Riyaale Ma Ku Guuleysan Doona Siqiirinta Mucaaradka?
Riyaale Ma Ku Guuleysan Doona Siqiirinta Mucaaradka?
iyadoo muddooyinkii danbe ay Somaliland ka taagnad muran ku saabsan xaga doorashooyinka iyo sidii ay u dhici lahayeen oo run ahaanti dadka badankiisu arkayeen inaan dawlada Somaliland diyaar u ahayn hawshaas, ayaa Khudbadii Madaxweyne Riyaale waxay dah furtay xaqiiqda dhabta ah iyo agendaha dawlada, taas oo imminka isugu biya shubatay IS-TIJAABIN iyo bal in waxooga laga nasto qodob hebel wuxu dhigayaa sidaa, laguna eego is-muquunin iyo xaga milateriga siduu madaxweynuhu u dhigay oo ah in la SIQIIRIN doona ciddii ka hor timmaada amarka dawlada. Arrinkaas oo ah mid misaankiisa leh, ayaa waxaa madaxweynaha iyo UDUB xaal koodu noqday laba daran mid dooro, sababto ah haddi laga helo doorashada waxaa adkaan toonta si-jiri taanka ururkaas, waayo kuma laha taageero bulsho weynta reer Somaliland gudo iyo debed-toona, halka xisbiyada kale ay si-jiri karaan iyagoo ku tiirsan dadka reer Somaliland meel ay joogaanba. Markaa in doorasho xalaal ahi dhacdo waxay ka door-bidayaan dagaal iyo qalalaase u noqota cimri dherer, waxaana cadayn u ah.
1. Isagoo Riyaale khudbadiisa ku sheegay inaanu ogolayn wax la yidhahdo dhexdhexaadin si loo helo isfahan, lana SiQIIRIN doono ciddii dhaqdhaqaaqda, balse sheegay in doorasho dhici doonto, welibana aduunyadu inagu eegi doonto, taas oo ah mid xaqiida ka fog markaad u fiirsato wacyiga meesha yaal iyo wakhtiga la haysto, oo uu sheegay in lagu qaban doono mudo ka yar sanad wixii lagu qaban waayey lix sanadood, arrinkaas oo u ekanaaya kii uu dhowaan Abdillahi Yussuf ka sheegay NEWYORK ee ahaa waxaanu qaban doonaa doorashooyin sanadka danbe.
2. Isagoo si kalsooni ka muuqato ugu hanjebey in dawlada u ka dhammaaday dulqaadkii ku aadana shiqsiyaad uu ku sheegay fidmo-wadayaal.
3. Isagoo gudiga doorashooyinka ku sheegay inaanay aqoon u lahayn sharciga, taasina mujinayso inaanu ku qabin wax kalsooni ah, diyaar aanu u ahayn la shaqayntooda, inkastoo ay shalay ahayd kulmiyaa loo xidhan yahay.
4. Iyagoo waa dawladee si cadaan ah u diidey talooyinkii deeq bixiyayaasha, sheegayna been aad u weyn oo ahayd anagaa bixin jirney qarashka doorashooyinka 75%.
5. Iyadoo uu madaxweynuhu ku mintidaayo kursiga oo aanu ka hadal danta dadka iyo ta dalka toona ee xaalkiisu noqday kursiga ugu sareeya la doonayaa iyo sidaasa lagu yimaada, taas oo aan isaga looga bahnayn inu cid u turjumo sida kursiga lagu gaadho, balse ay u joogaan golaha sharci dejinta iyo gudiga doorashooyinku.
6. Iyadoo dawladu bilawday diyaar garaw ciidan oo aan la aqoon meel uu ku jahaysan yahay, balse u eg fule qoryo badannaa.
Dhinaca kale waxaad moodo in maamulka ay ka muuqato dhaqankii Budhcad badeeda, ee ahaa haddi aan intaa nalasiin waxaanu dilayna dadka DOONTA ama MARKABKA saaran, oo waxay afduub ku haystaan Somaliland iyo nabada ka jirta oo aan iyaga qiimo weyn ku fadhiyin, una barteen in looga tago ayaa tani waxay maanta la mid tahay doorashadii, waxaanay meesha ka saaraysa labada qolo mid uun, ka dib markii ay dawladu u arragtay in la gaadhey wakhtigii actionka. Bal markaa aan eegno waxay ku danbayso .
Yussuf hassan Umal (Yucuboole)
bolton


Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Maxamud Caydiid Lafcanbe
Axmed Xaaji Yuusuf Ducaale
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
A. M. Yusuf
Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Maxamed Cali
Mahdi Farah Aden (Mahdi Ghandi )
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
Maxamed Jaamac Maxamed
Farah Ali Jama,
Guddiga Jaaliyadda Somaliland
Daha Farah
Shueib A. Gaboose
Cabdilllaahi Axmed Caarshe
Yussuf hassan Umal (Yucuboole)
MORE OPINIONS ›