Xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo Xilkii Gudoomiye Ku-Xigeenimo Ka Qaaday Gudoomiye Ku Xigeenkii Guddigaa Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Somaliland.Org (Hargeysa) Afar xubnood oo ka mid ah xubnaha komishanka doorashooyinka ayaa xilkii gudoomiye ku xigeenimo ka qaaday gudoomiye ku xigeenkii guddiga doorashooyinka Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan, isla markaana siiyay digniin kama dambays ah, ka dib markii uu jawaab ka bixiyay gudoomiye ku xigeenku Xirsi Cali Xaaji Xasan hadal dhowaan ka soo yeedhay Daahir Riyaale oo digniin iyo hanjabaad u jeediyay xubnaha guddiga doorashooyinka qaranka.
Waxaanay xubnaha guddiga doorashooyinka qaranku tallaabadan xil ka qaadista ah ku dhaqaaqeen kadib markii gudoomiye ku xigeenku uu dhowaan shirjaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in Riyaale uu la siman yahay labada gudoomiye ee labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID, Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, marka loo eegayo tartanka axsaabta ka dhexeeya, isla markaana laga daayo komishanka faro gelinta kaga imaanaya dinaca xukuumadda.
Waxaana xubnahan afarta ahi xilka qaadista guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Xirsi Cali Xaaji Xasan, ay ku sheegeen war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Komiishanka doorashooyinka Maxamed Ismaaciil Maxamed “Kaba-weyne”. Xubnahan ka tirsan guddida doorashooyinku, kumay sheegin warsaxaafadeedkooda cidda ay u dhiibi doonaan jagadaas.
War-saxaafadeedkaas oo dhamays tirana wuxuu u qornaa sidan:
“Shir ay isugu yimaadeen xubnaha gudida komiishanka qaranku maalintii sabtidii ay ee ay taariikhdu ahayd 3/5/2008Shirkaasi oo ku qabsoomay xarunta komiishanka Qaranka ee Hargeysa waxa gudoominayey Gudoomiyaha Komiishanka,”sida waxa lagu sheegay Warsaxafadeedka.
Waxaana lagu gorfeeyey aadna looga dooday arrimo ku saabsan Gudoomiye Kuxigeenka gudida doorashooyinka qaranka Md. Xirsi waxa lagu eedeeyey inuu ku kacay falal gef ku ah wadashaqeynta ka dhaxeysa komiishanka doorashooyinka qaranka, isaga oo sameeyey tallo goosi u gaar ah oo aanay gudida intooda kale ku waaqafsanayn, marar horena looga digay, sida awgeed waxay gudidu go’aamiyeen sidan hoos ku qoran:-
1. In laga qaado xilkii gudoomiye kuxigeenka komiishanka doorashooyinka qaranka laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 4/5/2008
2. In digniin kamadanbeys ah loo jeediyo Md. Xirsi, kaas oo ah inaanu mar kale ku kicin gefaf noocaas oo kale oo ka dhan ah xeer-hoosaadka gudida doorashooyinka.
Waxaanu halkan ugu sheegaynaa ummada Somaliland in markasta inay naga go’an tahay gudi ahaan inaanu u gudano xilka nalagu aaminay, oo aanu dhameystirno si waafaqsan xeerka iyto shuruucda loo dhigay diwaan-gelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka iyo xeer-hoosaadkaba.
Waxa kale oo aanu u sheegaynaa ummada in meel hawli ka socoto aan khaladaad laga waayeen, waxaase muhiim ah in si wadajir ah markasta loo saxo oo la toosiyo wixii khaldamay si loo gaadho himilooyinka uu qaranku hiigsanayo.
Waxa markasta waajib ah in xubinkasta oo ka mid ah gudida doorashooyinka qaranku inuu ku dhaqmo xeer-hoosaadkooda si looga badbaado in lagu dhex-milmo hawlaha Siyaasadeed ee dalka, lana ilaaliyo dhexdhexaadnimada iyo dhowr sanaanta gudidada doorashooyinka”
Liibaan M.Shire Hargeysa Somaliland.Org


Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Maxamud Caydiid Lafcanbe
Axmed Xaaji Yuusuf Ducaale
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
A. M. Yusuf
Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Maxamed Cali
Mahdi Farah Aden (Mahdi Ghandi )
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
Maxamed Jaamac Maxamed
Farah Ali Jama,
Guddiga Jaaliyadda Somaliland
Daha Farah
Shueib A. Gaboose
Cabdilllaahi Axmed Caarshe
Yussuf hassan Umal (Yucuboole)
MORE OPINIONS ›