. Siday sheegeen dad ka mid ah dadyowga deegaankaasi, dilka ayaa waxa uu dhacay ka dib markii uu qarxay dagaalkaasi habeenimadii sabtida. Dadkaas dhaawacmay, ayaa lagu dawaynayay Geedaha hoostooda, sababtoo ah aagga dagaalku ka dhacay oo aanay jirin Cusbatallo dadka ladu daweeyaa, sida la sheegay.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkani uu salka ku hayay muran dhul . “Isku dhacani wuxuu salka ku hayay dhul laysku maan-dhaafsan yahay, hase ahaatee colaadda oo isa soo tartay ayaa keentay inuu dagaalku qarxo.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Gedo.

Source: Xarunta wargeyska Ogaal, Hargeysa.


TOP

31 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008