Gudoomiye Ku-Xigeenka Guddiga Doorashooyinka Xirsi Cali Oo Iska Casilay Xubinimadii Guddiga Doorashooyinka
![]() |
| Xirsi Cali X. Xasan, National Election Commission |
Somaliland.Org (Hargeysa) Gudoomiye Ku Xigeenkii Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Xirsi Cali X. Xasan ayaa iska casilay gebi ahaanba xubin-nimadii Guddiga Doorashooyinka Qaranka,isla markaana ku eedeeyey xubnaha guddiga doorashooyinka inay yihiin kuwo u adeegaya M. Rayaale oo aan dhex u ahayn axsaabta qaranka.
Waxaanay is-casilaada Gudoomiye Ku Xigeenka guddiga doorashooyinku Xirsi Cali ka dambeysay ka dib markii ay afar xubnood oo ka mid ah Komishanka Doorashooyinku ka qaadeen xilkii Gudoomiye Ku Xigeennimo ee guddiga doorashooyinka Qaranka,kuwaas oo ku eedeeyey Mr. Xirsi in uu ku milmay siyaasadda dalka.
Mr. Xirsi Cali X. Xasan wuxuu is-casilaada xubinimada guddiga doorashooyinka kaga dhawaaqay Shir-Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa,kaas oo xubnaha guddiga doorashooyinka si adag ugu dhaliilay inay garsoorayaal u yihiin xukuumada, oo aanay dhex u ahayn xisbiyada qaranka, kana garsoori Karin Doorashooyinka, isagoo xukuumada ku eedeeyey in ay farogelin ku hayso Guddida Doorashooyinka.
Gudoomiye ku Xigeenku waxa uu sheegay xubnaha komishanku xaq u leeyihiin in ay xilka ka qaadaan, hase yeeshee ay xilka qaadistiisa u cuskadeen in uu wax ka sheegay Madaxweyne Rayaale, taasoo uu xusay in ay ka baxsan tahay xorriyada iyo madax-bannaanida uu dastuurku u damaanad qaaday Guddida Doorashooyinka, isla markaana muujinaysa in ay u adeegayaan xisbi gaar ah.
Gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Xirsi Cali oo ah xubintii xisbiga KULMIYE u soo magacaabay guddiga doorashooyinku, wuxuu walaac ka muujiyey inay dalka ka qabsoomaan Doorashooyin, isagoo sheegay inuu aad baan uga werwersan yahay inay Doorasho dhacdo iyo inay guddida uu ka baxay ee doorashooyinku qaban karaan doorasho iyo inay caddaalad samayn karaan, waxaanu kula taliyay xubnaha guddiga doorashooyinka in aanay lug-goyn ummadda oo ay si deg-deg ah u baneeyaan meesha isuna casilaan.
Sida laga war-qabo Arbacadii toddobaadkii la soo dhaafay ayuu Xirsi Cali X. Xasan, war-saxaafadeed uu ku soo saaray magaca Komishanka, uu ku daahfuray faragelinta iyo carqaladayn kaga imanaysa M. Daahir Riyaale Kaahin ku hayo hawsha ay qaranka u hayaan komishanku, sidaa darteed-na aanay suurto-gal ahayn in ay masuuliyadii loo igmaday sidaa ku gutaan. Waxana uu qoraalkiisa ku sheegay in arrimaha khuseeya doorashooyinka uu Riyaale ula siman yahay Gudoomiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka.
Xubnaha Komishanka Doorashooyinka ayaa hore shaqadii uga fadhiisiyey xubintii xisbiga UCID u metelaysay Guddiga, ka dib markii ay ku eedeeyey in uu xad-gudbay xeer hoosaadka komishanka.
Xubnaha isugu hadhay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa imika noqonaya laba xubnood oo ay soo magacaabeen Golaha Guurtidu iyo saddex xubnood oo uu soo magacaabay Daahir Riyaale, taasoo ka dhigaysa xubnaha 5 ah ee isugu hadhay Komishanka kuwo ay soo magacaabeen xisbiga UDUB, labada xisbi mucaaradna aanay wakhtigan ku yeelan dooni wax xubo ah oo dhinacooda ka socda.
Liibaan M. Shire
Hargeysa
Somaliland.Org



Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Maxamud Caydiid Lafcanbe
Axmed Xaaji Yuusuf Ducaale
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
A. M. Yusuf
Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Maxamed Cali
Mahdi Farah Aden (Mahdi Ghandi )
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
Maxamed Jaamac Maxamed
Farah Ali Jama,
Guddiga Jaaliyadda Somaliland
Daha Farah
Shueib A. Gaboose
Cabdilllaahi Axmed Caarshe
MORE OPINIONS ›